Sign in to follow this  
Bashiir

Muqdisho iyo Doorashada Madaxweynaha

Recommended Posts

Bashiir   

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa beesha caalamka si toos ugu cambaareeyay mushkiladda Soomaaliya

 

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa beesha caalamka ku eedeeyay inay jahareeriyaan madax kasta oo Soomaaliya hogaamineysa.

 

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay munaasadda 12-ka April ee maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay beesha caalamka inaanay daacad ka ahayn wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay in aysan ixtiraamin madaxda Soomaalida, balse ay doonayaan in wax loo wado sidii ay iyagu doonaan.

 

Waa markii ugu horreysay ee uu madaxweynaha Soomaaliya si toos ah u cambaareeyo beesha caalamka oo ah taageerada ugu weyn ee dowladdiisa.

 

VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heedhee, markii horeba soo ayagu(Beesha caalamku) maynan keenin Shariif booska uu ku fadhiyo? Dee marka wakhtigay doonaan bay kaa qaadi karaan, ninku nidaamka gaalada inuu si fiican u bartaaan filayey e.

 

Has he learned nothing from all the traveling back and forth from Itobiya, Uganda and the U.S.? Come on now, xataa hadii Balada la galo wax uun baa la soo faa'iidaa e, waa see Shariif. And as Zack said, tie xataa wali sida loo xidho muunan baran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Sheekh aamusane wadkiisa( jidkii Yusuf la mariyey) ayaa sheeda laga tusay, wuxuna damacsanyahay in beesha Soomaliyeed dawo iyo difaac adag u noqoto taasina talo xun ma ahan lakiin isla beesha Somaaliyeed uun baa dhulka la gali doontaa ,,... kuwa oogu dhow ayaa jabin doona...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

mahiga2.jpg

 

NAIROBI, Kenya, April 13, 2011/African Press Organization (APO)/ -- Special Representative of the United Nations Secretary-General Augustine P. Mahiga said in his opening statement on Tuesday 12 April, at the High Level Consultative that the meeting was only the beginning of a process of consultations, within the framework of the Transitional Federal Charter and the Djibouti Peace Agreement, aimed at consolidating peace, working towards a smooth end to the transition and preparing for a political dispensation following that.

 

“This is a meeting of Somalis. The international community fully recognizes that it is the Somalis who hold the fate of their country in their hands, I am only the facilitator of this meeting and I have used my good offices as mandated by the Djibouti Agreement to try and bring all the parties together to share information and experiences,” Ambassador Mahiga said.

 

Participants included a Parliamentary delegation led by the Speaker, the Presidents of Puntland and Galmadug and their delegations, representatives from various regions of Al Sunnah wal Jama (ASWJ) and observers from the international community and regional organizations. The meeting opened and proceeded in a warm and friendly atmosphere throughout the day with representatives laying out their key issues, sharing their experiences, expectations and views on the best way forward and the needs of their people. The delegates reaffirmed the unity, sovereignty and territorial integrity of Somalia.

 

Ambassador Mahiga said that he had held a number of extensive preliminary face to face consultations, in Mogadishu and within the region, with all key members of the Somali peace process including the President and Prime Minister of the Transitional Federal Government, to share his concept and agenda for the talks. Whilst it is regrettable that the TFG is not here, I have assured both the President and Prime Minister that this is an information sharing exercise between the TFIs, the Somalia States, regions and ASWJ. I hope the conclusions will help inform future substantive meetings.

 

Ambassador Mahiga assured the Somali participants of the full support of the United Nations and the international community. “The presence in this room of partners, both regional and international stakeholders, is a show of solidarity and commitment to continued support for the cause of Somalia.”

 

The two-day High Level Consultative meeting was facilitated to revive dialogue among the Somali stakeholders in keeping with the spirit of the Djibouti Agreement and the Transitional Federal Charter to secure a political settlement for a sustainable peace.

 

http://www.gedonet.com/index.php?news=6732

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

 

Dawladda KMG oo ka Jawaabtey Shirkii Nairobi Go'aamana kasoo Saartey

Muqdisho – Khamiis, 14 April 2011.

 

Shirkii caadiga ahaa ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu

shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi

Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin

shirkii ka dhacay Nairobi iyo marxaladda kala guurka ah.

 

Golahu waxey dib-u-eegid ku sameeyeen kulankii wadatashiga ‘heerka sare’ ee ka

dhacay Nairobi 12kii iyo 13kii April 2011. Kulankan ma noqon mid miro

dhal ah oo buuxiya waxii laga filayey, mana aheyn mid matala danaha

shacabka soomaaliyeed.

 

Ka dib Golahu markii ay ka hadleen mustaqbalka iyo xilliga kala guurka ah

iyo sida ugu habboon ee loo raadin karo nabad, wadatashi iyo

dib-u-heshiisiin dhameystiran, isla markaana ka doodeen ayey waxey

Golahu isku raaceen arrimaha soo socda:

 

 

In Dowladda FKMG ah ay diyaar u tahay in wadatashi, isla xisaabtan iyo

dib-uheshiisiin dhab ah ay dhex marto dhammaan qeybaha kala duwan ee

bulshada soomaaliyeed, ha noqdaan Maamuladda Gobolada, Ahlu Sunna

WalJameeca, ururada bulshada, madaxda dhaqanka iyo kuwa diinta iyo

kooxaha ka soo horjeeda dowladda.

 

Guddiga siyaasadda ee heer wasiir ah inay ka soo talo bixiyaan habka ugu

habboon ee shir Somalida isagu timaado waddanka gudihiisa isla markaana

ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan Golaha Wasiiradda.

 

In shir wadatashi iyo dib-u-heshiisiin heer sare ah lagu qabto dalka

gudihiisa bisha June 11keeda ilaa 16-ka, shirkan oo ah mid ay Dowladda

FKMG ah horseed ka tahay iyadoo la tashaneysa isla markaana kaashaneysa

beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey.

 

In agendaha, macluumaadka iyo qorshaha shirkan uu noqdo mid dhammaan ka

qeybgalayaasha lagala tashto si uu u noqdo mid ay dhammaan ka

qebygalayaasha isku raaceen. Golahu waxuu isku raacay in dhammaan

qeybaha bulshada la gaaro oo lagala tashto ajendaha iyo waxa la filayo

inay ka soo baxaan shirka. Shirkan ayaa noqon doona mid wadatashi

siyaasadeed isla markaana looga hadlayo habka loo wajahayo mustaqbalka

shacabka soomaaliyeed.

 

http://kismaayonews.com/pageView.php?articleid=3954

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Khamiis, 14 April 2011 21:23 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer

 

cabdullaahi-yuusuf.jpg

 

Madaxweynihi hore ee Somalia, C/laahi Yusuf ayaa ka hadlay shirka wadatashiga ee xalay lagu soo afjaray Somalia.

 

C/laahi Yuusuf, wuxuu sheegay in shirkaasi aanay ku jirin danta Somalia, isla markaana ay ka danbeeyaan dowladda doonaya inay Somalia gumeystaan. Madaxweynihii hore wuxuu taageerray go'aanka DKMG ay ku diiday inay ka qeybgasho shirka Nairobi, isagoo si weyna u canbaareeyay ergooyinkii Soomaalida ee shirkaasi ka qeybgalay.

 

Mar uu ka hadlayay khilaafka hadheeyey madaxweyne Shariif iyo guddoomiye Shariif, wuxuu sheegay in guddoomiye Shariif ay dabada ka riixayaan dowladda shisheeye oo aan dan u wadin Somalia.

 

C/laahi Yusuf, wuxuu kaloo xusay in ka qeybgalka Puntland ay ka qeybgashay shirka Nairobi uu yahay go'aan shaqsi ah oo uu qaatay madaxweynaha maamulka Puntland Max'ed Faroole, go'aankaasina lama qabaan dadka Putland ayuu sheegay C/laahi Yusuf.

 

Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

 

http://afdheer.com/index.php?option=com_content&view=article&id=4029:claahi-yusuf-oo-shirka-nairobi-canbaareeyey&catid=45:akhbaarta-somaliya&Itemid=127

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Khamiis, 14 April 2011 12:37 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer

 

sharif.jpg

 

 

(Afdheer) Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda Adhis Ababa xarunta dalka Itoobiya.

 

 

Waftiga madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta dalka Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka gaashaandhigga dalka Soomaaliya Cabdixakiim sheekh Maxamuud Fiqi iyo xubnno iskugu jira labada gole ee dowladda.

 

 

Sida uu sheegay Afhayeenka dowladda oo ka hadlay safarkooda waxay booqasho rasmi ah ku tagayaan dalka Itoobiya waxayna usii gudbi doonaan dalka Tanzaaniya.

 

 

 

Muqdisho

 

Afdheer.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

meles-sharif2.jpgmeles-sharif.jpg

 

Ra'iisul wasraaha dalka Ethiopia Meles Zenawi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweyne Shariif iyo waftigiisii oo saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

 

Ra'iisul wasaare Zenawi ayaa sheegay in dowladiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay u fidiso Somalia si xasilooni waarta loogu soo dabaalo Somalia wuxuuna hoosta ka xariiqay in Ethiopia ay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto nabad kusoo dabaalida Somalia.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif oo kulankii kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Ethiopia iyo Somalia ay ka wada shaqeyn doonaan xasiloonida gobolka.Mudane Shariif ayaa dhankiisa xusay in DKMG ay ku dadaaleyso sidii ay nabad iyo xasilooni waarta uga dhalin lahayd Somalia isagoo kacodsadayRa'iisul wasaare Zenawi in taageero u fidiyo DKMG si ay u xaqiijiso amniga iyo kala dameynta dalka Somalia.

 

Madaxweyne Shariif ayaa kulankii uu la qaatay Ra'iisul wasaaraha ku tilmaamay mid midho dhal ah.

 

Safarka Sheekh Shariif ee Addis Ababa ayaa lala xidhiidhinayaa inuu daba socdo shirkii kadhacay Nairobi ee lagu go'aamiyay in bisha Agoosto la qaban doono doorashda madaxweynaha taasoo Shariifka u cuntami la.

 

Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

un_flag-150x150.gif

 

 

By Sahra Abdi

 

NAIROBI (Reuters) - A United Nations special envoy urged Somalia on Wednesday to hold elections and bring an end to its transitional government, but it was unclear how such a vote could take place in the war-torn country.

 

Often classed among the world's failed states, Somalia has not had an effective central government since the 1991 overthrow of dictator Mohamed Siad Barre.

 

The country is embroiled in war with al Qaeda-linked rebels al Shabaab who want to topple its Western-backed government, and is rife with piracy off its lawless coast.

 

Augustine Mahiga, the Special Representative of the U.N. Secretary-General, asked Somali leaders to hold elections by August this year when a United Nations-mandated term for the transitional government expires.

 

Following a two-day meeting on political reforms and security held in the Kenyan capital Nairobi, Mahiga proposed that there be a vote for president and speaker of parliament by the August deadline.

 

The United Nations is at loggerheads with Somalia's transitional cabinet that extended its term to August 2012, saying it wants to ensure continuity in its fight against insurgents.

 

Somalia's parliament also has extended its term by three years.

 

The U.N. and Somalia's Transitional Federal Government (TFG) had differences over the staging of the conference, with Somali authorities saying it should have been held in the country. Somalia did not send anyone to the consultative meeting, saying it had not had any input on the agenda.

 

Mahiga said the meeting proposed extending the mandate of parliament for a period of two years to enable it complete key tasks, including preparations for national elections.

 

He said a follow-up meeting should be held in Somalia.

 

"This meeting is the start of the process," he said.

 

"We should meet again soon. It is proposed that the next meeting should take place in Somalia. And, hopefully, next time with the TFG," Mahiga said.

 

The government said the parliament speaker's participation at the meeting was against the wishes of the house itself.

 

Some regional authorities in Somalia attended the meeting., as well as the African Union, European Union, League of Arab States and Organisation of the Islamic Conference.

 

A deal struck in 2009 deal envisioned the Somali government and parliament's mandate would expire on August 20 this year, by which time they were supposed to have enacted a new constitution and held elections. This has not yet happened.

 

(Additional reporting by Mohamed Ahmed in Mogadishu; Writing by James Macharia; Editing by Michael Roddy)

 

http://af.reuters.com/article/worldNews/idAFTRE73C8HT20110413?pageNumber=2&virtualBrandChannel=0

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Golaha Wasiirada oo sheegay in xaalada dalka uu ku jiro xilligan suura gal aheyn in Doorasho la qabto (War-Saxaafadeed)

Axad, 24 April 2011 21:42 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer

 

golahawasirada.jpg

 

Kadib kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxay isky raaceen in xilligan aanay suura gal aheyn in dalka lagu qabto Doorasho, iyagoo sii adkeeyay go'aankoodii ahaa in muddo hal sano ah Hey'adaha Dowlada ugu dareen.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shir gudoominayay shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku wajahnaa marxalad kala guurka iyo xaalada dalka uu ku jira sida ammaanka, siyaasada iyo arrimaha bani'aadanimada ee Abaaraha.

 

La Taliyaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Afhayeenka Xukuumada Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa saxaafada ugu warbixiyay kulanka go'aanada ka soo baxay, iyadoo kadib qeybaha saxaafada ay heshay nuqul ka mid ah go'aanadii Golaha Wasiirada shirkooda ka soo saareen.

 

Hadaba War saxaafadeedka oo soo gaaray Xafiiskeena Muqdisho ayaa u qornaa sidan:-

 

Golaha Wasiiraddu:

 

1. Markii ay tixgeliyeen xaaladda nabadgelyo xumo ee waddanku ku sugan yahay;

 

2. Markii ay tixgeliyeen guulaha iyo horumarka ay dowladdu ka gaartay dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta;

 

3. Markii ay garwaaqsadeen horumarka laga sameeyey amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, xaquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, iyo baahida loo qabo in la joogteeyo, lana dhameystiro.

 

 

4. Markii ay tixgeliyeen duruufta adag ee dalku ku jiro: abaaro ba’an, barakac baahsan,

dagaal dhimasho iyo dhaawac maalin walba sababaya, jabka ku dhacay Al-Shabaab & Al-Qaacida iyo sida ay u kala daadsan yihiin;

 

5. Markii ay tixgeliyeen go’aanada iyo baaqyada ka soo baxaya dowladaha ciidamadoodu dalka joogaan, qaar ka mid ah beesha caalamka iyo shacabka soomaaliyeed.

 

6. Markii ay tixgeliyeen go’aankii ay horay u gaareen Golaha Wasiiraddu ee ahaa in dib loo dhigo waqtiga doorashooyinka Madaxda Dawladda muddo hal sano ah si aan loo wiiqin horumarka Amni ee ka socda qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah loona dhamaystiro hawlaha ka dhiman xilliga kala guurka;

 

7. Makii ay arkeen taageerada loo dhamaa ee ay Dawladaha Bariga Afrika Madaxdoodu la garab istaageen go’aankii Xukuumadda ee ku aadanaa in doorashooyinka Madaxda Dawladda dib loo dhigo muddo hal sano ah;

 

Golaha Wasiiradu:

 

Waxey go’aamiyeen in xaaladda waddanka uu ku jiro aaney suurtogal aheyn in doorasho la qabto waqtigan;

 

2. Wuxuu sii adkeeyey go’aankiisii ahaa in doorashooyinka dib loo dhigo muddo hal sano ah ilaa iyo August 2012, si ay ugu suuragasho in la dhamaystiro hawlaha amni iyo siyaasadeed ee socda.

 

 

In Xukuumadda ay sii wado wadatashiyada ay la bilowday baarlamaanka ee ku aadan qorshayaasha xukuumaddu u diyaarineyso dhameystirka howlaha qabyada ah ee uu Axdiga FKMG ah na farayo, si loo abuuro aragti mideysan ee ku aadan mustaqbalka soomaaliya.

 

 

Ugu danbeyntii Golahu waxuu ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed, iyo beesha caalamka inay taageero buuxdo nagu siiyaan meelmarinta iyo hirgelinta go’aankan.

 

 

Afdheer.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liban   

Xildhibaannada Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka oo loo diiday maanta inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Muqdisho

 

Isniin, May 09, 2011 (HOL) – Guddiga doorashada baarlamaanka Soomaaliya oo ka koobnaa 35-xubnood oo safar shaqo ugu socday dalka dibadiisa ayaa loo diiday maanta inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalena 15 mudane oo kale oo howlo caafimaad u socday dibadda dalka ayaa iyagana loo diiday inay dhoofaan, sida uu HOL u sheegay xildhibaan Khaalid.

 

Mudanayaasha guddiga doorashooyinka ayaa la sheegay inay u socdeen siminaar ay mid ka mid ah dalalka dariska ah kusoo qaadan lahaayeen, iyadoo tallaabada loogu diiday safarka lagu sheegay inuu ahaa amar kasoo baxay madaxweyaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah aanu jiri karin xildhibaan dalka ka bixi kara.

 

"Xildhibaannada markii ay isku diyaariyeen inay raacaan diyaaraddii qaadi lahayd ayaa waxaa u diiday Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo sheegay inay soo gaartay warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha," ayuu yiri mudane Khaalid isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

 

Sidoo kale, mudanahan oo la hadlayay HOL ayaa sheegay in diyaaraddii qaadi lahayd ay weli ku sugan tahay garoonka iyaguna ay garoonka ku sugan yihiin, lana sugayo amar kale oo kasoo baxa dowadda Soomaaliya.

 

"Mudane Maxamed Mursal oo ka mid ahaa xubnihii howlaha caafimaad u socday ayaa loo baxay bastoolad waxaana lagu garaacay qaybteeda dambe," ayuu xildhibaan Khaalid hadalkiisa raaciyay, isagoo sheegay in amarkan uu yahay mid deg-deg kusoo baxay.

 

Guddiga doorashooyinka ayaa dhawaan sheegay inay diyaarinayaan doorashooyin lagu soo dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoonka sare ee baarlamaanka, inkastoo xukuumaddu ay dib u dhigtay doorashooyin dalka ka dhaca illaa sanadka soo socda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

http://www.hiiraan.com/news/2011/May/wararka_maanta9-13486.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this