Sign in to follow this  
Bashiir

Muqdisho iyo Doorashada Madaxweynaha

Recommended Posts

Liban   

^^^ Can someone tell me what do you call this? Is this the ' SOMALIA'S HOPE TO STABILITY' some of the good members of this forum trying so hard to make us believe in that laughable notion.

 

Or can we call this pure desperation and weakness on Sheekh Shariif is part. This guy every day proves how naive and sad he really is, he defintely can't lead our country any longer past August 2011 and he knows it. That is why he's doing all these ridiculous acts of pure desperation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

May 16, 2011 Shir jaraa'id oo maanta uu ku qabtay magaalada Muqdisho gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan ayuu kaga hadlay arimaha doorashada ee dalka Soomaalia .

 

Shariif Xassan Sh Aadan ayaa cilaamiyay xilliga ay dhacayso doorashada madaxtinimo ee dalka Soomaaliya waxa uuna xusay gudoomiyaha in doorashada ay dhacayso kahor bisha Agoust inta uusan wakhtiga uu san idlaan xilliga u horsan dowladda KMS

 

Dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu baaqay madaxwaynaha wadanka Jabuuti Ismaacil Cumar Geele in uu gacan kagaysto sidii ay u dhici lahayd doorashada wadanka Soomalia

 

Hadalka kasoo baxay gudoomiyaha baarlamaanak ayaa imaanaya xilli khilaaf xoogan ee madaxda sare ee dalka uu salka kuhaya doorasho kadhacada xilligan soomalia oo horay ay kaga soo horjiisteen madaxwaynaha iyo ra' iisulwasaaraha .

 

Qorahay Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

6798-full-so.jpg

 

Muqdisho : (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha Barlamanka Sharif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta isku mari waayay kulankoodii sedaxaad oo maalmahaan ay ku yeelanayeen magaalada Muqdisho.

 

Kadib kulan ay maanta ku yeesheen xarunta madaxtooyada eee Villa Soomaaliya Madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasi oo looga hadlayay xalinta khilaafka u dhaxeeya masuuliyiin ugu sareysa dowladda KMG iyo sidii doorasho ay uga dhici laheyd gudaha dalka ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

 

Kulankaani oo ahaa kii sedaxaad oo mudo todobaad gudihiis ah ay yeeshaan madaxweynaha iyo gudoomiyaha Barlamanka ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa saxaafada la hadlay xildhibaan Cumar Islow oo ah xogheynta Barlamanka kaasi oo sheegay in qodobadii labada dhinac ay ka hadlayeen ay ku soo dhamaadeen iyagoo aan laga gaarin wax natiijo ah.

 

Xildhibaan Cumar islow sidoo kale waxa uu sheegay in aysan marnaba ka laaban doonin go’aankoodii ahaa in doorasho madaxtinimo ay dhacdo ka hor bisha August, waxuuna carabka ku dhuftay in hadii is hortaag lagu sameeyo doorashadaasi uu dalka gali karo marxalad adag isagoo tilmaamay in ay badan karaan maamul goboleedyada.

 

Sedaxdii maalin ee la soo dhaafay ayaa xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa ka soconayay kulan u dhaxeeyay madaxweyne Shariif iyo gudoomiye shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaasi oo la doonayay in lagu xaliyo khilaafka labada masuul oo cirka isku sii shareeray bilihii ugu dambeeyay.

 

http://www.shabelle.net/article.php?id=6798

Share this post


Link to post
Share on other sites

dastuurka soomaliya miyaa isku daxyaacsan mise meesha awood ayaa leysku maquuninayaa

dastuurka wuxuu leeyahay doorashada madaxweynaha waxaa ka horeeya tan baarlamaanka iyo gudoomiyihiisa kadib ayaa madaxweynaha ladooranayaa .dhanka kale madaxweynaha waqtigiisa wuu dhamaaday waa inuu isaga dhagaa ,halka dhanka kale baarlamaanka waqtikororsi uu suubiyay ,khaladka yaa leh hadaba?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Qaramada midoobay iyo Beesha caalamka ayaa daaha gadaashiisa kawaday qorshe lagu doonayay in lagu badalo Sheekh Shariif oo kaliya laakiin hada waxaad moodaa in mawqifkaas laga noqday oo Sheekh Shariif muda kordhin loo sameyn doono...

 

Wada akhri...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this