Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Shirib iyo Guurow Wadani

Recommended Posts

Afartaa Caddeeyee markaan Cirifkaluu laabto. Umad Caagtay oo Ciilan oo Caajistaan nahay.. Umad Caado gooysee Fitnuu cararteyan nahay. Caraddan Udgoono illah Cadil nagu Deeqey.. Umadan Cuskeynan nahoo tacabki Caayeysa. .Cawinada gaalada cad iyo Carabtu noo keento.

 

Umad ineey Cuntuu baratayoo Ceeb dhigtan nahaye..Qorey Caalmadowbaa Ciyal nagu canshuuraaya..Canan looma soo jeedi karo Waana Canugadi..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Abtiyaashey jecliyaa! :D

------------------

Shabaab waxay ku Shaac bexeen sodon walxaatoo Shiin ku Taal

 

shabaab waxeey ku shaac bexeen

soddon walxaatoo shiin ku taal

 

shabaab waxeey ku shaac bexeen

shaabuug iyo shaqala,aan

 

shabaab wexeey ku shaacbexeen

ninkii shariiga shafka gooy

 

shabaab waxeey ku shaacbexeen

shacabka laay sharcila,aan

 

shabaab waxeey ku shaac bexeen

la shariig shanta qaaradood

 

shabaab waxeey ku shaacbexeen

ninkii sharafle waxka sheeg

 

shabaab waxeeyku shaacbexeen

shukka madoow iyo shirqool

 

shabaab waxeeyku shaacbexeen

shaahi inaanlala shubeeyn

 

shabaab waxeey ku shaacbexeen

kala shir shaabaya ninkeed

 

shabaab waxeeyku shaacbexeen

sheydaan waxlaayay sheekh ku sheeg

 

shabaab waxeeyku shaacbexeen

shisheeye keen shuruud la,aan

 

shabaab waxeey ku shaac bexeen

shacab zeka shantuuga qaad

 

shabaab waxeeyku shaacbexeen

ninshaabadle ammiir ku sheeg

 

shabaab waxeeyku shaacbexeen

shan jir la baray shiishya toog

 

shabaab waxeeyku shaacbexeen

shoongale iyo sheekh mansuur

 

shabaab waxeeyku shaac bexeen

qabiil shid lana sheegimaa

 

shabaab waxeeyku shaacbexeen

shirqool iyo shiddaan dhamaan

 

shabaab waxeey ku shaac bexeen

calanku sheega shaash madoow

 

shabaab waxeey ku shaacbexeen

shacab hurda shilka ku laay

 

shabaab waxeey ku shaac bexeen

shabeey midkeey ka shakisiin

 

shabaab waxeey ku shaacbexeen

shiddo fidnaa jihaad ku sheeg

 

shabaab waxeeyku shaacbexeen

shumacii daaranba shibsii

 

shabaab waxeeyku shaac baxeen

shisheeyaha la shoowriddeed

 

shabaab waxeey ku shaac bexeen

shacabkooy god u shaaqalaan

 

shabaab waxeey ku shaac bexeen

waa sharci shuqul kaan wadnaa

 

shabaab waxeey ku shaaacbexeen

shaydaan wanted ah shaabba sii

 

shabaab waxeey ku shaac bexeen

shiddada shamso soo baxdaa

 

alloow waxeey ku shaac bexeen

ka shaafi halla shiid bexee

 

alloow walax ka sheedin weeyn

oo shabiya shabaab u keen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nina, Shiribka caadi mahan :)

 

shabaab waxeeyku shaacbexeen

sheydaan waxlaayay sheekh ku sheeg

 

shabaab waxeeyku shaacbexeen

shisheeye keen shuruud la,aan

so true.

 

Lol MG, sheekadii Geedi miyaa keentay oo ahaa

 

Seyoum mesfinow so dhawoow

Sokeeye so kordhaa tahee

 

Zanawiyow sama ku waar

Saaxiib na saacidaa tahee :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Shirib waa Xigmad iyo Xamaasad wada socota. I really don't understand how this guys could concentrate and remembar all that text, while the crowd around them is screeming and dancing. Anigu mar hore ayaan khalkhali lahaa oo textku iga lumi lahaa! raga computer ayaa saaran.

 

My favorite line: Minay fatuuro fiiq tiraa, ninkii fadhaaya maa fayoow?..........:D (Oba do they still use this line?)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this