Sign in to follow this  
Jacaylbaro

More SSC Militia Defect to Somaliland

Recommended Posts

Tiradii Ugu Badnayd Ee Kooxda Nabadiidka Ee SSC Oo Soo Goosatay Iyo Nabadoon Sheegay In Ay La Jiraan Xukuumadda Somaliland

 

 

Hargeysa (HWN) Nabadoon Maxamuud Xaaji Axmed Aadan, oo ka mid ah cuqaasha deegaanada Buuhoodle ayaa maanta markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in tiro ku dhaw lixdan ka mid ah maleeshiyada SSC ay ka soo goosatay isla markaana heshiis nabad ah la galeen dawlada Somaliland.

 

Maxamuud Xaaji Axmed Aadan, mar uu maanta u waramayay shabakada wararka ee Hadhwanaagnews iyo wargeyska Haatuf, waxaanu tilmaamay in wixii maanta ka danbeeya ay ka shaqayn doonaan sidii nabad waarta looga gaadhi lahaa deegaamadii ay shaqaaqadu ka dhacday dhawaan ee kalshaale.

 

Waxa kale oo uu xusay in deegaamada bariga oo dhan ay ka taagan tahay abaar xumi isla markaana dad iyo duunyaba ay u baahan yihiin sidii gacan looga geysan lahaa.

 

Dhinaca kale waxa uu qurbo jooga beelaha dega gobolada bariga ee laascaanooda iyo buuhoodle uu u soo jeediyay in ay gacan wax tar leh ka geystaan deegaamada oo ay ka dayaan hubka iyo waxyeelada kale ee ay la raadinayaan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Markii hore wadanka dhibaa ka dhacday, dhibtii ka dhacdayna waxa lagaga heshiiyey in nabad la qaato, dhibtu horta waxa ay ka dhacday Kalshaale, waxa lagu guulaystay in la aaso, waxaana ka dambaysay in maxaabiistii la soo daayo, dhamaan beelaha waxa laga wada qaatay in nabada laga wada shaqeeyo oo nabada si fiican loo wada qaato.

 

Markaa sidii nabada loo qaadan lahaa iyo sidii ciidamadii meesha dhibtu ka dhacday looga fogayn lahaa ayaa la isla garan waayey, dabadeedna waxaan goaan ka qaatay in cida aan u taliyaa in meelihii ay dhibtu ka dhacday ciidamadooda ka fogaystaan nabadana si wacan looga shaqeeyo. Labada dhinacna loo gurmado sidii colaada loogu gurmaday nabadana loogu gurmado. Markaa waxa la isla garan waayey aniga oo cabsi ka qaba dhinaca puntland dad siyaasiyiin ah oo laga soo galay inay ugu talo galeen in colaadu ay sii jiitanto sidaa darted ayaan ciidamada aan halkan keenay uga soo fogaynay. Cidii talo iga qaadanaysana insha allaahu waxaan leeyahay sidii colaada loogu gurmanayey nabada ha loogu gurmado.

 

S: Nabadoon ma ciidamadii beeshaada ahaa ayaa inta ay nabadii qaatay soo xero galay?

 

J: haa ciidamadii dhinaca beeshayda weeyi, kuwa kale oo dhinaca kale ah wixii aan talo siiyey waa ay iga talo qaateen oo inay Asbuucan yimaadaan baa laga yaabaa oo iyaguna ka soo baxaan.

 

S: Intee Weeyi tirada maleeshiyadan beeshaada ka tirsan ee ka soo goostay Nabaddiidka ee Nabada Qaatay?

 

J: Hada Kooxda Beeshayda ka tirsan ee nabada qaatay waa lixdameeye, kuwa kalena todobaadkan ayaa laga yaabaa inay yimaadaan oo inaan anigu noqdo ayay sugayeen qoladan ayuunbaan rabay in aan rug u sameeyo, cida kale ee iga talo qaadata oo isla beelaha reer Buhoodlena ka mid ah waxaanu ku heshiinay inay nabada ka shaqeeyaan, dhawaana waan kula soo xidhiidhsiin doonaan.

 

S: Halkee ayaad hadda aad joogtaan?

 

J: Hadda waxa uu ciidanku degan yahay Yeyle oo ka tirsan Soonka laascaanood, dhinicii dhibtu ka dhacdayna mar hore ayaa laga soo raray oo halkan ayay yimaadeen markaa iyaganaan booqasho ugu imid ina allaah marka aan dhinaca buhoodle ku noqdana waxaan leeyahay cid kasta waa in ay qaadataa nabada oo ay si wacan uga shaqeeyeen, cidii colaad ku jirtana si waxan nabada ha uga shaqeeyeen, maanta waad ogtihiin abaar ayaa alle nagu kiciyey, haddii wanaaga laga shaqeeyana waxa aanu illaahay ka rajaynaynaa inuu naga soo furan doono, cidkasta oo dadkaa Somaliland degana waxaanu leenahay si wacan nabada ha looga shaqeeyo.

 

Anagu waxa aanu ka mid nahay beelaha Somaliland, dadna dhalasho ayaa naga dhaxaysa dadna dhulbaa naga dhexeeya anagu Somaliland ayaanu nahay fakir khaldana in dadka la siiyo maaha oo la marin habaabiyo, markaa goboladani waa Somaliland weeyi, markaa siyaasad ahaan baa Puntland loogu kaxeeyey dadkana meelo badan baa laga qaldayaa, waad ogtihiin xataa dadka Kililka Itoobiya degan oo inaga Somaliland iyo Puntland-ba ka baxsan baa jira oo hadana dhalasho aanu wadaagna, Masalan imika degmada la yimaado gaashaamo Somaliland ayay u yaqaanaan, dadka ka tirsana Danood iyo Degmada Bookh wali waxa ay isku yaqaanaan inay yihiin Puntland markaa waa siyaasad la sameeyey dadkani waa Somaliland.

 

S: Deegaanadaasi waxa ka jiray Abaar Baahsan oo saamaysay dadka iyo duunyadaba, hadda xaalada dadku waa sidee oo ma la filayaa in dhulkaasi uu roob ka dao?

 

J: Dadka iyo duunyaduba aad ayay u julicsan yihiin inkasta oo daruuri muuqato hadana wax roob ah oo daay ma jiro dadkuna aad ayay u jilicsan yihiin inkasta oo meelaha waxoogaa biyo ah la geeyey oo dadka jaaliyada iyo iyo hayaddo dhinaca Somaliland ka yimidiyo hadana dadku aad ayay u julicsan yihiin oo cid wax gaadhsiin kartaa ma jirto alle mooyee, ilaahayna waxaanu ka rajaynaynaa in daruurtaasi cirka saaran uu noo diiyo markaa dadku aad ayuu u jilicsan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Which one is coming to cease.. Somaliland kashif bay ku dhamaatay.. Kalshaale, Kashifa baa isku cuntay wixii aad 20 sano soo dhoobdhoobayseen..

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^ Exactly imisaan lahaa war dhulkiina ku ekaada.. Maxaa ka danbeeyey wixii 20 sano lawaday in unknow push (kalshaale) ay fadeexayso.. What happened to THE mighty qaran clan militia. Where is at the border closing mantra? What is up with this welcoming and bribing the man you considered a crimal who murdered with his own hands many of your men (some of them well known saraakiil) in daylight. Is that the rule of law in Hargaysa. Or let me say, it's politics...

Don't you see how fake and simple this project is. Man killed your officials came to Hargaysa and instead of him facing the justice, he received a warm welcome and paid. That is what I call Naflacaari iyo Bahdil kii u danbeeyey. And you all dare to come in sol and talk.

 

Now the only option left for you is to keep bribing people who won't take you no where. Blue flag is up high in the sky on all corners of Cayn and it will IA. That is facts!

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Taa mid ka siifican for u cuqdada iska daaya somalia way is wada dishay. Anything based on emotion and cuqdad take you no where.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

For Last 2 years wax uun baa goostay baa lagu hayaa, hadiiba dadkii soo wada goosteen yaa idinla dagaalamaya, ma jiniyo, Allow kuu naxariiso Aabe Siyaad wax baad ka barateen laakiin abaal baydaan ugu hayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

bilan;710161 wrote:
For Last 2 years wax uun baa goostay baa lagu hayaa, hadiiba dadkii soo wada goosteen yaa idinla dagaalamaya, ma jiniyo, Allow kuu naxariiso Aabe Siyaad wax baad ka barateen laakiin abaal baydaan ugu hayn.

dagaalki sooki joogsaday ma dagaal baad maqashay imika biil iyo dhowr weeg ba , dagaalki Axmed karaash iyo Buntiland ba ugu danbeysey dagaaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

XX, maxaa is badalay, you told us few months ago that you were closing the border, did that happen? you told us Buuhoodle will soon be singing Somaliland dalkayga and no more Blue flag , did that happen? Marka you know and I know if you had the power maalin maadan sugteen oo Buuhoodle baa dhex fadhin lahayd, laakiin awood baa kuu diiday, marka su’aashu waxay tahay if I add up inta goostay ee aad adigu soo dhajisay, iyo Saalax iyo waliba JB, hade ciidanba meesha kuma harine, yaa idiin diidin Cayn. ma jiniyo :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^^ Logic and geat question but no answers though, may be ONLF and AS baa hortaagan. I know they will come back and say Nabad baa la wadaa...lol..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this