Sign in to follow this  
General Duke

3 months : Sharif Ahmed losing ground to Sharif Xasan, Amin Amir video.lol

Recommended Posts

Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya

 

Arbaco, Abriil 20, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho in ka badan 100-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka qaygalayo doorashooyinka madaxnimo ee dalka ka dhacayay, balse ay tahay in marka hore hal dhinac la isku raaco.

 

Sheekh Shariif oo hadal u jeediyay mudanayaashii uu la kulmay ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo khilaafka u dhexeeya hay'adaha sare ee DKMG ah, isagoo xusay in doorashooyin la qabto ay ka horreyso in la xalliyo khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda.

 

"Aniga waxaan diyaar u ahay inaan ka qaybgalo doorashada madaxnimo ee dalka, waayo madaxweyne doorasho ayuu ku yimaadaa - mana diidi karo, balse waxaa loo baahan yahay in marka hore ay is-waafaqaan hay'adaha DKMG go'aan wadajir ahna la gaaro muddo kordhinta markaas kaddibna laga hadlo doorasho," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan lagu mashquulin doorasho, balse ay tahay in marka hore la xalliyo khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowaldda, sidoo kalena aysan doorashadu carqalad ku keenin howlaha dowladda Soomaaliya.

 

"Haddii baarlamaanku uu si gooni ah xilliga u kororsado, xukuumadduna ay si gooni ah xilka u kororsato taasi ma suurogalayso, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah la isugu raaco muddada ay xukuumadda iyo baarlamaanku shaqeynayaan, idinka ayaa ah xildhibaannadii baarlamaanka waxaana la idinka doonayaa inaad go'aan ka gaartaan muddo kororsiyada ay xukuumadda iyo baarlamaanku sida kala goonida ah ugu kala dhawaaqeen, howshaasna waa billowdeen waxayse u baahan tahay dhameystir," ayuu Sheekh Shariif mar kale yiri.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa hadalkiisa ku sheegay inaysan jirin hay'ad si gaar ah u kororsan karta xilligeeda, balse loo baahan yahay inay kala tashado hay'adda kale, si howsha la qabanayo ay u noqoto mid xalaal ah.

 

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya uu sheego inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee lagu qabanayo gudaha dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in baarlamaanka iyo xukuumaddu ay doorashada go'aan wadajir ah ka gaaraan.

 

Hadalka madaxweyaha ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaanahan uu jiray khilaaf ka dhashay muddo kororsiga baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda oo hay'adaha dowladda u dhexeeyay, kaasoo cirka isku sii shareeyay markii Afhayeenka baarlamaanka uu ka qaybgalay shirkii ka dhacay Nairobi.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif Xasan oo ku guuleystay inuu kala fur furo inta badan Xildhibaanadii ku kacsanaa (Warbixin)

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhaq dhaqaaqyo aan caadi aheyn ka wada Hoygiisa ayaa sida lagu yaqaan ku guuleystay inuu kala fur furo inta badan Xildhibaanadii sida aadka ah uga soo horjeeday, isagoo inta badan ku qanciyay fikirkiisa ku wajahnaa shirkii wada tashiga Magaalada Nairobi dhowaan lagu soo gaba gabeeyay.

 

Shariifka oo dadka siyaasadihiisa yaqaanan ku tilmaamaan inuu yahay nin galaan gal badan, jeeb furnaan iyo maskax isku darsaday ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la yeelanayay Xildhibaanada u madax buurnaa kuwa isaga sida gaarka ah uga soo horjeeday, kuwaasoo uu inta badan haatan gacanta ku dhigay.

 

Warar ku dhow dhow Xafiiskiisa ayaa sheegaya inay jiraan Xildhibaano u kala dhuumanayay, kuwaasoo u badnaa Xildhibaanadii qaar ee dhowaan ka dhawaajiyay inay diyaariyeen mooshin ka dhan ah, si ay xilka uga tuuraan.

 

Maalintii shalay ayaa Waxaa Warbaahinta la hadlay Xildhibaan Cumar Islow iyo Cawad Axmed Cashara oo ah Gudiga Gudiga Warfaafinta Baarlamaanka, kaasoo hormuud u ahaa Xildhibaanadii sida aadka ah uga soo horjeeday Shariif Xasan, waxayna si wada jir ah u sheegeen in la dhameeyay khilaafkii iyo kala qeybsanaantii Xildhibaanada Baarlamaanka ku kala jiray.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar uu Shariifka u muujiyay balanqaad, halka kuwa ugu codka dheeraa uu si gooni u sooray, taasoo aheyd qorshaha koowaad ee Shariifka u degsanaa marka uu dalka dib ugu soo laabto.

 

Mooshinkii laga diyaarinayay Shariif Xasan oo maalmo ka hor xowli ku socday ayaa hadana warar la helayo ay sheegayaan inuu dhaafi la'yahay ilaa 52-Xildhibaan, taasoo muujineysa in Xildhibaanadii boqolka ku dhowaa ee isla balamay inay geeyaan Mooshinkaas la kala fur furay.

 

Shirkii jaraa'id ee shalay wada qabteen Gacan yaraha Shariif Xasan Cumar Islow iyo Cawad Axmed Cashara wuxuu tusaale cad u yahay in meesha ay ka baxday daadkii ku soo wajahnaa Shariifka, taasoo si muuqata uu isaga moosay.

 

Qorshayaasha ka dhanka ah Shariif Xasan waxaa sida cad daadihinteeda ka socotay Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra'iisul Wasaaraha oo damacsanaa in lagu kiciyo Xildhibaanada Shariif Xasan, kadib markii uu goostay inuu ka qeyb galo shirkii wada tashiga Qaramada Midoobey.

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif Axmed oo sheegay in wadanka uu dib u dhac ku iman karo

 

3 hours ago | 0 comments 0

 

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada dalka Soomaaliya, hadii uu sii socdo khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta iyo hay’adaha DFKMG.

 

Shiikh Shariif Axmed ayaa hadalkan jeediyey xili uu la kulmay qaar kamid ah Xildhibaanada taageersan oo uu ku qaabilay xaruntiisa Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

 

Magaalada Muqdisho ayey maalmahan ka socdaan shirar kala duwan oo ay yeelanayaan xubnaha kamid ah Baarlamaanka DFKMg iyo Xukuumada, kadib markii magaalada uu dib ugu soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Shariif Xassan Shiikh Aadan oo dhawaan ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada Nairobi.

 

Shariif Xassan ayaa magaalada kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, ayadoo warar hoose ee soo gaaraya Horseed Media ay sheegayaan in Guddoomiyaha uu wado olole lagu doonayo in mooshino ka dhan ah Madaxweynaha DFKMG la horgeeyo Baarlamaanka, xili horey loo sheegayey Madaxweynaha dhankiisa uu asaguna waday mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha.

 

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed ayaa kulan uu maanta la sheegay qaar kamid ah xildhibaanada taageersan oo uu xaruntiisa Muqdisho ku qaabilay ayuu ka digay khilaafka hada jira oo sii socda.

 

Shariif Axmed ayaa sheegay in codsigii uu Baarlamaanka u diray ee ahaa in dib looga noqdo go’aankii ahaa in 3 sano Baarlamaanka ku darsaday, isla markaana laga dhigo muddo kooban, ayuu sheegay in wax jawaab ah uusan illaa iyo hada ka heyn Baarlamaanka.

 

Madaxweyne Shariif Axmed oo sheegay inuu asagu diyaar u yahay in Doorasho la qabto, balse wuxuu yiri Xiligan Munaasib maaha in doorasho la qabto, asagoo intaasi raaciyey in loo baahan yahay in wakhti lagu daro xukuumada si buu yiri dalka meel cidlo ah ugu dhici xiliga kala guurka.

 

Hogaamiyaha DFKMG Shariif Axmed ayaa sheegay in dib u dhac weyn ku imaan doono dalka Soomaaliya, hadii ay sii socoto khilaafkan soo noq noqday ee ka dhex taagan hay’adaha DFKMG xili dowlada ay wakhtiga uga hartay muddo 3 bilood ah oo kaliya.

 

Shariif Axmed ayaa ku tilmaamay faro gelinta Beesha Caalamka mid salka ku haysa maadaama DFKMG ay tahay mid kumeel gaar ah isla markaana ku tiirsan dhaqaalaha Caalamka, ay DFKMG sidoo kale gacan siinayaan ciidamo shisheeye, middaasi baa keenaysa buu yiri in ay Beesha Caalamka ay dooneyso inay talo ku yeelato DFKMG, asagoo carabka ku adkeeyey in hada loo baahan yahay in laga gudbo xaalada Kumeel Gaarka ah ee uu dalka ku jiro.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif Axmed ayaa ku tilmaamay faro gelinta Beesha Caalamka mid salka ku haysa maadaama DFKMG ay tahay mid kumeel gaar ah isla markaana ku tiirsan dhaqaalaha Caalamka, ay DFKMG sidoo kale gacan siinayaan ciidamo shisheeye, middaasi baa keenaysa buu yiri in ay Beesha Caalamka ay dooneyso inay talo ku yeelato DFKMG

After all those trips he was told to back down and contest the elections.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho(AllPuntland)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ka soo horjeedeen in ka badan 200 Xildhibaan ayaa ku guuleystay inuu xaliyo khilaafka kala dhaxeeyay Mudanayaasha Baarlaamaanka oo ka soo horjeeday ka qeybgalka shirkii wadatashiga ahaa ee Kenya lagu qabtay.

 

Kulan shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kana soo qeybgaleen mudanayaashii kasoo horjeeday ayaa lagu dhameeyay khilaafkii kala dhaxeeyay Shariif Xasan, waxaana warbaahinta u xaqiijiyay Xildhibaan Cumar Islow iyo Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta Cawad Axmed Cashara.

 

Labadan Mudane ayaa si wada jir ah u sheegay in la dhameeyay khilaafkii iyo kala qeybsanaantii Xildhibaanada Baarlamaanka ku kala jiray.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar uu Shariifka u muujiyay balanqaad, halka kuwa ugu codka dheeraa uu si gooni u sooray, taasoo aheyd qorshaha koowaad ee Shariifka u degsanaa marka uu dalka dib ugu soo laabto.

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mooshinkii laga diyaarinayay Shariif Xasan oo xildhibaanadii waday si gooni ah balan qaad u muujiyay, kuwaasi oo dib u laqay ololihii ka dhanka ahaa SHariif Xasan.

 

Khilaafka Xildhibaanada kala dhaxeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sida muuqata abuurayay Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo ka soo horjeeday go'aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee shirka Kenya ku tegay.

 

AllPuntland News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Waxaan rabaa inaan idin sheego inaan doorasho diyaar u ahay, madaxweyne markii hore doorasho ayuu ku yimid, mana diidi karo, laakiin waxaa loo baahan yahay in Hey'adaha Dowladda ka tashadaan, waqti munaasib ahna doorashooyinka dhacaan"
ayuu yiri Madaxweyne Shariif

 

Ugu dambeeyntii Madaxweynaha ayaa u sheegay xildhibaanada uu kulanka maanta la qaatay in uu arintaa kala tashado golaha wasiitrada, waxana uuna madaxweynaha ugu dameyn sheegay in markiii hore uu oglaa in baarlmaanka waqti korar sadaan laakin mudadada intaasi laga yareeyo.

 

Double speak, he now accepts elections, and extension of Parliment. After all the fuss and trips aborad Sharif Ahmed has been told that there will be no extension for him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay inay wada hadlaan Xukuumadda KMG iyo barlamanka, isagoo tilmaamay in hadii taasi la waayo ay suurto gal tahay in uu burbur ku yimaado Hay’adaha dowladda Federalka Soomaaliya.

 

Indeed there is nothing they can do to Sharif Sakiin..

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

That doesn't matter. I still applaud the man's ability to make the other Sharif hold the elections. Elections are needed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Sharif is out of ideas, he went to Rwanda, Tanzania, Ethiopia and every other country he can think of and still didn't get any way to save himself.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^He even made enemies of the International Community that made him president. Now he is going backwards and Sharif Xasan is on a roll with the MP's.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Exactly jiq.com ku tahay duqa. Nabsigii Aweys or maybe yey baa haya lol. He and I both know that he will lose should elections are held. That is why he wanted to postpone them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this