Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The republic of Somaliland celebrates 30 year anniversary of SNM+PICS+VIDEOS

Recommended Posts

I don't expect you to say anything good about the movement that defeated you sxb ,,,,, caadi iska dhig ... :D

 

Yes, other groups are those still fighting after 20 years ............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Xaaji Xunjuf;709188 wrote:
The SNM guurti conference held in 1983 in Harar Ethiopia the elders invited some youth

 

Sawir-1983-snm1.jpg
[/img]

 

I will be the first one to say Siad Barre had to go! His time was up and what happen was inevitable!

 

Probably the saddest part is that "we" were played by Ethiopia to do their dirty work. But worst for you is that after we all got rid of their arch enemy Somalia....they threw you under the bus and have refused to even recognize what you crave most. Just a few months ago the foreign minister of Ethiopia said that your secessionist dreamed has to be decided in Mogadishu.

 

They gave us weapons, sanctuary and aid and once we did what they wanted.....they left laughing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The SNM was the main reason the Somali state collapsed. It's the reason why MSB was willing to give up any claims to western Somalia. He made this sacrifice to stem the growing strength of the SNM rebel group and in the process signed the orphans of the mad mullah to a hundred years of slavery. For anybody to claim the USC was the reason that the regime collapsed they are dreaming and not speaking about reality. Because of SNM 2/3 of the SNA was based in Somaliland to fight the SNM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thankful Ethiopia had it's own interest and so did we , we wanted to get rid of Siyad barres Government and in these kind of cases your enemy's enemy is your friend it's part of politics Isiyas and melez were both armed By Siyad barres government so its all fair in the game my friend. My Aim was an independent Somaliland and i got what i want i don't care what Ethiopias deep interest were or not Somalidu waxay tidha war ku guur laakin yaan lugugu guurin.

 

Moonlight Sure the dervishes can be remembered and their Mullah and their poets and Military leaders and their forts in taleeh and in Midhsisho and badhan and in their short lived dervish state they Fought the British In burco that's where it all started and then fardhidin and then Beerdhiga jidbaale But they were not successful they were defeated and Somaliland gained independence 40 years Later that's why the two cannot be compared besides the Topic is not Darawiish but it's SNM i have never see you celebrate the Darwiish in Mogadisho how come? is it because you destroyed the statue of the Mullah as for your Point USC fought the Siyad bare regime yes they did but they started fighting Siyad bare in the Begin 1990s and before that many of the usc members were Part of the SNM Like Cosoble and others. As for Cabdi aziz bare well we all know what happened to him in In balidhiig in 1989 he attacked balidhig 3 times and all the 3 Battles he lost men and lost his technicals That's when he fled in to Laascanood. All of Southern Somaliland in 1989 was in the hands of SNM from kalabaydh to wajaale to Maqaxida inanta allaybaday Balidhig all the way to lawyacade Baliguduble SNM head quarters From 1988 1991 and in 1990 Sayid cali faction of SNM reseized eastern Hargeysa, The last Stronghold the Siyad bare govt held was berbera and they lost Berbera 3 days before usc Boys Knocked on Vila Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sanadguuradii 30-Aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ururkii Snm Oo Maanta Laga Xusayo Dalka

 

Hargeysa, April 6, 2011(Haatuf) - Maanta oo laga xusayo dalka Somaliland, islamarkaana ku beegan sanadguuradii 30aad ee ka soo wareegtay maalintii ururkii SNM ee dalka xoreeyay lagaga dhawaaqay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ayaa munaasabada sanad walba loo qabto, ay ka soo qayb galaan mujaahidiintii London shirweynihii u horeeyay kaga dhawaaqay inta ka nooli.

 

Ku dhawaaqada wakhtigaasi ururkii SNM ayaa ka dambaysay, ka dib markii uu tacadigii iyo dhibaatooyinkii uu ku hayay shacabka reer Somaliland taliskii milatariga ahaa ee dawladii dhiigyo cabkii Siyaad Barre, islamarkaana dhibaatadaasi isa soo taraysay, iyadoo taliskii Rajiimkaasi ku hayay shacbiga Somaliland oo xilligaas ka tirsanaa dalkii la isku odhan jiray Somalia dil, dhac iyo xadhig, ka dib siyaasiyiintii reer Somaliland, aqoonyankii iyo saraakiishii xooga dalka kaga jiray sameeyeen xidhiidho iyo shirar is-daba qarsoodiya oo is daba joog ah dibad iyo gudaba, islamarkaana ay kaga arrinsanayaan halgan lagala hortago taliska macangaga ah ee dalka xukumayay.

 

Hadaba waxa xusid mudan aqoonyano dibada joogay dhinaca Carabta iyo Yurub ay isla qaateen, ka dib shirar hore oo ay wada yeesheen oo ku saabsanaa ku dhawaaqida SNM ay ugu dambayntii 6-April 1981-kii London kaga dhawaaqeen ururkii SNM, kaas oo horseed u noqday halgankii hubaysnaa ee xaq u dirirka, islamarkaana dumiyay quwadii Af-weyne oo ka mid ahaa dalalka Africa kuwa ugu xoogga weyn. Ururkii SNM ayaa muddo halgan qadhaadh ku naafaysay, islamarkaana ku burburisay quwadii Siyaad Barre kaga xoraysay dalkan Somaliland 1991-kii.

 

Mujaahidiintii shirweynihii London kaga dhawaaqay ururka SNM oo waxa ka mid ahaa:-

 

Axmed Maxamed Guuleed oo noqday gudoomiyihii u horeeyey ee SNM, Xasan Ciise Jaamac, Xasan Aadan Wadaadiid, Maxamed Xaashi Cilmi, Maxamed Ismaaciil Duqsi, Prof C/salaam Yaasiin Axmed iyo xubno kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;709188 wrote:
The SNM guurti conference held in 1983 in Harar Ethiopia the elders invited some youth

 

Sawir-1983-snm1.jpg

Historic picture.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuska Sanad-Guuradda 30-aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ururka SNM Oo Maanta Loo Xusay Si Ka Qiimo Badan Xusaskii Siddeedii Sanadood Ee U Dambeeyay.

 

Hargeysa (Ramaas) Ap 6,2011- Sanad guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aasaasay ururkii SNM ee dhaliyey xoriyadda maanta Somaliland ku naaloonayso, isla-markaana shacabka ka dul-qaaday kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta si wayn looga xusay Magaalo madaxda dalka ee Hargeysa.

 

Xuskan sanad guurada 30-aad ee aasaaska ururkii SNM (Somali National Movement) ayaa maanta loo xusay si ka duwan sidii loo xusi jiray wakhtigii talada dalka uu hayay Madaxwaynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, iyadda oo lagu qabtay hoolka shirarka ee shawqaalaha dawlada isla-markaana la soo bandhigay taariikhda ma guurtada ah ee SNM ku leedahay guud ahaan dhulka soomalidu degto.

 

Munaasibadan ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, axsaabta qaranka, qaar ka mid ah aasaasayaashii sanadihii siddeetamaadkii SNM kaga dhawaaqay Magaaladda LODON ee cariga Ingiriiska mujaahidiin kale, kuwaas oo dhammaantood muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin xuska maanta oo si wayn uga duwanaa xusaskii 8-deedii sanadood ee ugu dambeeyay.

 

Guddoomiyaha jimciyadda mujaahidiinta Sooyaal Mujaahid Xasan Axmed, oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxaynu joognaa 6-da bisha aprill ah oo maalintii ururkii SNM la aasaasay, waxaana laga joogaa 30 sanadood oo 10-na la halgamayay 20-na dalka aynu haysanay. Anagu SNM ahaan waanu soo taaganahay maadaama oo guddoomiyihii SNM uu yahay Madaxwaynaha Somaliland, waxaanuna diyaar u nahay in dadka reer Somaliland gacmaha is qabsadaan, waxaanuna soo diyaarinay barnaamij horumarineed oo diyaar ah.”

 

Cabdisalaan Yaasiin Gabay-xadi, oo ka mid ah aqoonyahanka dalka, kana mid ahaa shakhsiyaadkii koobnaa ee SNM aasaasay oo isna xaflada hadal dheer ka jeediyay ayaa soo qaaday “SNM waxay keentay dad xor ah, dal xor ah iyo dawlad xor ah, dawlada aynu haysanana cid inagu haysato, waayo waa dawladii aynu u dagaalanay ee aynu dhiiga u hurnay, sida aynu u sii adkaysanaynana inaga ayay inagu xidhan tahay, haddii la ina ictiraafo iyo haddii kaleba dalkan inaga ayaa leh ma yeelayno adduunimo, ma yeelayno cid dambe oo aanu maamulkeena iyo dawladnimadeena isku daba taagno, waa waxaa dadku u dhintay.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Haddii aynu keenay dawladnimadii cadaalad ayay dawladnimadeenu wax ku noqon karaysaa, dadkii, dalkii iyo dawladii xorta ahaydba waynu haynaa, waana inaynu diyaarsano quwadeena oo dhan oo aynu wax walba iska celinaa.”ayuu yidhi.

 

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo ka nool saddexdii mujaahid ee ugu horeeyay ee ka baxa ciidamadii kaligii taliyihii Siyaad barre ee u talaaba dhinaca dalka Itoobiya oo ay ku sugnaayeen kooxihii ugu horeeyay ee SNM oo isna halkaa kalmado muhiim ka yidhi ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “ILAAHAY naxariistee jano haka waraabiyo shuhaadadii u shahiiday halgankii aynu maanta dambarkiisii maalayno.”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey “Waxa muhiim ah in taariikhdaa la ilaaliyo, ma waxaynu odhan karnaa dadka Soomaliyeed ee aynu soomalida isku ahayn ee aynu isku dawlada ahayn, haddii aynu nahay intan maanta Somaliland ah ama reer Waqooyiga nahay ma waxaynu odhan karnaa waynu ka wanaagsanayn ama waynu ka muslimsanayn, farqiga maanta jira ee ta nabada ka dhigay Xamar iyo hareerahadana aynu wax ka socda aynu ognahay, waxaynu odhan karnaa waa biseylkii siyaasadeed, waa hogaankii, waa garashadii mujaahidiintii SNM ku dhaqday dalka, sida ay xoriyadda aabo iyo hooyo ugu yihiin ayay nabadana aabo ugu yihiin, haddii maalintii la wada kala aar-goostoo oo qabiil la wada noqon lahaa oo aynaan dawlad lahaan lahayn sidaa Xamar ayaynu ahaan lahayn ILAAHAY inagama dhigee.”

 

Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) isaguna ka mid ahaa dadkii halganka sida wayn uga qayb-qaatay isla-markaana isku hawla inuu ururiyo taariikhda mujaahidinta SNM ee shahiiday halganka ayaa isaguna tilmaamay “Intii SNM jirtay 6 guddoomiye ayaa is badalay, taasina dimuqraadiyadda SNM ayay ahayd.”ayuu yidhi Muj. Boobe.

 

Munaasibadan loo sameeyay xuska sanad guurada oo uu sidoo kale ka hadlay Maxamed Xasan Yoonis Habane oo uu dhalay taliyihii ciidanka qaranka Somaliland ee dhawaanta geeriyooday ayaa iyaguna waxa hadalo qiimo badan ka soo jeediyay guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Wasiirka daakhliga Dr Maxamed Cabdi Gaboose.

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khubaddii Wasiirka Arrimaha Guduhu Ka Jeediyay Xuskii Ururkii SNM

April 6th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland ku dedaalayo siddii uu uga dhabeyn lahaa himiladdii halgankii loo soo maray Dalka. Islamarkaana, waxaa uu tilmaamay in aan waqtigan la fileyn cabasho ka soo yeedha halgamayaashii SNM qaarkood.

 

Dr; Gaboose oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay Aas-aaskii ururkii SNM 1981 oo maanta oo kale ku beegneyd, taasoo lagu qabtay Caasimadda Hargeysa ayaa khudbad uu ka jeediyay waxaa uu ku tilmaamay in aan halganku dhamaan loona baahanyahay in la sii waddo oo aan laga niyadjabin. Hadalka Wasiirka Arrimaha guduhu waxaa ka mid ahaa oo uu khudbadiisa ku yidhi siddan: “Waxay himilladoodu ahayd in qaran cadaalad iyo dimuquraadiyad ah la hello, waxaana hor taalay nolol adag oo musuq maasuq cadaalad darro ku dhisan. Waxay ujeedadoodu ahayd oo ay dhiigooda u hureen, in dimuquraadiyad sinaan iyo cadaalad la hello. Sidaas awgeed, waxaynu hiigsaneynaa way ka balaadhan tahay nolol maalmeed waa qarankaa maanta caalamku ammaanayo ee wufuuda iska soo daba-dhacaysa aad arkaysaan, su’aalaha maanta caalamku is weydiinayaana waxaa ka mid ah, siddee ayaad halkan ku gaadheen. Guulahaana waxa dhaliyay, raga aan idiin sheegay ee qaar nool-yihiin, qaar geeriyoodeen kuwana dhaawacmeen. Markaa waa in himiladeenu noqotaa in ka gaadhi qurux badan watta uu gaadhigiisa wato inana aynu mid ka sii qurux badan kaxaysano. ..Horena dhaqankeena ugumay jirin, in aynu ka masayro wax qof kale wato, himiladeenu waa in ay noqotaa qaran qani ah oo cadaalad ah, markaas ayaynu wixii SNM u soo halgantay dhadhan yeelanayaa. Waxaan idiin sheegayaa, umad walba halgankeedu waa sil-silad., ilaa maalintii gumaysigii ingiriiska ragbaa dhiigooda hurayay oo hanti ku bixinayay waana sil-silad taxane ah, halganka SNM-na meel dhumuc leh ayuu ka galayaa, dhamaantoodna waa la xusayaa. Waxaa halkan fadhiya Boobe oo taariikh badan haya, mid wal oo taariikhdaas ka mid ahna quruxdeeda ayay yeelanaysaa taas ayaanay ku jirtaa danta Somaliland.”

 

Waxaan idiin sheegayaa in aanu halgankii dhamaan, haddii kuwii dibada joogay ay ahaayeen kuwaa tanaasulay ee qarankii xukunkiisa ku wareejiyay dadka Somaliland, dhiseena qaran la wada leeyahay, kana tanaasuleen damacooddii iyagoo eegaya walaalnimadda ummadda halgankii intaas kuma dhamaan dagaal dheer ayaa ina sugaya. Geesiyaal danbe ayaana dhalan-doona, kuwa dhabarkeena ku jira ayaana Lixle, Maxamed Cali iyo Siilaanyo noqon doona. Waad ogtihiin Madaxweynaha maanta dalka haystaa inuu dhaxantii iyo daranyaddii qaxootiga idinla joogay, himiladdii kuwaasi lahaayeen ayuu leeyahay, mana aan fileyn in maanta SNM cabanayaan.

 

Waxaan idiin sheegayaa, waa in aad ku riixdaan Madaxweynaha inuu cadaalada ka shaqeeyo, waa in aad ku riixdaan inuu Ilaaliyo agoonta Somaliland oo dhan koone kasta oo ay joogto, waa in aad ku riixdaan inuu ilaaliyo ka waalan ee Jidka maraya.

 

waxaan idiin balanqaadayaa aniga oo xukuumadda maanta u jooga halkan in Madaxweynaha Somaliland oo aan ogahay dareenkiissu uu yahay in Agoonta iyo Taariikhda Somaliland wax weyni iska bedelaan.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Lol, Usually places celebrate events like this throughout a wide area. But not in this case.

 

You can truly see that this rebel group only benefitted a select group by the fact that nowhere else is celebrating this .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this