Sign in to follow this  
Blessed

Qiso: Ninka Jiniyada Guursaday

Recommended Posts

Blessed   

Waar miyaad waalatay, kan qaareen-ka la yidhaah baan isleeyahay yaa jar ka tuura adna qaar kale baro i leedahay. Meeshooda ha iska joogaan. Laakin, miyaanad ka baqayn? This is like playing with fire. My friends aabo was sheikh who sepcialises in jins and it's a scary world, waa wax laga ducaysto. BTW, Nuune weligaa jin paralysis waxa la dhaho ma kugu dhacay? It's a word phrase I've discovered recently.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Maya, Jinn paralysis iguma dhicin, qof uu ku dhaceyna maba aqaano, only thing I know, and seen, is that many people oo Jinn galey, laga dhax qeelshey, dadkaa unbaan anigu caawiyaa oon ka saaraa Jimanka, dadka stressku ka batey ayaa so called jinn paralysis ku dhaco, bil xaqiiqo, wax la dhaho jinn paralaysis ma jiro, saddex waa mid, ama jinni ha ku galo, ama adigu raadso oo la rafiiq sida aniga oo kale, ama bannaanka ka mar jinka, sida adiga iyo dadka intooda badan.

 

 

Qolyihii Docooriinta ayaa la ii ballanshey, waxaana ii ballamiyey Jinni uu dhax galey Docoor, inaan ka wardoona ayaan rabaa sidey u egyihiin iyo waxey sameeyaan, waxaana war bixin la iigu sheegay iney yihiin lix-ku-neefle, ibnu aadamkeenu waa sanku-neefle, jinkuna waa af-ku-neefle, san dhan malahan laga neefsado wey iska malaasantahey, qolyahan Docooriintu iyaguna lix meelood ayey ka neefsadaan sidaa darteed ayaa loogu yeeraa iney yihiin lix ku neefle.

 

Wixii akhbaar aan ka keeno Docooriinta waan soo qori doona, waa hadii ay qumaati ii soo dhaweeyaan inta aan martida u ahey Jinka, waxaana ka cabsi-qabaa inuu dagaal ka dhaco meesha, ibnu aadam, jinni, iyo Docoor kulmaya wax sahlan ma ahan, but I will take the risky, waana is giijin hadduu Eebe Idmo

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune;715678 wrote:
^^ Sax, u sheeg qofta kaa korreesa, Soomaalideena inaan niraahno wax kasta waa khuraafaad caadiyan baan ka dhiganey.

Weger! Malaha isku Soomaali ma naqaano? Soomaalida aan anigu aqaana waa kuwo quraafaadka ku indha-kuusha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Biskinka... videoga ma waxbaa ka dhex niiikinaayo? LOL. Nuune anoo la yaaban baad adna isa soo xaadirisay, Oobaa hi lowlow. Bal aan meesha ka ordo intaanu saar hudh nagu soo odhan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

*Blessed;715565 wrote:

Showqi,

Fulay is nacay. Ma saas aad reer miyi ku ahayd. Buus dheh. LOL. I kid. Amba kaligay baan ahaayoo markaan 10 mins gaadhay ayaan iska xidhay. Cawaan khatimayaa. Bismillah.

 

Haye.... dee adiguba intaad ka baqatay!!! ayaad doonaysaa in aad aniga dibada ii dirto..........:D

Blessed, the only qualified person to say Buus to the Jin is Nuune, markaa reer miyi aniga oo kale ah lama tuso Jinni iyo Cirfiid. Geeleyga ayaan ka cararayaa hadii kale.

 

Oba, heestani waa hees khatar ah sxb... goobta caweyska ee jinniga baad ka dhigtay meeshii:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Speaking of Geeljiryaal, ma ogtahey in nimanka geeljirayaasha ah ay inta badan la kulmaan Jinka, qiso yar baan kuu sheegi aniga shakhsi ahaan igu dhacdey bilowgii 1987kii, nin kaloo geel jiraa i weheliyey oo qaraabo ah, aniga iyo asagaa la jirney geel fara badan, oo todobaadyo la maqnaa geelaa.

 

Maalin maalmaha ka mida ayaa anagoo geelii la jirno, oo meel bannaan ah mareeno,geeliina iska laafyonayo intuu biya ka soo dhargey, meeshuu waa ban cidla ah aan geed iyo dhagax toona laheyn, baa waxaan maqalney shanqar, heeso, hadal, gurxan, taah iyo dhawaaqyo kaloo fara badan, meesha guri kama dhawo, ibnu aadam waa aniga iyo saaxiibkey oo geela la jira, geelu asaguna wuu maqlaa dhawaaqa oo wuu yara didi markuu shanqar maqlo ama dhagtuu taagaa.

 

Dhawaaqii aan maqleenay ayaa saa'id u batey, dhagaheeni ayaa xammili waayey illaa aan dhagaha faraha gashano, saaxiibkey ayaan weydiiyey, waa maxey waxan, wuxuu igu yiri waa quruuma baas oo Jinni ah, waxaan ku iri, wali mala kulantey, mayuu igu yiri, hadaba waanu la kulmeenaa ayaan ku dhahey saaxiibkey.

 

 

Saaxiibkey wuu ila yaabey markaan dhahey aan la kulano Jinka, waxaan ku dhahey wax dhib ma jiraan, hadey ugu badato geela unbey naga qaadan, weyna na afduubaan, markaasuu igu yiri, oo maxaaba harey kolkaa hadey intaas dhacdo.

 

Qorshihii aan kula kulmi laheyn falkeedi ayaan galey, maadaama aysan geed iyo caleen ka dhaween meesha, dhagax iyo dhoobana aysan jirin, waxaan soo kuusey oon soo aruuriyey carro-maanyo, ciiddaas ayaan aruurshey kor saan ugu wadey ayaan ka dhigey wax u eg dudun camal, saaxiibkey wax cawimaad ah kama helin, aniguuba ila yaabanyahey intuu halkaas fadhiistey ayuu daawanayaa waxa aan sameenayo.

 

Ciiddii carro-maanyaadii aan aruurshey ayaan dhakada kaga fadhiistey, wali dhawaaqii jinka iyo qeeladooda waan maqalnaa, meeshuu waa cidlo eri-go'an ah, waxaan bilaabey inaan akhriyo waxoogaa dhushuq ah iyo af-qalaad oon Soomaali aheyn inaan ku yoomo, anoo doonayo inaan ugu yaraan dhowr Jinni ah isoo ag fadhiistaan, waxyaalahaan akhrinayey waxaa ka mid ahaa kalmadahan:

 

Qofoor boncoq jinxooq facun

laqmun gosjaan hargunool

wecyood saraayuk tuqaaq

 

Markaan kalmadahaas akhrinayey faraheyga dhaqdhaqaaq saa'id ah ayey sameenayeen, isla markiiba waxaa i soo ag fadhiistey afar odayaal oo shaarbo dhaadheer leh, gaagaaban tintuna u tidcantahey sidii boqorad beerka banneesatey, odayaashaan waa odayaal Jinni ah, waana duqyaashii magaaladan aan dhax fadhino een geela ku raaceeno xukumo, wali magaaladoodi ma aanan arkin, laakin afartii odayaal waxey igu dhaheen inaan magaaladoodi dhax taaganahey, alaaba badan iyo guryo ay lahaayeena geelii aan la jirney ayaa burburiyey, qeeladuna sidaas darteed ayey aheyd aan maqleeney, heesaha aan maqalneyna waxey aheyd dhowr geela ay naga af duubeen ayey u mashxaradeen.

 

Dhawaaqii guuxii gurxankii yoonkii taahii heesihii waxeyba noqdeenba in meesha magaala ayba ku taaley, magaalo cammiran ay daganyihiin qolyahan Jinka ah, islamarkiiba anoo fadhiyo odayaasha jinkuna i hor fadhiyaan ayaan arkey magaaladii cammirneyd, iyo sey u kala socoto, meesha aan fadhiyaba waxeyba noqotey gurigii odeygii ugu weynaa magaalada ee ka mid ahaa afarta odayaal ee tintu u tidcaneyd.

 

 

Saaxiibkey asoo ila yaaban oon ciidii dusheeda saarnahey ayaa iigu danbeesay, wuuna iga waayey meeshii, aniguna qolyihii jinka ahaa ayaan dhowr maalmood oo kale la sii joogey illaa ay i soo sagootiyeen, hadyad iyo alaaba kalena i soo siiyeen, waana ka raali galiyey inaan geela ku raacney magaaladoodii, khariirad yar bey i soo siiyeen si aan ula socdo meelaha ay daganyihiin iyo inaan ka ilaaliyo geela guryahooda iyo maatadooda inuu ku durduriyo.

 

Isla ilbiriqsigiiba anoo waxaan is arkey sallado ama danbiilo waaweeyn iigu jiraan gacmaha, illeen waa alaabtii hadyada aheyd, oona dul fadhiyo ciidii carra-maanyadii een sameeyey, kuusey oon korka u taagey, dhalada anoo kaga fadhiyo unbaan is arkey oo meel cidla ah taagan, saaxiibkey iyo geelii intii ka harteyna iska tage markey i waayeen, meeshii baan ka soo lugeeyey, waxyar markaan socdey oon yara daaley waxaan arkey Jinni aan ku qiyaasey dhowr iyo soddon inuu jiro laakin laba madax lahaa markaa, hor iyo gadaal, wuxuu igu yiri inuu i caawin karo, tuuladeydina i geyn karo, haye baan dhahey walaal, halkii baan ka soo baqoolney aniga iyo laba madaxle daandaas calool ashuun, nin calool weyn leh buu ahaa, dhowr daqiiqado markaan soconeyba wuxuu igu yiri waa tan tuuladaadi soo uma jeedid, waxaan ku iri haa waan arkaa inaan dhax taagnahey laakin maxaan meel fog uga arki waayey, markaasuu igu yiri sidii Jinkaan labadeena u soconey, sidii Jinkaadna wax u arkeesey, meeshii baan ku kala dhaqaaqney laba madaxle.

 

 

Reerkeygi iyo dadkii magaalada igu sugayey oo i baadi goobayey, una maleeyey inuu Libaax i kala gooyey oo waxaan soo kor istaagey ayagoo tacsi ii sameenaya, hade sheeka lee maa la wadaa, halkaas ha inoo joogto

Share this post


Link to post
Share on other sites

@blessed,looooooool adi neh niikada la yaabtay ana waxaan la yaabay why he is singin about this jinni called shaaloowee.

 

Showqi, jinni jinniga ugu weeyn jinni shaaloowe, shaaloowaa la yiraa, caaadi maha abaa..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Masweyn   

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Share this post


Link to post
Share on other sites

sheekooyinka jiniga qofkii rabo muqayiliinta ayaa la warsadaa , ku shaxaari ah ayaa habeen 4saac wuxuu arkay labo gabdho oo darjiin fadhiyo (reer xamar) oo sheekeysanaya ,duqa hami ayaa galay ku qabso ayuu is yiri wuu utagay sheeko ayuu la camirtay , gabdhihii mid ka tirsan ayaa xariif iska aheyd ,qoftii kale ayeey uga tagtay waan idiin soo laabana bey ku tiri , odaga cabaar markuu qoftii hartay lashekeystay ayuu wuxuu xasuustay galabkii markuu soo marayay halkan iney qashinba ahayd markaas buu faranduleeyay oo cagaha wax ka dayay , isaga miyaaba habeen danbe gabdho meeel fadhiyaba ku leexday mustaqiimka ayu noqday .

sheekadan waxaa ii sheegay ku aan waa saaxiibo ahayn ,laakinse wuu qayili jiray inanku.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

^Armay caleenta ka arkaan? Raga qayila, ka maadeeyso mooyee wax lagama qoro.

 

Maswayn.. LOL. Wa jinkii oo soo taagan. Nuun-ow bal noo turjun wuxuu soo qoray.

 

Oba-- ninka kama hadlaayo, the special effects.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this