Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ismaaciil Mire Wuxuu Yidhi

Recommended Posts

Naagahan dafiray kii qabee diiday gurigooda#

Oo wada dareerayee nin kale doontay lacagtiisa#

Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?#....

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadday dunidu kheyr leedahay oo la isu daynaayo

Dadkii Xaawo laga uumay iyo duudkii Nebi Aadan

Derajada kuwii loo dhalaan laga dereersheene

Seben-aakhir inuu daahir yahay suurna daba joogo

Doqon iyo ninkii nacasa iyo daaldhaan garane

Cadaabaha dabkoodiyo Allow naar ha nagu daadin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ismaaciil Mire Wuxuu Yidhi:

 

Kulligood addoomaha rabboow qaybsha kibistiiye

Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula

Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah

Ninba kadabkii loo qoray Illaah wuu la kulansiine

Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado

..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ismacil Mire wuxu yidhi

 

Dabkaad hurisay Cali Aadanow, dogobbadaad oogtay

Dambaaburadaad ololisiyo, dirirta guusheeda ...

Kumana diirsan maansadu hadday, dunida aafayne

Duunkaaga kuma suubbanayn, diradiraaluhuye

Allay lehe denbaab lama hadlee, kulama doonayne

Dalkoo nabad ah baad uumiyaha, belo la doontaaye...

Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey

Cawlkii la dabay oo mindida, dabaxda loo waayey

Oo qoday birtii lagu deg-dhabay, kuugu duurxula'e

Allay lehe dubbuur kugu danniyay, waaba kuu digaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ismaaciil Mire wuxuu yidhi...

 

Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye

Isma oga nin murugaysan iyo iilka kii dhigaye

Isma oga abraha weerarkiyo, adhiga goosmaaye

Isma oga Ismiir iyo ninkii ayro foofsadate

 

Isma oga Askari qooqan iyo nimaan af buuxsiine

Isma oga abeer qalable, iyo inanka doonaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caano_Geel;737454 wrote:
Ismaaciil Mire wuxuu yidhi...

 

Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye

Isma oga nin murugaysan iyo iilka kii dhigaye

Isma oga abraha weerarkiyo, adhiga goosmaaye

Isma oga Ismiir iyo ninkii ayro foofsadate

 

Isma oga Askari qooqan iyo nimaan af buuxsiine

Isma oga abeer qalable, iyo inanka doonaaye

I like this gabay Isma oga

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Gabayga ugu horeeya ee ninka thread ku keenay wuxuu ku saabsanyahay arimaha bulshada meeshaad wax ka weydiin lahaydeen macalinka jacaylka yaad gabayadii ismaaciil mire soo qufteen war ileen ciyaal waa ciyaal!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this