Sign in to follow this  
Akash

AwdalState oo looga Dabaal Dagay Gobolka Minnesota, USA

Recommended Posts

Akash   

Prof, Xaamud Maasheeye oo qudbad qiimo leh ka Jeediyay Xafaladii AwdalState ee Minnesota.

index.75.jpg

 

Minneapolis (Saylac.com) Munaasibada Awdal State ee magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka oo ay ka soo qayb galeen dadweyne Soomaaliyeed oo lagu qiyaasay boqolaal qof ayaa waxa ka hadlay aqoonyahano kala duwan oo iskugu jira reer Awdal iyo Soomaalida kaleba . Prof Xaamud Cali Masheye ayaa kazoo jeediyey khudbad aad loola dhacay waxanu si qoto dheer ugu dheeraaday in Awdal State ay tahay dawlad goboleed Soomaaliyeed oo aan hoostagin dawlada Somaliland .

 

 

 

Prof Xamud Cali Masheye waxa uu yidhi “ Hadii umada soomaaliyeed aragto dadweyne Somaliyeed oo la dulmaayo waxa waajib ku ah inay u gurmadaan garabka joogsadaan dadkaa la dulmaayo. Isagoo ula jeeday gobolada Awdal State ee uu kazoo jeedo.

 

 

 

Prof Xamud Cali Masheye oo ka tirsan gudiga qabanqaabada Awdal State ee Gobolka Minnesota ee cariga marykanka ayaa waxa uu sheegay in ujeedada Awdal State ay tahay in gobolada awdal, Selel iyo Gabilay ay noqdaan Ismaamul Goboleed Soomaaliyeed oo ka madax bananaan Ismaamulkii burburey ee la baxay Somaliland.

 

 

 

Munaasibadan oo ay kasoo qayb galeen Mudanayaal ka tirsan Senetka Maraykana gobolka Minnisota, Diblomaasiyiin reer galbeed ah iyo Aqoonyahaniin Soomaaliyeed iyo waliba Fananiinta qaranka Somaliyeed sida Fanaanada astaanka qaranka Somaliyeed ee Saado Cali Warsame ayaa waxa laga soo jeediyey heeso Wadani ah oo dadkii goobta joogay ku abuuray somalinimo iyo isjacayl aan horey looga arag gobolka Minnesota ee Cariga maraykanka.

 

 

 

 

 

Khariidada Awdal State oo loo bandhigay dimlomaasiyiintii shisheeye ee kasoo qayb gashay xaflada wanqasha Awdal State ayaanu idiin soo gudbin doonaa waxa kale oo aad naga fishaan video iyo waliba sawiro ay saylac.com idiinka soo diyaarisey munaasibada Xaflada .

 

 

 

Sidoo kale waxaad toos uga daawan kartaan Universal Tv, VOA, Somalimediatv, SomtvMinneapolis, King 5 News TV Seattle , iyo Tvyada localka ah ee Midwest USA.

 

http://harawo.org/?p=4963

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

XX was looking for pics about the Awdal defacto from the s/l project, there they are... This is a new development and hopeful future for Awadalits, and more hurmful to THE project..

 

In my opinion, this project could last longer if Siilaanyo didn't order his militia to be based on Kalshale. Kibirka waa lagu jabaa horaa loo yidhi..

 

Unknown and unheard of place by many people, including myself who claim to hail from that exactly area, the Kalsahe caused the clan project to end its lifetime.

 

Don't you hate Silanyo ya succissionists.. I am liking Odayga.

 

I heard he cursed the dude who recorded the types from him and his Co after he (dude) called Silanyo again. Odayga recognized the dude said to him "Baalayo alle ha kugu rido inkaar qabe".. I couldn't help but :D:D:D...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

^^^ Poor Khadar counting on some awdal diaspora. :D

 

 

This is what SSC has been reduced to.

 

 

Gaadhi kamid ah Tignikada SSC Oo Maamulka Hargaysa loola galay

 

Mid kamid ah Gaadiidka Ciidanka Ilaaladii Kornayl Cali Sabaray ayaa Maanta Galinkii Danbe loola galay Maamulka Hargaysa oo Gaadhigaasi ay Jiidaha Hore kala baxsadeen Qaarkamid ah Ilaalada Kornayl Cali Sababaray oo iyagu u talaabay DHinaca Tuulada yar ee Qorulugud.

 

Markii ay halkaasi gaadheen ayaa Gaadhigaasi Waxa kala Wareegay Beesha Habarjeclo oo Ciidamo halkaasi u joogaan Waxa Raggii Gaadhigaasi dhacay loo taxaabay Dhinaca Xabsiga Magaalada Burco .

 

Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online

 

Wararka aanu ka Helayno Buuhoodle ayaana intaasi ku daraya in Cali sabaray ay ku soo badanaysay Habacsanaan Xoogan oo kala daad sanaa dhinaca Maamulka ah iyo Ciidamada oo aan la siin Wax dhaqaalo ah taasina keentay inay jabhada SMNTA U Talaabaan.

 

Xafiiska Wararka ee Radiowidhwidh, Buuhoodle

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

prof. Hamud is a great and influential speeker. I heard him talking few months ago in an SSC event in youtube. True and honest somali man. Again great speech in this perticular Awdal state event. Congrats to reer Awdal and to all somalis..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

The tinny revolution with good Professors in the front line is getting faster, and unstoppable.. I hope it brings better results and fame than the uprising of North Africa and Middle east. It's time for bottom up approach, and to show that every one can clean his or her home with less involvement of the international community and regional governments....

 

Like the amazing singer Yusuf Islam said stop stealing from my people, stop pointing gun at my people...:)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Awdal waa dalkaygii

Awdal waa dalkeygii

Dunbaa iigu xidhanoo

Duhur iyo habeenimo

Dibnahaan ku hayaa

 

Saylac Daaraheediyo

Dikadii wacnayd

Ilbaxnimadii Dorraad

Dardarbaan galinoo

Dib baan u soo celin

 

Dareenkeygaa kacay

Ruuxuu Danqayaa

Danihiisa weeye

Dawlad lagu nastiyo

Qaran lagu diirsadaan

Daaha ka qaadiyoo

Dalkeyga waan dhisan

Oo waan dhisanayaa

Aah waan dhisanayaa

 

Awdal waa dalkeygii

Awdal waa dalkeygii

Dunida an ugu jeceloo

Dal dheer aniga oo jira

indhahay dul taala

 

Buloxaar dusheeda

Ceel shiekh dacaldeed

Degelkii qurxoonaa

Dariiqyaan ka simiyoo

Daruurahaan geyn

 

Dareenkeygaa kacay

Ruuxuu danqayaa

Danihiisa weeye

Dawlad lagu nastiyo

Qaran lagu diirsadaan

Daahaan ka qaadiyo

Dalkeyga waan dhisan

Oo waan dhisanayaa

Aah waan dhisanayaa

 

Awdal waa dalkeygii

Awdal waa dalkeygii

Dugsi hodana weeyoo

Day-day iyo m*ooryaan

Darbi kaga oodayaa

 

Axmad guray dadkiisi

Cidi daan-daansan jirin

Dunida laga yaqaan

Dabarka way gooyno

Dibbay usoo nolaan

 

Dareenkeygaa kacay

Ruuxuu danqayaa

Danihiisa weeye

Dawlad lagu nastiyo

Qaran lagu diirsadaan

Daaha anka qaadiyo

Dalkeyga waan dhisan

Oo waan dhisanayaa

Aah waan dhisanayaa

 

Awdal waa dalkeygii

Awdal waa dalkeygii

Darmo raaxo weeyo

Darxumiyo quudhsi

Doc baan uga duwaaya

 

Dadnimadaan xoojin

Caddaladaan daadahayn

Diridhaba agteediyo

Jigjiga daafyahadaan

Ciyaar ugu dabaal dagi

 

Dareenkeygaa kacay

Ruuxuu danqayaa

Danihiisa weeye

Dawlad lagu nastiyo

Qaran lagu diirsadaan

Daaha anka qaadiyo

Dalkeyga waan dhisan

Oo waan dhisanayaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Yes it's happening right before succissionists... Sii arageedaan arkaa, sandqadheedaan maqlaa... caadi maaha heesta..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this