Sign in to follow this  
Liqaye

Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in aan la horkeeni karin wixii ka soo baxay Shirkii Nairobi

Recommended Posts

Liqaye   

April 18, 2011 - QOL - Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in aan la horkeeni karin wixii ka soo baxay Shirkii Nairobi

 

Isagoo la hadalay saxaafada Ismaaciil Axmed Nuur Guddoomiyaha Guddiga ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayuu sheegay inaan la horkeeni karin baarlamaanka KMG Soomaaliya dhamaan wixii ka soo baxay shirkii dhawaan ka dhacay dalka Kenya oo ay saldhigeysay Qaramada Midowday.

 

“Baarlamaanku ma aha meel qof walba sida uu rabo uu ka yeelo, waayo Guddoomiyaha Baarlamaanku waxa uu horay u sheegay inuu kala tashanayo Baarlamaanka shirkaasi intaan la aadin, mana usan yeelin taas ee iskiis ayuu isaga tagay, haddana waxa uu leeyahay Baarlamaanka ayaan horgeynayaa qodobadii ka soo baxay, taas ma wax caqliga geli karaa” ayuu yiri Xildhibaan Ismaaciil.

 

Xildhibaan Ismaaciil waxa uu intaasi ku daray inaysan marna aqbali doonin in qodobadii ka soo baxay shirkii Kenya la horgeeyo Baarlamaanka, wuxuuna si kulul u weeraray Guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu sheegay in Madaxweynaha dowladda KMG uu ka diiday in la dhimo mudada ay Baarlamaanku xilka ku korarsadeen, laakiin sida uu yiri nasiib daro uu ka aqbalay Mahiga in la dhimo waqtiga Baarlamaanka uu korarsaday.

 

“Dalka Soomaaliya Gumeysi kuma jiro waana dal xor ah, Qaramada Midoobayna uma taliso, mana aha in sidii la rabo la isaga dhaqmo, waxa lagu wado joogana waa axdiga KMG, haddii loo hogaasami waayana cid waliba siday rabtey yeelaysaa” ayuu yiri Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur oo intaasi ku daray in Guddoomiyaha Baarlamaanka aan lagu kalsoonaan Karin hadda ka dib, maadaama uu kala qeybiyey Baarlamaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

That's Aweys yo, you got your uncles mixed up. shariif has multiple wives producing right now right in Villa Somalia, are you telling me they are getting transported to Egypt as they are born?

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Do not they have to vote and see how many so called xildhibaans are for or against before he says yes or no, wuxu ma caruur baa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Yeah i know abti hassan's family live in Egypt, i thought adeer shariifs kid's lived there aswell, adeer shariif has 3 vives, and 3 kids baan ku ogaa but i don't think they live in villa Somalia.. Lol zack sirdoon badanaa heysataa yaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Oba ma waxaad leedahay sh Shariif wuxuu leeyahay 3 caruura kaliya?? i do not think inay Villa Somalia joogaan, waxa siyaasada ku jira hadii caruurtooda xamar lagu daadin lahaa waa horuu wadanka dagi lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this