Sign in to follow this  
Somalina

Xaabsade Oo Ka Waramay Hees Lid Ku Ah Ethiopia

Recommended Posts

Somalina   

March 31, 2011 Hargeysa(Cadceed) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in Hees Todobaadkii hore laga baahiyay Idaacada Radio-Hargeysa oo ka mid ahayd Heesihii ku Kaydsanaa muddada dheer Idaacadaa Radio-Hargeysa oo laga saari jiray Xiliyadii Todobaadtanaadkii ee Maamulkii Rajiimkii Siyaad Barre oo ka mid ahayd Heesihii Borobogaandada loo adeegsan jiray ee lid ku ahaa Dawlada Ethiopia ay si qaldan uga baxday Idaacada, isla markaana ay u dhuumatay Wariye ka tirsan Idaacada, isagoo intaa ku daray in ciddii qaladkaasi gashay ay talaabo adag ka qaadi doonaan.

Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaabsade waxa kale oo uu digniin culus u jeediyay Ashkhaasta Mashuuraca ka dhigatay fidinta aritaasi, isagoo dhinaca kale-na sheegay in cidii lagu arko hawl-wadeenada kooxaysi Shaqada lagaga eryi doono.

Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xabsade oo aanu Xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay, waxna kaga weydiinay Heesta lid-ka ku ahayd Dawlada Ethiopia ee Idaacada laga baahiyay ayaa waxa uu yidhi “Arintaasi wey jirtay mid qalad u dhacdayna way ahayd, oo Cajalad si qalad ah loo galiyay-na wey ahayd, Nimankii arintaasi ku kacayna talaabo adag oo bilaa Naxariis ah ayaanu ka qaadnay, sidaa darteed-na mar dambe dhici mayso in qaladkaasi lagu arko Idaacada, Dawlada Ethiopia iyo Somaliland iyo labada Shacab ee ku kala dhaqan labada Dal-na waa laba Dal oo xidhiidh Walaaltinimo ka dhaxayo oo qaadarin iyo Maamuus kala mudan”

Wasiirka mar aanu weydiinay, in qaladkaasi ku dhacay aqoon dari iyo in loo badheedhay, waxa uu yidhi “Runtii aqoon daro ayay u dhacday, Cajaladaasi-na Wiil yar ayay u dhuumatay, wax la buun-buuniyo oo Mashruuc laga dhigo mahaa qalad dhacayn maaha, kuwa sii fidinaya arintaasi ee Shaqada ka dhigtay-na waxaan uga digaynaa inay ka waantoobaan Dacaayadahaa Raqiiska ah”.

Mar aanu weydiinay waxyaabaha laga sheegayo in Shaqaalihii Wasaarada Warfaafinta hore u sii joogay iyo kuwa cusub ee ku soo biiray ee la sheegayo in kooxaysi ka dhex dilaaceen in qaladkaasi dhacay ay saamayn ku leeyihiin, waxa uu yidhi “Arrimahaasi waxba kama jiraan wax Groupo iyo kooxaysi-na lagama ogola Wasaarada ee Shaqo ayaa taala, Ninkii la yimaada hab-dhaqan Kooxaysi ama lagu arka-na Shaqada wuu ka tagayaa”.

Si kataba ha ahaatee Heestan ayaa markii ugu horaysay idaacada Raido-Hargeysa ka baxday ama laga Baahiyey tan iyo intii ay Xornimadeeda kala soo noqotay Somalia.

Heesta laga Baahiyey Idaacada Radio-Hargeysa ee Lidka ku ah Ethiopia ayaa ka mid ahayd Hubka Borobogaandaha ee warmaha ba’an ku ahaa Ethiopia oo la hal abuuray xiliyadii uu dagaalka qadhaadhi uu ka dhex soday Somalia iyo Ethiopia ee 1977-kii.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlaya doorka ay ka qaadanayaan Abaaraha dalka ku habsaday, waxa uu yidhi “Runtii Abaaruhu meel adag bay marayaan, Ilaahay-na waxaan uga

baryayaa Dadkeena Abaaraha iyo Biyo la’aantu ku habsadeen, waxaana Gobolada Galbeedka iyo Bariga Dalka aanu u diraynaa Wafti ka socda Warbaahinta iyo Hay’addaha oo qiimayn ku soo samayn doona”.

Source:Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this