Sign in to follow this  
Saalax

Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Si Kulul U Beeniyey Hadal Ka Soo Yeedhay Col.Dalbac

Recommended Posts

Saalax   

Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Si Kulul U Beeniyey Hadal Ka Soo Yeedhay Nin Sheegay Inuu Ka Mid Ahaa Ciidanka Qaranka Oo U Goostay Dhinaca Kooxda Nabad Diidka.

Hargeysa (Ramaas) Feb. 09, 2011- Taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland, ayaa si kulul u beeniyey hadal ka soo yeedhay nin sheegtay inuu ciidanka qaranka ka tirsanaa oo u baxsaday maanta dhinaca kooxda nabad diidka ah ee ku sugan degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Taliyaha guud ee ciidanka milateriga Somaliland Col, Nuux Ismaaciil Taani, ayaa galabta beeniyey inuu ka tirsanaa ciidanka qaranka ninka lagu magacaabo Axmed Maxamed Dalbac oo galabta sheegay inuu ka soo goostay ciidanka qaranka oo uu ka soo tirsanaa, isla markaana uu la soo baxsaday gaadiid tikniko ah iyo ciidan ka soo jeeda deegaankaas, isagoo sheegay inuu hada ku sugan yahay magaalada Buuhoodle.

Col, Taani, waxa uu sheegay in aanu ninkan si rasmi ah uga tirsanaynayn ciidanka qaranka Somaliland, hase yeeshee uu hor jooge u ahaa ciidan beeleed tiradoodu dhamayd 30 askari iyo saddex gaadhi oo tikniko ah, waxaanu taliyuhu sheegay inuu markiisii horeba uu ka soo goostay dhinaca maamul-gobolleedka Puntland.

Taliye Nuux Ismaaciil Taani, waxa kale oo uu xusay in aanay ciidanka Somaliland iyo qarankaba aanay waxba u dhimi Karin baro bogaandooyinka ay faafinayaan kooxdaha nabad diidka ah ee ka soo horjeeda gooni isu taaga Somaliland.

Ugu dambayntii Taliyaha ciidanka qaranku, waxa uu sheegay in ciidanka milateriga Somaliland ay diyaar u yihiin dufaacitaanka qaranka Somaliland, isla markaana aanay marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo taako ka mid ah dhulka Somaliland ku soo xadgudubta.

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Wonder what he will say, when others who made possible laascaanood capture give up him and I am very sure next fight, they will not be his side.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Hehee, Salax, don't force me to dig claims your mad men made while back about this subject and he was one of yours. Odayga Taani needs to have speaker cause he sounds out of touch like he said last time that shabaab killed his malitia. Odayga aad buu u murqaamaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this