Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland interior Minister Dr Gaboose Visits Sanaag

Recommended Posts

Wasiirka Daakhiliga Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo

April 20th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Wasaaradaasi ayaa maanta duhurkii si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

 

Weftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa Tuuladda Yufle oo 30km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Ceerigaabo kaga hortagay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, Duqa Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo masuuliyiinta laamaha dawlada ee gobolkaasi, ka dibna waxay u soo galbiyeen gudaha magaalada Ceerigaabo halkaasi oo ay waddooyinka hareerahooda u taagnaayeen dadweyne tiro badan ka qeyb galay soo dhawaynta wasiirka.

 

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay dadkii soo dhaweeyay wuxuu ILAAHAY uga baryay inuu ka soo jabiyo abbaarta ba’an isla markaana u shubo raxmaadkiisa.

 

Wasiirka Daakhiligu wuxuu sheegay in socdaalkiisa gobolada barigu uu la xidhiidho xog ogaal u noqashada xaalada guud ee deegaamada dalka, waxaanu tilmaamay in mudada uu joogo magaalada Ceerigaabo uu kulamo kala duwan la yeelan doono masuuliyiinta Gobolka, Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sanaag.

 

Dr. Gaboose waxa uu saaka ka soo kcitimay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag oo uu xalay u hoyday isla markaana uu kulamo la yeeshay masuuliyiinta degmadaasi iyo qaar ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka deegaankaasi. Wasiirka iyo weftigiisa waxa la dejiyay Guriga martida ee magaalada Ceerigaabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo Maanta Tagay Magaalada Laascaanood Kulamana La Qaatay Waxgaradka Gobolka Sool

 

 

Laascaanood-(OWN)-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr:Maxamed Cabdi Gaboose ayaa Maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool taasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

 

 

 

Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland aya waxaa si weyn ugu soo dhawweayay magaalada Laascanood Maamulka Gobolka Sool kan Degmada iyo waxgaradka Gobolka kuwaasi oo wada hadlay arimo dhawra oo ay ugu muhiimsanaayen xoojinta amaanka ee gobolka iyo ka hortagista cid kasta oo abuulaysa rabshad iyo amaan daro laga dhaxlo gobolka sool.

 

 

 

Kulanka maanata dhex maray wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr:Gaboose iyo waxgaradka Gobolka Sool ayaa ku soo dhamaaday mid guula kuwaasi o isla qaatay sidii looga wada shaqaynlaha xoojinta amaanka.

 

 

 

Wasiirka Wasaarada Aimha Gudaha Somaliland Dr:Maxamed Cabdi Gaboose oo isagu dhawaanahanba Socdaalo ku joogay Gobolada Bariga Somaliland ayaa socdaalkiisan ku micneeyay inuu yahay mid uu ugu kuur galayo xaalada nololeed ee dadka gobolada Bariga sida ay tahay isagoo dhanka Bulshadana weydiinaya baahiyaha ugu daran ee haatani haysta.

 

 

 

Ugu danbayntii waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada Burco soo dhaweynta Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland oo la filayo inuu maalinta Beri ah yimaado magaalada Burco.

 

 

 

Maxamed Cawad Maxamed

 

Oodweyne News/Burco Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this