Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Shiribka maanta Xassan daahir Xassan cabdulle xirsi (Turki)

Recommended Posts

x.turki=xooggaagi xasan daahiroow

ma xaabo la dhigaa xagaay

 

x.daahir=adba xuddur u xaabsataa

adoon is xoojin xasanoow

 

x.turki= ninkaan xertiisu xoogleheeyn

xasanoow is xariifimaa

 

x.daahir=minaan isku xirnaa leheeyn

xoog leeyguma xoreey leheeyn

 

x.turki= xagaay walba xumaan abuur

maleeyskula xirnaa karaa

 

x.daahir=xertaad abuurtayeey xirtoo

xaal waa xunyahay xasanoow

 

 

x.turki= xaasid nimaa ku soo xirtee

ha is xabeebin xasanoow

 

x.daahir=xabiib nimaan kugu xushee

xaad ii xumeeysay xasanoow

 

x.turki= xiisuuma qabo xukunoo

xarakadaan la yeeshay xeer

 

x.daahir=xaashaalilee xarakadaan

xabashidaa ka xaal qurxoon

 

x.turki = xumaan kama xishootidoo

xasanoow waaku xaal aqaan

 

x.daahir=xasan mugii an xoog lahaay

xumaan igu xugmi meheeyn

 

x.turki= maadaa ila,ahaay xabiib

xoogaad igu xali jirtee

 

x.daahir=xagjir nimaan kugu xushee

maanaa ku xoogay xasanoow

 

x.turki =xanaaqa jooji xasanoow

xarakadaan xabiib nahee

 

x.daahir= ha i xukumin xasanoow

waahee isla xiranehee

 

x.turki= anigaa xog ogaalogoo

waxaan xirraay laba xagaay

 

x.daahir=lama xagaay hadaad xirreed

maanigaad isku keey xallee

 

x.turki=lama xanto xarakadee

adoon isxoojiheeyn xirraaw

 

 

x.daahir=nin xoogay xilahaad leheed

xabiib la noqo waa xumaan

 

x.turki=waa xeer u yaal xarakadoo

xabsi malehe waa xabaal

 

x.daahir=xabsi hadeey nagu xireen

xabbad iyo xabaal karoon

 

x.turki= xamdi naq xasan daahiroow

xertu haddeeyku soo xireen

 

x.daahir=anigoo xukun doonohoo

leey xiray maan xamdinaqaa

 

 

XARAARE

xaraare= xafiil tanya shariif xumeey

xabsi miyaadka xulateen

 

x.turki = xanaaggi xasan daahiraa

xooxdaan ka maalnay xabsigaa

 

x.daahir=xasan cabdulle xirsiyoow

xaad iigu xugmisaa xumaan

 

xaraare=xukuumad diidid ya xumaan

waa isu xulufeeysateen

 

 

 

(Ali Haraare)

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

x.daahir=xasan mugii an xoog lahaay

xumaan igu xugmi meheeyn

 

x.turki= maadaa ila,ahaay xabiib

xoogaad igu xali jirtee

:D:D:D mahaas walax cilamaa ku jura.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Waxaan soo xasuustey for no apparent reason the famous saying:

 

Afwayne raac

Ama Afgooye aad

Ama afkaada hayso

 

(or maybe there is a reason, yaa kuu sheegaaye hee) :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

x.turki= xamdi naq xasan daahiroow

xertu haddeeyku soo xireen

 

x.daahir=anigoo xukun doonohoo

leey xiray maan xamdinaqaa

@least wey dhacday oba.

adi miyaa diyaariyay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this