Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Farole arrives in Djibouti Augustine Mahiga greets the President at Airport

Recommended Posts

President Faroole has been welcomed by Augustine Mahiga Special Representative of the UN General Secretary to Somalia and a Delegation from the International Community at the airport on his arrival today in Djibouti Ambouli airport earlier today.

 

zFarooleMahinga3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

President Farole also held talks with the US-Amb. James Swan with Cheryl Sim from the US Consulate to Somalia in Nairobi. Top military leaders were amongst them such as John Steed UN's Security Advisor.

 

President Farole also met apart from UNPOS and US top officials the AU's Ambassador to Somalia Mr. Boubacar Goussou Diara and the Commander and Chief of Amisom troops in Mogadishu Nathan Mugisha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War saxaafadeed: Wafdiga Puntland oo qaabilay mas’uuliyiinta U.S., U.N. iyo A.U.

 

Jibuuti, Jan 19 - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa maanta gaaray magaalada Djibouti iyadoo halkaasii uu ku soo dhaweeyey Wakiilka Gaar ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (UN-ka) u qaabilsan arrimaha Somalia, Amb. Augustine Mahiga.

 

Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Md. Daud Maxamed Cumar, Wasiirka Dekedaha Md. Siciid Maxamad Raage, Wasiirka Degaanka C/gani Yusuf Cadde, iyo xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland oo la hadlay saxaafada inta uusan ka dhoofin magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegay in laga casumay xafiiska UNPOS uu madax u yahay Amb. Mahiga.

 

Wafdiga Dowladda Puntland ayaa shirkii ugu horeeyey ku yeeshay Safaarada France ee dalkaasi Djibouti halkasoo looga wada hadlay la dirirka burcad-badeeda iyo arrimaha horumarinta Puntland.

 

Galabnimadii maanta ayaa Wafdiga si gaar ah u qaabilay wafdi ka socda Dowladda Maraykanka uuna hogaaminayay Safiirka Maraykanka u jooga dalka Djibouti, Amb. James Swan waxaana socotay Cheryl Sim oo ah Qunsulka Maraykanka arrimaha Somalia u qaabilsan xafiiskeeduna yahay Magaalada Nairobi.

 

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay go’aankii Dowladda Puntland ay ku joojisay wadashaqayntii ay la lahayd Dowladda Federaalka KMG ah.

 

Wafdiga Puntland ayaa soo bandhigay sababaha ay Dowladda Puntland ugu dhawaaqday go’aankaasi maalintii Axad 16 Janaayo 2011. Arrimaha kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa tabarada loo fidiyo ciidamada Somalia, dhisida ciidanka badda ay Dowladda Puntland oo tababarka uga socdo magaalada Boosaaso, ladagaalanka Al Shabaab iyo kooxaha argagaxisada, iyo weliba mowqifka Dowladda Maraykanka kaga aadan damaca xil-kororsi ee DFKMG ah.

 

Kulankii sedexaad ayaa waxaa isugu yimid Wafdiga Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay Amb. Mahiga waxaana la socday la taliyihiisa dhanka amaanka Col. John Steed.

 

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlay dhacdadii dhexmartay DFKMG, Puntland iyo xafiiska UNPOS oo uu hogaamiyo Amb. Mahiga. Waxaa kaloo laga hadlay qaabkii arrimaha Somalia loo xalin lahaa ka dib markii uu dhamaado xilka DFKMG ah.

 

Amb. Mahiga ayaa Dowladda Puntland ku amaanay inay mutaysatay ku dabo dayasho. Wuxuu hoosta ka xariiqay welwelka ay Beesha Caalamka ka qabto go’aankii Puntland wadoshaqaynta uga joojisay DFKMG ah, isagoo sidoo kale cadeeyey inay Puntland xaq u leedahay inay door muhiim ah ka qaadato arrimaha Somalia iyo mustaqbalkeedaba.

 

Ugu danbeyntii ayaa Wafdiga Puntland waxaa soo booqday Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia, Ambassador Boubacar Goussou Diara. Amb. Diara waxaa la socday Gen. Nathan Mugisha oo ah Taliyaha Guud ee ciidamada nabad-ilaalinta AMISOM ee Muqdisho jooga.

 

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Puntland iyo AMISOM, waxaana sidoo kale laga hadlay la dagaalanka kooxda Al Shabaab. Amb. Diara ayaa soo bandhigay qorshaha Midowga Afrika ka leeyahay arrimaha Somalia wuxuuna ku raacay Dowladda Puntland warbixin ah in kooxda Al Shabaab ay isku uruurinayaan gobollada dhexe si loo weeraro gobollada nabdoon ee Puntland.

 

 

 

 

 

 

Communications Office

The Puntland Presidency

Puntland State of Somalia

E-mail: info@puntland-gov.net

Web: www.puntland-gov.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

The real power who rules Somalia are these guys and they use these guys like condoms mid shaley Masar usii direen kii caroodeyna kaaley bey dhaheen.

 

btw . wheres ina Cumar Geelle sheekada markaasey BAREEJO ahaan lahayd looooooooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

gooni;688847 wrote:
si ka fiican sheekh shariif baa loo soo dhaweeyay waa khasab inuu go'aankii ka noqdo

:D

------

 

Madaxweyne Sheikh Shariif oo Gaarey Jabuuti

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa soo gaarey magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyada Jabuuti.

 

Wefdiga Madaxweynaha oo ka kooban Wasiiro ayaa kasoo kicitimay dalka Masar halkaas oo ay kaga qaybgaleen shir looga hadlaayay dhaqaalaha oo ay yeesheen madaxda Wadamada Jaamacada Carabta.

 

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa sidoo kale waxaa ay wada socdeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo isna kasoo qaybgalay Shirka dhaqaalaha oo ka dhacay magaalada Sharmasheekh.

 

Magaalada Jabuuti waxaa sidoo kale ku sugan wefdi u horkacaayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole kuwaas oo shalay halkaas gaarey kulamo hordhacna la kulmeen masuuliyin ka tirsan Qaramada Midoobay,Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

 

Dhowaan ayay ahayd markii Dawladda Puntland ay ku dhawaaqday in ay jartay wadashaqeyntii Dawladda Federaalka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this