Sign in to follow this  
Jiiroow Bakaal

Puntland Kalsoonidi kala laabatay TFG

Recommended Posts

Samafal   

Jacaylbaro;688604 wrote:
popcorn.gif

Areey hordada ka kac Faroole Sharif buu xiriirka u jaray ee dad Somaliyeed umuusan jarin mise adi Shariif waa kuu qabiil?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shir lagu dhaliilayo dowladda Soomaaliya oo Boosaaso ka dhacay iyo Faroole oo Jabuuti u dhoofay

 

Arbaco, 19 Janaayo, 2011 (HOL) –Maamulka gobolka Bari ayaa taageeray maanta go,aankii ka soo baxay golaha wasiirada dowlada ee la xiriiray inuu dhamaaday xiriirkii u dhaxeeyay Puntland iyo DKMG ah ee

Soomaaliya.

 

Shirkan oo ka dhacay guriga gobolka ayaa looga soo horjeestay waraysi uu BBC-da siiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,kaasi oo ahaa in DKMG ah ee Soomaliya ay haysato taageerada shacabka Puntland.

 

"Puntland marna ma khilaafsana madaxdeeda ,sidaa darteed waxaanu leenahay hadalka ra’iisul wasaaraha raali galin haka bixiyo" ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf oo kulanka ka hadlay.

 

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Puntland ay kaalin muuqata waligeed ku lahayd midaynta umadda Soomaaliyeed,waxaana uu intaa ku daray in maamulka uu yahay mid loo asaasay in nabad lagu gaaro oo kaliya si loo heshiiyo.

 

 

"Cuqaasha gobolka Bari waxey ka midaysanyihiin taageerada ay u hayaan madaxda Puntland ,waxaana aan aad uga xunahay in dowladii umadda ay noqoto mid lagu lagu ilhaaneeyo maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya "ayuu yiri gudoomiyanaha nabadoonada gobolka C/risaaq Xarago oo goobta kahadlay.

 

 

Shirkan ayaa taageero loogu muujiyay beesha caalamka iyo cid kasta oo doonaysa nabadda Soomaaliya ,waxaana madaxda DKMG ah ee Soomaaliya lagu amray in ay raali galin ka bixiyaan waxyaabihii dhacay.

 

Dhinaca kale madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa maanta u dhoofay dalka Jabuuti isaga iyo xubno la socday si ay uga qayb galaan shirar muhiim ah oo ka dhacaya dalkaasi Jabuuti.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegay in madaxwaynaha Puntland uu dalka Jabuuti kula kulmi doono madax ka tirsan DKMG ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo khilaafaadyada hoose ee labada dhinac u dhaxeeya.

 

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Bosaaso,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this