Sign in to follow this  
Paragon

Ragga reer SOL goormeey naago isbaaro idin dhigteen?

Recommended Posts

Paragon   

Waxaaba iga yaabiyay oo kixda iga dhameeyay in ragga sol soo gala la 'tame' gareeyay oo ay bilcaan isbaaro u dhigatay. Ma hadli kartaan iyo ereygaa ma isticmaali kartaan iyo cajajuglayn ayaa raggii sol lagu haystaa badankood.

 

Aan ka ahayn dhawr raggoo raggeedi ah raggii caawa waa dhufaanan yihiin oo 'yes man' ayaa laga dhigay. Dhuf ku baxa!

 

War naago miyaa mowjadihii idin ka qabsaday? War xiniinyo beelkan iyo baqaha waa maxay raggoow? Meeye geeljire-nimadii iyo adadaygii aabayaashiin iyo awowyaashiin?

 

Men resist this dehumanising domestication! Maxaad ka baqaysaan, ma nin raggaa cay naago u jixinjixa?

 

Car yaa ku dhaca oo heeryadii dumarka saareen tuura? Idin cariyaye car!? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Shalay lee ma'eheen mar lagu lahaa 'naago' jooji ama ha dhihin? Caku iyo madax adeegaaga adigana! :P

 

Raggii waa jilceen while hablahii/dumarkii (not naagahii yaah) adkaadeen...Malaha wacdaro lagu jilco ayaa la tusay dee! Iyaah!!! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^ Rag la jilciyay laga roon wallee. Ma intaan maqnaa baa weerarkii lagu jebiyay dhacay?

 

Meeshan kooxo cusub oonan garanayn ayaa buuxa. Taloow ma ku waa saa waxa lagu jilciyay la yimi! Shoow baakoortiiba naagaha gacanta ku haysta!

 

Belaayo!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

That's just the thing dee, baakoorad looma baahana hada...Adiga lafahii horaa tahoo, walaa baakoor walaa wax kalaan ku jilcin karin! Torobo kakan...lol Saasaa lagaa rabaa, inaataad naag u jilci leheed, baakoorada gabigeedba madaxa kaga jajabi oo uga dhaqaaq...

 

Women rule ina'adeer...Itaad maqneed, aduun is badal!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gacma duub ayaa lagu hayaa raggii.. Adow AT&T sidii nalooga xiray, NG, and Xiin minyar u waayeen, meeshii dhabaqday..:)

 

Eeddo KK, see tahay? laguma arkin lately. Adigaa ragga u hiilin jiray adna liifada aa gaabsatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Koolkat,

Loooooooool. War maad sidaa wax iigu sheegtid! Maba soo noqdeen haddaan sidaas wax u ogahay. Ma anaan is weydiin ragga goormuu sidaa u jabay! Boqoradda, adigu naago ma adaa ah? Dumarka reer mudug naago ma aha! Waa dumar jira. Iyaga yaa i noo soo badiya.

 

Gheelle, loool. War maxaad farii iigu soo diri waydeen aan weerar dabarjabin oo kama dambays ah soo qaade. Aaway sxbkay AT&T horta? Miyaa la gamay oo sol miyaa laga tarxiilay? Tol beelay! Ma anaan garan halkuu weerka iiga soo dhacay. :D

 

War libaaxa ha la soo cesho oo xaalna ha loogu daro! Ceebweynaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Gheele, nabad waxaan eheen ma sheegin eedo...Sidee ii tahay adigana? Kuwa la jilciyay kuma jirtid baan filayaa? Anigu waan joogaa ee meeshaan baa waxba kasocon...Liifad maan gaabininee, I'm too busy following Obama iyo Trump tan kala heysata...looooool

 

Iska dhiciya hablaha, sanadkan kuwa jira lagdinteey ka helaan baa xan igu soo gaartaay! La lagdama tii idinka soo dacwootana aniga iisoo sheega...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Gheelle sxb illeen meesha waa laguu cidleeyay? :D

 

War SOL waa la xoraynayaa. Taa igu ogoow. AT&T waan soo helaynaa insha-Allaah!

 

Raggu waa inuu kala miirmaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Haa, haddaan wax fahmay! Threadka 'shaah iyo wax kale' weeye saldhiga ragga lagu saxariirshay! War threadkaa waa in quful weyn na laga saaro intay goori goor tahay, ragga aan qaar badbaadino e!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Gheelle, kuwii hore iyo qaar cusub ayaan soo kicinayaa. Meeshan waa in koronto lagu shidaa. Haddaanan dhegaha faraha la gashan waayin.... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Paragon, mowduuc fiican baa ka hadashay. War waagii hore Women section-ka bey ku ekaayeen iyo general-ka, hadda bolitikiskii ayagaa heysto, waxuusan rabin baa raggii sanka laga galinayaa. Revolution-ka halkaas ka wad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Paragon, intaadaan odhan ragga waa la jilciyaay horta ma inoo hubta in ay kuwaan magacyada dumarka (ama naagaha) sita dumar run yiheen (excluding KK iyo kuwa la yaqaan)? War wa isla afrta xayraan oo magacyada inoo badalay dee.

 

p.s.

Waxa la yedhi (as in Xiin ba yedhi) that ever since he created the mythical Azania State, A&T has had no time to post his various cantarbaqash on SOL or any other Somali News website (par one topic that he posted using his pen name about the other mythical state created in North America and Europe). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Oo waxaad hadda leedahay check up baan suubin? Ka daroo dibi dhal.

 

Paragon, waligaa mucaarad lama ahaado dee. Mar mar waxaa la iska dhigaa mutawac. Bilcaan, islaan, cambaro iyo kuwo kaloo badanaa jira. Bilcaan la'aanteed habaar waaye. Laakiin waxaan la yaabanahay adiga waaba ku aaminsan yihiin oo waxay ka bixi la'yihiin this ain't him, yaa hack gareeyey accountkiisa. Wiiloow goormaad ku akhrisay duulka inaad malaa'ig aheyd? :D

 

Ragaan ogahay hadey waxaanoo kale ku kici lahaayeen, goor horaa kal iyo kab cirka kaga soo dhici lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this