Sign in to follow this  
Somalina

Sheeko: Wejibuuk

Recommended Posts

Somalina   

Sheeko: Jecel iyo qabiil

 

Sheekadaan waxay dhax martay lamaane soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo C/Kariim iyo Sucdi waxana ii suurta gashay inaan la kulmo C/Kariim oo iiga warama sheekadaan qiirada leh, waxaana inoo soo gudbiyay qoraaga lagu magacaabo Cabdala Salaad Kugeey.

 

Waxaa maalin maalmaha kamid ah taariikhdu waa lama ilaawaan waa malinimo talaado ah bisha marka ay ahayd 6/5/2007 ayaan waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo Sucdi magalada port elizabeth ee gobolka easten cape wadanka south africa waxana anoo kuso leexday meelaha laga qaato shidaalka indhaheeygu qabteen sucdi oo taagan dhinaca laamiga waayo waxay aheeed meel laga raaci jiray gawarida aado tuulo u dhaweed magalada port elizabeth oo la yiraahdo humansdorp waxaana la dhahay muuqaalka guud aay laheed gabadhas madama aay xiligaas aad ugu yaraayeen hablaha somaliyed wadankas ayaan waxaan u arkay iney ii tahay jaanis inan manta si dhib yar ula kulmo gabadh soomaaliyeed intii gaariga shidaalka laygu shubaayey ayaan u arkay ineyba tahay fursad qaali ah oo u baahan inan ka faaideysto waxana isla markiiba aan kaso dagay gaariga waxana uso dhaqaqay dhankeeda.

 

Waan salamay wayna iga qaaday waxan dhahay haye safar maad aheed? haa walaal ayey iigu jawaabtay xageee ayaad rabtay ayan dhahay waxay igu tidhi waxanrabaa jafresbay oo aheed tuulo u dhaw humansdorp waaw waba magalo an sii mari rabo waxaan dhahay maxaad ka qabtaa hadaan kusii qaado ayadoo aad u faraxsan ayeey igu tiri aad ayaan kugu mahad celin lahaa aboowe macane waayo wadanka waxa ka dhacayey qaboow daran waan soo qaday intaan jidka kuso jiray ayaa waxa na dhaxmaray sheeko ku saab saneed is xog wareeysi inkasto ayada aay u aheed sheeko caadi ah hadana aniga waxay ii aheed jaran jaro aan ku fuulo inaan ogaado waxii jira iyo meshay kaso cawo kacdo iyo hadba waxay ku sugantahay.

 

Waxayna ii qortay telkeeda si aan bal isku sii xod wareeysano waxayna ii sheegtay ineey tahay gabar hor banaan ah oo inta soomaaliya laga soo guursaday markii aay johanesburg cagaha soo dhigtay ninkeedii la dilay aad ayaan uga xumaday dhacdaas xanuunka badan ee ku dhacday gabartaas.

 

Balse waa wax caadi ka ah south africa qalbi jabka ku dhacay umad badan oo nolol u raadsatay wadankaas waxan bilownay xariir ku qotomay isxiiseeyn iyo is qadarin aad moodo in si gaar ah naloogu deeqay south africa wana kulmi jirnay inta badan waayo waxan ahaa nin iska ladan oo dukamada ay uga shaqeeyaan shaqaale jaanisna u leh inuu aado meeshoow rabo waxan mar walbo ugu imaan jiray xafad aay ka daganeed tuulada jafresbay waayo 10km ayaan isku jirnay ana waxan dagana humasdorp.

 

Xiriirkeenii waaa uu sii xoogeeystay waxuuna garay heeer aan aad u dareeno inaan isku bahanahay oon rabno bal inaan nolosha qeeybsano waxayna aheed gabar aan dhahi karo waa qalanjo aan la hilmaami karin malin maalma ka mida ayaan soo waday waxana keenay goobo ganacsi aan ku lahaa tuuladaan daganaa waayna la dhacday madama hablaha Soomaaliyeed ay badana hanti u haqaltaagaan ooysan inta badan jecleeeyn iney la haasaawaan dhalinta gacantoodu marantahay waana waxay ka siman yahiin.

 

soo laabashadeena ayaan imanay xeebta tuulada jafres bay meel aad ugu haboon in lagu sheekeeysto naftana u roon waxana maalinkaas go.aan ii ahaa inaan kaala hadlo inaan isguursano madama aan socno mudo 5 bilood ah aadna isugu xiiso qabnay balse maxaa dhacay waxay igu tiri cabdi kariinoow horta in mudo ah ayaan wada soconaa balse ilaa hada kuma weeydiin qabiilkada marka aboowe horta yaaad ka tahay Soomaali? war inleen wax la aragyeey umadaan qabiilka maxaa daba dhigay anigoo aan naxin wax dareen ahna aan muujin ayaan dhahay sucdi meesha aan joogno mataqaanaa? mase ogtahay in aan nahay Soomaali dhulkoodii kasoo fogaaday kumanan kun oo miles? mase ogtahay waxa maanta labadeena halkaan na kenay iney tahay ficikaan foosha xun aad ku kaceeyso hadeer ? qabiil miyaad guursaneysaa mise aniga ayaa ku guursanaa ? balse wax jixin jix ah kama aan heline waxay ku adkeeysatay inaan u shego qabiilkeyga waxana u sheegay qabiilkeyga inaan ahay kuwa ay fikirka qaladka ah ka aaminsanyahiin ee la dhaho ******* ama *********.

 

Fadhiga ayey ka istagtay iguna tiri “anigu ma guursado *******ka ? yaab badana oo xanuun badana in qof aan kaa Diin badneeyn, kaa aqoon badneeyn iyo kaa sharaf iyo maal badneeeyn lagaa hoos mariyo?

 

Waxan dhahay Sucdi ma hilmaansantahay in Soomaali aysan waxna dheeereyn waxay igu tiri “intaan adiga ku guursan laha waxaa ii dhaanto geel jiraha ********iya inaan guursado,

 

Yaabka yaabkisa tana ma ii dambeysay waxan dhahay wayahay haday saas tahay waan ku eegayaa halkaa aad jaan iyo cirib dhigto waana uun hadalo aan kaa qoray hadaan isla nool nahayna waa iska diin oo waxan dhahay aan kugu caawiyo meeshaan kaso qaaday balse waxay iigu jawaabtay war intii aan kula socday oon gaarigaan raacay ayaan iska jarayaa cimrigeeygana kuma darayaa soco i hor dhaaf.

 

Cajiib badanaa waan iska tagay inleen wax lasameeyo lama yaqaano’e, anigoo isku buuqdsan ayaan aaday goobteeyda ganacsiga waxana fikir ku jiray laba todobaad, waxaana go’aansaday inaan guursado gabar aan qabiil igu naceeyn oo cideeyda ah.

 

Waayo waxan ahaa nin maal haysto naagna aan u jixin jaxin waxana guursaday mudo bil gudaheed ah waxana guursaday ina adeertey waxayna ii dhashay wiil iyo gabar sucdi waa la guursaday kumana daahin oo ninkii guursaday mar labaad ayaa la toogtay in muda ah markay kaso wareegtay,

 

Anigoo iska dhaqan ayey ii timid iguna tiri “Cabdi Kariinow i cafi waxan galay qalad weyn marka waxad ku qanacdo ayan kuu sameeynaya aniga xataa hadaad rabto i guurso hada ayaan diyaar kuu ahay” hase ahaatee go’aan maan siin wali oo waanba ka dhaqaaqay markay arkay inuu nafsigii soo ritay.

 

Hadaba akhristayaasha sharafta leh waxaan idinka codsanayaa in’aad tallo wanaagsan i soo siisaan, maadaama ay arintu weli taagan tahay.

 

 

W/Q/ Cabdala Salaad Kugeey

Addis Ababa, Ethiopia

cabdalasalaad@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Gabar iyo Hooyadeed oo uur u yeeshay hal nin

 

Dhacdo argagax iyo layaab leh ayaa waxay ka dhacday Xerada Kaakuma ee dalka Kenya, waxayna u dhaxeysay hooyo Soomaali ah iyo gabar ay dhashay iyo nin u dhashay dalka Turkiga.

 

Ninka u dhashay dalka Turkiga ayaa wuxuu la-shaqeeyaa Hay’ad gargaar ah oo ka hawl-gasha Xerada Qaxootiga ee Kaakuma, wuxuuna haystaa diinta Masiixiga, isla-markaana wuxuu uur u yaallay hooyo iyo gabar ay dhashay oo Soomaali ah.

 

Hooyadaan iyo gabadheeda markii ay ******** in’ay hal nin uur u wada lee-yihiin ayaa waxay tageyn cisbitaal ku yaalla magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, si’ay iskaga soo ridaan ilmaha yar ay caloosha ku sidaan, hase ahaatee ninkii ficilkaan sameeyay ayaa wuxuu ogaaday in’ay ubadka iska soo ridi rabaan.

 

Ninkii ayaa durbaba dacwad u gudbiyay saldhigyo ku yaalla dalka Kenya, wuxuuna ku wargeliyay in’aysan marnaba iska soo ridi karin caruurta ay caloosha ku sidaan hooyadaan iyo gabadha ay dhashay, isagoo intaasi ku daray in uu doonaayo in uu arko ubadkiisa yar yar.

 

Wuxuu kaloo uu dacwad ka dhan ah hooyadaan iyo gabadheeda uu u gudbiyay maamulka ay lee-yihiin Soomaalida ku nool Xerada Qaxootiga ee Kaakuma, hase ahaatee waxaa dhacdadaan layaab iyo xanuun ay ku noqotay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xerada Qaxootiga ee Kaakuma.

 

Hooyadaan iyo gabadha ay dhashay ayaa waxaa lagu wargeliyay in’aysan iska soo xaaqi kareyn caruurta yar yar ay caloosha ku sidaan, isla-markaana waxaa lagu amray in’aysan ku dhali kareyn cisbitaalo ka baxsan kuwa ku yaalla Xerada Kaakuma.

 

Dhacdadaan ayaa waxay noqotay midda ugu hadal-haynta badan ee loogu hadal-haayo Xerada Qaxootiga ee Kaakuma, waxaana aad uga dhiidhiyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kaakuma.

 

Xaliima Axmed “Xaliima Sacdiya”

Kaakuma, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Waan jecelahay sheekoyinka af-Somaaliga ku qoran, laakiin sheekoyinkan si waalan baa loo qoray. Ma qof qudhaa wada qoray? Si bay isu dhex yaacsanyihiin. Xagay jumladu ka bilaabmaysaa, xageey ku dhamaan oo goormaan neefsadaa. Yah, naaxwahu waa qaali. Madaxaa waxan nagu xanuuni doona ee bal toosi intaad kartid. :)

 

 

p.s I've a copy of 'Damac Rag iyo Qurux Dumar'.. reckon this will be my holiday reading now. Thanks for the inspiration. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Blessed you remind me this arabic article my teacher assigned us the other week and it had no dots. walahi it was just an article that simply u didnt know whre to stop and my teacher was like that sounded so unprofessional bt it is something many arabs do...so maybe thats the case here..somehow u have to know where to stop. bt yeah full stops can make the reader's reading much better and less confusing..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Aaliyah, fahan koo qudha maaha muhiim dadkan wax qorayaa wa in ay sheekada akhristaha u qurxiyaan. Sheeko xariir billaash looma odhan. After having to stop and going back to the beginning, I just gave up.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

wyre;680993 wrote:
Nina ar adina yaab aad leedahay sheekada wejibook iyadoo cusbo iyo sokor leh sidi cambuulo saliid aan ka naxay iney dadka ku socon weyso markaan meeshan ku qoraayee

ka warran iyo sideedii cusbo la'aan ah oo weliba guban sideed ugu maleysay iney ku soconeyso?

Somaligaada waa ku wareerey. Sheekadaan adiga ayaa iga horeysey mana lagaa aqrisan miyaad leedahay? lol

 

Blessed, you r welcome.

 

Waxan ugu soo dhejiyey sheekoyiinkaan (cantarabarash) in aad ila aragtaan how ridiculous wax loo qoro beryahaan. Sheekoyiinkaan aan dhadhan lahayn ayaa la isaga camiranaayaa. Lack of creativity is evident in the above stories no doubt.

I enjoy reading Somali sheeko, laakiin markaan aqriyey kuwaan madax xanuun ayaa igu dhacay with boredom.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kulmiye   

As coolkat points out this article doesnt make much sense. how could you say jacylka halka ugu heersaraysa ayey isla gadheen yet they barely know each other in pictures or personal. i dont care much for what people do on facebook or what brother and sister are hooking up- but at least give us a decent story...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kulmiye   

By the way i have heard of a mother and her son meeting on facebook and they set up a date to meet- and the end results- DEE ISLAANTI WAA SUUXDAY, WIIL-KIINA HE RUN OFF AND WAS HIT BY A CAR. both were announced dead the next morning.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^Lmao I HEARD similar story bt not abt fb. I think they met thru a chat room and they were not somalis...is it the same story and I remember someone saying hw every guy wants a girl like his mom which probably why he was into his mom EWWWW!!!sorry that story was probably filin hindi waxba kama jirin :)...again makes u wanna shutter when ur talking to a random person online..who could be twice your age/could be a far relative of yours/could be anything basically...u dnt know!! creepy!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kulmiye   

lol, Aaliyah its probably the same story- either way be careful for who you fall in the cyber world- dont be part of the weird web story

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

I always believed in what happens online stays online, sort of like what happens in vegas stays in vegas loool...ppl shoulnt mix reality with cyber-world..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this