Sign in to follow this  
Liqaye

Waa sidee xaalada inta U dhaxeysa Albaraka ilaa Black Sea(Daawo Sawirada)

Recommended Posts

Liqaye   

hj.jpg

 

Hotel Albaraka daartii Bankiga NBC ilaa Isgoyska Black Sea waxaa xaafado ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, seddexdan xaafadood waxa ay soo mareen marxalado kala duwan laga soo bilaabo xilligii dowladdii kacaanka ilaa waqti xaadirkan, waxay ahaayeen xaafadihii ugu bulshada badnaa uguna ciriiriga badnaa laakin waxay kaalintaasi ku waayeen kadib markii Itoobiyaanka soo galay magaalada Muqdisho.

 

aniga ka qoraa ahaan waa xaafaddii aan ku soo barbaaray kuna soo dhigtey dugsi qur'aankeyga, markaan arkey sawiradan waxaa igu soo istaagay ilmo. waayo seddexdan xaafadood waxa ay ahaayeen kuwa aad u camiran, laakin taasi waxay ku waayeen markii Itoobiyaanka soo galay magaalada Muqdisho oo waxay ka mid noqdeen safafkii hore oo ay ka dhaceen dagaaladdii u dhaxeeyay ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxihii ka soo horjeeday joogitaankooda.

 

er.jpg

 

Muddo haatan laga joogo 6sano xaafadahan waxay ahaayeen kuwo xasiloon kana muuqanayeen bilicdii ay lahaayeen laakin wax walba hadda wey isbadaleen oo waxaa hadda ka muuqda raadadkii iyo burburkii foosha xumaa oo ay ku reebeen dagaaladdii u dhaxeeyay ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxihii kasoo horjeeday joogitaankooda. kalliya maahan xaafadaha uu saameeyay dagaaladaasi waxaa la qaba xaafadaha magaalada Muqdisho.

 

Goobaha caanka ah ee uu galaaftay dagaalka ee katirsan seddex xaafadood waxaa ka mid ah Hoteelkii Albaraka, Daartiii NBC Dukaankii weynaa ee Farayare goobihii ganacsiga ee ku yaalay isgoyska Black Sea iyo dhismayaal kale oo ku yaalay xaafadahaasi oo ay lahaayeen dad magac ku leh xaafadahaasi.

 

pp.jpg

 

Ruux Damiir wadanimo ku jiro markii uu daawado sawiradan ee uu ii soo direy saaxiibkey Maxamed Cabdullahi Cabdulle(Xiish) waxaan ku eegey il murugo ka muuqato sida ay noqdeen xaafadahaasi sida ay u yaalaan iyo waxyeelada argagaxa leh ee soo gaaray, wax dhaqdhaqaaq oo xagga nolosha ah kama jiraan hadda xaafadahaasi socodka dadkana waa mid aad u yar oo teel teel ah, gaadiidna haba sheegin, sida ay noqdeen dhismayaashii bilicdasanaa ee halkaasi ku yaalay waa wax uurkutaalo iyo naxdin kugu reebaaya muuqaal aan indhaha loo cellin karin iyo tacadigii loo geystey xaafadahaasi iyo bilicdii ay lahaayeen.

Goobaha qaar marka aad u fiirsato waa cidlo waxa uu ii sheegey saaxiibkey Xiish in waxa kalliya ee aad maqleyso marka aad mareyso goobahaasi waa codka Shimbiraha iyo cayayaano kale oo kala duwan oo iyagu u kala duulaaya daaqadaha dhismayaasha burburay ee halkaasi ku yaala.

Inkastoo uusan jirin ganacsigii baahsanaa ee xaafadahaasi ay caanka ku ahaayeen ayaa haddana waxaa jira goobo cayiman oo walli furan. Adeegyada daruuriga ah ee laga helli karo waxaa ka mid ah biyo koronto waqti kooban ah oo ay bixiyaan shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay.

 

hgh.jpg

 

Goobihii Waaweynaa ee dadka ku madadaalan jireen sida Shaneemooyinkii ay ka mid ahaayeen Qodxaaley iyo NBC ayaa guudahaanba ku baaba'ay dagaaladii sokeeye waxaana qaarkood ay noqdeen kuwa qashin qub ah.

 

Dadkii degenaa xaafadahaasi waxa ay ahaayeen dad aad nabadda u jecel, waxayna ahaayeen dad inta badan ka gaabsada Siyaasada, Dhalinta xaafadahaasi deganaa waxa ay ahaayeen kuwa aad u xiiseeya Sport-ga kana madaxbanaan qabiilka iyo wax walba oo burbur keeni karay.

 

Ugu dambeyntii dhalinta reer Albaraka NBC iyo Black Sea waxa ay quudareynayaan in ay mar un arkaan dowlad Soomaaliyeed oo shaqeyneysa dibna u soo cellisa Sharcigii, Xassilooniddii iyo kala dambeyntii dadka ay ku wada noolaan jireen.

 

BY: Abdifatah Mohamed Abdurahman(biyonde)

 

E-mail: biyoonde8@hotmail.com

 

Sawir qaade: Maxamed Cabdullahi Cabdulle(xiish) oo ku sugan Xaafadda NBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Quote un-quote:

 

Ugu dambeyntii dhalinta reer Albaraka NBC iyo Black Sea waxa ay quudareynayaan in ay mar un arkaan dowlad Soomaaliyeed oo shaqeyneysa dibna u soo cellisa Sharcigii, Xassilooniddii iyo kala dambeyntii dadka ay ku wada noolaan jireen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xamar oo sidan ah ayaa la isku heestaa, damiirnimo la'aanta jirta taas ayaa kuugu cad, Allow Xamar nuurkeedi u soo celi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this