Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Xukuumadda oo shir wadatashi iyo dib-u-heshiisiin ku baaqday bartamaha Bisha Juun.

 

Warsaxaafadeed

 

(Muqdisho – Khamiis, 14 April 2011)—–Shirkii caadiga ahaa ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin shirkii ka dhacay Nairobi iyo marxaladda kala guurka ah.

 

Golahu waxey dib-u-eegid ku sameeyeen kulankii wadatashiga ‘heerka sare’ ee ka dhacay Nairobi 12kii iyo 13kii April 2011. Kulankan ma noqon mid miro dhal ah oo buuxiya waxii laga filayey, mana aheyn mid matala danaha shacabka soomaaliyeed.

 

Ka dib Golahu markii ay ka hadleen mustaqbalka iyo xilliga kala guurka ah iyo sida ugu habboon ee loo raadin karo nabad, wadatashi iyo dib-u-heshiisiin dhameystiran, isla markaana ka doodeen ayey waxey Golahu isku raaceen arrimaha soo socda:

 

In Dowladda FKMG ah ay diyaar u tahay in wadatashi, isla xisaabtan iyo dib-uheshiisiin dhab ah ay dhex marto dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, ha noqdaan Maamuladda Gobolada, Ahlu Sunna WalJameeca, ururada bulshada, madaxda dhaqanka iyo kuwa diinta iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda.

 

Guddiga siyaasadda ee heer wasiir ah inay ka soo talo bixiyaan habka ugu habboon ee shir Somalida isagu timaado waddanka gudihiisa isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan Golaha Wasiiradda.

In shir wadatashi iyo dib-u-heshiisiin heer sare ah lagu qabto dalka gudihiisa bisha June 11keeda ilaa 16-ka, shirkan oo ah mid ay Dowladda FKMG ah horseed ka tahay iyadoo la tashaneysa isla markaana kaashaneysa beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey.

 

In ajendaha, macluumaadka iyo qorshaha shirkan uu noqdo mid dhammaan ka qeybgalayaasha lagala tashto si uu u noqdo mid ay dhammaan ka qebygalayaasha isku raaceen. Golahu waxuu isku raacay in dhammaan qeybaha bulshada la gaaro oo lagala tashto ajendaha iyo waxa la filayo inay ka soo baxaan shirka. Shirkan ayaa noqon doona mid wadatashi siyaasadeed isla markaana looga hadlayo habka loo wajahayo mustaqbalka shacabka soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Siminaar ay soo qaban qaabisay Hey'adda UYS oo Odayaal dhaqameedyo ka socday Beelaha Soomaaliyed u qabatay

 

 

Siminaar ay soo qaban qaabisay Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed UYS oo ay ka qeyb galeen Odayaal dhaqameedyo ka socday Beelaha Soomaaliyed ayaa halku dhigiisa ahaa Aynu ka bad baadino Ubadkeedan dagaalada iyo qaraxyada, kaasoo ahaa wajigii labaad oo ay Hey'addu u qabato in ka badan 100-Oday dhaqameed.

 

Siminaarkan oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, madax dhaqameedyada, Gudiga Odayaasha dhaqanka, Xubnaha Gudiga Odayaasha ee Hey'adda, iyadoo dooda siminaarka ahaa mid odayaasha iyo waxgaradka iyo xubnihii mas'uuliyiinta ay isu tusaaleynayeen sida xilligan wax looga qaban karo xaalada.

 

Xildhibaan Cusmaan Cabdi Daallo oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka qeyb galay siminaarka ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Hey'adda soo qaban qaabisay, isagoo sheegay in tallaabada Hey'addu qaaday ay tahay mid ku dayasho mudan, waxaana uu sheegay in ajandaha siminaarka uu yahay mid loo gartay in dhaqanka uu dib ugu eego sidii dhalinyarada dagaalada loogu adeegsado lagu dadaali lahaa in laga soo duwo.

 

"Dhaqanka waxaa leeyahay dhibaatada dalka, hadii dhalinyaro wanaagsan ubad wanaagsan soo saartaan, dhibaatada sidan ayay ka yaraan laheyd, dhaqanka kala qeybsan, siyaasad kala taageera, dhaqanka waxaa laga rabaa xeer beegto waxay sameyn jireen wax badan dhibaatada beelaha ayay xalin jireen, taariikhdana go'aankooda la iskuma soo noqon jirin, dhaqanka meesha uu ku sugan yahay gaar ahaan K/Soomaaliya in aan cidna dhageysan ayaa hada jirta, maxaa yeelay waa kala qeybsan yihiin"ayuu yiri Xildhibaan Daalo oo intaa ku daray in loo baahan yahay in la wado wacyi gelin cel celin ah, bacdamaa qofka maskaxdiisa tahay mid jilcan.

 

Sidoo kale Xildhibaanada ka hadlay siminaarka ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdi Maxamuud Axmed, waxaana uu ugu dhankiisa sheegay in markii horeba uu caajib ahaa magaca ay wadato Hey'adda, isagoo xusay inay dib u sii raaceyso 13-dii dhalinyaro ee SYL ee qaranimada u aas aasay, isagoo xusay in dhaqanka uu door muuqda ku leeyahay xalinta colaadaha iyo inay dhalinyarada tubta toosan ku hogaamiyaan.

 

Nabadoon Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** oo isna ka hadlay siminaarka ayaa ugu horeyn Hey'adda UYS uga mahad celiyay dadaalada ay wado, isagoo sheegay inay isu keentay dad aan isu imaan jirin, isla markaana ay ka shaqeysay sidii nabada loo gaarsiin lahaa shacabka, kaasoo uu sheegay inay hada wax ka bilaaban yihiin.

 

"Dadka wax garadka waxaa u sheegayaa aan ambaqaadno nabada sidii aan ninba ninka kale ee saaxibkiis u gaarsiin lahaa inuu ugu yeero, sidii wixii la isku sheegay loogu gudbin lahaa, isla markaana gacmaha la isku qabsado sidii nabad iyo wanaag loogu gudbi lahaa"

 

Nabadoonka ayaa mar uu ka hadlay kaalinta Odayaasha dhaqanka ka qaadan karaan xalinta khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda, isagoo sheegay in horay odayaasha dhaqanka ay gacan uga geysteen khilaafkii horay u soo dhex galay, isla markaana ay haatan diyaar u yihiin inay dhex dhexaadiyaan.

 

Waxaa uu sheegay Madaxda Dowladda in khilaafka dhexdooda ay u baahan tahay inay heshiiyaan, hadii kalena ay iyaga ku baxayaan, isla markaana ay imaanayaan dad kale, isagoo tusaale u soo qaatay khilaafaadkii u dhaxeeyay Madaxdii Dowladihii hore in aaqirkii meesha inay iyaga ka baxeen, Ragg kalena la soo doortay.

 

Sidoo kale Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo isna ka hadlay siminaarka ayaa sheegay dhaqanka uu yahay mid wax sixi kara, waxna toosin kara, isagoo sheegay in kaalintooda tahay in geed hoostiisa fariistaan nabada ay raadiyaan, isagoo khilaafka madaxda dowladda u dhaxeeyay ku sababeeyay mid salkeeda ay leedahay Beesha Caalamka.

 

Waxaa kaloo Xubnaha Gudiga ka hadlay ka mid ahaa C/llaahi Cabdulle Wehliye, Xasan Maxamed Diirshe Nuur Xaashi Aadan oo dhamaantood ku dheeraaday ka hadalka ajandaha siminaarka oo ahaa mid gogol dhig u ah in dhaqanku ay noqdaan kuwo dhexda u xerta xalinta khilaafaadka, iyo ka hor taga in dhalinyarada loo adeegsado dagaalada, lagana dhigto xaabo lagu huriyo, iyagoo soo qaatay in Ganacsatada iyo Odayaasha ay ka wada shaqeyn karaan joojinta codlaada, waxaa kaloo ay wada sheegeen in hadii la helo goob dhaqan xarun u ah looga bixi karo dhibaatada in dhaqsi lagu soo afjaro, iyagoo tusaale u soo qaatay xarumo dhaqameedyada ka furan Gobolada dalka, kaasoo ay sheegeen inuu tusaalo iyo talo u noqon karo in dhaqanka meel walba ka abaaro xalka.

 

Ugu dambeyn waxaa siminaarka soo xeray Gudoomiyaha Gudiga Beesha H/gidir Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuukar Ganey) ayaa isna ku dheeraaday dadaalada ay wado Hey'adda UYS, in ugu dambeyn ay noqonayaan kuwo mira dhalay, waxaana uu ka mahad celiyay siminaarada joogtada ee ay u qabato Odayaasha dhaqanka.

 

Abuukar Ganey ayaa ugu baaqay Madaxda Hey'adda inay furaan xarun saldhig u ah dhaqanka, si uu u noqday meeshii la isugu imaan lahaa, isla markaana marjac u ah, waxaana uu ku booriyay ka qeyb galayaasha siminaarka inay wixii ay ka dhaxleen ama ay ka barteen gaarsiiyaan dhinacyada kale, si bulshada ay uga wada faa'ido wixii siminaar ee la qabtay.

 

Si kastaba ha ahaatee siminaarkan ay u qabatay Hey'adda UYS ayaa noqonaya kuwo qeyb ka ah siminaarada dhaqanka lagu soo nooleeynayo, isla markaana kaalintooda kaga aadan xalka dalka iyo ka shaqeynta nabad ku soo dabaalida ay u noqon lahaayeen kuwo door weyn ay uga qaateen sidii ay ugu muujin lahaayeen inay u gaarsiiyaan bulshada inteeda kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo Soomaalida London weydiisanaya inay ka qaybqaataan dib u dhiska Muqdisho

 

Khamiis, Abriil 14, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa dib ugu laabtay magaalada London ee xarunta Brirtain si uu Soomaalida ku nool magaaladaas u weydiisto inay gacan ka geystaan dib u dhiska Muqdisho.

 

War lagu daabacay barta Internet-ka ee BBC-da ayaa lagu sheegay in Tarsan uu doonayo inuu kulmo la qaato Soomaalida London ku nool iyadoo qorshayaashiisa ay ka mid yihiin inu ku boorriyo inay maalgashi ku sameystaan dalkooda hooyo.

 

Mudane Tarsan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu dib ugu laabtay Soomaaliya sannadkii 2010 markaasoo uu noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir, isagoo horay ugu lahaa xaafadda Islington ee waqooyiga London goob internet cafe ah.

 

Inta uu booqashada ku joogo London ayaa lagu wadaa inuu kulan loo qabanayo jaaliyadda Soomaaliyeed ee London uu ka jeediyo khudbad uu ku weydiisanayo jaaliyadda inay maalgeshi ku sameystaan Soomaaliya ayna qayb ka qaatan dib u dhiska caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo muddo dheer burbursanayd kaddib markii ay dagaallo ka dhaceen.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho xildhibaan Tarsana ayaa tan iyo markii uu qabtay xilka guddoomiyenimo ee gobolka Banaadir wuxuu sheegi jiray inuu doonayo in Muqdisho uu dib u dhiso si ay ula tartanto caasimadaha kale ee caalamka.

 

Mudane Tarsan ayaa ka mid ahaa Isbahaysigii dib u xoreynta Soomaaliya ee kasoo horjeeday faragelintii ciidan ee ay Itoobiya ku sameysay Soomaaliya 2007 - 2008, wuxuuna dhowr jeer ku qabanqaabiyay London dibadbaxyo looga soo horjeeday faragelintaas.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Madaxweyne Sheekh Shariif oo siweyn loogu soo dhaweeyay Dalka Tansaaniya iyo kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Dalka Tansaaniya.

 

President_Sheekh_Shariif_Tansania_1.JPG

 

(Dar Es Salaam, Tansaaniya , Abril,16,2011) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa safar qorsheeysan ku gaaray Dalka Tansaaniya.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaraddaha ee Julius Nyerere International Aiport Madaxweynaha dowladda Tansaaniya mudane Jakaya Mrisho Kikwete iyadoo halkaas loogu sameeyay munaasabad ay ka soo qeyb galeen, Wasiiro, Xildhibaano, iyo dad weyne aad u faro badan Madaxweynaha ayaa waxaa loo tumay astaanta qaranka Soomaaliyeed waxaana loo riday 21 madfac.

 

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikareem Xassan Jamac iyo wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Mudane Axmed Cali Yaqle .

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu la kulmay Talliyaha ciidamada dalka Tansaania Mudane Gen. Davis Mwamunyange. Muhiimada kulankaan ayaa waxeey aheyd sidii amniga dalka Soomaaliya dib loogu soo celin lahaay , iyo sida kooxda argagixisada ee Alshabaab/Alqaceeda iyo kuwa ay marin habaabiyeen dalka looga saari lahaay.

 

Sidoo kale caawa ayaa waxaa kulmay Labada Madaxweyne waxayna ka arinsadeen habka Soomaaliya loo caawin lahaa, iyo in xasilooni waarto ay ka dhalato. Kadibna waxeey qudbad kooban ka jeediyeen goobtii ay cashada ka dhaceeysay oo aheyd madaxtooyada dalka Tanzania. Waxeeyna isku raaceen in la sii xooji xiriirka labada dal. Lagana kaalmeeyo dowlada Soomaaliya xaga tababarka shaqaalaha iyo weliba ciidamada.

 

Madaxweynaha Tansaaniya ayaa halkaas ka sheegay in uu diyaar u yahay marwalbo in wuxuu awoodo uu uqabto ummadda Soomaaliyeed iyo in Shabaab iyo burcad baddeeda ay khatar ku yihiin calaamka.

 

President_Sheekh_Shariif_Tansania_3.JPG

 

President_Sheekh_Shariif_Tansania_2.JPG

 

President_Sheekh_Shariif_Tansania_4.JPG

 

President_Sheekh_Shariif_Tansania_6.JPG

 

President_Sheekh_Shariif_Tansania_6.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka warbixiyey howlgal ciidamada dowlada Somalia ay ka wadeen maalmihii u dambeeyey qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho

 

Xoghaya guud ee maamulka gobolka Banaadir ee dowladda Somalia C/kaafi Hillowle Cismaan ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalo maalmihii ugu dambeeyey ciidamada Booliska dowladda ay ka wadeen degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu sheegay in lagu sugayey amaanka magaalada.

 

Waxaa uu intaa ku daray Xoghaya maamulka gobolka Banaadir in howlgaladaasi ay ciidamadu ka sameeyeen degmooyinka, Waaberi, X/weyne, Shingaani, X/jajab iyo Wadajir ee gobolka Banaadir ayna baaritaano kala duwan ka sameeyeen wadooyin iyo xaafado ku yaala degmooyinkaasi.

 

"Howlgalkaasi waxaa lagu soo qabqabtay intii uu socday dad gaaraya illaa 14 qof oo lagu eedeeyey iney gacmaha kula jireen falal dembiyeed ka dhan ah amaanka caasimada, waxaana ka mid ah dadkaasi askar ka tirsan ciidamada dowlada, marka ay baaritaanada u dhamaadaana waxaan soo taagi doonaa maxkamad" ayuu intaa ku daray C/kaafi Hilowle Cismaan.

 

Xoghaya guud ee maamulka gobolka Banaadir ee dowladda Somalia C/kaafi Hillowle ayaa intaa ku daray in ciidamada dowlada ay sii wadi doonaan howlgalada inta ay ka xaqiijinayaan amaanka magaalada Muqdisho, isagoo digniin u diray kooxaha uu sheegay iney gacmaha kula jiraan amaan-darada, isagoo xusay haddii ay ka waantoobi waayaan ciidamada boolisku talaabo adag ka qaadi doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

R/wasaare Farmaajo oo sheegay in ay la wareegayan maamulka hawada dalka 15sano ka dib

 

farmajo4.jpg

 

Ra`iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya qorsheyneyso la wareegidda hawada dalka mudo 15-sano kadib.

 

Farmaajo oo wareysi siiyay jariiradda The New York Times ayaa sheegay in ay wadahadal kula jiraan Qaramada Midoobay sidii ay ugala wareegi lahaayeen maamulka hawada.

 

"Somaaliya hawadeeda waxaa iska leh shacabka Somaliyeed, wadankeenuna waa wadan madaxbanaan, sidaas darteed waa inaan maamulanaa hawadeena" ayuu yiri ra’iisal wasaare Farmaajo.

 

Qaramada Midoobay ayaa maamuleysay hawada Soomaaliya tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

 

Xukuumadda Farmaajo ayaa noqoneysa xukuumadii ugu horeysay ee ka hadasha hawada Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay bur-burkii dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shaqaalaha Wasaaradda oo abaalmarino la guddoonsiiyey SAWIRRO

 

Munaasabadani oo ah mid bille ah islamarkaana ay Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta bil waliba abaal marino ku gudoonsiiso shaqaalaha ugu dadaalka badan bishaasi ama muujiyey howlkarnimo dheeraad ah oo ka tirsan waaxda Warbaahinta ayaa waxaa bishani abaalmarino lagu siiyey ilaa 18 shaqaale kuwaasi oo dhamaantood kawada tirsan waaxda Warbaahinta sigaar ahse uga kala howlgala Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Telifishinka Qaranka Soomaaliyeed ee Somali National TV.

 

Xaflada Abaalmarinta lagu guddoonsiiyey shaqaalahani katirsan waaxda warbaahinta ayaa waxa ay barqanimadii maanta ka dhacayday howlka Shirarka ee Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta waxaana kasoo qaybgalay Mas’uuliyiinta Wasaarada Warfaafinta sida Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta,Wasiirudowlada Wasaaradda iyo Wasiirkuxigeenka, sidoo kale waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha ee Wasaaradda intuba

 

Ugu horeyn Agaasimayaasha Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed C/raxiin Ciise Caddoow iyo C/raxmaan Xasan Jimcaale ayaa Munaasabadaasi si wadajir ah uga aqriyey magacyada Howlwadeenada muteystay abaalmarinta bishan ee dadaalka dheeraadka ah muujiyey.

 

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta, Boostada Iyo Isgaarsiinta Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa faah faahiyey abaalmarintani labixinayo iyo sida ay ku timid.

 

“Alle ayaa mahadda iska leh, mida labaad waxaa arrintaan uga mahad celinaynaa waana ku faraxsannahay tallaabada shaqaalaha lagu abaal marinayo” ayuu yiri wasiir kuxigeenku

 

Sidoo kale Wasiirudowlaha Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/casiis Laftagareen oo isna ka hadlay Munaasabadaasi ayaa sheegay ugu horeyn inay farxad weyn u tahay in uu kasoo qaybgalo goob lagu abaalmarinayo shaqaale muujiyey dadaal dheeraad ah inta kale ee dhimanna haddii ay dadaalaan la abaal marin doono.

 

“Aada baan ugu faraxsanyahay in aan ka qayb galo munaasabad ceynkaan oo kale ah oo abaalmarino lagu gudoonsiinayo shaqaalaha warbaahinta” ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/kariin Xasan Jaamac oo isna Munaasabadaasi ka hadlay islamarkaana shaqaalaha la abaalmariyey guddoonsiiyey waxa ay muteysteen ayaa ka hadlay qaabka dar darka leh ee ay u socdaan howlaha Waaxda Warbaahinta gaar ahaan amaanta ay shacabka u hayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed aysan ahayn mid qarsoon.

 

Mudane C/kariin Xasan Jaamac ayaa ku booriyey shaqaalaha in ay sii laba laabaan howlaha shaqo ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in abaalmarintu ay tahay mid meerta ah oo qofka markiisa lagu abaalmarin doono howsha uu Qaranka u hayo.

 

“wax sir ah ma ahan macluumaadka ay shacabka Soomaaliyeed ka heleen wararka ka baxa Idaacadda Webka, iyo TV-ga Qaranka, waxaana idinkugu dar daarmayaa in aad howshiina si labo laabtaan”

 

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ay Agaasimayaasha Idaacadda iyo Telifishinka Qaranka C/raxiin Ciise Caddow iyo C/raxmaan Xasan Jimcaale ay goobta ka akhriyeen magacyada dadkii muteystay abaalmarinta.

 

cadaala.jpg

 

DSC09226.jpg

 

wasiirada.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Isniin, Abriil 18, 2011 (HOL) – Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhankooda ka furan tahay waddada isku xirta isgoysyada bakaaraha iyo dabka ee loo maro suuqa Bakaaraha, kaddib kulan looga hadlayay furintaanka waddadaas oo maanta dhexmaray ganacsatada iyo saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah.

 

Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Soomaaliya Gen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhankooda uu jidkaas ka furan yahay balse ay u sameeyeen saacado la mari karo.

 

"Anigoo fulinaya amarka madaxweynaha, midka ra'iisul wasaaraha iyo midka taliyaha ciidamada waxaan ku dhawaaqayaa in maanta wixii ka dambeeya ay dhanka DKMG ah ka furan tahay waddada isku xira isgoysyada dabka iyo bakaaraha," ayuu yiri Gen. Dhego-badan.

 

Ganacsatada ayuu ka codsaday inay dhanka kale ee Xarrakatul Shabaab ka ballan tan la mid ah ka keenaan maadaama uu jidku yahay mid dagaal, wuxuuna xusay in suuqa Bakaaraha oo xirma ay uga daran tahay dowladda qof rayid ah oo ku dhintay jidkaas, isagoo xusay in ganacsatada ay ka sugayaan go'aanka ay dhanka kale ka keenaan.

 

"Jidka wuxuu furnaanayaa laga bilaabo 7:00 aroornimo illaa 5:00 galabnimo maalin walba, wixii ka horreeya iyo wixii ka dambeeya waa la xiraynaa si ammaanka loo sugo," ayuu taliye ku xigeenka milateriga Soomaaliya u sheegay warbaahinta.

 

Sidoo kale, taliye ku xigeenku wuxuu sheegay in jidkaas ay ku sameyn doonaan bir koontarool ah, si looga hortago inay kasoo gudbaan gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, isagoo ganacsatadii ay la kulmeen ka codsaday inaysan taas u arkin dhibaato.

 

Afhayeen ku hadlay magaca ganacsatadii kulanka ka qaatay saraakiisha DKMG ah oo lagu magacaabo Ugaas C/llaahi Ugaas Aadan ayaa sheegay inay dhowr jeer oo hore kala hadleen madaxda dowladda Soomaaliya sidii loo furi lahaa jidka dabka oo muhiim u ah ganacsiga bakaaraha, ayna maanta ku faraxsan yihiin in dowladdu ay aqbasho in dib loo furo.

 

Inkastoo dowladda KMG ah ay sheegtay inay dhankooda ka furan yahay jidka isku xira isgoysyada bakaaraha iyo dabka ayaa haddana waxaa weli lagu arkayaan dhagax waaweyn oo jidka ku go'an, kuwaasoo ay difaac ahaan u dhigteen ciidanka AMISOM ee isgoyskaas ku sugan.

 

Xarrakatul Shabaab ayaa horay u sheegtay dhankeeda inay ogolaanayaan in la furo jidka dabka iyo bakaaraha isku xira, haddii ay DKMG ah iyo AMISOM ay oglaadaan, waxaana dadaallada loogu jiro furidda jidkan uu imaanayaa xilli muddo laba bilood ah ay xiran yihiin jidadkii loo mari jiray suuqa Bakaaraha.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo Jaaliyadaha Dibada weydiistay in dhaqaalo u uruuriyaan Dowladda KMG

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka codsaday Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan Qurbaha inay taageeraan Dowladda KMG, ayna dhaqaale u uruuriyaan.

 

Isagoo Khadka Taleefanka kaga qeyb kulan ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ayuu Ra'iisul Wasaare Farmaajo u jeediyay in Xukuumadiisa gacan ka siiyaan sidii dib loogu soo celin lahaa Qaranimadii iyo Dowladniamdii Soomaaliya.

 

Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa sidoo kale cadeeyay in mudadii lixda bilood ee ay jirtay Xukuumadiisa ay ka hortagtay musuq maasuqa, ayna wax badan ka qabatay Ammaanka, isagoo sheegay in musuq maasuqa uu yahay waxyaabaha caqabada ku ah Dowladnimada.

 

"Intii Xukuumada jirnay waxaan ku guuleysanay inaan ka hortagto musuq maasuqii, oo ah caqabada kaliya ee ku horgudban Dowladnimada"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dalbaday in Jaaliyada ay Dowladiisa gacan ka siiyaan sidii ammaanka guud ee dalka loogu soo celin lahaa, isagoo xusay in Jaaliyadaha ay kaalintaas udub dhexaad u yihiin.

 

Waxaa uu sheegay in hadii Xukuumadiisa ay hesho dhaqaalo ay wax walba socodsiin karto, isagoo tusaale u soo qaatay hadii Jaaliyada ku nool dalka dibadiisa dhaqaale u uruuriyaan ay Dowladda howsheeda sii wadan karto.

 

"Hadii maanta Jaaliyadaha dibada ay bilaabaan inay lacago u uruuriyaan Dowladda Soomaaliyed, waxaan hubnaa in howlaha inoo dhiman inaan wax uga qaban karno, anagoo og in qurba-joogta udub dhexaad u yihiin Dowladda Soomaaliya, hadii qof walba uu bixiyo 10-doolar, waxaa ka soo bixi kara dhaqaale badan, oo aan ja dhigi karno mushaaraadka Ciidamda iyo shaqaalaha Dowladda"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo muujinaya sida ay uga maarmaan kaalmaha Beesha Caalamka, hadii Soomaali isku tashato gacana isa siiso.

 

Khudbada Ra'iisul Wasaaraha u jeediyay Jaaliyada oo aheyd mid guubaabo ayaa waxaa Jaaliyada manchesters kala qeyb galay kulanka xubno ka tirsan Dowladda KMG oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru Dowlaha Caafimaadka iyo Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur.

 

Xukuumada Farmaajo ayaa u badan qurba-joog, iyadoo kulamada is daba jooga ee Jaaliyadaha dibada ku qabanayaan ay tahay sidii ay u taageeri lahaayeen Xukuumadan loogu magac daray Xukuumada Tayo.

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

Mahad on April 18 2011 ·

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xaflad sagootin ah loogu sameeyey Gabdhaha Kubadda Koleyga Muqdisho City

 

sagootin3.jpg

 

Axad, April 17, 2011(HOL): Xaflad sagootin ah ayaa galabta loogu sameeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Gabdhaha Kubadda Koleyga Muqdisho City, kuwaasoo maalinta berri ah la filayo inay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay uga qeyb galayaan tartanka Intercity Cup (Caasimadaha) oo 19.04.2011 halkaasi ka furmi doona.

 

 

 

Munaasabadan sagootinta ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir iyadoo ay goob joog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Muqtaar Sh. Shuute Sh. Cali Maye, guddoomiye kuxigeenka maamulka gobolka C/kaafi Hilowle, Guddoomiyaha Oleympicada gobolka Banaadir Mr. C/xakiin waxaana halkaasi loogu jeediyay Gabdhaha K/Koleyga ee Muqdisho City dardaaran iyo dhiirigelin.

 

 

 

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Muqtaar Sh. Shuute oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko gabdho sedan isugu xiran oo ka qeybgalaya kulan wadamada Afrika ay ku tartamayaan Kubadda Koleyga wuxuuna u rajeeyey inay ka soo hooyaan guul, isagoo kula dardaarmay inay tafaraaruqa iska illaaliyaan.

 

sagootin1.jpg

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna la hadlay Gabdhaha K/koleyga ayaa u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Gabdho Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay ka qeybgalaan Kulan ay ku tartamayaan Caasimaddaha, ayna matalaan Caasimadda Muqdisho, wuxuuna kula dardaarmay inay dedaal dheeri ah muujiyaan si ay u hantaan Koobka.

 

 

 

Gabdhaha K/koleyga ee Muqdisho City ayaa waxaa tababare u ah gabadha lagu magacaabo Faadumo Aweys Muudey oo ah gabar caan ku ah ciyaarta K/koleyga waxaana tababare kuxigeen u ah Carfoon Weheliye, halka Mulki Nuur Muudey oo loo yaqaano (Mulki Jeenyo) ay ka mid tahay ciyaartoyda kooxda oo iyaduna ka mid aheyd xidigihii kooxdii K/koleyga ee Naadigii Jeenyo.

 

 

 

Ugu dambeyntiina Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Muqtaar Shuute ayaa u balan qaaday in Wasaaradu ay ka caawin doonto kooxda dhanka Tashiilaadka si loo kobciyo Mooralka gabdhaha K/koleyga ee Muqdisho City, waxaana sidoo kale taageero dhaqaale u fidiya kooxdan Maamulka Gobolka Banaadir.

 

sagootin.jpg

 

Garad Salad Hersi

 

Press Officer Office of the Prime Minister

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

 

Kulan dhexmaray Jaaliyadda Soomaalida Belgium iyo Danjire Nuur Cadde

 

nuurcadde%20(5).JPG

 

Axad, April 17, 2011(HOL): Magaalada "Gent" ee wadanka Belgium waxaa shalay munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan dowladaha Yurub Amb. Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo uu wehliyey qunsulka safaarada Soomaalidu ku leedahay Beljam-ka Cali Ibraahim, waxaana munaasabadaasi soo dhoweynta ah oo ku dhacday jawi ay ka wada maqsuudeen dhammaan dadkii ka soo qeybgalay soo qabanqaabiyey, xil gaar ahna iska saaray inuu is-tuso Jaaliyadda iyo safiirka Cali baashi oo ka mid ah aqoonyahanada magaalada Gent, waxaana munaasabada ka soo qeybgalay qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee degan magaalooyinka wadanka Beljamka, wejiyadii kulankaasi soo xaadirayna waxaa ka mid ahaa Cali Max'ed Cali (Ugaas Cali) oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii gobolka Banaadir xilligii TNG-dii Carta, iyadoo sidoo kale ay goob-joog ka ahaayeen xubno metelayey Jaaliyadaha Soomaalida ee degan wadanka Holland.

 

 

 

Kulanka waxaa guddoominayey weriye Max'ed Abuukar Sheekh Xassan (Max'ed deeq) oo hadalka u qeybinayey waxgaradka iyo wefdiga safiirka, waxaana ugu horreyn ka hadlay Xassan Kaabir oo ka mid ah waxgaradka Soomaalida Beljam-ka, wuxuuna soo dhoweyn kaddib uu safiirka uga warbixiyey baahida ay Soomaalidu u qabaan helitaanka safaarad ay Soomaalidu ku soo hirato oo laga furo Brussel, wuxuuna tilmaanay in ay joogaan Soomaali badan oo markii ay wadanka Beljamka magangelyo weydiisteen lagu xujeeyey in ay Soomaalinimadooda soo cadeeyaan, shaqadaasuna ay tahay shaqadii ay safaarad qaban laheyd.

 

"Warqado aqoonsi ah oo cadeynaya Soomaalinimadiina keena ayaa lagu xujeeyaa Soomaali badan oo Beljamka iyo Holland joogta" ayuu yiri Xassan Kaabir.

 

 

 

Cabdi Faarax Gaani oo ka mid ah cuqaasha mujtamaca Soomaalida Beljam-ka oo isna munaasabada ka hadlay wuxuu sheegay in Soomaalida ku dhaqan Beljamka intii muddo aheydba ay ku soo caano-maaleen midnimo iyo wadajir, taasina ay ku timid biseyl iyo wadaninimo Soomaalida dhexdeeda ah, wuxuuna u soo jeediyey Soomaalidii ka soo qeybgashay munaasabada in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay isu-garab taagi lahaayeen safiirka Nuur Cadde, ulana shaqeyn lahaayeen intii karaankood ah.

 

 

 

"Siyaasadda wejiyada badan ee Soomaaliya ka socota waa wax aad u fool xun, nama saameyn innaga taa, waanu ka badbaadnay, waxaana nahay Soomaali isku xiran oo meel u wada socota" ayuu yiri Cabdi Faarax Gaani, wuxuuna ku celiyey "Annagu wadankan qaxooti baan ku nahay, waxaa inala gudboon inaan ka shaqeyno sidii wadankeenu nabad ku noqon lahaa, Soomaaliya oo nabad ah inaan ku noolaado ayaan doonayaa, meel aan la i oraneyn yaa tahay iyo halkeed ku socotaa oo warqado iyo sharci toona aan lays weydiineyn"

 

nuurcadde%20(2).JPG

 

Ugaas Cali Max'ed Cali (Ugaas Cali) oo ka mid ahaa martidii kulanka lagu casuumay ayaa hadal uu fadhiga ka jeediyey wuxuu kaga hadlay howlaha horyaala safiirka cusub iyo sida uu uga niyad-san yahay in safiirku howlahaasi uu si hufan uga soo dhalaalo, wuxuuna Soomaalidii kulankaasi ka soo qeybgashay u soo jeediyey in haddii meel nabad ah la joogo inaan wadankii la hilmaamin, oo meel kasta oo dunidda aad kaga nooshahay iyo si kasta oo aad maqsuud ugu tahay qurbaha inaad tahay ajnabi wadankiisii ka soo dagaagay.

 

 

 

"Anigoo ku kalsoon xirfada shaqo-aqooneed ee Nuur Cadde waxaan rajeynayaa in Soomaalida wadanka Biljamka degan ama guud ahaan Yurub uu wax wanaagsan la qaban doono safiirka" ayuu yiri Ugaas Cali, oo ku ammaanay safiirka inuu ka mid yahay wadaniyiinta naadirka ah ee ay Soomaalidu haysato.

 

 

 

"Hub halis ah ayaa maalin walba dadkeena lala dhacayaa waad maqleysaan, waxaa waajib inagu ah inaan Soomaali ILLAAHEY u barino in TIIHA ku dhacay uu ILLAAHEY ka qaado" ayuu yiri Ugaas Cali.

 

nuurcadde%20(7).JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasaaradda Arrimaha Gudaha DKMG ah oo sheegtay inaan dalka lagu qaban karin mudaaharaadyo aysan ogeyn

 

Isniin, Abriil 18, 2011 (HOL) – Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray amarro ku saabsan inaan la qaban karin dibadbaxyo aan iyada fasax looga qaadan, waxaana la sheegay in ciddii sameysa mudaaharaad aan laga warhayn laga qaadi doono taallaabo adag.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaraddan Ibraahim ***** Yaroow oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho Axaddii shalay ayaa sheegay in maalmahan ay soo barteen dibadbaxyo rabshado wata oo laga dhigayo Muqdisho sidoo kalena ay jiraan shirar abaabulan oo lagu qabto hoteellada amarkanna uu yahay mid khuseeya shirarka iyo dibadbaxyada aysan wasaaraddu la socon.

 

"Sababta aan go'aankan u qaadannay waa inaan ka hortagno in qof Soomaali ah uu ku dhinto rabshado ka dhasha dibadbaxyo iska soo horjeeda oo Muqdisho lagu qabto," ayuu yiri mudane Yaroow oo sharraxayay sababta ay amarkan u soo saareen.

 

Wasiir ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in dadka dhigaya dibadbaxyada noocii ay doonaan ha ahaadaane ay lasoo xiriiraan wasaaradda iyo maamulka gobolka Banaadir, ayna dhigaan dibadbaxyo aan rasbshado wadan iyagoo muujiyanaya oo keliya shuruutooda ku aaddan waxay ka cabanayaan.

 

"Ciddii amarkaan dhegaha ka xirta amarkan waxaan u arkaynaa kuwo doonaya inay qalqal geliyaan ammaanka guud ee dalka, ayna ka qaadi doonaan tallaabo adag oo waafaqsan falka ay ku kaceen," ayuu wasiir ku xigeenku yiri.

 

Wasiir ku xigeenku wuxuu ugu baaqay milkiilayaasha hoteellada Muqdisho inay ka digtoonaadaan in hoteelladooda lagu qabto shirarka aan fasax looga haysan wasaaradda arrimaha gudaha, isagoo sheegay in ciidamo loo xilsaaray ka hortagga shirarkaas ay dowladdu diyaarisay.

 

Ugu dambeyn, wasiirka oo la weydiiyay inay ogolaanayaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda inay u fasaxayaan dadka qabanqaabinaya haddii ay weydiistaan wasaaradda ayaa sheegay inay u ogolaanayaan, balse ay ka digayaan oo keliya inay noqdaan kuwo rasbshado wata.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xisbiga Nabada Iyo Hormarinta oo maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

 

 

Maanta ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliy waxaa looga dhawaaqay xisbi loogu magacdaray xisbiga Nabada iyo Hormarinta waxaana xisbigaan aas aasay dad aqoonyahano ah oo isku tagay.

 

Munaasabada maanta xisbigaan looga dhawaaqay ayaa waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf aad u badan qaar ka mid ah xildhibaanada baarlmaanka KMG Soomaaliya odoyaal waxgarad iyo waliba Aqoonyahano.

 

Mudane Xasan Sheekh oo ka ka mid ah aasay aasayaasha xisbiga ayaa waxa uu sheegay in xisbigaan aas aasay ka dib markii aqoonyahana Soomaaliyeed ay arkeen marxalada uu imnka ku jiro dalka isla markaana ay arkeen aqoonyahana Soomaaliyeed in loo baahanyahay maskax nadiif ah oo waxbadan soo kordhin karta.

 

Waxa uu Sheegay Mudane Xasan Sheekh in xisbigaan uu ku dadaali doono sidii umada Soomaaliyeed ay ku heli lahayd nabad isla markaana ay ugu tilaabsan lahayd hormar.

 

"Anaga Beesha caalam dhibaato ayay nagu haysaa nagana dhibaato ayaan ku haynaa waxaa loo baahanyahay in aan dhibaatada ka qaadna iyana ay dhibaatada naga joojiso taasina waxaa lagu gaari karaa dadaal iyo waliba in la helo aqoonyahano hogaamiya dalka'"ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh.

 

Asaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay masuulkaan in xisbigaan uu u furan yahay cid kasta oo jecel nabada iyo Hormarka umada Soomaaliyeed oo aanan waliba ka qayb qaadan bur burka iyo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale Munaasabadaan ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan Maxamed Nuur Sheegow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya waxa uuna sheegay in loo baahanyahay xisbiyada cusub in ay soo baxaan maadaama uu sheegay in dhowaan la qaban doono doorashooyin.

 

Waxa uu tilmaamay mudanahaan ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya in baarlamaanka uu meel marin doono xisbi kasta oo soo buuxiya shuruudaha looga baahanyahay xisbiyada siyaasada ee wadanka Soomaaliya.

 

Maxamed Xasan Xaad oo ah gudoomiyaha odoyaash dhaqanka ****** oo asna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay si aad ah u soo dhowaynayaan xidigaan cusub oo uu sheegay in ay horkacayaan dad aqoon yahano ah oo wax wayn ku soo kordhin kara dalka.

 

Shirwaynahaan sidoo kale waxaa ka dhex muuqday fanaaniinta Soomaaliyeed ee hobalada Waabari kuwaas oo qaadayay heesho wadani ah.

xasan_sheek_ok.jpg

xisbi_xasan_shekh_3.jpg

xisbi_xasan_shekh_5.jpg

xisbi_xasan_shekh_6.jpg

xisbi_xasan_shekh_7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this