Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland armed forces in eastern sool clashes with the rebels in gambadhe.

Recommended Posts

Maxaabiis iyo Saanad dagaal oo laga qabtay Ciidanka Puntland iyo Maamulka Puntland oo ka hadlay

 

Monday, 30 May 2011

Lascaanood(Togdhnews)-Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii galinkii dambe ee maanta dhexmaray

 

ciidanka qaranka Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool iyo ciidanka maamulka Puntland,kaasoo ka dhacay degaamada Cadaada oo u dhaxeeya Gambadha iyo Higlada,iyo Waageere oo u dhow Tukaraq,

 

ayaa sida Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka oo ku sugan Jiida hore u sheegay TogdheerNews,waxa ciidanka qaranku ku qabtay dagaalkaasi shan maxbuus oo ka tirsan ciidanka Puntland iyo saanad ciidan, islamrkaana waxa uu sheegay in ciidanka qaranka ay kaga dhaawacmeen afar askari,kuwaasoo uu xusay in dhaawacoodu yahay mid fudud.

 

Waxa sarkaalkani intaasi ku daray in dagaalkii istaagay caawa,labadii ciidana ay isku horfadhiyaan goobtii dagaalku ka dhacay,isagoo tilmaamay in ciidanka Puntland ay weerarka ku soo qaadeen ciidanka qaranka balse ay ku dhufteen dhirbaaxo adag,oo cashar u noqon karta.

Sida ay wararka ka imanayaa degaanka Tukaraq ay sheegayaan,ayaa ciidanka Puntland waxa ka dhaawacmay ilaa tobon askari ,oo dhaawacooda la mariyay halkaasi ,iyagoo loo siisido cisbitaalka magaalada Garoowe.

Ma jirto ,ilaa hada wax dhimasho ah, oo ay sheegteen labada dhinac ee dagaalku ku dhexmaray degaankaasi,haseyeeshee waxa wararku tibaaxayaan in gurmado ciidan ay ku qulqulayaan labada dhinac,islamrkaana laga cabsi qabo in subaxnimada beri mar kale dagaal halkaasi ka qarxo.

 

Geesta kale,Wasiirka Warfaafinta Puntland,Axmed Cali Askar,ayaa shir jaraajid oo uu ku qabtay magaalada Garoowe,ku eedeeyay xukuumada Somaliland in ay weerar ku soo qaaday ciidankeeda,islamarkaana ay ka dhaawacmeen Sadex askari.

 

Xukuumada Somaliland ayaa ilaa hada ka hadlin dagaalka dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo Puntland.

 

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay gobolka Sool ku sugan yihiin wafti ka socda xukuumada Somaliland ,oo uu horkacayo wasiirka warfaafinta ee Somaliland Md.Xaabsade,sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbadiisii 18-Mey,ku cadeeyay in xukuumada Somaliland soo dhawaynayso xidhiidh wanaagsan oo ay la yeeshaan maamulka Puntland, balse lama taabtaan ay yihiin xuduudaha Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naxar Nugaaleed;724830 wrote:
Eastern ama Bari is Somalilanderish Dhulboob. Eastern Sool, Eastern Sanaag, they even invented no clans M.bari. Isku xeeshooda its 2011

is tukaraq located in western sool ma la aniga walaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaladda Deegaanka Tukaraq oo saaka dagan

 

Xaalada deegaanka Tukaraq oo uu shalay iska horimaad socday muddo saacado ah uu ku dhexmaray ciidamo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee garoomada Puntland,ciidamada dowladda Puntland iyo maamulka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay saaka tahay mid dagan.

 

Wariye madaxbanaan oo ku sugan deegaanka Tukaraq oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay inay xaaladda deegaanka Tukaraq ay tahay mid dagan,inkasta uu sheegay in dhincayada dagaalamay ay isku horfadhiyaan goobtii uu ka dhacay dagaalkii shalay oo lagu magacaabo Higalada.

 

Wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar oo saxaafadda kula hadlayay galinkii dambe ee shalay magaalada Garoowe ayaa sheegay in markasta la filan karo dagaal dib uga qarxa nawaaxiga deegaanka Tukaraq.

 

Dagaalkii shalay ka dhacay nawaaxiga deegaanka Tukaraq ayaa yimid kadib iska horimaad dhexmaray ciidamo ka soo jeeda gobolka Sool oo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee garoomada Puntland iyo maamulka Somaliland taasi oo keentay in ciidamada Puntland ay dagaalkaasi ay si toos ah uga qaybqaataan

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Cajiib XX, ma xuduudii Buuhoolde laga xiri waayey baa Tukaraq laga raadiyey, XX, bal iswaydii wiilka galbeed iyo shishadii ka yimi muxuu ugu dhimanayaa Tukaraq ama LA hadaysan gardaro ahayn, wax kale oo la idin oran karo ma jirtee Ilaahay Cudurka ha idinka qaado, laakiin for sure you cannot stay in Sool forever. Sow kama fiicna lacagta iyo kharashka aad ku laynaysaan dadka inaad hargaisa qashinka kaga gurtaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

wise advice! laakin somali waxay ku maahmaahda hadal haan madhan ma buuxsho! there is no point advising them, we just need to get to action and they will eventually go back to where they belong!...

Share this post


Link to post
Share on other sites

bilan;725036 wrote:
Cajiib XX, ma xuduudii Buuhoolde laga xiri waayey baa Tukaraq laga raadiyey, XX, bal iswaydii wiilka galbeed iyo shishadii ka yimi muxuu ugu dhimanayaa Tukaraq ama LA hadaysan gardaro ahayn, wax kale oo la idin oran karo ma jirtee Ilaahay Cudurka ha idinka qaado, laakiin for sure you cannot stay in Sool forever. Sow kama fiicna lacagta iyo kharashka aad ku laynaysaan dadka inaad hargaisa qashinka kaga gurtaan.

Xuduuda Somaliland ay la leedahay Somalia wa muhim ina la so xidho Ciidamada Somaliland awdal maroodijeex saaxil togdheer sanaag sool wa ka so jeedaan askarta qaranka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^ lol saad xuduud huha ah aaad alifateen ka hadlasaan yaa ni dhaha sadexdiina magalood aad ku waayin! wax korarso wax laaan in laga qaadi karo ma maqashay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aaliyyah;725046 wrote:
^ lol saad xuduud huha ah aaad alifateen ka hadlasaan yaa ni dhaha sadexdiina magalood aad ku waayin! wax korarso wax laaan in laga qaadi karo ma maqashay
:D

Xuduud hu haa i like that , :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

XX, ilowshiiya dhowidaa, do you remember what happened the last time you tried to close the imaginary border that only exist in your imagination??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Xuduud hu haa i like that ,

lol XX I guess whenever u dont have an answer to an statement u resort to your last option which is being silly. :D

 

XX, ilowshiiya dhowidaa, do you remember what happened the last time you tried to close the imaginary border that only exist in your imagination??

They actually killed people in laascaanod as a revenge of the ppl they lost in kalshale ..if they cant take the heat, why are the encouraging this war and rather take their militia back to their cities..waa yaab..intii dad la daandaansado in hadhowna lo ooyo dadki ka dhintay? markii horeba may inadeeradood ama wilashooda magaloyinkooda ku ekeeeyaan! wa suaal aan jawaab wali u hayn

Share this post


Link to post
Share on other sites

bilan;725052 wrote:
XX, ilowshiiya dhowidaa, do you remember what happened the last time you tried to close the imaginary border that only exist in your imagination??

What happened u tell me Bilan adeer wala so sugaya xuduuda qaranka don't worry

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this