Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo Habaaray Al-Shabaab

Recommended Posts

Imaamka Beelaha **** Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa habaaray Xarakada Al-Shabaab, isagoo si kulul u weeraray hab dhaqankooda ku aadan siyaasada dalka, wuxuuna ku tilmaamay kuwo aan soo marin taariikhda Soomaaliya.

 

"Walax la arag iyo walax la maqal waaye Shabaab, 90-jirna ka weyn, wixii ka hooseeya, marka nimankaas dhibaatada dalka ay ku dhigeen waligeed nama soo marin"ayuu si kulul u yiri Imaam Maxamuud.

 

Imaamka ayaa sheegay in waligiis uusan wax ka sheegin Shabaab, balse ay hada damqisay dhibaatada ay dalka ku hayaan, sida uu hadalka u dhigay.

 

"Aniga waligee wax kama sheegin nimankaas, laakiin sida muuqata dalka iyo dadka waa baabi'iyeen, waxan leeyahay Ilaahey godkii ay ka soo baxeen haku celiyo"ayuu sii raaciyay Imaam Maxamuud Imaam Cumar.

 

Imaamka ayaa si weyn looga qadariyaa bulshada soomaliyed dhexdeeda, iyadoo waayihii hore uu dhexda u xeran jiray xalinta colaado beeleedyadii dalka ka jira, isagoo ka qeyb qaatay nabadeyn dhowr jeer loo dhex dhigay beelo walaalo ah.

 

Laakiin Imaamka ayaa horay baaq nabadeed u diray dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda, kuwaasoo aan dheg jalaq u siin, hase ahaatee hadalkan kulul ee ka soo yeeray ayaa u muuqda mid ka dambeeyay markii dhowr jeer uu baaqyo u jeediyay Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda oo ay ku gacan seyreen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

caydarus. Dadka miyaad mooddey inaysan caqli lahayn. Imaam Maxamuud waa oday Soomaaliyeed oo qiimo leh. TFG ka hor ayuuna jirey dhibaatooyinka Soomaaliyana ka hadli jirey. Ilaah haku caafiyo!

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Abwaan sxb anigu imaamka waxba kama sheegin waana odey soomaliyeed xurmo ayuuna naga mudanyahey, lakin what i'm simply answering is the threadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

The Zack;699431 wrote:
LOL@Imaamka beesha. Beesha bas ah buu imaam u yahay miyaa tolow.

Imaamkii aad taqaannay maaha, waa Suldaanka Beesha ***** ninkani, Shabaabna Alamtara waa soo dhaafeen!, oday habaartamay uma joogsanayaan! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this