Sign in to follow this  
Bashiir

Muqdisho iyo Doorashada Madaxweynaha

Recommended Posts

Bashiir   

Diyaargarowga doorashada Madaxweynenaha dalka Soomaaliya ee lagu wado in ay qabsoonto ka hor inta aysan dhammaan bish Ogosto ee sanadkan aynu ku jirno, ayaa ololaheeda maanta Muqdisho si weyn looga dareemaya.

 

Arrintan ayaa imaneysa kaddib marki uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, warfidiyeenka u sheegay shalay in la abuuray Guddiga Diyaarinta Doorashada Madaxweynaha dalka Soomaalia.

 

Doorashadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee ceynkeeda ah kana dhacda gudaha dalka Soomaaliya ilaa iyo inti uu dalku martida u noqday qaska iyo qaranjabkii ku dhacay sandkii 1991 oo aheyd markii ay jabhadihii dalka ka kacay rideen taliskii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

246p1c0.jpg

 

Muqdisho: Bisha ogoosto 2011 waxaa jira saadaal ah in dalka Soomaaliya lagu qaban doono doorashooyin waxaana jira warsaxaafadeed kasoo baxay aqalka baarlamaanka oo sheegaya in xilka madaxweynenimada dalka soomaaliya loo tartami doono bisha Agoosto 2011.

 

Qaar kamid ah aqalka baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in dorashooyibku ay kala horeeyaan sida sharcigu qabo loona baahan yahay in marka hore la doorto guddoomiyaha baarlamaanka dalka Soomaaliya bisha Agoosto 2011, kadibna loo gudbo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

 

Dowladda ka jirta dalka Soomaaliya waa mid baarlamaanteri ah awoodda waxaa leh baarlamaanka sida axdiga Kmg ahi sheegayo, lamana oga sida loo xallin doono khilaafka soo foodsaaay dowladda Soomaaliya.

 

Baarlamaanka dalka Soomaaliya wuxuu muddadiisa ku kordhistay 3 sanno oo hor leh, sida sharigu dhigayo muddo kordhinta baarlaanku sameeyey waa in uu ansixiyaa maaxweynahu, in kastoo uu diiday in 3 sanno ay baarlamaanku kordhistaan.

 

Dowlada soomaaliya ayaa mamusha dhul yar oo ka mid ah dalka Soomaaliya, waxayna xilligan ku jiraan dagaal adag oo ay ku doonayaan inay maamulka dowladda Kmg ah ku fidiyaan dalka oo dhan gaar ahaan Koonfurta dalka.

 

Si kastaba ha ahaatee, lama oga qaarka doorashooyinku noqon doonaan, in sidii hore ay noqon doonto mid baarlamaanku wax dooranayo iyo ay noqon doonto doorasho shacab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay in baarlamaanka hadda jira uusan doorasho u cusbooneysiin karin madaxda dowladda.

 

 

 

War saxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha waxaa lagu sheegay inuu daba socdo oo uu jawaab u yahay, war saxaafadeedkii uu guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan soo saaray 19-kii bishan March ee sanadkan 2011-ka, kaasoo ku saabsanaa arrimaha doorashada madaxda dowladda.

 

 

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta war saxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa madaxtooyada ee Villa Somalia waxa uu ku sheegay in baarlamaanka hadda jira uusan doorasho u cusbooneysiin karin madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka, iyadoo wakhtigii uusan weli dhammaan amma aysan iman geeri amma shaqo ka tegis.

 

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale war saxaafadeedkiisa ku sheegay in doorasho ay qabsoomi karto oo keliya marka uu yimaado baarlamaan cusub, muddo kordhinta baarlamaankana aan loo fasiri karin baarlamaan cusub.

 

Madaxweyne Shariif ayaa war saxaafadeedkiisa u cuskaday qodobo ku xusan Axdi-qarameedka iyo dastuurkii 1960-kii ee Soomaaliya.

 

 

Dhegayso war-saxaafadeedka oo kooban: Kobtan guji

 

War saxaafadeedkan ayuu madaxweynuhu soo saaray iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, uuna sheegay in doorashada madaxda dowladda ay qabsoomi doonto dabayaaqada bisha August.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka, ma uusan kala saarin doorashada madaxda dowladda ee uu sheegay midda hordhici doonta.

 

Dhageyso shirka jaraa'id ee Shariif Xasan: kobtan guji

 

Dhanka kale Xidhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka hadlay arrimaha lagu muransan yahay ee la xiriira doorashada madaxda dowladda ayaa sheegay in sharcigu uu cad yahay.

 

 

Wuxuu sheegay in doorashada guddoomiyaha ay soo hormareyso tan madaxweynahana ay ku xigi doonto.

 

 

Dhageyso wareysiga Xildhibaan Qanyare: kobtan guji

 

Si kastaba ha ahaatee murankan la xiriira doorashada madaxda dowladda waxa uu u muuqdaa inuu cirka isku sii shareerayo.

 

 

 

VOA

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka soo horjeestay muddo kororsigii Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in muddo kororsigaas ay tahay mid aan sharci ahayn. Haddaba warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha ayaa u qornaa sidan:

 

Isagoo tixraacaya war-saxaafadeedkii guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya uu soo saaray 19/03/2011, waxaan dib u akhriyay qodobbada: 40,41,42 iyo 43 ee axdiga KMG ah iyo qodobada: 70, 72 & 75 ee dastuurkii 1960kii, oo dhammaan ku wada-saabsan: shuruudaha, sharraxaadda, doorashada, muddada xilka iyo arrimo kale ee la xiriira madaxweynaha.

 

Madaxweynaha isagoo dhagaystay talada sharci-yaqaanno iyo khubaro qaanuun ee ku xeel-dheer arrimahaas, waxaa u caddaatay arrimaha soo socda oo kala ah:

 

1. Sida ku cad qodobka 43-aad ee muddada xilka madaxweeynaha: "... madaxweynuhu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga - illaa inta qof kale ee loosoo doortay madaxweeynanimada uu xilka kala wareegaayo."

 

2. Marka laga reebo sababaha faqradda sare ku qoran, doorasho madaxweyne waxay qabsoomi kartaa oo keliya marka ay dhammaato mudada baarlamaanka, mid cusubna uu shaqadiisa billaabo oo marka hore doorta shir guddoonkiisa.

 

3. Guddoonka baarlamaanka waxaa la dooran karaa muddada oo aan dhamaanin haddii: shir-guddoonku si wadajir ah isu-casilo ama baarlamaanku kalsoonidii kala laabto sabab kasta ha ku timaadee.

 

4. Baarlamaanka hadda jira awood sharci ah uma laha inay doorasho u cusbooneysiiyaan shir-gudoonka iyo madaxweeynaha iyadoo waqtigii uusan weli dhammaan, sababaha axdigu sheegaayo ee kor ku xusan aysan jirin.

 

5. Aqoonyahannada sharcigu waxay qirayaan xataa haddii la isku raaco muddo kordhin cusub sharci ahaan ma aha in loo fasiro ama lagala mid dhigo baarlamaan cusub oo lasoo doortay, mana keeneeyso in hay'adihii dastuuriga ahaa ee dalka ka jira dhismahoodii dib loogu laabto.

 

6. Nuxurka muddo kordhintu waa waqtigii la qabtay oo lagu dhammaystiri waayay howlihii la isu xilsaaray, sidaas darteedna waqti dheeraad ah loo baahan yahay, baahida waqtiga dheeriga ah oo lagu dhammaystiro howlahaas waxaa u baahan dhammaan hay'adaha dastuuriga ah ee ma ahan baahida baarlamaanka oo keliya.

 

7. Ugu dambeyntii, waxaa tixgelin gaar ah mudan marxaladda adag ee khatarta ah ee dalku marayo oo loo baahan yahay in si wadajir iyo wada-shaqayn joogto ah looga samata-baxo, oo aan la abuurin laguna mashquulin murano iyo is-qabqabsi siyaasadeed oo fursad siin karta cadowga khatarta joogtada ah ku haya jiritaanka iyo Qarannimada Soomaaliya.

 

8. Waxaa kaloo muhiim ah in la helo wada-shaqayn iyo is-ixtiraam joogta ah ee dhexmara ha'yadaha dastuuriga ah iyadoo la ilaalinaayo ku dhaqanka axdiga iyo shuruucda dalka iyo in hay'adaha dastuuriga ah cid waliba loo daayo gacanna lagu siiyo gudashada howlaha axdiga iyo shuruucda kale loogu xil-saaray, isla markaasna laga fogaado shirarka jaraa'id oo aan maslaxadda ummadda ku jirin.

 

9. Waxaa mar kale la xasuusinayaa guddoonka baarlamaanka mar haddii ay dhisan yihiin ha'yadihii dastuuriga ahaa ee dalka, inay waajibaadkooda ka mid tahay inay u hoggaansamaan xeerarka iyo hab raaca sharci-dejinta dalka ee uu baarlamaanku gaaro loo gudbiyo madaxweeynaha Soomaaliya si loo ansixiyo loona dhaqan-geliyo ugana mid noqdaan shuruucda dalka lagu maamulayo.

 

Malik Abdalla

 

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

mabdalla@presidency.gov.so

Moqdishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Xildhibaan Maxamed Qanyare oo sheegay in baarlamaanka hadda jira uusan dooran karin Madaxweyne cusub

 

Jimco, Maarso 25, 2011 (HOL) – Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka ee hadda jira aysan dooran karin madaxweyne cusub, marka la raacayo sharciga dalka u dagsan. Mudanaha ayaa hadalkiisa kusoo beegay xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka dastuuriga ah oo u dhexeeya madaxweyne Sheekh Shariif iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

"Xildhibaanno cusub ayaa dooran kara madaxweynaha cusub ee dalka, balse kuwii hore ma dooran karaan marka sharciga la fiiriyo, waayo iyaga ayaaba sharciyad u baahan," ayuu yiri mudane Qanyare oo intaas ku daray in marka la hore la doorto xildhibaanno baarlamaan oo soo doorta guddoon cusub ee baarlamaanka iyo madaxweynaha dalka.

 

Mudane Qanyare ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay VOA-da Khamiistii shalay, isagoo tusaale u soo qaatay doorashadii dowladdii TFG-da ee lagu soo dhisay dalka Kneya oo ay doorteen xildhibaanno cusub, iyadoo shirkaas ay abaabuleen xildhibaannadi Carte.

 

"Anigu waxaan ka hadlayaa sharciga dalka wuxuu qabo ee labada Shariif khilaafkooda kama hadlayo," ayuu uga jawaabay su'aal ahayd in hadalkiisa uu u muuqdo inuu la safan yahay mid ka mid ah labada mas'uul ee isku haya qodobbada dastuuriga ah.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan ayaa sheegay shalay oo Khamiis ahayd markii uu gaaray Muqdisho sheegay in lagu dooranayo madaxweynaha cusub ay ka dhacayso Muqdisho marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, isagoo xusay in guddi loo saarayo qabanqaabada doorashadaas.

 

Hadalkan ayaa waxaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo sheegay inuusan sharciga dhigayn in la doorto Madaxweyne cusub iyadoo aan lasoo dhisin baarlamaan cusub, wuxuuna sidoo kale gaashaanka ku dhuftay muddo kororsi uu horay u sameystay baarlamaanka KMG ah ee hadda jira.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo lagu soo doortay dalka Jabuuti, ayaa waxaa doortay baarlamaankii TFG oo ahaa 275-xubnood oo lagu biiriyay 275-xubnood oo cusub, waxaana loo doortay inuu xilka hayo muddo laba sano ah oo ku eg bisha Ogoosto ee sannadkan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliy

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Wasiirkii ugu horreeyey ee ka tirsan xukuumadda ra,iisul wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si cad u sheegay in ay muhiim tahay qabashada doorashooyinka dowladda Soomaaliya isagoo sheegay in baarlamaanku xaq buuxa u leeyahay qabashada doorashooyinkaas.

 

Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya Mr. Cabdirashiid Xiddig ayaa yiri ma jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, doorashada Madaxweynahana waxaa ka horeeya doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana loo baahan yahay in baarlamaanku marka hore doorto guddoomiyaha baarlamaanka kadibna madaxweyanaha.

 

Wasiir ku xigeenku wuxuu baarlamaanka ka codsaday in doorashooyinkaas dowladda xilligooda la qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Qaban qabadii u dinbeysay ee Barlamaan cusub iyo dowlada Cusub loogu smaeynaayo Soomaliya oo ka socota dalka Kenya

 

Waxaa maal mahaan dadaal siyaasadeed ay wadaan beesha caalamka si Soomaaliya loogu dhiso Barlamaan taya leh aadna uga yar kan hada jiro iyadoona ay howshaasi durbaba uu bilaabay wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaliya danjire Augustine Phillip Mahiga

 

Danjire Augustine Phillip Mahiga ayaa safaro ku kala bixiyey Soomaaliland iyo Puntland si uu uga gado fikirka beesha caalamka ee lagu doonaayo in Soomaaliya loo dhiso Barlamaan cusub iyo Dowlada leh madaxweyne wax ka badalo siyaasada is diidan ee Soomaliya

 

Shirkaan ayaa lagu qabanayaa dalka Kenya magalada Nairobi kaa oo bilaaban doono bisha Juun bartankeeda sida uu noogu sheegay masuul sare oo ka tirsan Qaramada midoobay kana gaabsaday in la xuso magaciisa

 

Soomaliland wali ma cado in ay ka qeyb galeyso lakiin madaxweynaha Punland Cabdiraxmaan faroole ayaa ka dhawaajiyey shirka dub u heshisiinta Soomalida loogu qabanaayo dalka Kenya uu ka qeyb galaayo isagoona sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay har iyo habeen u taagan yahay sidoow Soomaaliya looga hirgalin lahaa dowlad a xalaal ah

 

Shirkaan loo qabnayo Soomaaliya ayaa lagu dhisayaa Barlabaan ka kooban 185 xildhibaan iyadoona sida la xasuusta xiligaan uu jiro Barlamaan ka kooban 550 xildhibana oo taya laheen waxa ay qabtaana ay tahay mooshina is bar bar socdo

 

Beesha caalamka ayaa xiligaan la dhacsaneen Barlamaanka jira madaama ay ku yar yihiin dadka aqoonta leh oo dalka wax ka badbaadin karo iyadoona la xusi karo baralamanka hada jira in ay yihiin kooxahii dagaal oogayasha soo xuleen iyo wadaado si sahal ku helay kadib markii xoog ay isku muujiyeen

 

Si kasatba ha ahtee shirkaan ayaa noqonayo kii 13 ee dalka dibadiisa lagu qabtya iyadoona la ogyahay dalka Soomaaliya ay xiligaan ka jiraan wadaado awood leh oo diyaar u aheen in Soomaaliya loo dhiso dowlada aan kitaabka alle lagu dhaqin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Beesha caalamka waa inay ku dhiiri galiso beesha Somaliyeed sidii ay xeerka Somaliyeed iyo Dasduurka Dowladnimo isoogu maamuli laheyd. Mudnaanta kuwaadna noqoto sidii loogu qaban lahaa Muqdisho ama meeshi kale ee ku haboon si shacabka loogu kasbado horey socodna loo yeesho.

 

Dalka dibadiisa doorasho lagu qabtay dowlad sumcad leh keeni mayso tayo kasta hala haatee.

 

Doorashadan waa inay taariikh gal noqotaa. Tii dhibka iyo dagaalada looga bixi lahaa waa in laga dhigo. Qarashka ku baxaya is garab orodka, dalxiiska ama wadame kale lagu maal gashanayo dadka aabaaruhu rafaadiyeen ayaa ka mudan.

 

Beesha Somaliyeed ( aqoonyahan, iyo wax garad) goormay wax qabsan? ,,, waa su'aale...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada

 

Go,aanka Golaha Wasiirada

 

Muqdisho, March, 27.2011---------Shir aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada kaasoo uu shir gudoominayay Ra,iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah Mudane: Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo loogana dooday Qorshaha Marxaladda kala guurka ah ee uu Dalka marayo.

 

Goluhu markuu qiimeeyay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha siyaasadda, sugida amniga, iyo hawl gallada isdaba jooga ah ee ay xukuumadu kusoo celinayso xasilloonida Dalka;

 

Sidoo kale markuu arkay in muddadii Hay,adaha dastuuriga ee dawladda dhamaanayso bisha August 2011, qiimeeyayna wax qabadka Xukuumada mudadii yareyd ee ay shaqeynaysay, ayuu Goluhu wuxuu go,aamiyay in dhamaan hay,adaha dastuuriga ah ee dawlada FKMG ah loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici laheyd August 2011 dib loogu dhigo August 2012 si loo dhamaystiro hawlaha qabyada ah ee ay ka midka yihiin kuwa hoos ku xusan:-

  • Dhismo Ciidan oo Dhameystiran lehna Tiro, Tayo, Qalab & Hogaamin.
  • Soo Celinta Guud ahaan Amniga Dalka ( Mudo Kooban).
  • Dowlad Wanaag.
  • La Dagaalanka Musuqmaasuqa.
  • Dhameystirka Dastuurka Qabyada.
  • Ka Saarida Dalka Nidaamka KMG & Gaarsiinta Dawlad Rasmi ah.
  • Tayeynta Shaqaalaaha Dowlada & Abuurista Shaqooyin Dheeriya.
  • Daryeelka Bulshada & Gaarsiinta Gargaarka.
  • Dib u Dejinta Barakacayaasha.
  • Dib u Heshiisiin Dhameystiran.
  • Dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed iyo Shuruucdooda
Xafiiska Afhayeenka Xukuumada

 

Mudane Cabdi Xaaji Gobdon

 

media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Muqdisho: (Sh. M. Network) Gudoomiyaha Barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan sheikh Aadan ayaa sheegay in aysan go’aan gaari Karin cid aan barlamanka aheeyn, isagoo dhinaca kale sheegay in beesha Caalamka ay taageereen waqti kordhinta Barlamanka.

 

Wada akhri ,....

 

 

http://shabelle.net/article.php?id=4958

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this