Sign in to follow this  
Somalina

GalMudug State of Somaaliya

Recommended Posts

Somalina   

Maamul-Goboleedka Gal-Mudug oo bilaabay Dhismaha Xarumaha Madaxtooyada iyo Baarlamaanka

 

galmudug8.jpg

Talaado, January 25, 2011(HOL): Waxaa magaalada Gaalkacyo maanta ka dhacday xaflad lagu maamuusayay dhismayaasha xarumaha madaxtooyada iyo baarlamaanka, waxaana ka soo qaybgalay munaasabaddaasi mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Galmudug oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Maxemed Axmed Caalin, madaxweyna kuxigeenka Cabdisamad Nuur Guuleed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Xasan Maxamud Hayl, Gen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Xubno ka tirsan labada Gole Ee xukuumada iyo baarlamaanka, Ururada haweenka, ardayda dugsiyada H/dhexe iyo sare, Xubno ka Socda jaaliyadaha dibada ee Galmudug iyo marti sharaf kale oo faro badan.

 

Qurba-joogta waqooyiga Ameerika oo ku dhiirigeliyay guddomiyaha baarlamanka Galmudug in uu horseed u noqdo fulinta dhisidda xarumahaasi, ayaa ugu horrayntii halkaasi ka hadlay wuxuuna sheegay in qarashka dhismayaashaasi ku baxaayo ay bixinayaan jaaliyadaha Galmudug ee debadda ku nool. Wuxuu kaloo hadalkiisa ku daray in loo baahanyahay in ay qeeb muuqato ka qaataan qeebaha kala duwan ee bulshada deegaanka, sida Ganacsatada, ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada

galmudug9.jpg

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, wuxuuna ugu horrayntt ammaan balaaran u soo jeediyay bulshada reer Galmudug sida wanaagsan ay u garab taagan yihiin Maamulkooda. Wuxuuna Gen Cabdi Qaybdiid xusay in ay sidoo kale haboon tahay in waddooyinka la hagaajiyo si xaafadaha Magaalada Gaalkacyo bilicda iyo quruxdooda loo muujiyo. Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Goor dhaw la soo afjari doono dhismaha xarumaha hadda la dhagax dhigay, iyo kuwo kale oo ku xigi doona sida kuwo uu yeelan doono taliska booliska Galmudugna.

 

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi qudbad kooban ka jeediayay Madaxweynaha Galmudug Maxemed Axmed Caalin oo xusay in dhagaxdhigga dhismaha xarunta madaxtooyada iyo baarlamaanka Galmudug ka kooban tahay illaa labo dabaq oo ah dhismayaal aad u ballaaran. Wuxuuna dhagaxdhigay halka laga dhisayo xarunta cusub ee madaxtooyada iyo baarlamaanka.

 

Dhismayaasha waxay ka koobnaan doonaan laba dabaq oo leh jardiimo waa weyn iyadoona uu dhismaha baarlamaanka uu ka kooban yahay hal dabaq oo shub ah, lehna hoolal waaweyn oo lagu shiri karo.

galmudug6.jpg

galmudug2.jpg

galmudug7.jpg

galmudug3.jpg

galmudug4.jpg

galmudug.jpg

galmudug1.jpg

 

Mohamed Ali Aden

maden87@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Adiga reerka uunbaad u sacbisaa miyaa kaaley? War u sacbi Soomalida walaalahaa oo dhan reer Mudug yaho. :D

Horumarinta reer miyiga seminarkiisa inaan kuu dirno waaye soon.

Anywho, development and education will lead to peace, they go hand in hand.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasaaradda Horumarinta Reer Miyga Galmudug Oo Horumarin Kawada Miyiga Galmudug

a-1.jpg

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyga ee Galmudug Maxamad Cali Nuur ayaa tan iyo markii uu yimid Galkacyo

waxa uu waday kormeero iyo qiimeeynta xaalada dadka reer miyiga ah iyo deegaanda ay kunoolyihiin waxaana wafdiga uu horkacayey Wasiirka ay tageen Magaalooyinka Hobyo,Wisil,Gawaan,Ceeldibir iyo deegaanokale.

a-3.jpg

a-5.jpg

Wasiirka ayaa qiimeyn kadib waxa uu kudhaqaaqay taaba galinta mashaariic horumarineed kuwaasi oo loogu talagalauy in

ay ka faaídeystaan dadka reermiyiga ah isla markaana deegaanadu ay unoqdaan kuwa waxtar uleh

a-4.jpg

 

Maxamed Cali Nuur Wasiirka Horumarinta Reermiyaga Ee Galmudug ayaa socdaal dheer kadib waxa ay Dagmada Wisil Ee Gobalka Hobyo ka hirgaliyeen Isbitaal weyn oo loogu talagalay in looga faa’ideeyo dadka Dagmada iyo kuwa ka agdhaw waxaana hirgalinta Isbitaalkaasi wasaaradda ka kaabay Hay’ado dhowr ah.

 

a-6.jpg

 

Maxadm Cali Nuur Wasiirka Horumarinta Reermiyaga Ee Galmudug ayaa markale dib ugu laabtay Gobalka Hobyo waxaana socdaalka Wasiirka markaan ku wehliya Saraakiil ka socota Hay’adaha Qaramada midoobay uqaabilsan dhinaca mashaariicda ee UNDP waxaana qorshaha wasiirka lagu sheegay in ay tahay sidii Isbitaalo,Iskoolaad,iyo mashaariic wax ku ool ah ay uga fulin laayeen Deegaanda Miyigi ahee Gobalada Mudug,Hobyo,Galbarwaaqo iyo Gobalka Kulmiye.

 

asiirka ayaa intii uu kusugnaa Magaalooyinka aan soo sheegnay waxa uu kulamo la qaatay madaxda Degmooyinka iyo Goblada uu tagay waxaana inta badan looga hadlayey kulamadaasi sidii bulshada reer galmudug loo dhaxalsiin lahaa Horumar lataabankaro.

a-2.jpg

 

waa markii ugu horeysay ee Wasaaradda Horumarinta Reermiyaga Galmudug ladhiso tan iyo mudada 5sano ah ee uu maamulku jirsaday hadana waxa ay umuuqtaa in ay Wasaaraddu ku howlantahay waxyaabihii loo idmaday hasa yeeshee wasaaradda wax qabadkeedii ayaa kusoo aaday xilli ay abaar aad udag kajirto deegaanada miyiga ah taasi oo umuuqata in ay kasii dareyso Waa Hadii aan lahelin

Madharka Alle.

 

GALKACYO:-{Hobyonet.com}

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

General Duke;690370 wrote:
^^^What reer are you then, so I can clap for them next time I hear of them?
:D
I welcome this development and may they prosper my beloved uncles..

I'm in the area dee! lol...to the left, to the right, gadaal iyo horeyba...meel walba Soomali ku nooshahay, waa reerkeyga. U sacbi walaalahaa meelba ay joogaan.

 

p.s. I'm your habaryar remember! Cadalle iyo Jowhar coming soon...get ready to clap...lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lol...clap hadaad aragto development meel ay ka socoto aan ku idhi reer Mudug yaho!

Far waaweyn in wax laguugu qoro lee miyaa kaaley? :P

 

Reer miyi oo haddana reer Mudug ah xaa laga sugaayey awalba? loool

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Dont disrespect Mudug. They gave you the nation, the flag and the prestige that you have as Somali. Mudug is the center and the heart of Somalia. I am proud to be a son of that region, with relations from both sides..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maxaad Somali ka taqaan. Adigoo Soomali aan ahay dhahaysidba kuma arag, xataa luqadii waad ka faaneysaa inaad ku hadasho. Calanka baluuga adigoo lulaya kumaan arag. Maxaa kale aad haysaa oo aan reer Mudug hadal ahayn? huh? what was that? what!

Soomali sida loo noqdo soo baro, ku noqo baadiyihii aad ka timid, dhaqan celis ayaad u baahantahay si fiican. Geel raac iyo lo' etc. Cariish dhis. Get your hands dirty, waxaa ka batay too much cocoabutter iyo coolaid. lol...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Galka'yo — Mohammed Ahmed Alin, the president of Galmudug state, a self designated administration in southern town of Galka'yo, the regional capital of Mudug, on Saturday repeated warning people in central regions of Somalia against cutting plants and trees.

 

The call of Galmudug state towards stopping decimating plants comes as the people in the region have been complaining about relentless deforestation steps that were going in many parts of the region.

 

 

Ali, the leader of Galmudug vowed that will take a strict step against anyone is seen of committing deforestations warning against exporting charcoal cargoes in the those areas.

 

He called all residents in those areas in Mudug region tp stand to defend their terrorist from people he indicated want to make desert in those places.

 

The call of Galmudug state comes as many regions in southern and central Somali hade been struck by severe droughts.

 

On the other hand, the president said that his administration is working to assure the security of Galka'yo town saying that there are more security forces deployed in the villages of southern Galga'yo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;690378 wrote:
Maxaa kale aad haysaa oo aan reer Mudug hadal ahayn? huh? what was that? what!...

There you again, going deaf at the mere mention of reer Mudu...lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

General Duke;690382 wrote:
There you again, going deaf at the mere mention of reer Mudu...lol

:D Somali soo baro horta. Markaas ka hadal Somalia iyo afaaraheeda. Go eat McDees and supersize your fries, it is dinner time!

 

Have a good night walaal!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this