Sign in to follow this  
Somalina

Cowl- Gobol Cusub

Recommended Posts

The Zack;718841 wrote:
I overestimated your weight, I now rest my case.

looooool@ Zack, indha caddeys maa la wadaa hee its not a state, like ur Azania, and i dont know why aad Xamar uu diidantahay in lagu dhawaaqo Cowl..

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Oba, take notes from Moonlight. Your subc-clan want to have their own 'Mareeg" state.

 

MoonLight1;718876 wrote:
This New Gobol seems to be designed to Preempt the new Mareeg State, same sub clan is competing for Galguduud Carcass. Wallee waa hadda iyo 20 sanoo hor leh. The real land Grab has just started in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ looool again maxaa notes uga qaadahaa nin aan waxba ka ogeyn arrimaha dadkayga ? meeshii lagu hadlaaye miyuu joogey?, Gobolka cowl wuxuu ka tirsan yahay maamulgoboleedka Mareegstate....

Share this post


Link to post
Share on other sites

looool again maxaa notes uga qaadahaa nin aan waxba ka ogeyn arrimaha dadkayga ? meeshii lagu hadlaaye miyuu joogey?, Gobolka cowl wuxuu ka tirsan yahay maamulgoboleedka Mareegstate

Oba sxb if you see all the xaflad and party celebrations made for Cowl region in Xamar and abroad they did not display the mareeg state flag, car bal iga tus halmeel lagu soo bandhigay calanka mareeg, this is a complitly separate state from mareeg and if you don't believe it you'll see the land grab skirmishes in the area as soon as Alshabaab vacate the area.

Share this post


Link to post
Share on other sites

@moonlight, waxaa aad sheegeysid maha wax suurtagal, Mareeg state waxey ku kooban tahay magaaladaas ay magaceeda leedahay,, Gobolka Cowl waxey ka kooban tahay 5 tuulo, sida Cigo, Budbud, Gal libaax,Galcad iyo Mesagoweyn, iyo 60 tuulo. Waana hal juffo marka waligeed dhici meyso iney mareegstate iyo gobolka Cowl dhexmaro wax colaada, Moonlight waa meeshaan aan ku dhashay waana dadkeyga saad moodid maha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

MoonLight1;719140 wrote:
Oba sxb if you see all the xaflad and party celebrations made for Cowl region in Xamar and abroad they did not display the mareeg state flag, car bal iga tus halmeel lagu soo bandhigay calanka mareeg, this is a complitly separate state from mareeg and if you don't believe it you'll see the land grab skirmishes in the area as soon as Alshabaab vacate the area.

http://www.mareeg.com/fidsan.php?Beesha-Wacaysle-oo-Muqdisho-ku-taageertay-dhismaha-Mareeg-State-iyo-Maamul-goboleedka-Cowl&sid=19595&tirsan=2

 

Also, I don't know if you watched the Mareeg State launching party videos (example waa kan ),

reer Cowl ( :D ) are celebrating and welcoming Mareeg State.

Share this post


Link to post
Share on other sites

HORDHAC

 

 

Taariikdu waa sooyaal, dhulka Somaaliyeed wuxuu qabaa taariikh fac weyn waxaana baarayaasha sooyaalka umadaha ka qoreen wax badan. Iyadoo taasina ay jirto dhulka waa kala taariikh oo goob ama gobol walba wuxuu leeyahay wax uu la gooni yahay oo ka sooca gobolada kale. Taas oo ah taariikh deegaan “ environment” bad iyo beriba

 

“Gobolka Cawl” waxuu ka mid yahay dhul weynaha Soomaaliyeed dhinaca dabeecadaha, caadooyinka, dhanan dhaqaale. Gobolka xagga taariikhda waxaan ka xusi karnaa dhowr waxyaabood oo udub dhexaad u ah

 

 

 

TAARIIKHDA GOBOLKA “CAWL”

 

 

“Gobolka Cawl” Waxaa loogu magacadaray nin lagu magaacbi jiray Cawl Megen Wacle kana soo jeeda gobokaas kaas oo ku dilay imaankii boqortooyadii ajuuraanka Imaam Ciise ee halkaas ka hana qaaday qarnigii 12aad ee Hijriyada. Boqorka xaruntiisa waxay ahayd Ceel halkaas ku yiilay oo la dhihi jiray “Ceel Ajuuraan” waxaa halkaas lagu arki karaa kuraastii iyo raadadakii boqortooyadaas oo weli muuqata. Dilkaas kadib ayaa magacii Ceel ******** lagu bedelay “Ceelki Cowl”

 

1925-1935, Gobolka Cawl waxaa mar labaad ka aasaasmay xarun ciidan oo looga soo horjeeday ciidamadii daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo ciidamadiisu ay boob xoolo iyo dil dadkana kula kaceen bulshada halkaas ku dhaqan, xaruntaas waxaa la keenay fardooley, warmooley, seefleey, qoryooley, waxaana ay xarun u noqotay ciidan gaaraayo 2,000 iyadoo ay hoos imaanaayaan 12 xero farac ah kana mid yihiin

 

 

Xerada Garas Weyne

Xerada Goof Xawaal

Xerada Budbud

Xerada Galmo

 

 

Xerooyinkaas qaar ka mid ah waxay ahaayeen xeroyin ilaalo, kuwo laga diro gurmadka deg dega ah, kuwa sahayda iyo dhaawaca. Dagaalki ugu dambeyay ee darawiish lagu quusiyo lagana reebay ciidan dhimasho iyo dhaawac faro badan goobta lagu hardamay loogana soo celiyay hantidii geela waxaa la dhihi jiray "Hareri Jirid” dib dambena looma arag daraawiish. Mid ka mid ah abaanduulayaashi ayaa yiri “faagaana facayo baa la dhigay fulayna jiir qaaday faransiisna feeraha ka hugun faqayna geel belay” markii la dilay abaanduulihi la dhihi “Faagaan” ayaa suugaantaan loogu baroor diiqay

 

Midnimada sida taarikhdu sheegto waa furaha guusha, cadaaladuna waa udub dhexaadka aragtida bulshada isku misha sida diintu ugu tahay lama taabtaan oo naftu raqiis ugu tahay in lagu bixiyo difaaceeda

 

“Gobolka Cawl” Berigii Gumeystaha Talyaaniga waxaa laga weeraray bulshadaas iyadoo lagala wareegay 700 neef oo geel ah. Maadaama geelu Soomaalidu u yahay laf-dhabar iyo nolol. Dadka goboka Cawl waxay weerar ku qaadeen ciidamadii Talyaaniga halkaas oo ay ku dileen askar kuna furteen geeli laga weeraray. Waxaana halkaa ka baxay shirib suugaaneed caan noqday oo ku faafay shaldhiyada booliska oo qoraalo faro badan lagu qoray kaas oo dadka amakaag ku riday markii laga awood roonaaday dowladii ciidamadeeda awooda la bidayay. Shiribkana waa “Bali Cadaad iyo Bur Duqoow ma beero boliis aa ku yaal” shiribkaan waxaa lagu qoray shaldhigyo badan oo ay ka mid yihiin kuwa Bay, Bakool, Muqdishu, iyo Mudug

 

Sidaas oo kale waxay u direen “Hobyo” ciidan 300 nin ah si ay gacan uga geeystaan kicintii iyo dumintii Cali Yusuf Cali oo la maaganaa deegaanka in uu ku soo fido qeybaha xeebaha koonfureed. Halkaasna waxaa ku istaagay damaciisii Suldaanimo Cali Yusuf Cali, ilaa markii dambe duulaan uu gaadmo ula soo damcay Gobolka, isagiiba gacanta lagu dhigay oo Nolosha lagu qabtay.

 

“Gobolka Cawl” waxaa ku taalo degmada Gal-libaax, degmadaas waxay magacaas ku qaadatay markii ay halkaas ku noolaayeen libaaxyo tiro badan oo dad cun ah, libaaxyadaas waxay u suurto galin waayeen dhamaan dadka iyo duunyada in ay halkaas ku noolaadaan

 

Sanadkii 1938dii, cabasho badan oo dadka deegaanka ay soo gaarsiiyeen Sheekh Ibraahim Yare ayaa waxaa uu u dalbay nin shiish yaqaan ah oo lagu magacaabi jiray suubiye bacadoow, ninkaas ayaa dilay libaaxyo gaaraayo 36 (sodon iyo lix). Sidaasna waxaa ku baxay magaca Gal-libaax

 

“Gobolka Cawl” Gobolka wuxuu xiriir gobonimodoon u sameeyay dhalinyaradii SYL “Somali Youth League” waxaana uu ku lahaa xubno firfircoon oo sedex ah. Halgamayaashaas waxay ahaayeen kuwo ka soo jeedo gobolka kana mid yihiin 1: Cismaan Geedi Raage 2: Maxamed Faarax Hilowle 3: Maxamed Cali Nuur.

 

“Gobolka Cawl” wuxuu xiriir la lahaa xukuumadii ismaamulka Soomaalida, waxaana booqasho howled ku tegay Allaha u naxariistee wasiirkii arimaha gudaha mudane Muse Boqor, waxaa kale oo yimid Wasiirkii warfaafinta Cali Maxmed Hirabe sanadkii 1957. Markii la gaaray 1da Lulyo waxaa uu amray Sheeqa caanka ah ee Sheekh Ibraahim Yare, oo ahaa qofkii aasaasay degmada Masagoweyn in la suro guri kasto calanaka Soomaaliya ee xidigta shanta gees leh

 

http://shaaciye.com/?nid=2828 for more info

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this