Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Al shabaab oo dhameeysay Dhalinyaradda, hadana dagaal gelineyso odayasha Soomaliyeed Sawiro

Recommended Posts

Idinku xagee ku aragteen Odayaal sidaas hal meel isugu yimid(except fadhi ku dirirka). Waligeedba maanaan arag e, naga taga.

 

Odayaaashaan shalay waxaa laga yaabaa inay suldaano/garaado/ugaasyo iyo ehlul khayr idiin ahayeen, maantoo ay leeyihiin "wadanka gaalo uma rabno" "gaal intuu na guumaysan lahaa dhimashaanu ka dooranay", waad aflagaadaynaysaan. Bal haye, xagee la idiin raacaa.

 

Shalay waxaa la lahaa "Al shabaab waa caruur yaryaroo ordaysa, odayaashii way ku gacan saydheen, waa bilaa xikmo", maantana maxaad taloow odhan doontiin markay odayaashii sidaas u yaacayaan? anigu aan idiin sii bilaabo "war waa kuwo awalba la maskax dhaqay, waa hal beel" aahay keep em coming, waynu is naqaanaa e.

 

Shalay waxaa la lahaa "Al-shabaab iyo Xizbul Islaam waa khiyaamiin, haday jihaad wadaan maxay isu laayaan, waa beentood, dano gaar ah bay u socdaan", Hadeer markay midoobeena maxaad taloow leedihiin?

 

Walee cudurdaarku wuu sii dhamaan doonaa, laakiin hadaynu soomaali nahay ma wayno waxaynu ku andacoono.

 

Note: Waxba qabiil meesha ha soo hoos galinina.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Odayada sawirka ku jira 20 ma gaaraayaan haddii la tiriyo. Haddeyba xabada ka ordi karaan oo yaqanaan sida loo dagaalamo waala arki doonaa. Cilaankooda hore ha usoo marsadaan familkoodana ha soo macsalaameeyaan inteysan xabada iyo madfaca xabadka ugu dhicin! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;699746 wrote:
Odayada sawirka ku jira 20 ma gaaraayaan haddii la tiriyo. Haddeyba xabada ka ordi karaan oo yaqanaan sida loo dagaalamo waala arki doonaa. Cilaankooda hore ha usoo marsadaan familkoodana ha soo macsalaameeyaan inteysan xabada iyo madfaca xabadka ugu dhicin!
:D

 

Su'aal: Qofka muslimka ah ee wadankiisii jooga oo xabad uu gaal soo riday xabadka kaaga dhacdo xaguu aadi? yacni xagee buu dambayn? Bal iiga jawaab fadlan? Mise gaalka Amisom xabad laguma ridi karo?

 

Note: Please answer su'aasha, and dontt talk about Al-shabaab is that, or that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dadka la laaynaayo maalinwalba 100 kiiba 99.9 waa muslim. Kan diinta ku qaraabto dadkiisana laaynaayaa cidna (ecxept for the pycho cyper jihadis) uma sacbineyso.

 

AlShabaab culimada Soomaliyeed gaal uguma wici lahayn, shacabkana ma laay laheen haddii ay diinta Islaamka wax ka yaqaanaan.

Waxaa isaga kaa qasan waxyaabo badan, ee walaalow ka qudbeey meelaha laga dhageysto. Mahadsanid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;699754 wrote:
^^ Haa ileen mujahdiintu Gaalada uun ay dilaan sow maha, Ardayda soomaliyeed iskuma qarxiyaan, Haweenka miino kuma qarxiyaan mahano Al-maskiin.......

Hadalkaada waan qaadan karaa, dhib maleh, laakiin aniga bal cadayn ii keen al shabaab oo isku qarxiyey arday soomaali ah? CADAYN KAMA WADO HOMEPAGE AWALBA KA SOO HORJEEDAY AL-SHABAAB! Mida kale, Al-shabaab meesha doodu maba aha, madfaca iyo xabadda ay odayaashu u dhiganayaan taloow yaa soo tuuraya?

 

Anigu sxb waxkasta waan kaa qaadan, hadaad facts ii keentid. Mida kale, su'aasha aan kor ku waydiiyey miyaad ka baqday inaad ka jawaabtid? Waxba ha leexan e bal ka jawaab, adoo raali ah.

 

Somalina

 

Waan filayey inaad Al-shabaab is that or that soo qori doontid, bal fiiri waxaan ku idhi

 

Note: Please answer su'aasha, and dontt talk about Al-shabaab is that, or that.

su'aashaydana wali kamaadan jawaabin, why is it so hard? Burundi ama Ugaandhiis haduu xabad soo rido oo uu odayaashan meesha ku sawiran mid ka mid ah wadnaha kaga dhufto odaygaasi xaguu aadi? Mise mac bay ku tahay odayga, waayo asagaa xabbadda ku riday Burundiga daamanka waawayn?

 

Waxaa isaga kaa qasan waxyaabo badan, ee walaalow ka qudbeey meelaha laga dhageysto

Haye bal wax ii kala saar anigu waan isku dhex qasanahay e lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Adiga waa ka hartey miyaa jihaadka laguugu wacay?. :D

 

----

Miskin:

Xabad haddey ku dhacdo odayashaan MAC iyo NUS ayey ku tahay ama Burindi ha soo rido ama Soomali ha soo rido.

Markey isku qarxinaayaan meel walba oo dadka rayidka oo muslimka ah naftooda ku waayaayaan maxaa laga dhihi karaa taasna? mise Burindi ayaad ku mashquulsan tahay.

 

Waan ka baxay sheekadan koley.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;699760 wrote:
Adiga waa ka hartey miyaa jihaadka laguugu wacay?.
:D

 

----

Miskin:

Xabad haddey ku dhacdo odayashaan MAC iyo NUS ayey ku tahay ama Burindi ha soo rido ama Soomali ha soo rido
.

Markey isku qarxinaayaan meel walba oo dadka rayidka oo muslimka ah naftooda ku waayaayaan maxaa laga dhihi karaa taasna? mise Burindi ayaad ku mashquulsan tahay.

Oo odayaashu ma gaalaa markay mac ku tahay? Ileen gaalka kaliyaa dilkiisu banaan yahay e?(ka dagaalka lagula jiro).

Mar dhawaydna waxaad lahayd Al-shabaab culimaday gaalaysiiyaan, hadeerna adaaba ka daray oo leh Gaaladu ha la layso odayaal diiday Burundi iyo Ugaandhiis inay wadankooda joogaan.

haye markaa adigu ka sug Burundi iyo Amisom inay wadankaadii kuu hagaajiyaan. Iska Sug uun.

 

Anaaba kaa qaldanaa, meesha(forumka) maadaama aan ku cusbahay waxaan mooday inaad tahay dadka xoogaa fayoow, laakiin waxaad soo qoraysid hadal laga fiirsaday maaha. Qof ku farxa dhimasha qof muslim ah horay looma arag. Dee waa hadaad Muslim tahay, anigu kuma aqaani e, I just assumed madaama aan khayr kugu tuhmayo.(qalad ha ka fahmin yaa, ileen isma naqaanee)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Al-Miskiin;699764 wrote:
Dee waa hadaad Muslim tahay,
anigu kuma aqaani
e, I just
assumed
madaama aan khayr kugu tuhmayo.(qalad ha ka fahmin yaa, ileen isma naqaanee)

Ma i gaaleysiisey durbadiiba? Waa ayaan daro in Al Shabaab halkan ku soo bataan wallee.

 

Waxa keliya aan rabo inaan kuu sheego ayaa waxay tahay in hadalka aad soo qoreyso si fiican uga fiirsato oo aad ku dhaqanto waxaad ku qudbeyneyso yacni practice what you preach. Haddii aad cusubtahayna dadka aadan aqoonin "muslinimadooda" afka halaga gelin, personal-na haka dhigin sheekada. Adiga ma lihid power aad diinteyda wax kaga bedeli karto, marka taada lee ka soo bax oo ka hadal, teydana aniga ayey ii taalaa. Waan is fahamney ayaan u maleynaayaa.

 

Salaama.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this