Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland marks 17th anniversary of the Somaliland National Army

Recommended Posts

Hambalyada Xuska Sannad-Guurada 17-aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka JSL. Xisbiga UCID

Xisbiga UCID wuxu maanta oo taariikhdu tahay 2.02.2011 oo ku beegan aasaaskii Ciidanka Qaranka ee JSL.

 

Wuxuu u dirayaa hambalyo iyo boqaadin munaasibada Sannad-guurada 17-aad awgeed dhamaan saraakiisha, saraakiil-xigeenka, askarta iyo xaasaskooda in ay ku waaraan sannadkan sannadkiisa xigga bash-bash iyo barwaaqo Illahayna ku guuleysiiyo xilka ay qaranka u hayaan.Wuxuu kaloo Xisbi ahaan ku hambalyaynaynaa guusha had iyo jeer ay soo hooyaan ciidanka Qaranka JSL iyo dhirbaaxada ay ku dhuftaan cadawga Somaliland.

 

Xisbiga UCID wuxuu ka xunyahay in sanad guuraeda Todoba iyo toban (17) jirstay ee Ciidanka Qaranka in ay ku gaadhaan darajo la’aan waa arrin aan la aqbali karin.Sidaas awgeed Xisbiga UCID wuxuu ku Baraarujinayaa xukuumadda talad haysa in darajooyinka Ciidanka Qaranka si dhaqso ah loo siiyo, darajooyinku waxay cadaynayaan astaanta Qaranimo.

 

Xisbiga UCID mar-labaad hambalyo iyo buqaadin wuxuu u dirayaa meel kasta oo ciidanka qaranku joogo iyo xaasaskooda.

 

Alla Mahad Leh

 

Md, Faysal Cali Waraabe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sanad Guuradii 17-aad ee Ciidanka Qaranka oo maanta la Xusay iyo Madaxwayne Siilaanyo oo khud-bad ka jeediyay.

 

 

Cidamada Qaranku Waxay qaayb Mug iyo ,Miisaan leh ka soo qaateen dhidib u Aasida Dimuquraadiyada iyo... Daawo Sawiradda

 

Hargaysa(GNS):-Xuska sanad guuradii 17-aad ee ka soo wareegtay Aas Aaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta lagu qabaty Taliska Guud ee ciidamada qaranka Soamliland ee Magaalada hargaysa.

 

Munaasibadan lagu xusayay Aas Aaska Ciidanka qaranka waxaa ka soo qayb galay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, wasiirka Gaashaan dhiga Axmed x.Cali Cadami,taliyaha ciidanka qaranka Somaliland gen.Nuux Ismaaciil Taani,Taliayaha Ciidanka Booliska somalailnd Cilmi Rooble Furre (cilmi kabaal),taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee ciidamda qaranka.

Sidoo kale waxaa munaasibadani ka soo qayb galay axsaabta siyaasada somalialnd waxaana ka mid ahaa madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland ahna ku simaha Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin,Guddoomiye Ku xigeen ka xisbiga Uicd Aadan Maxamed Mirre (waqf),madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan aw cali faarax,Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

 

 

madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay xuskani ciidanka qaranka somalialnd ayaa ka waramay qiimaha uu ciidanka qaranku ugu fadhiyo dalka isaga oo sheegay in uu ka mid yahay astaamaha Aas Aaska iyo gun dhiga u ah qaran nimada waxaanu yidhi “Ciidanka Qaranku waxa uu ka mid yahay Aasaaska iyo Astaamha Gun dhiga u ah Qaranimda Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu laf dhabar u yahay Difaaca iyo Ilaalinta Nabadgelyda dalka, Aasaaska Ciidamada Qaranka somaliand waxa u ka soo Unkamay halgankii iyo Xoraynta Somaliland.

Ciidamada Qaranku Waxay qaayb Mug iyo ,Miisaan leh ka soo qaateen dhidib u Aasida Dimuquraadiyada iyo Qaranimada Somaliland maanta ku naaloonayso, Ciidanka Qaranku wuxuu guulo wax ku oola ka soo hooyey Hawl galadii ka dhacay Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

waxa kale oo uu Ciidanka Qaranku Guulo ka gaadhay Xoojinta iyo Gacansiinta Nabad gelyada Gudaha isaga oo xoojiyey Ciidamada Booliska, waxaan ku ammaanayaa kuna Hambalyeynayaa anshaxa iyo hab dhaqanka Wanaagsan ee ay kula dhaqmeen Bulsho weynta Guud ahaan ku dhaqan Gobolada iyo Degmooyinka iyaguna ka markhaati kaceen, waana arin Muujinaysa heerka bisaylka Ciidamadeena.”

 

Isaga oo khudbadiisa sii wata waxa uu yidhi “waxaa kale oo ku hambaleyeynaya Taliska Guud ee Ciidanka, talisyada Aagaga iyo Qaybaha suurto gelinta horumarka iyo Fulinta heerar tababarka Ciidan iyo waxbarashada kala duwan ee Ciidanka la siiyey,waxbarshadaasi oo u kala baxda Sibinaaro, koorsooyin heerar kala oo dalka Gudihiisa iyo debediisaba laga soo joogteeyey tababarka Ciidanka Qaranka,waxa kale oo Xusid Mudan dib u hagaajinta, Xanaanaynta saanada kala duwan ee Ciidanka iyo Gadiidka Gaashaaman”.

 

 

Madaxwayne axmed siilaanyo waxaa kale oo uu sheegay in uu ka war hayo duruufaha adag e e ku xeeran ciidamda qaranka iyo kaalinta adag e e ay dalka kaga jiraan aw geed loo kordhiyay mushaharka 100%,waxaan uu faray wasaarada gaashaan dhiga iyo taliska Guud ee ciidanka in ay bilaa baan diiwaan gelinta si loo dhamaystiro diiwaan gelinta cusub,loona xoojiyo ilaalinta qaran nimada Somaliland waxaanu yidhi “Anigoo maanka ku haya Duruufaha adag ee ku xeeran Xilgudashada Ciidanka iyo kaalinta adag ee ay kaga jiraan Difaaca dalka, iyadoo ay yartahay awooda dhaqaale ee dalkeenu waxa loo kordhiyey mushaharka Ciidanka 100 %, si noloshooda kor loogu qaado.

waxaan Farayaa Wasaaradda Gaashaandhiga iyo taliska Guud ee Ciidanka Qaranka inay sameeyaan.-

 

1-diwaan gelinta Cusub si loo dhamays tiro Barmaamujka Darajooyinka Ciidanka, arintaasi oo Qiimo mug leh ugu fadhida Qaranka iyo Dawladnimadeena.

 

2- si loo xoojiyo ilaalinta Nabadgelyada iyo Qaranimada Somaliland loogana hor tago cadawga, kaasoo hore isugu deyey inuu qaraxyo ka fuliyo dalkeena,waxaanan farayaa Ciidamada Qaranku inay Xoojiyaan Xuduudaha dalka,sidoo kale gacan buuxda ay siiyaan Ciidanka Ilaalada Xeebaha,Booliska, Asluubta iyo Hay'adaha Sirdoonka Qaranka.si aynu uga hortagno dhamaanba falalka Cadawgu damacsanyahay inuu dalkeena ka Fuliyo”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Qaranka Somaliland oo maanta u dabbaaldegaya sannad-guuradoodii 17aad Hargeysa (Jam)- Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa Arbacada maanta u dabbaaldegaya sannad-guuradii 17aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay oo ku beegnayd 2dii February 1993kii.

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Jeneral Nuux Ismaaciil Taani, ayaa munaasibadda 17-guurada darteed waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray ciidammada qaranka iyo xaasaskooda, isagoo Ilaahay uga baryey inay sannadkan kiisa kale ku gaadhaan guul, horumar iyo barwaaqo.

 

“Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gen. Nuux Ismaacil Taani, waxa uu hambalyo iyo boggaadin u dirayaa dhammaan xubnaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaasaskoda meel kasta oo ay ku sugan yihiin, aniga oo ugu hambalyeynaya munaasibadda Sannad-guurada 177 aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku began barito oo ay taariikhdu tahay 02/02/2011, waxaan Illaahay uga rajeynayaa in ay ku gaadhaan sannadkan sannadkiisa guul, horumar iyo bash bash iyo barwaaqo… Aamiin…Aamiin…..” Sidaa waxa lagu yidhi dhambaal hambalyo ah oo taliye Taani soo saaray shalay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Ka Jeediyay Sanad Guuraddii 17-aad ee Ciidanka Qaranka

February 2nd, 2011

 

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad loogu dabaal degayay sanad guuradii 17-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka.

 

Xafladaasi waxa kale oo ka qeyb galay Wasiirro, saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khubad ka jeediyay xafladaasi wuxuu yidhi “ Maanta oo ay bishu tahay 02/02/201, waxaynu xusaynaa sannad guuradii 17-aad ee ka soo wareegtay as aaska Ciidanka Qaranka Jamuuriyada Somaliland. Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka reer Somaliland, ka goloyaasha qaranka Iyo magacaygaba waxaan hanbalyeynayaa dhamaan ciidamada Qaranka iyo saraakiishooda munaasibada dhalashadooda aawadeed, waxaanna ILLAAHAY ugu baryayaa in uu snadka sanadkiisa inagu wada gaadhsiiyo Nabad qab Caafimaad iyo Hurumar.”

 

Madaxweyne Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Ciidanka Qaranku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha gundhiga u ah Qaranimada Jamuuriyada Somaliland, waxa uu laf-dhabar u yahay difaaca iyo ilaalinta nabad galyada dalka, asaaska Ciidamada Qaranku waxa uu ka soo bilaamay Halgankii Somaliland iyo shirarkii nabadaynta iyo dib u heshiisiinta, Ciidamada qaranku waxa ay ka soo qayb qaateen gundhiga Dumuquraadiyada iyo nabada ay Somaliland maanta ku naaloonayso.”

 

“Ciidanka Qaranku waxa ay door libaax leh ka qaateen halgamadii laga fuliyey Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoole, waxa kale oo ay Ciidanka Qaranku si xoogan ugu qayb qaateen sugida ammaanka iyo gacansiinta Ciidanka Booliska, waxaan ku ammaanayaa anshaxa iyo habdhaqanka wanaagsan ee ay ciidanka Qaranku kula dhaqmeen bulsho weynta ku dhaqan guud ahaan goboladaasi, taasi oo ay ka markhaati kaceen dadkaasi,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaasi ku daray “Aniga oo dareensan Daruufaha ku xeeran Ciidanka Qaranka isla markaan og muhiimad ay u leeyihiin qarankan waxa aan mushaharka u kor dhiyey 100%, is sare loogu qaadao tayada iyo anshaxa Ciidanka iyo Hubka waxa aan farayaa Masuuliyiinta wasaarada Gaashaan dhiga 1- Bilowga diiwaan galinta ciidamda iyo agabka is hore loogu dhamays tiro barnaamijka Darajda Ciidamada, taasi oo qayb libaax ka qaadanaysa Karaamda iyo qaranimada dalka, 2- is looga hor tago cadowga Somaliland oo hore isugu dayey in ay dalkan qaraxyo ka fuliyaan waxaan farayaa Ciidanka Qaranka in ay sugaan guud ahaan Xuduudaha, isla markaan a ay Gacan siiyaan Ciidamada Ilaada Xeeebaha, Booliska, Asluubta, iyo hay’adaha Sirdoonka Qaranka si aynu uga hor tagno dhamaan wax yaabaha ay damac san yihiin Cadowga Somaliland.”

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Taani ayaa hadal uu munaasibadaasi ka jeediyay waxa uu kaga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddooyinkii u dambeeyay iyo guulihii uu ciidanka qaranku ka gaadhay dhinacyada tayaynta ciidamada, qalabka iyo saanadda milatari, waxaanu yidhi “Kun askari ayaa noogu jira dugsiyada tababarka Sheekh, Dararwayne iyo Gorayacow, waxa kale oo noo maqan tababaro dibadda ah oo ay ka mid yihiin Dhakhaatiir, Farsamada, Kamaadows iyo kalkaaliyayaal caafimaad, intaas ayaa sannadkan noogu maqnaa tababarro dibadeed. Waxa soo dhamaystay intaa aan sheegay koorsooyinkii, Engineerada 16 Injineer ayaa hadda soo dhamaystay oo jooga, saraakiisha farsamada 10 ayaa soo dhamaystay, kalkaaliyayaal caafimaad oo saddex sanno soo dhamaystayna way joogaan oo way yimaadeen, waxa bishan March soo dhamaysanaya kooraska 10 Dhakhtar oo shan sannadood soo dhamaystay koorsadoodii, waxa kale oo soo dhamaysanaya todoba sarkaal, waxa kale oo loo soo xidhi doonaa isla bishaa 50 askari oo Kamaandoo ah oo macalimiin noqon doona oo ciidanka tababara.”

 

Waxa kale oo uu Taliyuhu sheegay in ciidamo tiro badani ay tababar dibadeed ugu maqan yihiin.

 

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga, Md. Axmed X. Cali Cadami, ayaa sheegay in dhambaal hambalyo ah u diray ciidamada qaranka iyo qoysaskooda waxaanu ILAAHAY uga baryay inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in naafada iyo agoomaha ciidanka qaranka ay ku jiraan mushahar kordhinta ciidamada iyo shaqaalaha ee bishii January ee sanadkan ka bilaabmaysa.

 

Waxa xafladaasi lagu soo bandhigay riwaayad lagu soo bandhigay taariikhda iyo doorka Ciidammadda qaranka, riwaayadaasi oo ay jilayeen fanaaniinta ciidanka qaranka ee Gaashaan ayay martidii iyo masuuliyiintiiba aad uga heleen farriimihii ay gudbinaysay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this