Somalina

Somalia: May 15th celebrating Somali Youth League (SYL) Day

Recommended Posts

Somalina   

Ciyaar K/cagta oo lagu maamusayay Munaasabada 15-ka ee dhalinyaradii SYL oo Muqdisho lagu qabtay

Ciyaar Kubada Cagta oo lagu maamusayay 68-guuradii ka soo wareegatay aaskii Ururka SYL dhalinyarada gobanimo doonka Soomaaliyeed maalinta 15-ka May ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

 

Munaasabadan K/cagta oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda CCD, isla markaana ay kala qeyb qaateen Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyed ayaa shalay galab ka dhacday Garoonka School Polizio, halkaasoo ay ka soo qeyb galeen dadweyne fara badan.

 

Ciyaartan oo ay daawanayeen Mas'uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubada Cagta, qabiiriin Isboorti iyo Saraakiil ka socotay Hey'adda Wada Hadalka Bulshada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyed Saciid Mugaambe.

 

Ciyaartan Kubada Cagta oo aheyd mid ay isaga hor yimaadeen Kooxda Kubada Cagta CCD iyo Heegan ayaa xiiso gaar ah laheyd, iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar farsamadeeda sareysa, waxaana koox walba ay ku dadaaleysay sidii libinta dhankeeda u raaci laheyd.

 

Labada Kooxood ayaa ahaa kuwo muujiyay karti iyo dadaal, taasoo keentay in qeybtii hore ee ciyaarta ay ku kala baxaan bar bar dhac goolal la'aan ah, hase yeeshee markii qeybta labaad la isugu soo noqday ayaa ciyaartoyda labada dhinac oo wada tashi la soo sameeyay macalimiintooda ayaa waxay horay uga bilaabeen dar dartoodii.

 

Qalad uu galay mid ka mid ah ciyaartoyda Kooxda K/cagta CCD oo uu kubada gacanta ku taabtay diilinta ganaaxa dhexdeeda ayaa waxaa arkay calanwadihii ciyaarta, kaasoo garsooraha u sheegay inay Kubada uu gacanta u taabtay daafaca, isla markaana rigoore laga dhigay.

 

Kooxda Heegan ayaa rigooradaas u noqotay midii fursada iyo faa'idada u laheyd, iyagoo shabaqa ku hubsaday, waxaana ciyaarta durba noqotay mid ay gool iyo waxba ku hogaamiyaan kooxda Heegan.

 

Gaba gabadii ciyaarta ayaa Kooxda Kubada Cagta CCD oo la soo baxday weerar lixaad leh, si ay isaga soo bar bareyso ayaa ugu dambeyn waqtigii ku dhacay, taasoo sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta ay guusha ku raacday Kooxda Kubada Cagta ee Heegan.

 

Saciid Mugaambe Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyed ayaa ugu dambeyn ciyaartoyda Heegan gudoonsiiyay Koobkii munaasabada 15-ka May, oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda CCD.

 

Munaasabadan Isboorti ayaa aheyd tii u horeysay ee shalay lagu qabto Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo beegay 68-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii Ururka Dhalinyada Soomaaliyed ee SYL, iyadoo tartankan ka turjumayay is dhex galka dhalinyarada iyo nabada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Tartan K/Cagta ah oo lagu weyneynayay Maalinta 15-ka May oo ay SYAO ku qabatay Nairobi

 

Tartan kubada cagta ah oo lagu weyneynayay Maalinta 15-ka May oo ay si heer sare ah u soo qaban qaabisay SYAO ayaa manta waxaa lagu qabtay garoonka kubada cagta ee pumwani, ee dalka Kenya.

 

Aqoonyahano, Siyaasiyii, qubaro isboorti iyo dhalinyaro oo ay kamid ahaayeen Macalinka macalimiinta Baskuwali, Macalin Geelle, Macalin Jabshe, Anas Cali oo ah qabiir isboorti, Ururo dhalinyarao iyo madaxda kooxihii ka qeyb galayay tartanka ayaa ka soo qeyb galay tartanka lagu xusayay 15 may.

 

Waxaa tartanka ka qeyb galayay kooxo badan iyadoo ay kama dambeys u soo bexeen 4 koox oo ka kala socday xaafadaha Section3 , Camerok , iyo laba kooxood oo ka socday Eastlight oo kala ahaa Eastlight stars iyo Eleven stars kuwaasi oo lagu beegay munaasabada maalinta 15-ka may oo ah maalin ku weyn dhamaan umada soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada.

 

Ciyaaraha oo ahaa kuwo aad u xiiso badnaa ayaa inta ay socdeen waxaa u soo daawasho tagayay dad aad u tiro badan kuwaasi oo kala tageerayay kooxaha tartanka kaqeyb galayay.

Gaba gabada tartanka lagu weyneynay maalinta 15 ayaa waxaa ku guuleystay Eatleight Stars, iyadoo goobta lagu gudoonsiiyay koobkii iyo hadiyado kale oo qaali ah.

 

Dhamaan kooxihii ka qeyb galaya tartanka ayaa hadiyado kala sareeyay oo loogu qiimeeyay koox waliba iyo kaalinta ay gashay ayaa goobta lagu gudoonsiiyay, xafladii lagu gaba gabeynayay xuska maalinta 15 ayaa waxa hadalo kooban kajeediyay qaar kamid ah xubnihii kasoo qeyb galay.

 

Gudoomiyaha SYAO Maxamed Ibrrahin Cali Cajiib ayaa u hambalyeeyay dhalintii ciyaaraha ka qeyb galayay, waxa uuna ku booriyay isku xirnaan iyo nabad jaceyl, waxa uuna goobta ugu balan qaaday in uu tartamo nabadeed u qaban doono si looga badbaadiyo maran habaabinta iyo in dagaalada dalka ka socdo loo isticmaalo.

 

Mr Cajiib ayaa sidoo kale sheegay in isboortiga uu yahay midka kaliya ee dhalinyarada loogala dagaali karo in maskaxdooda lagu shubo fikrado dagaal oo la soo minguuriyey lana doonayo in lagu dhibaateeyo dhalinyarada .

 

Waxa uu intaasi raaciyay gudomiyaha in loo baahanyahay in ay dhalinyarad ka qeyb qaataan nabada iyo horumarka dalka, maadama isboortigu yahay is dhex galka dhalinyarada, isagoo koobkii gudoonsiyay kooxdii kuguuleysatay.

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay goobta macalin C/llahi Baskuwaale isaga oo u mahad celiyay SYAO qaabka ay isugu xilqaantay xuska maalintan weyn, waxa uuna isboortiga ku tilmaamay isha kaliyah ee dhalinyarada lamaran habaabiyay lagu bad baadin karo.

 

Ugu dambeyna waxaa goobta hadiyado lagu gudoonsiiyay dhamaan kooxihii ka qeyb galay tartanka iyadoo uu Ururka SYAO u kala sareysiiyay qaabka ay kaalimaha u kala galeen.

isborti-15-may_2.jpg

isborti-15-may_3.jpg

isborti-15-may_4.jpg

isborti-15-may_6.jpg

isborti-15-may_7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dhalinyaro dadaaleysa oo Xaafadda Rinkeby ee Magaalada Stockholm ku xusay 15ka May

 

syl9.jpg

Isniin, May 16, 2011(HOL): Dhalinyaro Soomaaliyeed oo is-xilqaamay ayaa waxay magaalada Stockholm ku xuseen maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo sanad kasta la xuso marka la gaaro 15-ka May.

 

Dhalinyaradan oo u badan kuwo ku dhashay ama ku koray Dalka Sweden, gaar ahaan Magaalada Stockholm ayaa waxay muujiyeen dadaal aysan isku shuqlin dad iyaga ka waa weyn oo xitaa ogaa qiimaha ay leedahay maalintaas iyo maamuuska loo sameyn jiray.

 

Xaflad ay maalintan ku xusayeen oo ay ku qabteen xaafadda Rinkeyby ee magaalada Stockholm ayaa waxaa ka qeybgalay dad aan sidaas u badneyd, iyadoo markii aan weydiiyay dhalinyaradii xafladda soo abaabushay sababta aysan dad badan uga soo qeybgelin dad badan ay sheegeen in jawiga xoogaa uu qabow yahay, isla markaana uu roob da’ayo, sidaasna aysan dad badan u soo xaadirin.

 

Dad badan yeysan kas oo qeybgelin balse waxaa xusid mudan in dhalinyarada xafladda soo abaabulay oo aan ka xusi karo C/raxiin Muxyaddiin Maxamed, Axmed Jabbey, Axmed Maxamed Cali, Qadaafi iyo Xuseen ay dareemayeen weynida maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu xusuusto dhalinyaradii Soomaaliyeed ee SYL ee ka qeybgqaadatay gobanimo-doonkii.

syl3.jpg

 

C/raxiin Muxyaddiin Maxamed oo isagu si weyn ugu howlanaa qabanqaabada xafladdan ayaa HOL u sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed laga xuso Magaalada Stockholm, gaar ahaan Xaafadda Rinkeby, wuxuuna sheegay in ay ku dhalisay xuska maalintan iyadoo dalka Soomaaliyeed uu muddo ka badan 20 sano dhibaato ku jiro, sidoo kalena ay soo badanayaan maamul goboleedyo mid kasta oo ka mid ah lagu sheegayo in uu gooni isu taagayo.

 

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaanad Drs. Aamina Siciid oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Jaalle Maxamed Cumar oo ka mid ahaa taageerayaashii SYL iyo weliba XHKS, waxayna labaduba si weyn u bogaadiyeen dhalinyarada isku shuqliyay in ay maamuusaan oo ay weyneeyaan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, waxayna sidoo kale ku dheeraadeen ka hadalka munaasabadda 15-ka May iyo kaalintii ay gobanimo-doonka ku lahaayeen dhalinyaradii SYL.

syl6.jpg

syl7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;719851 wrote:
Thanks bro.

------------------

15_MAY_2011.jpg

Many thanks, Somalina for this wonderful thread.. The Future is Bright, the Future is Blue & White...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

SYL3.jpg

 

SSC-Somalia-150x115.jpg

 

 

 

Dhalinta SSC iyo Buuhoodle iyo Xuskii Ururkii SYL (Sawiro).

Dhalinyarada SSC iyo buuhoodle gaar ahana kuwa ciyaara kubada cagta ayaa shalay xusay maalinta lagu 15-may oo lagu xusuusto ururkii SYL waxaana shlay garoonka kubada cagta ee xabadi isugu soo baxay boqolaal dad wayne ah oo usoo daawasho tahay bandhig ciyaareedkan.

 

Ilaayo 8-kooxood oo ka dhisan magaalada buuhoodle ayaa ka qayb qaatay xuska dhalinyaradii la odhan jiray SYLoo ku beegnayd 15-ka may oo shalay ahayd.

 

Axmed cabdi guray oo ah qurbajoog reer ssc ah hadana si toos ah u degan magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn oo ka m id ahaa dadkii arrintaas soo qabanqaabiyey oo la hadlaayey allssc ayaa waxaa uu sheegay inuu ku rajo wayn yahay inuu halkaas kasii socdo hormarka dhalinta reer buuhoodle.

 

Gees kale dhalinyaradii munaasibadaas ka qayb qaatay ayaa iyana waxay iisheeheen in ay aad ugu faraxsan yihiin maalintan oo ku wayn guud ahaan umada soomaaliyeed laguna xusuusto dhalinyardii SYL. ee noqotay hormoodka dalka soomaliya xiligii gumaysiga.

 

DAAWO SAWIRADA

 

DSCF0191.jpg

 

shabab.jpg

 

 

Xaflad Baalaran oo Lagu Xusayo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed SYL la’asaasay ayaa kadhacday Magaalooyin Badan oo Kudhaca Woqooyiga Somalia

 

Magaalooyinka Buuhoodle, Boocame, Taleex, Baran, Qardho, Dhahar, Boosaso, Garowe, Galkacyo, ayaa iyaguna ka mid ahaa meelihii sida wayn loogaga dabaal-degay laguma muujiyey qiimaha iyo ahmiyadda maalintaani ay ugu fadhido ummadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

SYL_calanka.jpg

 

SYL5.jpg

 

SYL1.jpg

 

Taariikhda Ururka Gobanimodoonka Somaliyeed ee SYL

Maanta waxay Ummada Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo weyn ugu fadhidaa, isla markaana kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii xoriyada ummada Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii.

 

Halgankii ummadda Soomaaliyeed uu hogaanka u soo hayay xisibgii SYL iyo qaar ka mid ah halgamayaashii dalka u soo halgamay waxay aheyd talaabo loo qaaday dhanka sidii la isaga qaadi lahaa heeryadii guumaysiga isla markaana ummada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa xoriyad taam ah.

 

Dad badan oo Soomaaliyeed ayey suurtagal tahay inaanay maanta la socon inay tahay maalin quluubta shacabka Soomaaliyeed kaga taal meel muhiim ah, isla markaana taariikhda Dalka Soomaaliyeed ka gashey baal dahab.

 

Waxaa sidoo kale si buuxda u soo baxdey inay jiraan dad badan aan fahmansaneyn qiimaha ay leedahay xorimada iyo in dad waliba uu yeesho calan iyo dawlad caalamka laga aqoonsan yahay.

 

Xoriyadii ummada Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii waxaa loo marey halgan aad u dheer oo dhiig badani ku qabtey, isla markaana halgamayaal fara badani ay maalmooda iyo naftooda u hureen, si ummada Soomaaliyeed ay u helaan xornimo, iyadoo xiligaasi ay aheyd xili ay qaaradan Afrika ay si weyn ug halgamaysay xoriyada iyo inay iska qaado heeryadii guumaysatayaashii reer Yurub.

 

Xiligaasi waxaa qaarada Afrika ka shidnaa shulcad loogu magacdaray “Kacdoonkii Xoriyada ee Afrika” shulcadaasi guumaysi diidka ee ifaysay Soomaaliyana waxay qayb ka aheyd ummadihii kale ee Qaarada madow ee halganka ugu jirey hanashada xoriyada.

 

Maanta oo kale 15-kii May 1943 waxaa u suurta gashey 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC (Somali Youth Club ) ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo markii dambe u xuubsiibtey ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL (Somali Youth League), sanadkii 1947-kii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatey .

 

Xiligaasi waxaa ururka dhisey 13 dhalinayaro ah kuwaasi oo kala ahaa

 

1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin. Waxa uu ku dhashay Degmada Tiyeeglow ee ka tirsan Gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919kii. ( xiligaasi wuxu jitey 24 sano.

 

2. Max’ed Xirsi Nuur (Siidii), waxa uu ku dhashay Magaalaa Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915kii, xiligaasi wuxuu jirey 28 sano.

 

3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke , waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sano

 

4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sano)

 

5. Cismaan Geedi Raage, waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sano)

 

6. Dheere Xaaji Dheere. Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1926kii Xiligaasi wuxuu jirey 17 sano

 

7. Daahir Xaaji Cusmaan. Waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sano ah)

 

8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1927kii (xiligaasi wuxuu jirey 24 sano )

 

9. Maxamed Cali Nuur, waxa uu ku dhashay Degmada Shangaani oo ka tirsan Gobolka Banaadir, sanadkii 1927kii (xiligaas wuxuu jirey 16 sano)

 

10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii xiligaasi wuxuu jirey 18 sano.

 

11. Xaaji Maxamed C/llaahi (Xayeesi), Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1918kii(xiligaasi wuxuu jirey 25 sano)

 

12. Huudoow Macallin Cabdulle waxa uu ku dhashay Mareerey oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926kii (xiligaasi wuxuu jirey 17 sano)

 

13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo sanadkii 1910kii(xiligaasi wuxuu jirey 33 sano)

 

Waxaa ururkii SYL sanadkaasi xoghaye loo doortey Cabdulaahi Ciise Max’uud oo isugu ahaa ra’isalwasaarihii xukuumadii daakhaliga aheyd ee ka horeysay xiligii gobanimada la qaatey.

 

Ururka SYL wuxuu shaaca ka qaadey qorshihihiisii siyaasadeed waxaana uu sheegay in u taagan yahay xornimo gaarsiinta Ummada Soomaaliyeed, iyadoo xiligaasi Soomaaliya ay u qaybsaneyd 5 gobol oo gacanta ay ku hayeen guumaystayaashii reer Yurub.

 

SYL waxay shidey iftiin gobanimo doon ah waxaana hoosta ay ka xariiqdey in ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto inay hesho gobanimo taam ah, isla markaana la helaa Soomaali weyn.

 

Dhallinyaraasi SYL waxaa xiligaasi u suurtagashey in ay mideeyaan shacabka Soomaaliyeed si looga hor tago gumeysiga , iyaga oo aaminsanaa haddii la helo midnimo laga guuleysan doono gumeysiga isla markaasina waxaa quluubtooddii ku weyneyd waddaniyadda oo ay wax walba ay ka hormsiin jireen si ay u gaaraan ujeeddooyinkoodda ku xusnaa dastuurka xisbiga SYL oo ahayd in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam ah iyo in la helo Soomaaliyeed weyn.

 

Xisbigii SYL waxaa la soo gudboonaadey turaanturooyin badan iyo hagardaamooyin badan oo la doonayey in lagu wiiqo ujeedooyinkooda gobanimo doon, waxaana ay taasi kaga gudbeen isku duubni, hal adeyg, aqoon, iyo dadaal kasta oo ay ku gaari karaan inay ku mideeyaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Inkastoo badi dadkii Soomaaliyeed ay xiligaasi si weyn ugu bisleyn qiimaha xornimada, laakin waxaa quluubtooda arintaasi ku shubey xisbigii SYL oo si weyn ugu dadaalay in Soomaalida laga dhaadhiciyo qiimaha xornimada.

 

Intii uu socdey halgankii SYL ee ay hormoodka ka ahaayeen baadi goobta xornimada ummada Soomaaliyeed waxaa jirey dad tiro yar oo Soomaali ah oo la dhacsanaa ku hoos jirka heeryada guumaystaha, waxaana dadkaasi ay ku xirnaayeen nidaamkii guumaystaha Talyaaniga.

 

Dadkaasi guumaysi kalkaalka ahaa waxay qaarkood ku biireen xisbigii SYL si ay u kala dhantaalaan orodkii ama ruclihii loogu jirey xornimo gaarsiinta ummada Soomaaliyeed.

 

Cali Xuseen oo ahaa ninkii Xisbihii SYL u qaabilsanaa dhanka suugaanta wuxuu gabayadii uu tiriyey ku muujin jirey inay SYL ay ka mid yihiin dad doonaya in ay jilbaha qabtaan dadaalka xisbiga. waana halka ay murti Soomaaliyeed ka tiri “Baadida nin baa kula day dayi oo doonayen daa’in abidkaa inaad hesho”.

 

Sidoo kale Axmed Xaaji Suleymaan oo dhanka qoraalada u qaabilsanaa xisbiga ayaa mar uu ka hadley shir ay lahaayeen golihii xisbigii SYL wuxuu ku sheegay in xisbiga ay ka mid yihiin dad diidan in xisbiga ku guuleysto ujeedooyinkiisa.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in xisbigii SYL uu kaalinta ugu balaaran ku lahaa hanashadii xornimada ummada Soomaaliyeed ee la hantey sanadkii 1960-kii, inkastoo ujeedooyinkii dhalinyaradii 13-ka ahaa ee SYL aan wali la gaarin 50 sano ka dib, tiiyoo waliba ay meesha ku jirto in labadii gobo lee Koonfur iyo Waqooyi ee xornimada qaatey 1960-kii ay hada Goboladii waqooyi sheeganayaan inay yihiin dawlad madaxbanaan.

 

Halka gobolkii Koonfureed uu yahay mid ay la degeen dagaalo mudo 20 sano ka badan ka aloosnaa gobolada dalka, tiiyoo ay u sii dheer tahay in maanta ay halis ku jirto midnimadii guud ee gobolkaasi, maadama ay soo baxeen maamulo u muuqanaya kuwa aan u hiilineyn riyadii SYL.

 

SYL sidee ku aasaasantey ?

 

Horaantii sanadkii 1943-kii ayaa waxaa sheekaystey sida ay taariikhyahano ii sheegeen C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmark oo rag saaxiibo ah oo si weyn isugu xirnaa, islana socon jirey mar kasta, waxay kawahadleen sidii ummada Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii guumaysiga.

 

Labadaas nin ee dhalinyarada ahaa waxay midba uu jirey 24 iyo 26 sano waxay mudo ka sheekaysanayeen sidii bal guumaystaha looga xoroobi lahaa, waxaana C/qadir Sheekh Sakhaawadiin uu soo jeediyey fikir ahaa in la aasaaso xibsi Islaami ah oo dadka mideeya, isla markaana ka saara guumaysiga, laakin Yaasin Xaaji Cismaan ayaa wuxuu soo jeediyey fikir kale oo ahaa in xisbiga laga dhigo mid siyaasi ah oo shacabka oo dhan matala.

 

Ka dib wahadaladii labada nine e dhalinyarada ah waxaa ku soo biirey dhalinyaro kale waxaana la isku raacay in la dhiso golle ama naadi dhalinyaro oo ay isku bartaan dhalinyarada, islamarkaana dhalinyaradu wax isku baraan, iyadoo la baranayo Luuqada Ingiriiska oo xiligaasi aheyd mid ku cusbeyd gobolada Koonfureed.

 

Kulankaasi dhalinyaradu waxay isla garteen in la dhiso golle dhalinyaro inta laga gaarayo waqti ku haboon in la dhiso xisbi siyaasi ah, waxaana la dhisey golaha dhalinyarada Soomaaliyeed SYC (Somali Youth Club), waxaana xiligaasi ay aheyd 15-kii May 1943-kii.

 

Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:-

 

* In xukuumadda Ingriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC (Somali Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto.

* In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.

* In la dejiyo barnaamij ku meel gaar ah oo *****li kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Markii ay qoreen codsigii ayay 13 kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Ingriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan doonaan iskaba daa in codsigoodu u hirgalo,laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee aheyd:-

 

“Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari xero lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan..”

 

Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin karin madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay “Hadalkaaga waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano,waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan ariga u cunin,mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin”.

 

 

Maalmo ayay jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay warqad lagu xusay in Ingriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday in ay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.

 

Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd naadiga C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin ayay guddoomiye u doorteen halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loo doortay ku xigeeno iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye.

 

Xisbiga oo ujeedadiisa fog ay aheyd ka xoreynta dalka gumeystaha ku soo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado la dagaalanka qabyaaladaa iyo midab kala sooca.

 

Laga soo bilaabo sanadkii 1943-kii waxaa Xisbiga SYL laga furay gobollada dalka Soomaaliya oo idil, waxaana sii kordhay taageerada uu helayo taasi oo aheyd mid ay u dhan yihiin Ummada Soomaaliyeed sida qaybaha Odayaasha, Culima’udiinka, dhalinyarada, Haweenka, & Ganacsatada.

 

Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:

 

1. Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin.

2. Damaca gumeeystayaasha Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii.

3. Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

 

Goor dambe oo xisbigii uu meel fiican gaarsiiyey halgankiisii gobanimo doonka ayaa waxaa geeriyoodey xoghayihii xisbiga Yaasin Xaaji Cusmaan Sharma’arke waxaana uu ku dardaarmey in jagadiisii loo magacaabo Halgame Cabdulaahi Ciise Max’uud oo xiligaasi ahaa wakiilkii SYL ee magaalada Baladweyne. halkaasi ayaa laga soo wadey Cabdulaahi Ciise waxaana uu qabtey jagada xoghayaha guud ee SYL, isagoo hayey xilkaasi ilaa iyo ay SYL ay keentey guusha xoriyada ummada Soomaaliyeed, waxaana Cabdulaahi Ciise loo magacaabey Ra’isalwasaarihii xukuumada daakhilga aheyd ee Soomaaliya intii aan xoriyada si buuxda loo qaadan

 

Guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiibdarro ah inaan hananweeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadii.

 

Dhinaca kalena waxaa taasi ku lamaansan daqaro, haarro & wadno goyn weyn oo xiligan lagu hayo midnimadii dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay dhici karto awlaadii 13-ka dhalinyaro ee SYL ay maanta ku lug leeyihiin in dalka loo kala googooyo iyadoo ay haatan soo kordhayaan nidaam cusub oo ah in tuulo, degmo & gobolka kasta uu sheegto dawlad taasi oo ay u sii dheertahay toabaan calan & tobanaan madaxweyneyaal oo ay yar tahay in maskaxdooda ay ku jirto dawlad loo dhan yahay, midnimo & qaranimada Soomaaliyeed.

 

Waxaa nasiib daro weyn ah in 13-kii dhalinyarada SYL ee hormuudka u ahaa horiyada Ummada Soomaaliyeed oo qaarkood ay ka yaraayeen 20 sano halkii ay ka diideen guumeysi in dalka uu sii xukumo inay jiraan siyaasiyiin ka da’a weyn, ka aqoon badan, ka waayo aragsan in aanay laheyn haykal & himilo qaranimo ayna dhici karto in caasimado ajanabi ah inay laga maamulayo amaba ay dhici karto inay ka sugayaan wixii ay dalkooda u sameyn lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.