Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A Message: From A/Lahi Yusuf To Sh. Sharif

Recommended Posts

‘Sheekh Shariif Xilka Iska Dhiib oo ku soo Dhawoow Qaxootinimo Dalka Yeman Inta aan Xoog Laguu Adeegsan’ C/llaahi Yuusuf

 

Sanca (Jam/W.Wararka)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ayaa markii u horraysay madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqay inuu xilka iska casilo, isla markaana uu qaxoontinimo u weydiin doono dawladda Yaman.

 

Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo hadalkiisan lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, waxa uu sheegay in haddii madaxweyne Sheekh Shariif uu xilka iska casilo uub qaxoontinimo ka heli doono wadanka Yaman oo Cabdillaahi Yuusuf qudhiisu qaxoonti ku yahay.

 

“Waxaan ku sheegayaa xilka iska dhiib, anigaa qaxootinimo kaaga raadinayo dalka Yeman oo sariir aad ku nasato kuu diyaarin doonee, inta goori goortahay xilka iska dhiib, caqliga aad ku fikiraysaa waan kaan ku fikiri jiray ee sababay in xilkiia aan 30 sanno duurka ugu jiray aan aayar isaga wareejiyey, adiguna 6 bilood oo aad ku shaac baxday (Lixdii bilood ee maxaakiimtu ka talinayeen Xamar) ayaad isugu dhajineysaa xilka.

 

Waxaan tallo kuugu soo jeedinayaa in aad isaga tagto, madaama oo aan kaa waayo aragsanahay, Sheekh Shariif xilka dhiib, kuna soo dhawoow qaxootinimo dalka Yeman, inta aan xoog laguu adeegsan,” ayuu Cabdillaahi Yuusuf ku Yidhi hadalka tallada iyo waannada ah ee u jeediyey madaxweyne Sheekh Shariif oo xiligan ku fashilmay inuu nabad ka dhaliyo magaalada Muqdisho, isla markaana sabab u ah khilaafka xooggan ee u dhexeeya hay’adaha magac-u-yaalka ah ee dawladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Wow, the source is all pro-secessionist!

 

Just look at the bottom where it says "new,"...all NW Somalia nonesense.

 

Get a more reliable source!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Shariif xilka dhiib, kuna soo dhawoow qaxootinimo dalka Yeman, inta aan xoog laguu adeegsan,”

Si fiican baabuu ula hadlay ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Talo wax ku ool ah buu siiyay. Waxaan ka baqayaa xitaa Yemen iney diiddo Shariifka. Somaliland tolow ma aqbali doontaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Thankful;718435 wrote:
Wow, the source is all pro-secessionist!

 

Just look at the bottom where it says "new,"...all NW Somalia nonesense.

 

Get a more reliable source!

:D the usual cantarabarash from odey JB. lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laga yaabaa sheekadaasi intay run u dhacdo, oo macallinka yemen loo tarxiilo, in weliba A Yusuf villaduu ku jiro qol laga dejiyo, ka dibna illeen waxkale isku soo kordhin maayaane ay villa Somalia ka sheekeystaan. Hadhooto Salaada marka la gaadhona A. yusuf yidhaahdo war bal ina tuji shariif adaa beri akhwaanul muslimiin ahaan jiree, loool, aduunyadu waa ruwaayad socota.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this