Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice president opens new university laboratory + PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Lap Cusub Oo Ay Shirkada Nation Link U Qalabaysay Jaamacadda Hargeysa

 

Hargeysa (HWN) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa saaka xadhiga ka jaray laab casri ah oo ay shirkada isgaadhsiinta Nation Link u qalabaysay jaamacadda Hargeysa iyo dhisme cusub oo ay hayadda Care International u dhistay jaamacada Hargeysa.

 

Hargeysa (HWN) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa saaka xadhiga ka jaray laab casri ah oo ay shirkada isgaadhsiinta Nation Link u qalabaysay jaamacadda Hargeysa iyo dhisme cusub oo ay hayadda Care International u dhistay jaamacada Hargeysa.

 

Xaflad loo sameeyay furitaanka dhismaha cusub iyo laabka oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen Xoog), Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare Khadar Axmed Diiriye, Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Muuse Cabdi Cilmi, Guddoomiye Ku xigeenka Jaamacada Mubaarak Ibraahim Aar, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, masuuliyiin iyo waliba macalimiinta wax ka dhigta jaaamadda Hargeysa.

Ugu horeyn hadal kooban oo uu halkaas ka soo jeediyay Prof. Axmed Maxamed Cadaad oo ah Deanka qaybta sayniska ee jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in ay farxad iyo rayn-rayn u tahay mar haddii jaamacadii Hargeysa ay yeelatay Lap u gaar ah, waxaanu maamulka shirkada Isgaadhsiinta ee Nation Link ku bogaadiyay sida ay xilka isaga saareen in ay u qalabeeyaan jaamacada.

 

Waxa kale oo uu amaan aad ah u soo jeediyay Maamuladda Cusbitaalada Edna Aadan Maternity Hospital, Manhal iyo waliba dugsiga caafimaadka ee Shifo oo uu sheegay in ka hor intii aanay yeelan laabkan ay tagi jireen isla markaana Maanta waxa farxad noo ah in aanu yeelano laab, waxaanan uga mahadnaqayaa shirkada Isgaadhsiinta ee Nation Link oo iyadu gacan wayn ka geysatay sidii ay Laapkan noogu qalabayn lahayd, waxa kale oo aanaan marnaba ilaabi karin sidii mudadii aanu ku soo dhex jirnay waxbarashada ardayda uga caawin jireen in dhinacyada shaybaadhka Cusbitaalka Edna, Manhal iyo waliba dugsiga caafimaadka ee Shifo ayuu yidhi.

 

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa Prof. Mubaarik Ibraahim Aar, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in maamulka cusub ee jaamacadu uu ku talo jiro sidii ay waxbarashadeeda sare ugu qaadi lahayd Waxa aanu runtii ku talo jirnaa sidii aanu waxbarashada jaamacadda Sare ugu qaadi lahayn, waxaanan uga mahadnaqayaa maamulka shirkada Nation Link oo iyadu qaybta sayniska oo runtii cadibnayd ka caawisay in ayu soo qalabayso laabkii, waxaanan ilaahay ka baryayaa in shirkadaas halkii ay lacagtaasi kaga baxday ugu soo bedelo mid ka badan oo khayr wadata.

 

Runtii jaamacada oo maalmo uun ka hor loo soo magacaabay guddoomiye Muuse Cabdi Cilmi waxa ay hadda u muuqataa in ay dedaalkeedii sii laban laabtay, guddoomiyaha oo runtii ah nin wanaagsan oo dhinaca maamulkana waxa badan ka bedelay ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Hargeysa ee dhinaca maamullka iyo maaliyadu.

 

Waxa isna halkaas ka hadlay masuul sare oo ka socday shirkada Isgaadhsiinta ee Nation link Mr. Mahdi Ibraahim Faarax, waxaanu sheegay markii ay arkeen baahida ay ardayda wax ka barata jaamacada Hargeysa ay u qabaan in ay helaan laab ay ku talo galeen in ay iyagu noqdaan shirkada ugu horeysa ee ka caawisa laabkaas, waxaanu ardayda u soo jeediyay in ay ilaashadaan oo aanay iska haleynin qalabkoodan cusub.

 

Guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa Muuse Cabdi Cilmi oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii saaka halkaas ka hadashay ayaa sheegay in jaamacada hargeysa ay abaal badan u hayso dhamaanba dadkii gacanta ka geystay in ay jirto, kuwaas oo buu yidhi ay ugu horeeyaan shirkada Nation Link, Edna aadan iyo waliba kuwo kale oo badan.

 

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ay habeen iyo maalinba dedaal ugu jiraan sidii ay jaamacadu u noqon lahayd mid cagaheeda ku sii taagnaata muddo dheer Waxa ay maanta Ii tahay maalin wanaagsan waxaanan aniga oo ku hadlaya maamulka jaamacadda shirkada Nation Link oo runtii wax fiican qabatay isla markaana noo qalabaysay laabkii oo nagu hayay dhibaato laxaad leh ayuu yidhi

 

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in inta ay xilka hayaan ay ku dedaali doonaan siddii ay uga midho dhalin lahaayeen dedaalkooda ah in ay waxbarashadu meel fiican gaadho.

 

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Khadar Axmed Diiriye oo sheegay in mudadii koobnayd ee ay xilka hayeen ay wax badan ka qabteen dhinaca waxbarashada sare.

 

Waxa uu xusay in ay wadaan qorshe loo samaynayo sidii loola socon lahaa heerka ay taagan tahay waxbarashada sare iyada oo uu buu yidhi aanu samayn doono guddi sare.

 

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay masuul ku hadlayay afka hayadda Care oo iyadu jaamacada hargeysa u samaysay hool wayn, waxaanu tilmaamay in aanu dedaalkooda intaas uun ku koobnayn ee ay wadaan qorsheyaal kale oo ay wax kaga qabanayaan jaamacadda Hargeysa.

 

Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gabogabadii xafladaas hadal kooban ka soo jeediyay ayaa tilmaamay in xukuumadda cusubi ay ka goan tahay sidii loo tayayna lahaa waxbarashada, waxaanu carabka ku dhuftay in ay sare aad ugu qaadeen miisaaniyadda wasaaradda waxbarashada Si loo tayeeyo waxbarashada dalka waxa aanu sare u qaadnay miisaaniyadii Wasaaradda waxbarashada oo awalkii hore ahayd 3%, Laakiin maanta waxa aanu ka dhignay 8%, waxaanan ku dedaalaynaa in aanu sare u qaadno waxbarashada dalka oo wakhtiyadii hore ahayd mid aad u liidata ayuu yidhi.

 

Waxa kale oo uu balan qaaday in ay jaamacadda hargeysa ka caawin doonaan dhinacyada ay u baahan tahay oo dhan Sidii uu inankii hadlayay u sheegay, waxaanu balan qaadanaynaa in marka aanu dib isugu noqono aanu talo ka yeelan doono, diyaarna waxa aanu u nahay in aanu wixii karaankayaga ah bixino ayuu yidhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Oo Jaamacada Hargeysa Laga hirgaliyey.

Hargeysa (Ramaas) Mar.22, 2011 – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray saddex mashaariic horumarineed oo lagu soo kordhiyey jaamacadda Hargeysa.

 

Madaxwayne ku xigeenka ayaa furay qayb-shaybaadh oo lagu soo kordhiyay kuliyadda sayniska ee Jaamacadda iyo laba dhisme oo midna lagu kordhiyey maktabada jaamacada iyo dhisme gaar ah oo loogu tallo-galay xalinta khilaafaadka Soomalida.

 

Furitaanka mashaariicdaan oo ay fuliyeen shirkadda telefoonada ee Nation-link oo iyaddu qalabka shaybaadhka hirgalisay iyo hay’addaha UNDP iyo Care oo kuwa kale hirgaliyey Ka dib markii uu Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi xadhiga ka jaray mashaariicdan horumarineed ayaa hoolka xalinta khilaafaadka Soomalida ee maanta xadhiga laga jaray munaasibad kooban lagu qabtay, isla-markaana waxa ka hadlay masuuliyiinta jaamacada iyo shakhsiyaad kooban oo amaanay dadkii gacanta ka geystay hirgalinta mashaariicdan.

 

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa Prof Mubaarak Ibraahim Aar, oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey jaamacada Hargeysa iyo wakhtigan halka ay marayso, waxaanu sheegay in jaamacada Hargeysa horumar balaadhan oo dhinacyo badan ah samaysay, isaga oo xusay in hadda maamulka jaamacadu aanu ka fikirayn sidii uu macalimiinta jamacada mushaharooyinkooda u kafaalo qaadi lahaayeen, balse ay hadda ka fikirayaan sidii jaamacada horumar dhinacyo badan ah ay u gaadhsiin lahaayeen.

 

Waxaana kamid ahaa hadaladiisi “Jaamacadda Hargeysa macalimiinteeda iyo shaqaalaheedu kama fikiraan mushaharkooda oo waxay u socdaan si wanaagsan, imikana jaamacadu waxay ka fikiraysaa horumar.”

 

Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in dhawaan jaamacada lagu xidhayo Internet wada gaadha guud ahaan jaamacada, taasina ay ka mid tahay talaabooyinka horumarka leh ee ay qaaday.

 

Guddoomiye ku xigeenka shirkada telefoonada ee Nation-link Mr Mahdi Daahir Jaamac, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan shaybaadhka ee ay siiyeen kuliyadda sayniska ee jaamacada Hargeysa ugu tallo-galeen in dhalinyarada sayniska baranaysa ay ka faa’idaystaan maadaama oo ay in badan raadinayeen qalab noocan oo kale ah.

 

Masuulkani waxa kale oo uu sheegay in jaamacada Hargeysa ay ula diyaar yihiin wax kasta oo ay uga baahdaan, isaga oo tilmaamay inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

 

Munaasibadan oo uu sidoo kale ka hadlay agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Khadar Maxamed Diiriye, ayaa waxa soo gabogabeeyay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu sheegay in talaabooyinka jaamacadu qaaday ay yihiin ku lagu farxo oo horumarineed loona baahan yahay in intaa laga sii kordhiyo “Waxaan ku faraxsanahay in jaamacada Hargeysa kala soo qayb-gallo horumarka balaadhan ee fidida ay fidayso iyo mashaariicda ay ku deeqdeen shirkadda Nation-link iyo hay’adda caalamiga ah ee Care iyo UNDP, aad ayay farxad iigu tahay.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Awal Wasaaradda waxbarashadu miisaaniyadda dalka waxay ku lahayd 3%, laakiin maantana waxay ka tahay 9%, taas lafteeduna waa horumar oo waa talaabo hore loo qaaday, sanadka dambana waxaanu rajaynaynaa intaa ka badan la sii qaado.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne-ku-xigeenka oo Shahaado-sharaf Guddoonsiiyey Shirkadda NationLink

Last Modified: Thu 24th Mar,2011

Hargeysa (Jam)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil cabdillaahi (Saylici), ayaa shahaado-sharaf guddoonsiiyey shirkadda Isgaadhsiinta NationLink oo maalintii Salaasada xaflad u qabatay qalayb ay ku samaysay xarunta shaybaadha Kulliyadda Sayniska ee Jaamacadda Hargeysa.

 

Sidaa waxa lagu sheegay qoraal shirkadda NationLink xalay soo gaadhsiiyey Jamhuuriya, kaasi oo u qornaa sidan:

 

 

“Sida aynu horeba ula wadda soconay waxay Salaasadii Jaamacadda Hargeysa lagu qabtay xaflad maamulka jaamacaddu soo qabanqaabiyey, taas oo muhiimadeedu ahayd in shirkadda Nationlink wareejiso qalabayn iyo dib-u-dhis ay ku samaysay laabka sayniska Jaamacadda.

 

 

Sanadkii tagay ayey shirkaddu ku ballanqaaday inay Jaamacadda Hargaysa ka caawin dhinaca Sayniska. Isla sannadkii tagay dabayaaqadisii ayey shirkaddu u hawlgashay sidii ay uga dhabayn lahayd ballanqaadkeedii, waxayna qalabka shaybaadka ka dalbatay dalka Jarmalka, iyadoo ay wakiil uga ahayd Human Care. Qalabkaas oo ah mid casri ah tayadiisuna aad u sarayso, waxa uu dalka soo gaadhay dabayaaqadii bishii January ee sannadkan 2011.

 

 

Maalintii Salaasadii oo taariikhud ku beegnayd 22/03/2011, waxay ka dhacday Jaamacadda Hargaysa xaflad aad u ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, kana qaybgaleen madaxda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hormuud ka yahay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Dr. Axmed Xaashi Oday, wasiirka caafimaadka Dr. Xuseen Xoog, Agaasimaha tacliinta sare, Marwo Edna Aaden Dhakhtar iyo masuuliyiin kaloo badan oo maamulka jaamacaddu ku jiraan.

 

 

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu halkaas shahaado-sharaf ku guddoonsiiyey maareeye-ku-xigeenka shirkadda Nationlink Mr. Mahdi Daahir Jaamac, isaga oo madaxweyne-ku-xigeenku halkaa ka jeediyey hadallo guubaabo ah iyo ammaanba u soo jeediyey shirkadda NationLink.

 

 

Waxa isna halkaasi ka hadlay maareeye-ku-xigeenka, ahna madaxa hawlgalka guud Mr. Mahdi Daahir Jaamac, isagoo sheegay in shirkaddu marar badan oo hore ka qaybqaadatay hawlaha bani’aadamnimo iyo kor-u-qaadidda tayeynta waxbarashada Somaliland, isla markaana qalabayntan Jaamacadda Hargeysa noqon doonin tii ugu dambaysay, balse ay horumarka iyo taageeradda dalkaba ka qaybqaadan doonaan,” ayaa lagu soo gunaanaday qoraalka shirkadda NationLink soo saartay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

University of Hargeisa inaugurates a science lab

 

HARGEISA — Nation Link under its community regeneration initiatives and capacity building, donated a fully fledged science laboratory to the University of Hargeisa during a ceremony held in the capital last week.

 

The new laboratory equipped with state-of-the-art science equipment, materials and other tools was handed over to the faculty of Science. The Chancellor of the university, Professor Muse Abdi Elmi and Dean of Faculty of Science, Professor Ahmed Mohamed Adad formally accepted the facility and applaud the telecom giant.

 

Prof. Adad, who spoke there first thanked the donors and stated the university was happy to have its own laboratory. “We want to thank Nation Link for their generous contribution, we also equally wish to thank Edna Hospital, Manhal Hospital and Shifo health institution, who allowed us to use their laboratories since day one, their efforts will not be forgotten,” he said.

 

Speaking at the ceremony Vice-President Abdulrahman Abdullahi Ismail praised Nation Link for their contribution to the institution and the community. He presented a certificate of appreciation to Mr. Mahdi Dahir Jama, the Deputy Manager of Nation Link.

 

Mr. Jama on his side briefed the media and attendees during the event. “We’re very committed to community involvement,” he said.

 

Furthermore, he revealed they spent over $45,000 to refurnish the lab and said all the equipment and chemicals were imported from Germany.

 

The university was thrilled to have their lab in full working condition and fully equiped. “The University of Hargeisa thanks Nation Link for their support in this area which is vital for acquiring the scientific and technological knowledge badly needed for the development of our country,” it said in a statement.

 

Other organizations who contributed to the project include CARE International and UNDP.

 

Among the distinguished guests were Dr. Ahmed Haashi Oday, Minister of Telecommunication and Postal Services, Dr. Hussein Mohamoud Mohamed, Minister of Health, Dr. Edna Adan Ismail, Prof. Mubarak Ibrahim Aar, Vice-Chancellor of University of Hargeisa and many others.

 

 

 

University of Hargeisa receives new science lab

 

Nation Link is one of seven telecommunication providers operating in Somaliland’s competitive telecom industry. It began its operations in Somalia’s capital Mogadishu in 1997 and began its mobile, fixed lines, internet and satellite mobile services in Somaliland shortly after. It is the largest and oldest telecom operator in Somalia and Somaliland.

 

The Somaliland government recently announced it plans to introduce a new regulatory legislation and will establish a body to help enforce regulations. Currently the country has no regulatory institution and relies on the cooperation of all operators through Somaliland Telecommunication Operators Association. The government claims a French firm will help develop a nationwide network and regulations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this