Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland: UDUB Presidential candidate arrives back in Hargeysa

Recommended Posts

Saalax   

5ltr5uz2gwcmx9f13ng.png

 

75p9m7031v7r323masu.png

 

37j15bsde4pyo4s0omqo.png

 

rl0gkkycccy6rz53w6a.png

 

z69wwtl07nwa3clzrav.png

 

8qtfn2cihsd8fwh2b968.png

 

 

 

(Hadhwanaagnews) Saturday, March 26, 2011

Hargeysa (HWN) Boqolaal isugu jira Dadweynaha Magaaladda Hargeysa, Siyaasiyiin, Waxgarad, Xildhibaano, sulaadiinta iyo taageerayaasha xisbiga UDUB ayaa maanta si heer sare ah gegeda diyaaradaha ee Cigaal International Airport ugu soo dhaweeyay Murashaxa jagadda madaxweynaha ee xisbiga UDUB Dhexdiisa ee Cali Maxamed Warancade.

 

Hargeysa (HWN) Boqolaal isugu jira Dadweynaha Magaaladda Hargeysa, Siyaasiyiin, Waxgarad, Xildhibaano, sulaadiinta iyo taageerayaasha xisbiga UDUB ayaa maanta si heer sare ah gegeda diyaaradaha ee Cigaal International Airport ugu soo dhaweeyay Murashaxa jagadda madaxweynaha ee xisbiga UDUB Dhexdiisa ee Cali Maxamed Warancade.

 

Md. Cali Maxamed Waran Cadde oo intii muddo ahayd socdaal ku joogay dalka Koonfurta Suudaan, ayaa dadweynaha soo dhaweyntiisa ka qayb galay uga mahadnaqay sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu sheegay in socdaalkii uu ku tagay dalka Koonfurta suudaan uu ahaa mid ay Somaliland guul ugu soo hootay.

Cali Waran cadde oo markii uu ka soo degay gegeda diyaaradaha ee Cigaal International Airport, loo soo gelbiyay dhinaca Huteelka Shiraaqle ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ugu horeyn halkaas ka hadlay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka markhaati kacay in uu soo dhaweynta Cali Maxamed Warancade, uu ka turjumayo shakhsiyadiisa wanaagsan.

 

Suldaanku waxa uu carabka ku dhuftay in dalka Somaliland aanu maanta jirin nin uga lexejeclo badan Wasiirkii Hore ee duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Cali Maxamed Warancade.

 

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Dadweyanaha Sharifta leh ee isugu yimid soo dhaweynta Madaxweynaha Mustaqbalka ee Cali Maxamed Warancade, isaguna sidaas ayuu idiinku faraxsan yahay, maanta aad baan ugu kalsoonahay magaca madaxweynaha mustaqbalka ee Cali Maxamed Warancade, runtii iskaashi baa wax lagu soo saari karaa, hadii reerkeenii ay maanta is yidhaahdaan wax dhisa waxba dhisi kari maayaan, laakiin beeshaa Gobolka Hawd ayaan anigu leeyahay maanta madaxweynaha way soo saari karaan waxa aan leeyahay ha la midoobo

 

Wuu sii watay Suldaan Maxamed, hadalkiisa waxaanu tilmaamay in aan ka sulaadiin ahaan aan iyaga cod laga sugi Karin, Anagu sulaadiin baanu nahay oo ma lihi cod, laakiin ka qabta ayay la shaqaynayaan waayo dalka dhex bay yihiin, laakiin soo dhaweynta Cali Maxamed Warancade waxa uu ku mutaystay madaarkuu gacantiisa ku dhisay ayuu soo dhaweyntana ku mutaystay

 

Suldaan Maxamed Waxa uu ka markhaati kacay in Wasiiradii tirada badnaa ee soo maray Wasaaradani uu yahay kii ugu horeeyay ee dedaalkiisa la arkay isla markaana wax badan qabtay Wasaaadda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka ee mudadii uu xilka hayay markii laga qaaday dhaqaale badana wareejiyay, waxa aanu leenahay waa nin hogaamiyenimo u qalma, waxba yaanay baniaadamku is xaasidin, anigu iminka muddo todoba sanno ka hor ayaan ku idhi oo miyaad is sharaxdid cid ku dhaantaaba ma jirtee ayuu yidhi Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

 

Dhinaca kale xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed [Xoog] oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in maanta uu hayso garab ka maqnaa intii muddo ahayd isla markaana ay u doodi karaan dadkii dhawaan guryuhu ay kaga gubteen xaafada Gacan Libaax ee Magaaladda Hargeysa.

 

Maanta waxa dib iigu soo laabtay garabkaygii Midig, waxaanan aaminsanahay in aanu maanta halkan uga doodi karno dadkii aanu ka dhex ololaynayay wakhtigii doorashada ee ay guryuhu ka gubteen, kuwaas oo la yidhi iyagaa guryahoodii iska gubay, waxaanu leenahay caqliga ma gelayso in ay dadkii guryuhu ka gubteen oo cidlo fadhiya, la yidhaahdo iyagaa is gubay ayuu yidhi.

 

Geesta kale waxa isna halkaas hadalo koob-kooban ka soo jeediyay Wasiir Ku xigeenkii hore ee Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri,

 

Mahdi, waxa uu ayaan darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in shacabkii ay guryuhu ka gubteen loogu daro xadhig oo la yidhaahdo waa kuwii gubayay guryahooda, ugu horeyna isaga oo ka hadlaya soo dhaweynta Cali Maxamed Waran Cade, waxa uu yidhi Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan soo dhaweyno Madaxweynaha Mustaqbalka Cali Maxamed Waran Cade, waxaanan leeyahay gacmo furan ku soo dhawoow ayuu yidhi.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay sida uu arko dadkii guryaha iyo gubayay iyo xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa aan la yaabanahay in dadkii guryahoodii ay gubteen la isugu darro waxba laaan iyo waliba xadhig, waxaanu leenahay madaxweyne dalkan iyo dadkanba adiga ayaa madaxweyne u ah ee sidaas ha laga daayo ayuu yidhi.

 

Ugu danbayntiina Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB dhexdiisa Cali Maxamed Warancade oo isna la hadlayay boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta ay u sameeyeen Aad baan ugu faraxsanahay in ay maanta intaas oo qof I soo dhaweeyaan, waana markii ugu horeysay ee ay dad intaas leegi I soo dhaweeyaan ayuu yidhi.

 

Waxa uu faahfaahin dheeri ah ka bixiyay socdaalkiisii uu ku tagay dalka Koonfurta Suudaan, waxaanu tilmaamay in ay guul u ahayd Somaliland Runtii socdaalkii aan ku tagay koonfurta suudaan oo aynu dhinacyo badan iskaga mid ahayn dhinacyo badan haddii ay noqoto qadiyada madax banaanida iyo waliba ictiraaf raadinta, waxaanan leeyahay socdaalkaygaasi waxa uu ka dhashay isfaham aad ah, bisha todobaad ee soo socota waxa dalkaas tegi doona todoba qof oo uu ku jiro madaxweynaha iyo waliba aniga ayuu yidhi.

 

Waxa uu ayaan darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in shacabkii dhawaan guryahooda lagu gubay xaafada new Hargeysa ee degmada Gacan libaax ay garoowshiiyo ka waayaan xukuumadda, hadana buu yidhi xadhig loogu daro Markii aan maqnaa waxa I soo gaadhayay warar sheegayay in guryo la gubay, runtii waxa ay ahayd arrin naxdin leh, laakiin waxa ka sii daran in dadkii guryaha laga gubay oo cidlo fadhiya haddana xadhig lala miciinsado, waxa aan leeyahay arrintaasi waxa ay ahayd mid aan loo baahnayn xukuumadana waanu iska arki doonaa ayuu yidhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Those are some of his supporters. It's not strange for political figures to be welcomed like that in the somali peninsula.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warancade will be a great leader if he runs for President and the people of Somaliland will support him, he was the most hard working former cabinet member.

Madaxweyne cali Maxammad warancade sounds good

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;705847 wrote:
Not so sure about the "President" part but Warancade is a really good guy.

Who is a better fit to be the next President then?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this