Sign in to follow this  
General Duke

3 months : Sharif Ahmed losing ground to Sharif Xasan, Amin Amir video.lol

Recommended Posts

Ninka ka xishooda please sheekhu waa nin sharaf leh hadii uu aqbalay doorashadu maad dhaaftaan, nin jecleysiga aad wadaan naga dhaafaa oo danta shacabka soomaaliyeed ka fikira.

 

ps. 550 calool uu shaqeeystayaasha mahooda waa iska joogaayan mahino, isbedel ha filanina, and don't forget, zack gaar ahaan shariif xassan waa ninkii badda gaday together with the other doqon C/raxmaan C/shakuur..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Not sure what you are talking about. These 550 MP's you insult elected the man who you are defending. Now were they good yesterday and are they bad today? Also the sea deal was a project Sharif Ahmed was part and parcel of. So kindly stop the nonsense. He has proven to be a joke as highlighted by his flip flopping on the issue of the election.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Oba, talada waanu qaadanay, waa wax fiican in Shariifku ogolaaday doorashada inkastoo feedh iyo faro laad looga keenay haddana go'aankiisa waanu soo dhaweyneynaa. Shariif hassan baa ku guuleysan doono, hadiisa laga guuleysto waanu taageeri qofkii guuleysto xitaa hadduu yahay shariifka hadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif Sheekh Axmed oo Aqbalay Natiijadii kasoo baxday Shirkii Wadatashiga Nairobi.

Print here| By: allgedo.com: Wednesday, April 20, 2011 // u Jawaab

 

Related Articles Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa aqbalay inta badan qodobadii kasoo baxay shirkii wadatashiga ee dhawaan lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.

 

Shariif Sheekh Axmed oo maanta xildhibaanada isaga taageersan lahadlay ayaa sheegay in uu aqbalay doorashada lafilayo in Bisha Agoosta ee soo socota ay dhacdo oo ladoorto gudoomiyaha baarlamanka iyo madaxweynaha.

 

Madaxweyne Shariif ayaa ku nuux nuuxsaday in beesha caalamka ay tahay mid aan laga maarmin oo wax weyn ka qabanaysa xaaladda Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay baarlamanka in ay midnimo muujiyaan.

 

Aqbalaadda shariif ee shirkii wadatashiga Kenya ayaa timid kadib markii wafdi ka socday beesha caalamka uu shalay soo gaaray Muqdisho kulamana uu laqaatay madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo sida muuqata lagu cadaadiyay in ay u dhega nuglaadaan rabitaanka beesha caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya

 

Arbaco, Abriil 20, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho in ka badan 100-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka qaygalayo doorashooyinka madaxnimo ee dalka ka dhacayay, balse ay tahay in marka hore hal dhinac la isku raaco.

 

Sheekh Shariif oo hadal u jeediyay mudanayaashii uu la kulmay ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo khilaafka u dhexeeya hay'adaha sare ee DKMG ah, isagoo xusay in doorashooyin la qabto ay ka horreyso in la xalliyo khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda.

 

"Aniga waxaan diyaar u ahay inaan ka qaybgalo doorashada madaxnimo ee dalka, waayo madaxweyne doorasho ayuu ku yimaadaa - mana diidi karo, balse waxaa loo baahan yahay in marka hore ay is-waafaqaan hay'adaha DKMG go'aan wadajir ahna la gaaro muddo kordhinta markaas kaddibna laga hadlo doorasho," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan lagu mashquulin doorasho, balse ay tahay in marka hore la xalliyo khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowaldda, sidoo kalena aysan doorashadu carqalad ku keenin howlaha dowladda Soomaaliya.

 

"Haddii baarlamaanku uu si gooni ah xilliga u kororsado, xukuumadduna ay si gooni ah xilka u kororsato taasi ma suurogalayso, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah la isugu raaco muddada ay xukuumadda iyo baarlamaanku shaqeynayaan, idinka ayaa ah xildhibaannadii baarlamaanka waxaana la idinka doonayaa inaad go'aan ka gaartaan muddo kororsiyada ay xukuumadda iyo baarlamaanku sida kala goonida ah ugu kala dhawaaqeen, howshaasna waa billowdeen waxayse u baahan tahay dhameystir," ayuu Sheekh Shariif mar kale yiri.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa hadalkiisa ku sheegay inaysan jirin hay'ad si gaar ah u kororsan karta xilligeeda, balse loo baahan yahay inay kala tashado hay'adda kale, si howsha la qabanayo ay u noqoto mid xalaal ah.

 

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya uu sheego inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee lagu qabanayo gudaha dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in baarlamaanka iyo xukuumaddu ay doorashada go'aan wadajir ah ka gaaraan.

 

Hadalka madaxweyaha ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaanahan uu jiray khilaaf ka dhashay muddo kororsiga baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda oo hay'adaha dowladda u dhexeeyay, kaasoo cirka isku sii shareeyay markii Afhayeenka baarlamaanka uu ka qaybgalay shirkii ka dhacay Nairobi.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

EAC Supports Somali Government Bid To Extend Tenure By 1 Year

 

"The summit supports the Africa Union and IGAD [intergovernmental Authority on Development] position on [a] one-year extension for the transitional federal government of Somalia to enable the government to draft a new constitution and intensify its war against the Al-Shabaab terrorist insurgency," the EAC said in communique released Tuesday at the end of an extraordinary summit in Dar es Salaam, Tanzania. "The summit expressed support for the Africa Union and IGAD positions backing the request by the transition government of national unity to extend its tenure by one year before elections in order to allow for the maintenance of the security and stabilization efforts."

 

The EAC appealed to the international community, in particular the U.S. and the European Union, to enhance their support for the Africa Mission in Somalia.

 

Somali has had no central government since the ouster of its then strongman Said Barre in 1991. The transitional government supported by AMISON is fighting Islamic militants in the horn of Africa nation for control.

 

The instability in Somalia is threatening maritime operations in the Indian Ocean, with Somali pirates seizing ships and demanding huge ransoms.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Aniga waxaan diyaar u ahay inaan ka qaybgalo doorashada madaxnimo ee dalka, waayo madaxweyne doorasho ayuu ku yimaadaa - mana diidi karo, balse waxaa loo baahan yahay in marka hore ay is-waafaqaan hay'adaha DKMG go'aan wadajir ahna la gaaro muddo kordhinta markaas kaddibna laga hadlo doorasho," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif

 

 

After the extension of one year election will be held

Share this post


Link to post
Share on other sites

TFG is making progress no need for election till alshabaab is gone …. The money should go to the Army .

Sakiin and Farol will never become president /prime minister lol……….

You keep dreaming friend … shariif Ahmed is the man accept it

Share this post


Link to post
Share on other sites

sheekh-aadan-

 

Sheekh Aadan Madoobe oo baaq u diray Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya

Published on April 20, 2011 by Editor2 · No Comments · 532 views

 

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo maanta ka hadlay marxaladaha ka taagan Soomaaliya ayaa ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya inay ogolaadaan muddo kordhintii ay soo jeedisay Xukuumadda Soomaaliya, islamarkaana dibna loo dhigo doorashooyinka lagu balansanaa in laqabto bisha August ee Sanadkan.

 

Sheekh Aadan Max’ed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya in ay aqbalaan soo jeedintii Xukuumaddu ay soo jeedisay ee ahaa in muddo hal sanno loo kordhiyo dhamaan hay’adaha dastuuriga ee dowladda, si ay u sii ambaqaado howlaha horyaala Xukuumadda KMG Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku talaabsatay tallaabooyin dhinacyo badan leh, isagoo sheegay in dadaallada ay Xukuumaddu ku bixisay nabad ku soo dabaalidda dalka uu yahay mid aan la iska indho tiri karin, taasi oo uu ku tilmaamay inay lagama maarmaantahay in la siiyo fursad kale oo ay ku sii dhameystiri karaan howlaha horyaala.

 

Mudane Sheekh Aadan Max’ed Nuur ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday in muddo kordhinta Baarlamaanka ee Mudada sadaxda Sanno ah ay tahay mid siyaasadeed, islamarkaana loo baahnaa in arrinkaasi ay Xukuumaddu soo jeediso,

 

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyntii xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay kulan ka yeeshaan mudada sadaxda sanno ah ee ay kordhisteen si arrinkaasi xal waara looga gaaro islamarkaana ay isugu yimaadaan in labo sano lagu darro.

 

Waa markii ugu horeysay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur Sheekh Aadan Madoobe uu la hadlayo saxaafadda tan iyo bishii May ee sanadkii 2010-uu isaga degay xilkii Guddoomiyenimo ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this