Sign in to follow this  
wyre

Abu Mansuur Al-Amriki oo Muqdisho Lagu dilay (Warbixin ku saabsan wararka wakaaladaha ay ka qoreen)

Recommended Posts

wyre   

Warbaahinta dalka Maraykanka oo soo xiganayay sirdoonka dalkaasi ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu dilay ninka lagu magacaabo Cumar Xamaam isla markaana loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriki oo ka mid ahaa dagaalyahanada aan Soomaalid aheyn ee ka garab dagaalama Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab.

 

War uu qoray Tv,ga Fox News ayaa waxaa uu ku sheegay in Abu Mansuur Al-Amriki uu ku geeriyooday dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Dhismaha Wasaaradda gaashaandhiga oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada dawlada KMGS iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM.

 

Fox News waxaa uu sheegay in hay’addaha sirdoonka ay u sheegeen in la xaqiijiyay inuu magaalada muqdisho ku geeriyooday Al-Amriki oo saraakiisha Al-Shabab ka mid ahaa.

 

Sidoo kale wargeyska Long War Journal ayaa sheegay in Abuu Mansuur uu geeriyooday asagoo ka qeyb qaadanaya dagaal ay dagaalyahanada Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab waxaana uu Wargeysku intaa ku daray in geerida Abuu Mansuur ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaandhiga iyo nabad sugida Soomaaliya.

 

Wakaaladda Wararka ee AP oo fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa sheegtay in wasiirka gaashaandhiga DFKMGS C/raxman Max’ud Fiqi uu u xaqiijiyay inay dileen hogaamiyahaas la sheegay inuu Al-Qacida ka tirsanaa ee Soomaaliya ka dagaalami jiray.

 

Cumar Xabiib oo sidoo kalena loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriki oo ku dhashay gobolka Alapama ee dalka Maraykanka ayaa waxaa uu ku soo biiray Xarakadda Al-Shabab sanadkii 2007 xilligaasoo uu ka soo muuqday cajal muuqaal ah oo muujinayay dagaalyahano Shabab ah oo tababaranaya.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Abuu Mansuur uu ahaa taliyaha ugu sareeya ciidamada u dagaalama Al-Shabab iyadoona uu ka mid ahaa tiro dagaalyahano aan Soomaali aheyn oo Soomaaliya ka dagaalama.

 

Abuu_Mansoor_Al_Amrika.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Sida ay qorayaan wakaaladaha wararka aduunka, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah saraakiisha ajnabiga ah ee kooxda Al-Shabaab kaas oo lagu magacaabay Omar Hammami oo ku magac dheeraa "AL-AMRIKI".

 

Warkan ayaa waxaa wakaaladda wararka AP u sheegay wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Abdihakim Mohamud Haji Fiqi kaasoo wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlayay howlgalladii ugu dambeeyay ee uu siiyay wakaalada Associated Press.

 

Wasiirka ayaa sheegay in warkaas aan wali si dhab ah loo xaqiijin karin maadaama aanay haynin Maydkii Ninka, balse waxa uu sheegay in ay hayaan xog-sireed arrintaasi ku saabsan.

 

Sarkaalkan ayaa ku biiray kooxda Al-Shabaab sanadkii 2007-dii, waxaana uu iska bedelay magaciisii hore isaga oo la baxay Abumansur Al-Amriki.

 

Al-Amriki ayaa qasab ah ku qabay ldhowr gabdhood oo Soomaaliyeed, kuwaas oo uu qaarkood furay, qaarna wax ka dhalay.

 

;

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Subxanallah- :( I dont know how much hate you need for inaand qof Muslim aha Jahanma ugu duceyso. :eek:

 

May Allah guide them All

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Ibti, I am sure you know if a Muslim calls another kafir, and the latter was not such, the charge will indeed turn back upon him. Abu mansuur accused Somali Muslims to be Gaalo.

Now i am not claiming to be Sheikh and am not giving fatwa or any kind of statement. Daalim kastaa maalin ayuu leeyahay, inkasto oo aan la hubin kan aan ka hadleyno in uu dhintay waxaan RAJEYNAYAA in ay run tahay!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Cawaale;700617 wrote:
Ibti, I am sure you know if a Muslim calls another kafir, and the latter was not such, the charge will indeed turn back upon him. Abu mansuur accused Somali Muslims to be Gaalo.

 

Now i am not claiming to be Sheikh and am not giving fatwa or any kind of statement. Daalim kastaa maalin ayuu leeyahay, inkasto oo aan la hubin kan aan ka hadleyno in uu dhintay waxaan RAJEYNAYAA in ay run tahay!!

Cawaale, to be honest I dont know him laakin he looks Muslim, nor do I know his history very much. In saying that IF he called another Muslim kafir (The hadith is one of them is surely a Kafir) I dont know WHO the other party was and alhu aclum who the "word" fell on, that ignoring tawba and such, which again we don’t know about.

 

Everyone has a day to go, daalim or otherwise and surely Allah will judge each and everyone and he is the best of judges; IF he is dead and he is a Muslim "may Allah forgive him for his sins with his mercy" if he was not a Muslim it we don’t need inan habartanoo. If he is still alive may Allah guide him and everyone.

 

I don’t see why cadabti ciid lugu duceyo, it is not like Jannah is out of capacity or that he will be sharing your space if you make it.

For their wrong regardless of how small, they shall be judged on it, trust Allah will do justice for anyone he wronged.

 

The same goes without saying to dictators, warlords, your worst enemy etc;

 

To my limited knowledge the sahib and the prophets (PBU them all) were not in the habit of dadk cadabat ugu ducey- In fact I can only vaguly recall one such incident (the person was already dead)

 

The only people we know who are xasid enough iin qof kaley cadabtii ugu duceyan is those who are already in hellfire as narrated in various places in the Quran.

 

:( :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

I understand what you mean Abaayo. FYI the man who is an American-born member of AS was was[/] the mastermind behind most of the deadly attacks carried out by AS, attacks that took the lives of Somalis, attacks that was set for one or two AMISOM troops but took the lives of innocent people. The same man introduced remote bombing to AS which spawned the death of 21 Somali women volunteers in Maka Al-Mukarama Str. in Mogadishu, and the list goes on..

Marka excuse me if i came across like xaasid, but i am just being thoughtful for my fellow citizen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The foreign clowns who lead Al Shabaab should no longer view Somalia as a safe haven for them to have a great time at the expense of the poor Somali's.

 

As for the insults, less of that would do lads..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this