Sign in to follow this  
diplomate2010

COMMANDER IN CHIEF Shariif Sheekh Axmed

Recommended Posts

War-Saxaafadeed:

 

(Muqdisho, Soomaaliya, Maarso 09,2001) Madaxweynaha DKMG Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Ahmed ayaa maanta waxaa uu booqday jiida hore ee dagaalka.

 

Waxaa Madaxweynaha ku wehliyey booqashadiisa Wasiirul Dowlaha Madaxtooyada Mudane Khaliif Cabdulqaadir Macallin Nuur.

 

Madaxweynaha DKMG Soomaaliyeed Mudane Shariif. Sheekh Axmed ayaa goobihii oo booqday waxaa ka mid ahaa Carwadii Qaranka , Warshadii hore ee koka kolada, agagaarka Guriggi hore ee Madaxweyne Aadan Cabdulle (Cadde) iyo Jidka dheer ee Florenza.

 

Talliyaha Guutada Madaxtooyada Kornel Cabdulaahi Cali Caanood ayaa asna wuxuu faahfaahin ka bixiyay qaabka iyo sida ay usocdaan dagaalka ay kulajiraan Kooxda Al-Shabaab.

 

Madaxweynaha ayaa yiri “Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM waxey gaareen guulo la taabankaro isaga oo sidoo kale ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan xureynta dalkooda iyo dadkooda.”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DFKS Sheekh Shariif oo maanta istaagey meel tuuryo u jirta ciidanka AL-Shabaab, islamarkaana Saraakiisha Ciidanka Dowladda ay celin waayeen madaxweynaha oo caraysan oo doonaya inuu dagaalka Safka hore ka galo

 

 

geesi1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

ALSHABABA VACATE MORE CITIES WITHOUTH FIGHT

 

 

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Maxaas, Wabxo, Ceel-buur iyo Ceeldheer ayaa la sheegayaa inay isaga baxeen ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay dib ugu biireen beelihii ay ka soo jeedeen, iyadoo xalay gudaha degmada Ceelbuur lagu dhacay gaari Rinod ah oo uu lahaa Guddoomiyihii degmadaas ee xarakada Al-Shabaab.

 

Lama oga madaxii Al-Shabaab ee degmada Ceelbuur oo ka soo jeeda gobolada Jubada dhexe halka uu ku sugan yahay, waxaana dhammaanba degmooyinka

 

asi ay faarujiyeen xarakada Al-Shabaab la sheegayaa inay maamulaan dadka degaanka.

 

Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya gobolada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in maamulada xarakada Al-Shabaab ee degmooyinkaasi isaga baxay ay timid xeelad dagaal iyo ciidamadii degmooyinkaasi oo iyagu ku maqan howlgallo ay sameynayaan gobolka kale ee dalka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

 

Lama oga ka bixitaanka maamulada iyo ciidamada xarakada Al-Shabaab ee faarujiyay gobolada Galgaduud iyo Hiiraan inuu la xiriiro hadal dhowaan ka soo yeeray afhayeenka xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo sheegayay inay bedeleen taatiiga dagaaladii ay ka wadeen gudaha dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

diplomate2010;700660 wrote:
Madaxweynaha DFKS Sheekh Shariif oo maanta istaagey meel tuuryo u jirta ciidanka AL-Shabaab, islamarkaana Saraakiisha Ciidanka Dowladda ay celin waayeen madaxweynaha oo caraysan oo doonaya inuu dagaalka Safka hore ka galo

 

 

geesi1.jpg

Muxu la cadheesna? :D :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this