Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland armed forces in eastern sool clashes with the rebels in gambadhe.

Recommended Posts

Dagaal culus o ka socda duleedka Tuulada Tukaraq.

Monday, 30 May 2011

Lascaanood(Togdhnews)- Dagaalo culus oo u dhexeeya Ciidanka qaranka Somaliland ee jiida hore Laascaanood iyo maleeshiyada Puntland ayaa goor dhoweyd ka bilaabmay

 

 

degaanka waageere,oo ku yaal duleedka Tukaraq.

 

 

Sida ay Shabakada TogdheerNews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jiida hore ,Dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii duhurnimadii maanta ay weerar ku soo qaadeen ciidamada qaranka ee fadhigoodu yahay Tuulada Cadaada ee u dhaxeysa Gambadha iyo Higlada,halkaasoo ciidanka qaranku ku jabiyay maleeshiyadaa weerarka soo qaaday kuna gaadhsiiyay firxadkoodii meesha loo yaqaa weegaare,ee ah duleedka Tukaraq. Ka dibna ciidan gurmad oo ka yimi dhinaca garoowe iyo ciidankii qaranka ayaa mar kale fooda isku daray dagaal culus,oo ilaa hada socda layskuna adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka.

 

Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay Laascaanood ,oo ay waheliyaan gaadiidka dagaalku ayaa iyaguna gaadhay goobtaas dagaalku ka socdo,oo hada ku biiray dagaalkaasi.

 

Ilaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo , lamina oga khasaare dagaalkaasi gaystay ,inkastoo qaar ka mida masuuliyinta ciidanka qaranka ee jiidaasi ay Togdheernews u sheegeen in ay qabteen maxaabiis, kuwaasoo ay sheegeen inay ku qabteen dagaalkii ka dhacay duhurkii Tuulada Cadaada.

 

Wixii faahfaahin ee ka soo kordha dagaalkan kala Soco TogdheerNews,oo si Weyn oo ila socda Dgaalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Ka Qarxay Deegaanka Gambadhe Iyo Tukaraq-

 

 

Lasanod Online. Monday, May 30, 2011

 

 

Laascaanood,(lasanod Online)- Dagaal u dhaxeeya maleeshiyada Somaliland iyo Ciidamada SSC ayaa maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Gambadhe iyo Tukaraq.

 

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay saaka kasoo ruqaansadeen degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. iyagoo soo dhaafay Gambadhe oo dul yimid magaalada Tukaraq.

 

Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkan,balse wararka aan ka helayno degaanka ayaa xaqiijinaya in maleeshiyadii Somaliland dib loo riixay ayna ka ruqaansaden goobihii ay saaka joogeen ee dagaalku dhacay.

 

Deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan SSC oo ay hogaaminyaan Cali Sabarey iyo Axmed Karaash.

 

Ma jiro wax wara oo ka soo baxay dhinaca maamulka Somaliland ee weerarka soo qaaday,inkastoo wararka xiligan la helayo ay sheegayaan inay degantahay xaaladda deegaanku, islamarkaana ciidamada SSC ay joogaan fadhiisimahoodii.

 

Wixii Ka Soo Kordha Dagaalkan Kala Socda LASANOD ONLINE.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal La Isku Gabal Dhacsaday Ayaa Maanta Ka Dhacay Degaanka Waageero Ee Duleedka Tukaraq Kaas Oo U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntiland

 

30/05/11-Dagaal Culus Oo aan waxba la iskula hadhin ayaa ka la iskula gabal dhacsaday jiida hore ee gobolka laasacaanood,Degaanka waageero , oo ku yaala duleedka Tukaraq,Sida aan wararka hordhaca aan ka helayno jiida hore ee Degaalka ayaa Saraakiisha Somaliland ee halkaas ku sugani waxa ay Soo sheegayaan in dagaalku uu ku bilaabmay duhurnimadii maanta ay weerar ku soo qaadeen ciidamada qaranka ee fadhigoodu yahay Tuulada Cadaada ee u dhaxeysa Gambadha iyo Higlada,halkaasoo ciidanka qaranku ku jabiyay maleeshiyadaa weerarka soo qaaday kuna gaadhsiiyay firxadkoodii meesha loo yaqaa weegaare,ee ah duleedka Tukaraq.

 

Ka dibna ciidan gurmad oo ka yimi dhinaca garoowe iyo ciidankii qaranka ayaa mar kale fooda isku daray dagaal culus,oo la isku gabal dhacsaday kaas oo ilaa hada socda layskuna adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka.

 

 

Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay Laascaanood ,oo ay waheliyaan gaadiidka dagaalku ayaa iyaguna gaadhay goobtaas dagaalku ka socdo,oo hada ku biiray dagaalkaasi.

 

Ilaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo , lamana oga khasaare dagaalkaasi gaystay ,inkastoo qaar ka mida masuuliyinta ciidanka qaranka ee jiidaasi ay sheegeen in ay qabteen maxaabiis, kuwaasoo ay sheegeen inay ku qabteen dagaalkii ka dhacay duhurkii Tuulada Cadaada.

 

Wixii Warar ee dagaaladaas ka soo kordha Gadaal ayaan idinkula soo socodsiin Doonaa Insha Allah.

 

Boramanews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan SSC oo ay hogaaminyaan Cali Sabarey iyo Axmed Karaash.

Wishing them all the best. Alle ha garab galo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Polanyi;724730 wrote:
There is only Soul. No such thing as Eatern Soul. Getta the hell outta of here.

Western sool caynabo wadaamago oog

 

Central sool adhicadeeye yagoori laascanood

 

eastern sool gambadhe taleex tuka raq.

 

I am not talking about soul

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qaranki   

According to Horseed media an SL army officer: Cabdikariin Yaasin Mire, was captured by Puntland - http://horseedmedia.net/2011/05/30/dowladda-puntland-oo-sheegtay-inay-gacanta-ku-dhigtay-sarkaal-katirsan-somaliland/

 

Berberanews is reporting that the fighting today began when SL launched an offensive when they got news of one of their officers being arrested by Puntland when he was on his way to visit his fam in Boocame, though they don't have a name - http://www.berberanews.com/2011/05/30/faahfaahin-ku-saabsan-dagaal-ka-dhacay-gambadha-maxaabiis-iyo-hub-la-kala-qabsaday-iyo-xaalladihii-u-danbeeyay/

 

 

...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this