Sign in to follow this  
Maaddeey

Jab lexaad leh oo qabsaday ciidamadii soo weeraray Beled Xaawo

Recommended Posts

Maaddeey   

Ciidamadii soo weeraray Beled Xaawo ayaa jab weyn qabsaday, waxaa waardiye laga hayaa bakhti fara badan oo uu ku jiro sarkaal xabashi ah....

 

Stay tuned!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowlada KMG ah ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

 

Kadib dagaal culus oo saaka Beledxaawo ku dhexmaray ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Shabaab, ayaa la xaqiijiyay in Ciidamada Dowladdu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Degmadaasi, sida Radio Muqdisho ay u xaqiijeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi.

 

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkaasi ay ka soo gaareen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan, iyadoo ciidamada Dowladuna ay sii raadjoogaan firxadka Maleeshiyaadkaasi.

 

ciidamada Dowlada iyo dadka deegaankuba waxa ay ku mashquulsanyihiin bakhtiinta dab ka kacay xaafado ka mid ah degmadaasi Beledxaawo.

 

Dhanka kale Maleeshiyaadka Shabaab ayaa la sheegay in degmada Mandheera ee dalka Kenka ay Madaafiic ku garaaceen, iyadoo isku dhac kooban uu dhexmaray ciidamada Dowlada Kenya iyo Maleeshiyaadka Shabaab.

 

Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa u muuqda in ay horumar ka gaarayaan dagaaladii ugu danbeeyay ee ay maleeshiyaadka Shabaab kula galeen Muqdisho, Beledxaawo iyo Hiiraan, waxaana xusid mudan in ciidamada Dowladu ay saaka isku fidiyeen wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this