Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Mushaaraad la siiyay Ciidamada Dowladda iyo sare u kac ku yimid sarifka lacagaha doolarka

 

 

Xukuumada Soomaaliya ayaa bilowday inay mushaaraad siiso Ciidamada xooga dalka, waxaana sare u kac uu ku yimid sarifka lacagaha doolarka, iyadoo mar kaliya ay isku soo beegmeen sare u kaca ku yimid sarifka doolarka iyo mushaar siinta Ciidamada.

 

Mushaarka loo qeybiyay Ciidamada Dowladda ayaa gaareysa 200$ (Labo Boqol Doolarka Mareykanka), kaasoo askari kasta la siiyay qiimahaas, iyadoo wadooyinka lagu arkayay askarta Dowladda oo raxan raxan ugu qul qulaya Saldhigyada Dowladda ee mushaarka laga qeybinayay.

 

Sarkaal ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegay in mushaar qeybinta ay qeyb ka tahay balanqaadkii Xukuumada ee ahaa inay daryeelayaan Ciidamada Dowladda, isla markaana ay si joogto ah u qaadanayaan mushaarkooda.

 

Hase ahaatee lacagahan mushaarka la siinayo ayaa ah kuwo labo bilood ah, oo Ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa Xooga dalka la siinayo askarigiiba.

 

Laakiin maalmihii u dambeeyay dhinaca maciishada qutul daruuriga ayaa aheyd mid meel dhexe iska sabeyneysa, sidoo kale sarifka doolarka ayaa hoose ahaa, laakiin waxaa mar kale suuqyada laga dareemay sare u kaca ku yimid sarifka Doolarka.

 

Boqolka Doolarka Mareykanka ayaa iminka lagu sarifayaa 3200, 000 000 (Saddex Milyan iyo Labo Boqol Shilinga Soomaaliga), waxaana taasi keentay in sidoo kale uu sare u kaca qiimaha maciishadaha kale duwan.

 

Mid ka mid ah Ganacsatada suuqyada Xamar weyne oo aan maanta la kulanay ayaa inoo sheegay in sare u kacan ay ku sii aaday, xilli dhowaan la geli rabo bad-xiranka, xilligaasoo ay yaraaneyso maraakiibta iyo doonyaha shixnadaha ganacsi wada ee dalalka dibadiisa ka yimaada, waxaana dhacda xilligan oo kale in baqaarada waa weyn lagu keydiyo raashinada iyo bagaashka, ilaa laga baxayo bad xiranka.

 

Xilliyadii hore ayay isku soo beegmi jireen mushaaraadka la siiyo Ciidamada oo doolar ahaan u qaataan iyo sare u kaca ku yimaada sarifka, waxaana hada aad loo hadal hayaa arrintan, maadaama ganacsida dalka uu udub dhexaad u yahay doolarka, taasoo meesha ka saartay qiimihii uu lahaa shilinga Soomaaliga, oo hada uu noqday Beesada kunaa u weyn Kunaa u Yar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasaaradda Macdanta oo dadaal ugu jirta sidii loo soo nooleyn lahaa hay’adihi hoos imaan jiray

 

 

Wasaaradda Macdanta, Biyaha Tamarta iyo Shidaalka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay kicin doonto Dhammaan adeegyadii muhiimka u ahaa Bulshada oo ay maamusho Wasaaraddaasi.

 

Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhoweynayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo lagu qabtay xarunta Wasaaradaasi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay kusimaha Wasiirka Wasaaradda ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi Mudane C/raxmaan Yuusuf faarax Dujaan, Ku simaha Agaasiamah Guud ee Wasaaradda iyo Howlwadeennada ka howlgalla xarunta Wasaaradda macdant biyaha tamarta iyo Shidaalka, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey Marwo Khadiijo.

 

C/raxmaan Yuusuf Faarax Dujaana Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka oo hadal ka jeediyay Munaasabadda ayaa tlmaamay in dhawaan ay dib usoo nooleynayaan Wakaaladihii Biyaha iyo Warshadii Koronta ee Eneeyo si ay uga faaiideystaan Shacbiga Soomaaliyeed, taasi oo uu xusay inay qayb weyn ka qaadan karto dhamaan adeegyadii guud ee bulshada.

 

Sidoo klae Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Wasiiru-dowlaha Wasaaradda macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu khudbad ka jeedisay Munaasabadda ayaa sheegtay inay si aad ah ugu faraxsantahay xilka loo dhiibay islamarkaana ay diyaar u tahay Qorshe howleedka u dagsan Wasaaradda Macdanta Biyaha Tamarta iyo Shidaalka ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ay ka codsatay howlwadeenada Wasaaradda inay gacan kusiiyaan gudashada waajibaadka shaqo.

 

Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo shidaalka ee Soomaaliya ayaa wadday maalmihii ugu dambeeyay qorsheyaal ay ku soo celinayso nidaamyadii lagu maamulayay hay’adaha gaarka loo leeyhaay, kuwaasoo hoos yimaada Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Mogadishu Friday 22 April 2011 SMC

Horyaalkii_36_kubadda_cagta_2010_11_1.JP

Kumaan kun taageerayaal oo la oran karo waa tiradii ugu badneyd ee fagaarayaasha sportiga isugu timaada tan iyo horyaalkii 28-aad ee lagu qabtey garoonka Da'da ah ee Conis Stadium, ayaa galabta u soo xaadirtey kulan ciyaareedka Elman iyo B/telecom,kaasi oo lagu qiyaasi karay inuu la mid ahaa Derby De italia ee labada Milan ama kulankii Copa Del Rey Final ee xaley ka dhacay Mestalla Stadium.

 

Elman Fc oo hogaanka 30-dhibic ku horkeceysay ayaa garoonka iskeentay iyadoo ujeedadu ay ahayd xitaa hal dhibic kasoo qaado B/telcom maadaama ay tahay koox weyn oo horyaalka heysay sanado aan la ciyaarin wax horyaala marxalada dalka awgeed.

 

Macalinka Da'da yar ee Elman Fc Yuusuf Cali Nuur ayaana gudaha garoonka ka hore ciyaarta iigu sheegay in kubadd wanaagsan ay ciyaarayaan guushuna ay dhex taalo 2-da kooxood iyo wixii ay kala helaan,waxaana uu xusey in dhaliyahooda hogaanka u haya gool dhalinta ee C/casiis Hoomey uu dhaawac dartii u ciyaari karin.

 

B/telcom ayaan waxba lasoo harin waxayna garoonka is keeneen iyagoo ku xisaabtamaya ka aarsada Elman oo lugtii hore guul daro idiin baday,

 

Walow rajada B/telcom ay lahayd ay tahay ciriirsada kaalinta 3-aad oo abaal marin lagu bixinaayo, hadana waxaaba kala weyneyd yeysan idiinku dabaal degin Elman ee ka adkaada, sidaasi waxaa ii xaqiijiyey qaar ka tirsan xidigaha B/telcom oo ciyaarta ka hore aan la kulmay.

 

3:35 daqiiqo ayaa kubadii uu fasaxay garsoore Nuur Maxamed C/dulle (Nuur-Roze) oo ay calanka u hayeen Saalax iyo fiidow.

 

Elman waxay ciyaarayeen qaaka 4-4-2 walow mar marka qaar qeybta danbe 5 ay ka dhigayeen, B/telcom dhexda ayey aad u xoojiyeen waxana macalinkoodu ku ciyaarsiiyay 4-5-1 taasina waxaa kaga dhashay gool qeybtii hore, daqiiqadii 15-aad iyadoo ciyaaryahan Saacid Saalax Xuseen uu Elman u saxiixay goolkaasi, waxaa isbedelay jawiga garoonka sawaxan,sacab iyo durbaan ayaa laga dareemayey xitaa 1-km meel u jirta garoonka lagu baratameyey,

 

Qeybtii koowaad sidaa ayaa lagu kala nastay,iyadoo Elman fc ku hogaamineysay 1-0. Laakiin markii qeybta 2-aad dar daaran ay labada macalin soo siiyeen xidigahooda ayey ciyaartii kululaatey Banaadir ayaa waxaa u suura gashey iney dhaliyaan goolkii bar-bardhaca kaa oo ahaa laad xor ah ama Bulusiyoone uu 20m ka dhaliyey Nuune Xuseen Abti-doon ka dib waxaa ruxmay garoonkii oo idil, sawaxan ka badan kii Elman taageerayaashooda ayaa dhacay, waxayna sababtu ahayd taageerayasha B/telcom oo garab ka helayey kuwa SITT Daallo oo last game beri la ciyaaraya Heegan rajana ka lahaan karey hadii Elman laga adkaado. Iyaguna Heegan ka badiyaan.

 

ELMAN dhowr weerar ayey qaaday wixii goolka lagu bareejeeyay ka danbeyey.waxaana xusid mudan kubad gool loo filan karey oo daqiiqadii 85-aad uu si dirqi ah ku bixiyey goolhaye C/weli Khanyare (GAATAMOW) oo ka mid ah goolhayasha ugu wanaagsan tartanka, si kastaba 1-1 ayey ku idlaatay ciyaarta waxaana halkii ka bilowday dabaal dega taagerayaasha Elman Fc oo aad u xamaasadeysnayd mudana sugayay iney ku soo laabtaan hanashada horyaalka oo ay horey ugu guuleysteen 4-jeer iminkana xareystay kii 5-aad.

 

Waxaa halkii lagu bixiyey bilado iyo Koobkii 1aad oo Elman la siiyey.halka sida uu sheegay Gudoomiyaha xiriirku abaal marinada guud lagu bixinayo xaflad marka uu dhamaado horyaalka oo dhowr kulan kaliya ka hareen.

 

Biladaha waxaa si wadajira xidigaha Elman Qoorta ugu surayey Gudoomiyaha GOS Aaden X.yabarow ( Wiish) Ku-xigeenkiisg Duraan Axmed Faarax. Gudoomiyaha Xiriirka & ku-xigeenkiisa Said Muganbe iyo Cali Said Guled iyo Dr Cabdi Ibraahim (Dr Jiiyaa) oo ah Madaxa ururka caafimaadka X.s.k.c.

 

Xiriirka kubadda cagtu ayaa si weyn loogu amaani karaa Dadaalka ay u soo galeen qabashada horyaalkan,walow ay hore ugu guuleysteen horyaalada heerarka 3-aad 2-aad tartanka dugsiyada iyo koobkii taarikhiga ahaa ee gobolada.hadana horyaalka 36-aad heerka 1-aad waxaa uu ahaa mid loo dhabar adaygay marka la eego xaalada muqdisho ay iminka ku sugan tahay iyo tirada shacabka u heelan sport iyo nabad oo qaarkood uga imaanayey daawashada horyaalka degmooyin fog fog muqdisho, Ceelasha Biyaha,Lafoole. Afgooye,warshiikh.darmooley.balcad oo dhamaan ka tirsan gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe.

Horyaalkii_36_kubadda_cagta_2010_11_2.JP

Horyaalkii_36_kubadda_cagta_2010_11_4.JP

Horyaalkii_36_kubadda_cagta_2010_11_5.JP

Horyaalkii_36_kubadda_cagta_2010_11_6.JP

Horyaalkii_36_kubadda_cagta_2010_11_7.JP

:D that's the spirit

 

 

Horyaalkii_36_kubadda_cagta_2010_11_11.J

Horyaalkii_36_kubadda_cagta_2010_11_13.J

:D

 

C/xafiid C/samad Zaciimka

 

Cell: 2526-1-5517722

 

zaciimka02@hotmail.com

 

 

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

 

More pics at http://www.somaliweyn.org/pages/news/Apr_11/22Apr16.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

China willing to play constructive role in peace process in Somalia: FM

 

13845314_11n.jpg

 

BEIJING, April 25 (Xinhua) -- Chinese Foreign Minister Yang Jiechi said Monday that China will continue to play a constructive role in the peace process and rebuilding of Somalia, together with the international community.

 

China has consistently supported the peace process in Somalia and the transitional government's efforts to restore domestic peace, said Yang when holding talks with Mohamed Abdullahi Omaar, deputy prime minister and foreign minister of the Somali transitional government.

 

Yang said China cherishes the traditional friendship with Somalia and is willing to make joint efforts with the Somali side to further promote bilateral ties.

 

Omaar thanked China for helping Somalia in its development over the years, adding that he hopes China will continue providing valuable support for the peace process and the rebuilding of his country.

 

Omaar said that Somalia attaches importance to China's role in international issues and will continue its adherence to the one-China policy.

 

The two sides also exchanged views on regional and international issues of common concern.

 

Omaar arrived in China on Saturday for a working visit at the invitation of Yang.

 

Source: Xinhua

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liban   

What does somali league got to do with Mr cheese gov't?? The league have been goin on for the past 10 years or so.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Just highlighting the events that are taking place on the government side.

-------------

 

Shahaadooyinka dugsiyada dalka oo la mideeyay

wasiirka-waxbarashada-1.jpg

 

 

Kulan uu maanta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Dr C/Nuur Sheekh Maxamed kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Agaasimeyaasha waaxyaha ay ka koobantahay Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradaasi Mudane Saciid Maxamed Jimcaale iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Muuse Faarax Xeyd kaa oo looga hadlayey waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Waxbarashada.

 

Ugu horeyntii ayaa waxaa kulankaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaraddaasi Dr C/nuur Sheekh Maxamed oo sheegay inay nidaam u sameyeen dugsiyada waxbarasho ee dalka islamarkaana ay hal shahaado oo mideysan ka qaadan doonaan Wasaaradda, isagoo xusay in mas’uuliyiinta dalladaha dalka ay isla meel dhigeen in sanad dugsiyeedka laga dhigo muddo 10-Bilood ah, halka markii hore uu ahaa 9-bilood.

 

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare Mudane Muuse faarax xeyd oo isna ka hadlay Kulankasi ayaa shaaciyey in wasaaraddu kicisay website u gaar ah, waxa uuna ka dalbaday Bulshada Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan sidii loo horumarin lahaa Websitekaasi, isagoo dhanka kale farta ku fuiiqay in hal yunifoom ay wada qaadan donaan dhamaan ardayada Soomaaliyeed ee wax ka barta gudaha dalka.

 

Kulankaan uu maanta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya la yeeshay Agaasimeyaasha waaxaha ee wasaaraddu ay ka koobantahay ayaa imaanaya xilli ay muddooyinkii ugu dambeeyay Wasaaraddu ku howlaneyd sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamyadii waxbarashada dalka, iyadoo dhanka kale deeqo waxbarasho oo lacag la’aan ah u diyaarisay ardayda Soomaaliyeed ee dhammeysta Dugsiga sare si ay uga faa’ideystaan deeqahaasi waxbarasho ee dowladda Soomaaliya ka heshay wadamada saaxiibada la ah.

 

Sidoo kale Wasaaraddu waxay sameysay Website ay ku soo bandhigto waxyaabaha u qabsoomay ardayduna ay kala soo xiriiraan. http://www.moesomalia.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali PM concludes diplomacy training

 

 

The State minister of foreign affairs, Mohamed Ali Hamud said the training has been geared forward

 

Mogadishu (Sunatimes) The Prime Minister of Somali transitional federal government, Mohamed Abdullahi ‘Farmaajo’ has concluded a diplomacy training held for 15 members of the ministry of the foreign affairs of the TFG.

 

The Premier said he has high hope in the members who received the training asserting that they are going to pioneer the development of the TFG and expressing optimism in their line of duty. The PM asked the member to propagate their knowledge to others.

 

The State minister of foreign affairs, Mohamed Ali Hamud said the training has been geared forward in the support of his ministry and the Arab League.

 

The Arab League Representative to Somalia, Mohamed Abdalla Idris said they will provide every support to the Somali government pledging that they are going to give a helping hand in the trainings for the different ministries of the TFG.

 

This is the first time in 20 years, when the government of Somalia received such diplomacy training for its workers of the ministry of the foreign affairs of the TFG

 

By Faduma Farah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ciyaar saaxibtinimo qeyb ka ah Tartamada isboorti ee is dhex galka bulshada oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

 

Ciyaar saaxibtinimo oo qeyb ka aheyd tartamada Isboorti ayaa ka dhacday garoonka School Polizio ee degmada Xamar Jajab, kaasoo ay isaga hor yimaadeen Kooxaha Kubada Cagta CCD iyo kooxda Geeska Afrika oo ka mid ah Kooxaha heerka 3aad ee Seria C-da.

 

Kulankan ciyaareed oo ahaa mid xiiso lahaa ayaa labada kooxood soo bandhigay ciyaar farsamadeeda sareysa, waxaana daawadayaasha garoonka

ay ahaayeen kuwo la dhacay hab ciyaareedka labada kooxood.

 

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa labada kooxo ay iska dhaliyeen min gool, waxaana qeybtaas ay ku kala nasteen bar bar dhacaas, hase ahaatee waxaa jiray fursado labada kooxood ee kala ah CCD iyo Kooxda kale ee Geeska Afrika ay iska qasaariyeen fursado.

 

Labada kooxood ciyaartoyda ayaa labada dhinac u dagaalamayay sidii kooxba kooxda kale ay uga badin lahaayeen, waxaana weerarka labada dhinac isu adeegsanayeen ahaa mid ay ku raadinayeen goolka guusha.

 

Ugu dambeyn Kooxda Geeska Afrika ayaa waxaa u suura gashay in gool helaan, kaas oo u sahlay inay garoonka guul kala hoydaan, iyagoo ku badiyay 2-gool iyo gool, waxaana dadkii daawanayay ahaa kuwo u riyaaqay ciyaartan saaxibtinimo, waxaana ciyaartan ay qeyb ka tahay tartamada Isboorti ee si dhex galka bulshada.

 

Si kastaba ha ahaatee Kooxda Kubada cagta ee CCD ayaa ka mid ah kooxaha heerka saddexaad ka ciyaara, iyadoo kooxda ay ka qeyb gasho tartamo kala duwan oo isugu jira Koobabka, iyo kuwa saaxibtinimo ee is balansiga labada kooxood, waxaana ciyaartoyda kooxda ay yihiin kuwo

kaliya ee heerka 3aad ee hela taageero iyo daryeel, ku aadan sare u qaadida dhanka moraalka.

Ciyaaro_Saaxiibtimo_Mogadishu_5.JPG

Ciyaaro_Saaxiibtimo_Mogadishu_3.JPG

Ciyaaro_Saaxiibtimo_Mogadishu_2.JPG

Ciyaaro_Saaxiibtimo_Mogadishu_4.JPG

Ciyaaro_Saaxiibtimo_Mogadishu_1.JPG

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xildhibaanno Kenyaan Ah Oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyay

 

 

April 27, 2011 | Posted by admin

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyay mudanayaal hore oo ka tirsanaa baarlamaanka Kenya, oo muddo socdaal ku joogay magaalada Muqdisho.

 

Tarsan ayaa sheegay in Ilyaas Barre Shiil, iyo Maxamed Mukhtaar Shiidiye ay Muqdisho u yimaadeen sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka Soomaalida, isagoo ku tilmaamay socdaalkooda tallaabo muujineysa sida ay Soomaalidu isugu naxayaan.

 

Ilays Barre Shiil oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ah, ayaa xusay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu Muqdisho marti ugu noqdo dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in uu aad uga xannuunsanayo dagaallada muddada badan ka socda Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuna ka codsaday dadka Soomaalida ah in ay ka shaqeeyaan nabadda.

 

Maxamed Mukhtaar Shiidiye, oo ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in khilaafka ka jira Soomaaliya ay xalkiisa keeni karaan shacabka Soomaalida.

 

Aamina Jaamac Dable, oo la socotay xildhibaannada hore ee Kenya, balse ka timid dalka Mareykanka, ayaa sheegtay in shacabka Soomaalida ah ee ku dhibaateysan gudaha iyo dibeddaba ay u baahan yihiin in wax loo qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Dowladda China oo ballan qaaday inay dhinaca dib u dhiska ka taageeri doonto dowladda Soomaaliya

 

China%20Confrence.JPG

 

Sabti, April 30, 2011(HOL): Dowladda Shiinaha ayaa ballan qaaday in Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay ka taageeri doonto dhanka dib-u-dhiska dhinacyada kala duwan ee dalku uga baahan yahay wuxuuna ballanqaadkani ka dambeeyey kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdullaahi Oomaar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda China Mudane Yang Jiechi.

 

Kulanka dhexmaray labada Wasiir oo uu sidoo kale ka qeybgalay Safiirka Soomaaliya ee China Cawaale Cali Kullane, ayaa waxaa si qoto dheer loogu jeex jeexay qaabka ugu habboon ee dib boorka looga jafi karo xiriirkii Dowladdaha China iyo Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda China Mr. Yang Jiechi oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Dowladda China ay mar kasta taageereyso nabad iyo kala dambeyn ku soo noqota guud ahaan dalka Soomaaliya wuxuuna dhanka kale ballanqaaday in dowladdiisu ay qeyb weyn ka qaadan doonto dib u dhiska dalka Soomaaliya “Beesha Caalamku waa inay awooddeeda isugu geysaa sidii loo heli lahaa Amni, kala dambeyn iyo dib u dhis loogu heli lahaa Soomaaliya” ayuu yiri Mr. Yang.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo isna ka hadlay kulanka ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta iyo ballanqaadyada dowladda China ay u sameysay isagoo tibaaxay in Dowladda Federaalka KMG ah ay aaminsan tahay in China ay door muhiim ah kaga jirto dib u dhiska iyo nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya isagoo si gaar ahna ugu mahadceliyay kaalmadooda dhaqaale ee ay ku bixiyaan howlgalka Nabad ilaalinta ee AMISOM.

 

Xafiiska Wararka Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Website Cusub oo ay Sameeysatay Wasaaradda Waxbarahsada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare

 

Sabti, April 30, 2011(HOL): Waxaa maanta oo ay bisha April tahay 26, 2011 lagu dhawaaqay website cusub oo ay leedahay wasaaradda waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ahee Soomaliya http://www.moesomalia.net .

 

Wasiirka Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo nooga warramay ujeedada furitaanka website-ka ayaa wuxuu yiri "ulajeedadu website-kani waa in la ogaado dadaalka waxbarasho ee dalka ka jiro iyo in macluumaadka waxbarshada dalka ay la socdaan dadkeena dalka gudahiisa iyo dibeddiisaba". Wasiirku waxaa kaloo yiri "website-ku waa bar kulmineeysa ardayda, waalidka, macallimiinta, aqoon yahanka iyo ururada caalamiga oo xiiseeya waxbarshada dalka". Waxay noo tahay fursad qaali ah, qeybna ka tahay dadaalka aan ugu jirno kor u qaadidda waxbarashada dalka".

 

Wasiirku waxa uu ku boorinaayaa ardayda dalka gudahiisa iyo dibeddiisaba in ay gacan ka geeystaan dhismaha iyo dayactirka website-kaan si uu u noqdo mid la jaanqaada mediyaha internet-ka casriga ah oo si joogta ah loo cusbooneesiin doono".

 

Wasiirku waxaa uu u mahad celiyeey madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda oo hawl weyn ka qabtay dhismaha website-kaan iyo uruurintaan macluumaadka waxbarshada Soomaliya.

 

Xafiiska Wararka Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

SAWIRADA OLOLIHII NADAAFADEED EE MAAMULKA GOBOLKU QABTAY.

 

Halkaan waxaan ku soo gudbinaynaa sawirro Radiomuqdisho.net uu ka soo qaaday olole maanta lagu nadiifinaayay waddooyinka Muqdisho qaarkood, Waxaana ka qayb galay maamulka Gobalka banaadir, Guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka,ururuda haweenka, iyo qaybo badan oo ka mid ah bulshada gobalka banaadir.

 

DSC09463.jpg

 

DSC09460.jpg

 

DSC09405.jpg

 

DSC09420.jpg

 

DSC09406.jpg

 

DSC09410.jpg

 

DSC09416.jpg

 

DSC09432.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Oba, shaqo fiican. Thank you brother.

------------

 

Haween Muqdisho ku qabtay kulan lagu taageerayay Waxqabadka Xukuumadda Soomaaliya

haween1.jpg

Isniin, May 02, 2011 (HOL) – Kulan ay soo agaasimeen haweenka Soomaaliyeed oo lagu taageerayay muddo kororsiga xukuumadda KMG ah ayaa maanta ka dhacday Muqdisho, waxaana kasoo qaybgalay haween isugu jiray xildhibaanno, qaar ka socday ururrada bulshada rayidka ah iyo xubno matalayay ururrada haweenka Soomaaliyeed.

 

Kulankan oo ka dhacday Hotel Ambassador ee Muqdisho ayaa ugu horreyn waxaa hadal ka jeedisay guddoomiyaha guddiga haweenka iyo xuquuqul insaanka baarlamaanka xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo sheegtay in kulankoodan uu yahay mid ay ku taageerayaan waxqabadkii xukuumadda ayna ku codsanayaan in loo ogolaado halka sano ee ay ku darsatay muddada ay shaqeynayso.

 

"Waa in xukuumadda fursad loo siiyo sidii ay ammaanka dalka u soo celin lahayd, waana in baarlaamanku uu ogolaado halka sano ee ay kororsatay," ayay tiri Xaawo Qayaad ku sheegay hadal ay ka jeedisay kulanka.

 

Xildhibaannadu waxay sheegtay in xiligan aan la qaban karin doorasho, balse haddii xukuumadda fursad loo siiyo inay dhameystiro howlaha horyaalla oo ammaanka uu ugu horreeyo ay diyaarin karo xilli ku habboon in doorasho la qabto.

haween4.jpg

Jawaahir Xaaji Baarqab oo ku hadashay magaca qurbo-joogta Soomaaliyeed ayaa iyaduna xafladda ka akhrisay bayaan ay haweenkan kasoo saareen kulammo ay ku yeesheen Muqdisho, kuwaasoo ay ku taageerayeen xukuuumadda KMG ah iyo halka sano ee ay kororsatay.

 

"Mudanayaasha baarlamaanku waa inay aqbalaan dib u dhigista doorashooyinka ee halka sano ah si nabadgalyada loo sugo, isla markaana la siiyo waqti ay howlaha u harsan ku dhameystirto," ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo xildhibaannadu ay ku goodiyeen in haddii ay diidaan xildhibaannadu dib u dhista doorashooyinka inay ugu tegi doonaan iyagoo kacdoon ah hoteellada ay daggan yihiin.

 

Guddoomiye ku xigeenka ururuka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi oo iyaduna ka hadashay kulanka ayaa waxay sheegtay in looga baahan yahay xubnaha baarlamaanka maadaama ay xilli kororsi saddex sano ah si iskood ah u sameysteen inay xukuumadda u ansixiyaan muddada halka sano ah ee ay xilligeeda ku darsatay.

 

haween.jpg

Sidoo kale, waxay haweenka Soomaaliyeed ka codsadeen beesha caalamka inay ka taageerto xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya sidii ay howlaha u harsan oo uu ugu horreeyo ammaanka ay ugu dhameystiri lahayd, ayka ka taageeraan dhinacyada ciidamada, siyaasadda iyo dhaqalaha.

 

Haweenka kulankan kasoo qaybgalay oo tiradoodu ay kor u dhaafaysay 100 ayaa waxay sheegeen in kulankoodan uu billlow u yahay kacdoon ay ku doonayaan inay ku taageeraan dowladda KMG ah, waxayna sheegeen in kulammadooda ay sii socon doonaan.

 

Ugu dambeyn kulanka ayaa waxaa buraanbur kusoo xirtay xildhibaanad Siiriya Diiriye Carab, iyadoo sugaanteeda ku cabirtay waxqabadka xukuumadda iyo sida loogu baahan yahay in loo ogolaado muddada ay dalbatay xukuumadda si ay amaanka u sugto.

haween2.jpg

haween3.jpg

haween5.jpg

haween6.jpg

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday askari shalay dil u geystay askari kale

 

April 30, 2011

 

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta riday xukun deg deg ah oo dil ah, kadib markii Maxkamada la hor keenay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, gaar ahaan Guutada Hilaac ee aaga Xoosh, kaasoo shalay askari dil u geystay.

 

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Col. Xasan Maxamed Mun-gaab ayaa sheegay in askariga gacan ku dhiiglaha uu dilay askari galay galabnimadii shalay.

 

"Askariga waxaa lagu magacaabaa Dable Cabdi C/llaahi Dhuxul oo 25-jir, wuxuu galabnimadii shalay uu toogtay 5:30 galabnimadii oo jimco aheyd, wuxuu dilay askari kale oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Cali Xasan oo ay hal guuto ka wada tirsanaayeen"ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida.

 

Mr Mun-gaab ayaa sheegay in markii maxkamada aragtay marqaatiyaal ay ku riday xukunkan dilka ah, isla markaana goobta xukunka ka dhacay aheyd halkii askariga uu dilka ugu geystay askari kale ee fariisinka u ah Ciidamada Dowladda KMG.

 

Ma ahan markii u horeysay ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida ay xukun fuliso, iyadoo horay xukuno dil ah ugu fulisay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dilal kala duwan u geystay dad rayid iyo askar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this