Sign in to follow this  
Somalina

Sheeko: Wejibuuk

Recommended Posts

Somalina   

SHEEKO: LABA WALLALO AH OO IS AQOON OO ISGUURSATAY

 

Waa nin darawal ahaan jiray, sida aan ogsoo nahay darawaliintii hore way naago guursi badnaayeen sanadkii 1984 ayaa nin la dhaho Xassan Raabi oo darawal ahaa yaa wuxuu tagay Hargeeysa wuxuu guursaday Gabadh lagu magacaabo Caasho guuleed mudo ayuu qabay waxeeyna isfureen iyadoo caasho guuleed uur u leh . Xassan Raabi wuxuu isga noqday koonfur oo markii hore ka yimid waxaana wadanka kadhacay dagaaladii Somaliya oo dhan aafeeyey dadkana kala kaxeeyey .sidaan ogsoo nahay 1992 intii ka danbeeysay waxaa wadanka looga baxay si aan caadi aheen.

 

Dadku intii diyaarada ku bixi kartay waa ku baxeen intii yaman u tahriibi kartay waa u tahriibeen . Xasan Raabi wuxuu dhalay 2 wiil wuxuuna kala diray USA wiilka wayna oo ladhahay Maxed Xasan iyo wiilka yar oo ladhaho C/raxmaan oo kunoolaa UK Cariga ingiriis . waxaa dhacday in Maxamed Xassan Raabi ay Gabadh is jeclaadeen kula nooleed USA khaasatan Gobalka Michigan oo la nooled Abtigeed . Maxamed xasan markay mudo wada socden waxay Go'an sadeen inay isguursadaan ..

 

Maxamed Xasan Raabi abtigeed u soo Doontay Gabadhii ay is jacelaayeen oo lagu magacaabo Yaasmiin,Wuxuu doontay Yaasmiin abtigeed na wax shuruud ah kumuu xidhan meesha ayaa la isku siiyaay maherkooduna ku dhacay Yaasmiin waxay jeclaysatay ineey ku aqal galaan hargeeysa . waxaa ku nooleed hooyadeed Maxamed Xasan wuu ka yeelay waayo wuxuu ahaa yar wadaad iska ah oo Jaamacad meesha uga baxay oo aad u diyarsan dhaqaalana aan ka maqneen.

 

Waxaaney go'aan sadeen inay baxaan is ay ugu aqal galaan hargeeysa wiilka iyo gabadha waa dad wax bartay waxaana isa soo jiidatay dabeecadooda iyo aqoontooda Maan shaa alaah.

 

Waxay Talo sii gur guurataba waxaa ka dhaceen Hargeeysa ,Aroos wayn ayaay ku dhigteen Hotelka wayn ee Ambasator waxaa meesha ka dhacday Xaflad lacag fiican lagu qarash gareeyay

 

Waxaa soo af jarantay xafladii waxaan la isaga tagay Maxamed iyo Yaasmiin,maxaa dhici doona, xaabal iyo ninka loo wado lama kala qariyo waxaa isku soo haray Maxemed iyo Yasmin .goobta ayaa waxaa ka dhacay arin muc jiso ah toloow maxay tahay mucjisada meeysha ka dhacday waa arin afku soo qaban wayaay waa Maxamed Xasan iyo Yaasmiin wax noqdeen laba qof aad ukala xishoonaaya. jaceelkii hore meesha mayaal waxaa daaha soo rogtay xishood waxaa dhumay dareenkii iyo hamigii ay isu qabeen Maxamed Xasan dareen dhan waa iska wayaay Yaasmiina waxaa hadheeyey xishood waxaay guteen waajibka saarnaa.

 

Subaxii markii waagu barayay ayaa Maxamed Xasan Raabi arinkii uga sheekeeyay wiil adeerkii dhalay wuxuu Maxamed Xasan Raabi ku soo gooyay talo inuu san mardanbe isaga iyo yaasmiin kulmin Huteel ayuu iska dagay .. waxaa la soo raadshay ...Maxamed Xasan waxaanu Yaasmin cideeda hordhigay sheekada dhacaday ee ay Macaantiisa xaaskiisa xaalasha ah ay markhaati ka tahay .iyo siday sheekadu u dhacaday ........ waxaana faraha ka baxaday sheekadii..... Yaasimiin iyo Maxamed Xasan meesha laga haysto waa fahim waayeen.

 

Maxamed ma arki karo Yaasmina sidoo kale ...waxay talo sii gurguurataba aakhirkii sheekada waxay dhaafi waysay in culamad la hor dhigo arrinta labadan qof isguur satay ee xalaasha isku Nikaax saday . ma ahan laba qof oo la isku daray .sidan soo shegnay waa laba qof jaceel isku helay .waa laba qof dadka iska doortay...hadaba Akhristoow sheekadu markay mudo 4 bilood ah socotay.intaana baadhitaana lagu sameeynayay ayaa waxaa waxaa dib loo raacay taariikhda yaasimin iyo Maxamed Xasan waxay noqdeen walaalo sheekadu waxaa mucjiso noqotay Yaasmiin waxay leedahay uur 2 bil iyo bar ah u fiirso sheekada kana fiirso.

 

Abdinasir Ahmed Kheyre (Abtiga)

koyla571@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Umadiina kibir badnidiinaa!! Kula fitna cinda geel waa KK!...

 

Waraa sheekooyinkan hadii eesan idinku socon, maad ka wareegataan? intaad aqrisaan aa "aqas" dhaheysaan aloo yaa faro indhaha idinka gasha...

Wax kaste ma qasab baa in loo qoro sida aad idinka jeceshihiin? loool

 

 

Nina kuusee kuntur waareey, wax lee soo dhaji laakiin inta aadan soo dhajin, kistoo soo habee nooh!

Dadkaan wax qoraayaan aneeba iga daran yihiin like blessed said lol... wax kaste ee isku qaseen sidii fruit shake camal.. ma jiraan... example

Waxaaney go'aan sadeen inay baxaan is ay ugu aqal galaan hargeeysa wiilka iyo gabadha waa dad wax bartay waxaana isa soo jiidatay dabeecadooda iyo aqoontooda Maan shaa alaah.

lool hakasho xitaa maku jirto.. Halahaas kabacdi in aan bakeeri biyo doonano waaye..

 

 

 

Sol baryahaan waxaa lagu waashay sheeko iyo gabay..yaab badanaa...

 

 

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Somalina;685090 wrote:

 

Riwaayad cusub- Weji buug wehel kuuma noqdo

Somalieta, ruwaayadan waa i cajabisee shimee soo bexee?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

LOL@Riwayada - honestly if that is any reflection to the truth about marriages, waa bila FB..meshuu bila xitraan baa laa isku haye.. I never understand how people can stay together when they actually speak to one another is such a tone? - waan arkee daad saas isuulaa hadlaa it puzzles me...anyways!

 

FB is exagurated, I mean what much can one post to be there a whole day?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wyre ma ogi walaal marka ay soo baxayso.

--------------

 

Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn

 

Cabdulqaadir M. Wacays

 

Qaybtii 1aad

 

 

Waxay ahayd goor maqrib ah oo ay isu diyaarineysey in ay aaddo golaha Internetka oo ay beryahaas si weyn ugu waalnayd. Waxay khadka MSN-ka kula ballansanayd wiil ay wada socdeen oo degganaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

 

Markey timid golihii internetka, waxay durba gashay khadkii MSN-ka oo uu kusii sugayey saaxiibkeed. Markey cabbaar fadhidey bay si kedis ah u eegtay saacaddii ugu xirnayd gacanta midig. Waa 10:00 fiidnimo. Waxay fadhidey muddo seddex saac ah, waxayse iyada la ahayd in ay fadhidey daqiiqado. Intey sadarkii ugu dambeeyey ee nabadgalyeynta ahaa u qortay saaxiibkeed bay kursigii ay ku fadhidey ka kacday iyadoo degdegsan. Xogaadii lacagta ahaa ee lagu yeeshay intey iska bixisay bay albaabka ka baxday.

 

 

Habeenkaas aad bay ugu daahday golaha Internetka. Waa goor dambe!!. Magaaladu waa Gaalkacyo, ma aha Garoowe, mana aha Boosaaso. Waa magaalo yar oo ay wada deggan yihiin beelo Soomaaliyeed oo aan colna ahayn, nabadna ahayn, balse si dadban isugu waafaqsan in aan magaalada mar kale lagu kala guurin xitaa haddii ay isaga dhimato boqollaad wiil. Welwel iyo cabsi ayaa ku beermay. Waxay ka welwelsaneyd hooyadeed oo ay hubtey in ay habeenkaas ku xanaaqi doonto. Goor hore ayaa la kala xerooday, dad tiro yar ayaana waddooyinka socdey. Hooyo qayladeeda waxba iga dhibi maysee, mar uun yaa gurigii nabad igu geeya, intey hoosta iska tiri bay cagta saartay waddadii ay u mari jirtey gurigooda. Belaayo buulkaagaa laga galaa…

 

Idman waxay ahayd qiyaastii gabar 30-jir ah. Waxay ahayd gabar qurux badan oo ka mid ah gabdhaha laga tilmaamo magaalada Gaalkacyo, waxaase iyada intaas u dheeraa furfurnaan iyo dabeecad-wanaag ay kaga soocnayd gabdhaha kale. Nin kasta wuxuu niyadda ka jeclaa in ay mar uun la hadasho, shar iyo khayr wuxuu kala kulmaba. Ninka ay dusha ka salaanto ama ay wax yar isla taagto waxaa loo arkayey nin ragga kale wax dheer. Magaciisu Daqiiqado gudahood ayuu ku faafayey magaalada oo dhan.

 

Quruxdu dhib uun bay kaala maqan tahay, bay hooyadeed ka maqli jirtey. Waxaa sida daadkii ugu soo qulqulayey codsiyo kala duwan oo loogu soo gudbinayey xagga taleefanka, internetka, iyo warqado. Codsiyadaas waxay isugu jireen run iyo been, dhab iyo dhalanteed, sheeko dheer iyo mid gaaban, qiyaali iyo dhab-ka-hadal, guurdoon iyo gaabsidoon. Hase yeeshee dheg jalaq uma aysan siin jirin. Gabar meeli u caddahay meeli ka madow. Meel kale ayaa balag looga lulayey. Nin kale bay duntu ugu xirnayd. Markiise xaalkeeda la bixin kari waayey, nin kasta candhuuftiisii buu dib u liqay. Ha ku daalin jeedaal, indho sooma jiidaan qalbi kaa janjeeree.

 

Idman lix bilood ka-hor bay khadka MSN-ka ee internetka isku barteen wiil la yiraahdo Shirwac oo degganaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka. Cidna isma barin. Si fudud bay isku barteen. Dhambaal uu Shirwac qof kale u dirayey ayaa si qalad ah ugu soo dhacay sanduuqeeda dhambaallada. Waxay u dirtay dhambaal ay ugu sheegtay in uu soo qaldamay. Kaddibna, wuxuu usoo diray dhambaal mahadcelin ah. Sidaas ayey Idman iyo Shirwac isbarashadoodu ku billaabatay. Dabadeed, waxay isdhaafsadeen dhambaallo kala duwan oo ugu dambeyntii suurtagaliyey in ay qalinka ku wada duugaan heshiis wada-socod saaxiibtinimo.

 

Afartii toddobaad ee ugu horreysey isbarashadooda, Idman waxay iyada ka ahayd maaweelo, dhereg-dhacsi, sheeko qiyaali ah, iyo waqti-isku-dhaafis. Waxaa maskaxdeeda ka daadegiwaayey sida looga miradhalin karo xiriir saaxiibtinimo oo u dhexeeya laba qof oo kala jooga Gaalkacyo iyo Minneapolis. Waxay nafteeda ku qancin kari weyday sida ay isu jeclaan karayaan laba qof oo aan is aqoon, ama aan fool-ka-fool isusoo hor fariisan. Waxaa dhalanteed la ahayd in la isku jeclaan karo waraaqo la isu diro, MSN-ka oo lagu wada sheekeysto, iyo taleefanka oo la iska maqlo.

 

Laakiin, xaaladdu mar dhexe bay si kedis ah isu beddeshey. Idman waxaa saamayn weyn ku yeeshay sheekadii MSN-ka, waraaqihii, iyo sawirradii ka dambeeyey ee ay isdhaafsadeen iyada iyo Shirwac. Waxaa laabteeda ku dhacday dhibic jacayl. Waxaa ku dhacay is-beddel baaxad weyn oo saameeyey nolosheeda. Waxay jacayl ugub ah u qaadday wiil aysan weli fool-ka-fool isu arag, oo aysan xitaa codkiisa maqal. Waase adduun iyo xaalkiis. Cimrigaagoo dheeraaday, geel dhalaayana waa ku tusaa…

 

Idman iyadoo socodka boobaysa bay dhinac martay barxadda weyn ee kasoo horjeedda guriga madaxtooyada oo loo yiqiin ‘Quraca’. Habeenkaas wuxuu u ahaa habeenkii ugu horreeyey oo ay tagto golaha Internetka. Maalin kasta laba jeer bay tegi jirtey. Weligeed habeen ma aysan tegin. Markey barxaddii dhaaftay bay dhinaca midig u leexatay. Tolow dukaankii habaryar masii martaa bay is-weydiisey, waxayse islamarkiiba is xusuusisey in ay tahay xilli dambe oo goor hore dukaanka la xiray. Markey socotay in cabbaar ah oo ay usoo dhowaatay gurigoodii bay maqashay dhawaaqa rasaas la is-weydaarsanayo. Dhegeheedu kuma cusbayn maqalka guuxa rasaasta. Hebeen iyo maalin bay maqli jirtey. Dhegba jalaq uma aysan siinine socodkeedii bay iska sii wadatay illaa ay ka gashay albaabka gurigooda oo uu ku sugayey wiil yaroo walaalkeed ah.

 

“Naa heedhe, miyaadan bani’aadam ahayn. Waa maxay goorta aad socoto?” bay ka horkeentay hooyadeed oo neef weyni kasoo booddey markey aragtay gabadheedii oo nabad-qab kusoo hoyatey. “Naa miyaadan maqleyn waxa rasaas dhacaya?” bay u raacisay iyadoo weli usii dhegataageysey rasaasta xooggan ee la is-weydaarsanayey.

 

“Hooyo, internetka ayaan kusoo daahay. Sahro iyo muxibbadii aan ilmo-adeerka ahayn ee Mareykanka joogay baan wada sheekeysaneyney,” Bay cudurdaar ka dhigatay.

 

“Internet…aa…Alla internet iyo adigaanba isku kiin nacay. Internet uun bay sheegtaa. Maalintii baa la isku ogaaye, haddana ma habeen baad ku darsatay. Wallee waxaad soo waddo iyo webiga yaa weyn dheh?…Internet…Internet…Naa naag weyn baad tahaye wax iskula har,” bay hooyadeed ku canaanatay.

 

“Ee hooyo waa maxay waxaas oo rasaas ah. Yaa caawa is galay?” bay hooyadeed ka horgeysey. Idman sheekadaas ma aysan ahayn mid ku cusub ee waxay rabtay uun in ay beddesho mawduuca sheekada si ay isaga weeciso canaanta kulul ee hooyadeed kaga imanaysey. Idman aroor kasta markuu waagu beryo waxa ugu horreeya oo ay dhegaheedu maqlaan waxay ahaayeen: ‘Dhowr qof ayaa xalay la dilay, kuwo kalena waa dhaawac. Hebel xalay ayaa aano-qabiil loo dilay. Tuugo hubeysan ayaa xalay u dhacay guryo badan, kuwo kalena waxay baarteen dad magaalada ku daahay. Laba nin oo xalay intey dayoobeen u gudbay xaafadda Baraxleey ayaa saakayto meydadkoodii qashin-qubka lasoo dhigay!!’

 

“Garan mayo, waase iska-hor-imaad xoogan. Berrito ayaan kala ogaan doonnaa, haddii Eebbe idmo,” intey Nuuro ugu jawaabtey gabadheedii bay gashay qolkeedii jiifka.

 

Cont'd....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Idman waa sidii ay rabtaye intey cashadii loo dhigay si tartiib ah daaradda guriga ugu cuntay bay iyadana qolkeedii abbaartay. Maba aysan nasanine, waxay durba billowday diyaargarow xooggan. Intey mayratay bay dhar cusub xiratay sidii tiiyoo ay u socoto xaflad aroos ama sidii gabar aroosad ah oo weli ku jirta bishii malabka oo isu diyaarinaysa mataankeedii oo aan xaafadda ka fogeyn. Boorso yar oo ay ugu jireen uunsi iyo barafuunno kala duwan bay soo dhoweysatey. Idman ma aysan ahayn aroosad, umana aysan socon xaflad aroos ee waxay isu diyaarineysey la-sheekeysiga gacaliyaheed Shirwac oo ay habeenkaas ku ballansanaayeen in markii ugu horreysey ay taleefanka ku wada hadlaan. Waxay isu diyaarisay sidii tiiyoo uu taleefanka ka dhex arkayo quruxdeeda ama ka dhex urinayo udgoonkeeda. Waxay illowdey in codkiisa wax dhaafsiisan aysan maqli doonin, aragtina warkeedba daa. Si kasta arrintu ha ahaatee, waxay iyada u ahayd habeen xusid iyo xusuusba mudan.

 

Goor ay tahay saqdii dhexe bay maqashay dhawaaqa taleefanka. Intey kursigii ay ku fadhidey kasoo booddey bay daaradda guriga abbaartay. Nasiibdarro, taleefanka qolka lama aysan soo geli karin. Wuxuu ku rakibnaa daaradda guriga iyadoo sidaas loo yeelay in isticmaalkiisa loo sinnaado oo aan qof qurihi qolkiisa ku xiran.

 

“Hallow….waa qofma?” bay weydiisey iyadoo uu codkeedu gariirayo, baqdinina ay ka muuqato. Waa ay hubtey in dhawaaqa taleefanku ahaa mid dibadeed. Magaalada Gaalkacyo dhawaaqa taleefannada dibedda laga soo diro iyo kuwa gudaha waa ay kala duwan yihiin, waxayse iyadu rabtey uun in ay ogaato qofka la hadlaya qofka uu yahay.

 

“Xabiibi, waa Shirwac. Iska warran? Sow Idman maaha?” ayuu Shirwac si dhiirranaan leh ugu jawaabey.

 

“Nabad…Nabad…Xabiibi…Waa Idman,” intey tiri bay dhinacyadeeda eegtay sidii tiiyoo ay dad kale dhageysanayaan. Illeyn farxadi waa naxdin. Mar kale bay misana geesaheeda eegtay. Waxba ma aysan arkin. Daaradda gurigu waaba mugdi. Keligeed uun baa dhex yuururtey. Saacado kahor ayey korontadii magaaladu tagtay. Ciil-qab xagga korantada ah ayey magaaladu la ooyeysey.

 

“Idman, xabiibi, waan ku faraxsanahay in caawa markii iigu horreysey aan codkaaga maqlo…,” buu Shirwac sheekadii ku furay isagoo taas dhiirrigalin uga dhigaya Idman oo uu codkeeda ka dareemay xishood iyo firkanax.

 

“Aniguna sidoo kale…,” bay ku jawaabtey iyadoo ay weli naxdini ka muuqato, codkeeduna uu weli gariirayo sidii qof ay koronto qabsatay. Idman waxay ahayd gabdhaha aadka ugu dhiirran ku-sheekeysiga taleefannada. Waxay awoodi jirtey in waxay doonto ay ku sheegto taleefanka. Waxay ahayd gabdhaha ka baqa shukaansiga fool-ka-foolka ah, balse ku dhiirran kan taleefanka. Laakiin, waxay wiilal dhaaxaa taleefanka been ugu sheegto, kuwo kalena caloosha kasoo riddaba, caawa iyada ayey haysataa, oo waatan dhuunteedu uu hadalka kasoo bixi la’yahay.

 

“Idman, xabiibi, maqalka codkaagu wuxuu igu sii kordhiyey jacaylkii aan kuu qabey, waxaan Eebe ka baryayaa inuu noo suurtageliyo in aan is aragno…,” buu mar kale ku yiri.

 

“Xabiibi, shirwac, aniguna sidoo kale, waanse is arki doonnaa haddii Eebbe isu keen qoray,” bay si dhiirran ku tiri iyadoo aad mooddo in markan uu xishoodku kasii ba’ayo.

 

“I love you…Waan ku jeclahay, Idman,” buu ku yiri intuu codkiisii hoos u dhigay sidii qof ilmaynaya.

 

“I love you too…Aniguna waan ku jeclahay, Shirwac,” bay ku tiri. Idman intey is celin kari weydey bay is-aragtay iyadoo ilmaynaysa. Waxay qaadi kari weydey oo jirkeeda gilgiley culeyska erayga ugu xoogga badan erayada oo dhan ee ah ‘Waan ku jeclahay’. Inkastoo aysan ahayn markii ugu horreysey ee lagu yiraahdo ‘Waan ku jeclahay’, misana waxay ahayd markii ugu horreysey nolosheeda ee ay si dhab ah u rumeysatay in la jecel yahay!!!.

 

Idman iyo Shirwac habeenkaas waxay taleefanka ku wada hadlayeen muddo afar saac ah. Idman Waxay keligeed yuururtey daaradda guriga oo mugdi ahayd. Gurigoodu wuxuu ku yiil xaafadda Garsoor oo caan ku ahayd kaneecada. Dad badan ayaa xaafaddaas uga guurey kaneeco darteed. Idman habeenkaas waxay wehel u noqotay kaneecadii xaafadda Garsoor ee albaabada iyo daaqadaha laga soo xirtay. Kaneeco tira badan oo sidii Ayaxii raxan-raxan u socota ayaa cuneysey meel kastoo jirkeeda ka mid ah. Laakiin iyadu ma aysan dareemeyn xanuunka kaneecadaas jiigga ka jaqaysey, waayo waxaa ruxayey oo illowsiinayey dareen kaloo ka xoog weyn.

 

Hooyadeed oo aadaankii koowaad ee salaadda subax ku toostay, intey albaabkii qolkeeda iska furtay bay dibedda usoo baxday. Waxay daaradda guriga ku aragtay gabadheedii oo keligeed dhex yuururta, taleefankana dhegta ku haysa. Idman wax shanqar ah ma aysan dareemin. Xitaa furitaanka albaabka iyo dhaqdhaaqa hooyadeed ma aysan maqal. Waxay ahayd maqane-jooge. Qolfoofteeda uun baa daaradda dhex fadhidey mooyee niyaddeedu meel kale bay ka heeseysay. Waxay dhex dabbaalanaysey hirar ay rogayeen mawjado xoog badan. Dareenkeedu wuxuu Miniyaabolis kula caweynayey gacaliyaheed.

 

Nuuro intey gabadheedii usoo dhowaatey iyadoo yaabban oo cabbaar dhageysatey erayadii afkeeda kasoo baxayey bay kaga nixisay: “Hooyo, sidaan waa doqonnimo, orod oo seexo, maxay tahay ‘Adigaan ifka kuugu jeclahay’, naa wax iskula har, waxaanse ka baqayaa in mar kale jacayl aan jirin laguugu luggooyo oo aad dabin kale lugaha la gasho. Wacad Alla, qof waalan baad u egtahay…Naa orod oo seexo…”

 

Idman intey sheekadii taleefanka si deggan usoo gabagabeysey bay qolkeedii gashay iyadoo aan hooyadeed u jawaabin. Habeenkaas waxay u ahayd habeen farxadeed. Ma aysan seexan. Sariirta uun bay ku galgalaneysey. Qaybta xusuus-dhowrka maskaxdeeda ayaa kolba ugu soo celcelineysey sheekadii dheereyd ee dhex martay iyada iyo Shirwac, waxaana daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa kusii kordhayey jacaylkii ay u qabtay. Erayadii jacaylku ka da’ayey oo ay is dhaafsanayeen ayaa ku reebay xusuus aan marna guuri doonin. Idman iyo Shirwac waxay habeenkaas ku heshiiyeen in habeen kasta ay taleefanka ku wada hadlaan.

 

Aroortii waagu markuu beryey bay indhaha is gelisey. Hase yeeshee, wax yar kaddib waxay indhaha ku kala qaadday goor barqo ah hooyadeed oo dul taagan iyadoo leh: “Naa, hurdada ka kacoo quraaco, anigu ma garanayo danta aad leedahay, dan baadse leedahay, runtaase laysugu tegayaa, habeen kasta taleefan baa lagu dhafrayaa. Allow sahal amuuraha.”. Idman iyo hooyadeed aad bay isu jeclaayeen, mararka qaarkoodna waxayba u sheekeysan jireen sidii laba gabdhood oo saaxiibbo ah. Sidaas darteed, Idman inta badan waxba kama soo qaadi jirin erayada ay hooyadeed kula kaftanto, waxayna qabtay kalsooni buuxda oo ah in rabitaankeeda aysan marna caqabad ku noqon doonin.

 

“Haye hooyo, haye hooyo macaan,” bay ku jawaabtay intey jiifka ka kacday oo sariirta ku fariisatay iyadoo weli hurdeysan. Waxay eegtay saacaddii u xirnayd. Waa 10:00kii barqanimo. Intey maryaheedii haabhaabatay bay suuliga gashay. Wax yar kaddib bay usoo baxday daaradda guriga oo ay fadhiyeen hooyadeed iyo gabar walaasheed ah.

 

“Hooyo, rasaastii tirada badnayd ee xalay la is-weydaarsanayey maxay noqotay,” bay hooyadeed weydiisay intey isasoo hordhigtay quraacdii loo dhigay.

 

“Hooyo, waxaa la yiri, labadii reerood ee maalmahanba isku dilayey koofurta Gaalkacyo ayaa xalay mar kale is miray. Waxaa la leeyahay, afar qof ayaa labada dhinac isaga dhintay.”

 

Idman iyo hooyadeed in cabbaar ah bay sheekeysanayeen. Waxay sheekada ku maaweelineysey hooyadeed. Waxay ka warwareegeysey in xaaladdeeda cusub ee beryahan wax laga weydiiyo. Markey quraacdii dhammaysatay intey istaagtey bay qolkeedii gashay.

 

Cont'd...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qaybtii 2aad

“Naa heedhe, sheekadaas waa la innooga daran yahaye, maxaa cusub, adiga iyo Shirwac xaggee wax idiin marayaan?” bay Hodon lasoo boodday markey iyada iyo saaxiibteed Idman cabbaar ku f******** sheekooyin kale oo ku saabsanaa gabdho iyo wiilal ay asaxaab ahaayeen. Hodon iyo Idman waxay ahaayeen saaxiibbo isku dhaarta. Waxay ahaayeen sheeko-wadaag hoose oo xanta isku qarsada, taladuna ka dhaxayso.

 

“Xalay, Shirwac baan taleefanka ku wada hadalnay,” bay Idman ugu bishaareysay saaxiibteed iyadoo wejigeedu farxad la iftiimayo.

 

“Warka isiihee…Si fiican ma u sheekeysateen?” Bay weydiisey.

 

“Haaheey. Afar saac baan wada hadleynay. Waaba la igu dul addimay. Runtii aad baan codkiisa iyo sheekadiisaba uga helay. Waa sidaan ku qiyaasayey. Waa nin caqli badan, cod macaan oo baarri ah. Run ahaantii, jacaylkii aan u qabey aad buu iigu sii kordhay.”

 

“Waan ku faraxsanahay. Hadda maxaad ku heshiiseen?.”

 

“Waxaan ku heshiinnay in uu Gaalkacyo yimaado oo aan isku mehersanno, kaddibna aan Dubai ku aqal galno, halkaasna aan iska sii joogo inta uu ii samaynayo sharcigii aan Mareykanka ku tegi lahaa.”

 

Hodon waxaa xusuusteeda mar qura kusoo maaxdey sheekooyin badan oo noocan oo kale ah oo ugu dambeyntii ku dhammaaday guuldarro iyo luggooyo. Waxay soo xusuusatay gabdho iyo wiilal badan oo inta lagu beerdulucsaday ‘Waan ku jeclahay’ iyo ‘waan ku dhoofsanayaa’, meel cidla’ ah looga dhaqaaqay kaddib markii laga gaarey dantii gaabnayd ee laga lahaa. Waxaa horteeda kusoo sawirmay gabdho iyo wiilal badan oo inta lagu yiri ‘Nayroobi ama Addisababa imaada si aan idiinkaga dhoofinno’, dabadeedna looga baxay ballantii, kaddibna markey gaajoodeen ay dantu badday in ay jirkooda iibsadaan si ay u noolaadaan. Armey saaxiibtaa ku dhacdaa dabinnadaas, bay Hodon niyadda iska tiri. “Idmaneey, ma hubtaa in uu Shirwac ku jecel yahay?” bay Hodon saaxiibteed kaga nixisay iyadoo si toos ah indhaheeda u eegaysa.

 

“Maxaad ka waddaa?” bay Idman lasoo boodday iyadoo naxsan. Malaha Hodon xog dheeraad ah oo ku saabsan Shirwac bay heshay, bay niyadda iska tiri.

 

“Wax kale ma aha ee waxaan ka baqayaa inuu ninkaas meel cidla’ ah kaaga dhaqaaqo, hadhowna aan weyno meel aan u raadinno. Waxaan ka baqayaa inuu is yiraahdo ‘Waa gabar Soomaaliya joogta ee uga faa’iideyso Mareykanka ayaan ku geynayaa’. Waad la socotaa in gabdho iyo wiilal badan sidaas lagu lug-gooyey.”

 

“Abbaayo, waan hubaa inuu i jecel yahay. Sababtoo ah hadduusan i jecleyn waxaasoo waqti iyo kharash ah iskama dhumiyeen. Mareykankaba gabdho Soomaaliyeed waa ay joogaan. Waan hubaa inuu i jecel yahay. Waan hubaa in ay dhab ka tahay. Waan hubaa in uusan cidla’ iiga dhaqaaqayn…”

 

“Waa war fiican. Goormuu imanayaa?.”

 

“Laba toddobaad kaddib.”

 

“Hooyo ma u sheegtay?.”

 

“Maya, weli uma aanan sheegin, toddobaad kaddib baan rabaa in aan u sheego, laakiin xaggeeda wax welwel ah kama qabo. Aabbe isagana sidoo kale baan filayaa.”

 

Idman iyo Hodon sheekadu aad bay isugu bixi jirtey. Mararka qaarkood, maalin dhan bay wada joogi jireen. Laakiin maalintaas iyagoo aan weli kala sheeko bogan bay Hodon maqashay guuxa baabuurkii walaalkeed oo albaabka kasii baxaya. Intey Idman xaggeeda eegtay bay ku tiri: “Maad baabuurka abboowe Mahdi sii raacdid mar haddaadan ila qadeyneyn?.”

 

“Waan jeclaan lahaa in aan kula qadeeyo oo aan kula sii joogo, waxaanse kusii cararayaa gurigii oo ay hawl badani ii taallo,” bay Idman ku cudurdaaratay.

 

Hodon intey istaagtey oo dibedda u baxday bay walaalkeed ku tiri: “Abboowe, wax yar sug aad Idman gurigeeda kusii tuurtide”. Dabadeed, Idman intey dibedda usoo baxday oo ay Hodon is macasalaameeyeen bay kursiga hore ee baabuurka fariisatay.

 

Idman waxay baabuurkii kaga degtey gurigooda hortiisa iyadoo uu dareenkeedu kacsan yahay. Intey guriga gashay bay toos qolkeedii u abbaartay iyadoo aan meel kale ku leexan. Idman dareen cusub ayaa kusoo kordhay. Iftiinkii rajada mustaqbalkeeda ee tan iyo xalay u bidhaamayey ayey daruur weyni ka qarisay. Hadalkii saxiibteed Hodon ee ahaa ‘Ma hubtaa inuu ku jecel yahay…Armuu meel cidla’ ah kaaga dhaqaaqaa oo hadhowna aan weynaa meel aan u raadinno’ ayaa ku dhaliyey dareen cusub oo cabsi iyo welwel badan. Intey hor istaagtay muraayad weyn oo qolkeeda dhex tiil sidii tiiyoo sawir laga qaadayo bay billowday in ay muraayadda iska dhex daawato. Idman intii ay muraayadda iska dhex daawaneysey waxaa iskumar xusuusteeda ku kulmay sheekooyinkii nolosheeda; Maalmihii farxadda iyo kuwii murugada. Dabadeed, waxay billowday in ay is-barbardhigto waayaheedii Mombaasa, Nayroobi, iyo haatan oo ay joogto magaalada Gaalkacyo.

 

Waxaa horyimid berri-samaadkii Mombaasa iyo jacaylkii ku helay carruurnimada, iyo weliba guuldarradii uu ku dhammaaday. Wiil yar oo hal mar uun ku yiri ‘Abbaayo waan ku jeclahay’ bay maryaha u dhigatay, nafteedii oo dhanna u hibeysey. Waxayba ku sigatay in ay cidlo kula go’doonto, laakiin hooyadeed oo karti naagnimo u dhalatay ayaa ka badbaadisey godkii ay ku dhici lahayd. Wiilkii ay jeclaatay, kaddib markey hooyadeed wareysatay, wuxuu xitaa garan waayey magaciisa oo seddexan iyo inuu aabihiis nool yahay iyo in kale. Caku iyo caruurnimo… Maansha la yiri caruurnimo waa cadaw laga koro.

 

Waxay misana is horkeentay sheekooyinkii qiyaaliga ku dhisnaa ee waayaheedii magaalada Nayroobi iyo xaafaddii Islii: Waan kaa helay…Adigaan ifka kuugu jeclahay…Ma isguursannaa mise waan wada noolaannaa…Sidaad jeceshahayba waan kula jeclahay…Caawa hebel iyo heblaayaa is aroosaya…Waxaan ka imid Mareykanka…I am sorry I mean habeen hore ayaan ka imid Kanada…Anigana Yurub…Ima taaqaanid miyaa…Anigu waan ku garanayaa…Tilmaan ayaan ku socdaa…Lambarka taleefankaaga xitaa waan hayaa…Ammaantaadaa qurbaha igu soo gaartay…Waxaan leeyahay baasaboorka weyn…Weliba naag ayaa ii qoran…Si fudud baan kugu dhoofin karaa, laakiin taas waxaa ka horreysa in aan marka hore isfahamno…Bal horta wacdarahaaga wax iga tus…Halkan baan ku aqal galeynaa, kaddibna waan kuusoo dacwoonayaa…Waa iska lix bilood, lixdaas biloodna anigaa kusoo masruufaya…War heedhe ma adaaba war haya…Xaaskaagii iyo caruurtaadii Nayroobi joogay baan soo arkay…Reer ba’aw yaa ku leh…Hee maxaa tiri…Itoobiyaan aa…Ma nin Itoobiyaan ah bay kula nooshahay masruufka aan iyada iyo caruurtayda u diro…Yaah…Maxaa tiri…Xaaskaagii joogay Nayroobi ee aad afarta sano soo moogeyd uur bay leedahay aa…Oo yaa uureeyey?…Ma jin baa uureeyey…Bal adba!!!

 

Adduunyooy xaalkaa ba’, mindhaa la ima dago mar kale, bay Idman hoosta iska tiri. Maalmahaasna maalmo xusuus badan dheh. Maxaa la isa siray. Maxaa gabdho la luggooyey, maxaase rag badan murugo iyo uurxumo lagu beeray. Maxay gabdho dhaaxaa sidii shimbirihii ugu hoobteen dabinno loo dhigay. Maxaa gabdho dhaaxaa lagaga faa’iideystay xanuunka buufiska oo ay la jahawareersanaayeen, kaasoo dawada keliya ee uu leeyahay ay tahay ‘dhoofka’. Maxaa gabdho badan inta caloosha loo buuxiyey looga dhaqaaqay dariiqyada Nayroobi, kaddibna Yurub iyo Mareykanka laga beegsaday, dib dambena aan loola soo hadlin. Kuwii warqadahooda furriinka loo soo diray ayaaba nasiib leh…

 

Magaalada Gaalkacyo iyada warkeedba daa. Meel aan rag joogin bay Idman ugu xisaabnayd. Aan ku guursado waxaan ahayn ma yaqaanniin, bay oran jirtey mar kasta oo lasoo hadalqaado sheekooyinka Gaalkacyo. Sow in marka hore la is barto maaha, bay ku doodi jirtey. Waxaase dooddaas barbar tiil, maxaan iska baranaynaa, sow ina hebel oo reer hebel ah ma tihid, aniguna ina hebel oo reer hebel ah ma ahi, sheekaduba halkaas bay ku dhan tahay, ma war kalaa ka nool. Nimanka reer baadiyaha ah ee Gaalkacyo dhooban maxay ii sheegayaan, bay isku qancin jirtay. Nin Mudug ku dhashay Ilaahaw wax ha iigu darin, bay ku ducaysan jirtey.

 

 

Kaddib markey dulmar gaaban ku samaysay waayaheedii nolosha, waxay misana mar kale qiimeyn kula dhaqaaqday muuqaalkii jirkeeda, waayaheeda cusub, iyo nolosha mustaqbalkeeda dambe. Waqtigu waa is gurayaa. Maalinba maalin bay kusii amaahinaysaa. Shalay maanta maaha. Berrito waa maalin kale oo sha’nigeeda wadata. Muuqaalkeedii quruxda badnaa wuu isasii beddelayaa. Midabkeedu wuu sii qayirmayaa. Jirkeedu wuu sii jilcayaa. Naasaheedii sida gantaalka u taagnaan jirey, intey itaalbeeleen bay xundhurteeda sii haabanayaan. Idman inkastoo uusan dadaal ku yarayn, waxay misana mar kale isku guubaabisay in uusan fadhi meel u oollin. Alleylehe, kii aan sugayey haddaan hayaa, waase haddii aan calaf isku leennahay, bay niyadda isugu dhistay. Mar uun aniga iyo Shirwac ma isasoo hor fariisan doonnaa, bay niyadda iska tiri. Ilaahow ha i dilin anigoon Shirwac laabta ku qaban ama ugu yaraan taaban meel uun jirkiisa ka mid ah, bay ku ducaysatay.

 

Ugu dambeyn, Idman intey muraayaddii ka hordhaqaaqday iyadoo isku qanacsan bay dharkii iska beddeshay, dabadeedna sariirteeda fuushay. Waxay islamarkiiba barkinta hoosteeda kala soo baxday sawirrradii Shirwac oo ahaa wehelka keliya ee ay lahayn, nafteedana ku samirsiin jirtey.

 

Cont'd...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qaybtii 3aad

Idman iyo Shirwac waxay caadeysteen in ay habeen kasta dhowr saacadood taleefanka ku wada hadlaan. Sheekadoodu waxay billaaban jirtey saqda dhexe habeenkii markey dhammaan reerku kala seexdaan, waqtigaas oo ahaa waqtiga keliya ee ay Idman si xorriyad leh ula sheekeysan kartey gacaliyaheed Shirwac. Sidaas awgeed, habeen kasta waxay ku dhafri jirtey taleefanka. Habeen- dhafarkeedu ma ahayn mid qarsoomi karey. Qof kastoo suuliga usii socda wuxuu kusii marayey daaradda guriga iyadoo dhegta ku haysa taleefanka. Hab-dhaqankaas cusub ee ay Idman lasoo baxday wuxuu amankaag iyo walaac ku abuuray hooyadeed oo ka welwelsaneyd aayaha gabadheeda.

 

Subax subaxyada ka mid ah bay Idman iyo hooyadeed isku keliyeysteen daaradda guriga. Nuuro waxay subaxaas go’aansatay in ay gabadheeda hoos ahaan u weydiiso sababta ay habeen kasta taleefanka ugu dhafarto iyo dadka ay la sheekeysato.

 

“Hooyo, waa maxay dhaqankan xun ee aad lasoo baxday? Waa maxay taleefankan aad habeen kasta ku dhafreyso?” bay Nuuro gabadheeda weydiisay.

 

Idman intey wax yar aamustay bay go’aan degdeg ah qaadatay. Waxay talo ku dhammaysatay in ay hooyadeed u sheegto sida ay wax u jiraan maadaama lasoo gaarey muddadii ay ugu talagashay in ay hooyadeed ku wargeliso. Maalintii uu Shirwac iman lahaa Gaalkacyo waxaaba ka harsanayd lix maalmood.

 

“Hooyo, waa wiil aan wada soconno oo Mareykanka jooga,” bay Idman ku billowday sheekada iyadoo aysan ka muuqan wax baqdin ah haba yaraatee. Idman waxay hooyadeed ku qabtay kalsooni badan oo ah in qorshaheeda aysan marna caqabad ku noqon doonin.

 

“Oo sidee u wada socotaan wiil Mareykanka jooga, goormaadse is barateen?.”

 

“Waxaan is-barannay lix bilood ka-hor. Waxaan isku barannay khadka MSN-ka ee Internetka, waxaanan ugu dambeyn ku heshiinnay in aan is guursanno.”

 

“Oo maxaad ka waddaa khadka MSN-ka ee Internetka?” bay Nuuro gabadheeda weydiisey iyadoo yaab iyo ammankaag dhabannada haysata. Nuuro wararka internetka wax badan kalama aysan socon. Waxay maqli jirtey uun in waraaqaha lagu dirsado. Waxay u haysatey wax aan dhaafsiisnayn boosto casri ah oo degdeg badan. Hase yeeshee, waxay liqi kari weyday in Internetka dhexdiisa la isku shukaansado, la isku jeclaado, kaddibna guur lagu heshiiyo.

 

“Hooyo, si kale oo aad ku fahmi karto haddii aan kuugu sheego, waxaan iska barannay hawada u dhaxaysa Mareykanka iyo Gaalkacyo…Weli fool-ka-fool iskuma aynaan arag.”

 

“Waa yaabka yaabkiis. Oo maandheey, qof aadan weligaa arag sidee baad u aamintay, ama ku sheekeysateen, amaba ugu heshiiseen guur? Oo illeyn Internetkan baas ee aad saacad kasta kusii socoto nin baa kaaga baaqayey.”

 

Idman intey istaagtey oo qolkeedii gashay bay soo qaadday sawirradii Shirwac si ay hooyadeed u tusto. Intey sawirradii kala bixisay bay hooyadeed ku tiri “Hooyo, waa wiilkan…Shirwac ayaa la dhahaa.”

 

Nuuro intey sawirradii indhaha marisay bay gabadheedii ku tiri “Aad is guursataan ma xumee, maxaad ku heshiiseen?.”

 

“Waxaan ku heshiinnay inuu reerkayaga iga soo doonto oo uu Gaalkacyo yimaado si aan isu mehersanno, kaddibna aan magaalada Dubai ku aqal galno, halkaasna aan iska sii joogo inta uu iiga samaynayo sharcigii aan Mareykanka ku tegi lahaa. Hadal iyo dhammaantiis, lix maalmood kaddib buu Gaalkacyo imanayaa.”

 

“Ee horta waxaan ku weydiiyey, yuu yahay ninkani, hooyo?.”

 

“Wuxuu igu yiri: ‘reer Qansax baan ahay’ laakiin…”

 

“Haddaadba ka dadhay. Oo maandheey, reer Qansaxna yey galaan, wacad-Allaanan weligeey maqal,” intey Nuuro lasoo boodday bay intaas raacisay “Naa hooy…Naa hooy…Waa gabadhaadan jinku durbaanka u tumayo…War fiican ma kuu sheegaa…Reer Qurac iyo reer Qansax anigu kala garan maayee, naa cagaha dhulka dhig baan ku iri. Ma maantaad damacday in aad noo soo qariso belaayo aan la aqoon oo nasab-dhiman ah…Reer Qansax aa…Iska daa in aan arko ee xitaa weligey sheeko kuma maqal,” bay Nuuro ka horgeysay gabadheedii oo aan hadalkaba dhammayn, waxayna intaas u raacisay “Naa haddaad calafdoon tahay, boqollaal gayaankaa ah oo misana wada ilma-adeertaa ah oo ku wada doonaya ayaa Gaalkacyo dhooban.”

 

“Hooyo, berdo anigu, reer Qansax ha ahaado ama reer Qurac ha ahaado, nasab-dhiman ha ahaado ama nasab ha ahaado, anigu isagaan jeclahay, weligeyna waan jeclaan doonaa…Aniga iyo isagana wed uun baa na kala wadi kara,” bay Idman si murugo leh ugu jawaabtey hooyadeed iyadoo ilmada indhaheeda ka da’aysey intey dhabannadeeda soo dulmaraan ku hoorayey labadeeda naas dhexdooda. Waxay u muuqatey sidii qof laga horjoogsadey jannadii oo loogu bishaareeyey iyadoo nool. Intey qawsaha ruugtay iyadoo uu hadalku si dirqi ah uga soo baxayo dhuunteeda bay intaas u raacisay “Hooyo, Shirwac wax kastoo uu ahaado waan ku jeclahay. Anigu reer Qansax iyo reer Qurac midna ma jecli ee isagaan jeclahay. Teeda kale, anigu ma ahi calafdoon ama guurdoon ee waxaan ahay mustaqbaldoon. Waxaan doonayaa qof aan isla qaybsanno nolosha shar iyo khayrba. Waxaan doonayaa nolol-wada-qaybsi ku dhisan is-aamin iyo isku-kalsooni oo keliya…oo keliya…oo keliya. Qofka keliya ee intaas oo dhan aan ka heli karo waa qofka aan is-jecel nahay, waa qof aanan ku calman shuruudo ka baxsan qofnimadiisa, qofkaasina waa Shirwac.”

 

Nuuro gabadheeda aad bay u jeclayd. Dhibcihii illinta ahaa ee indhaheeda ka da’ayey waxay ku noqdeen sidii dhimbilo dab ah oo gubayey xubin kasta oo jirkeeda ka mid ah. Dhanka kale, shakigii ay ka qabtey haybta Shirwac waxaa qafiifiyey dhiirranaanta Shirwac iyo ballanqaadkii uu gabadheeda u sameeyey ee ahaa intuu Gaalkacyo yimaado inuu reerkeeda ka doonanayo. Nin aan is hubin miyaa dhiirrranaantaas yeelan kara, bay Nuuro iskula hadashay. Intey is-hayn kari weydey bay ku calaacashay “Hooyo, waxaad jeceshahayba waan kula jeclahay waxay doonaan ka ahaadeene. Marna rabitaankaaga caqabad kuma noqon doono, hase yeeshee sida aad la socoto aabahaa waad ogtahay oo waa nin kulul oo qabyaaladdu lafaha ka gashay. Sidoo kale, odayaasha reerkeenna waa niman dhib badan. Hooyo, waxaan ka baqayaa in aan ceebowno oo guurkaagu uu halkaas ku fashilmo, waxaan ka baqayaa in ninkaasi noqdo nasab-dhiman oo aan reerka dhexdiisa ku ceebowno ee maxaa talo ah?.”

 

“Hooyo, dooqayga anigaa u madax bannaan, odayaasha reerkeenna marti uguma ahi. Teeda kale, waxaan awoodaa in aan hawshayda qabsado anigoon cidna la socodsiin. Xushmad aan idin xushmadeynayo baan Shirwac ugu qasbay in uu reerkayga iga soo doonto, meherkeenuna uu Gaalkacyo ka dhaco. Aabbo wuxuu la yimaado baan wax kula qaybsanayaa, odayaasha reerka ee aad sheegtayna shaqo kuma aan lihi…Shirwac waa aniga, aniguna waa Shirwac.”

 

“Hooyo, sidaad jeceshahay baan kula jeclahay…ee hadda xaggee hawsha ka billownaa illeyn waqti baa inna haya e?” bay Nuuro gabadheeda weydiisey iyadoo ka welwelsan mushkiladda cusub ee reerka kusoo wajahan.

 

“Maya…Hooyo…Hadda wax abaabul ah la samayn mayo…Maalintuu Shirwac yimaado ayaan qabanqaabada xafladda billaabaynaa,” bay Idman ku jawaabtey iyadoo daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa uu kusii kordhayey welwelka cusub ee ka dhashay hubaal la’aanta haybta qabiil ee gacaliyaheed Shirwac. Sidaas darteed, waxay goosatay in aan wax tallaabo ah la qaadin illaa uu Shirwac ka imaanayo Gaalkacyo. Idman waa ay u fududayd in isla habeenkaasba ay Shirwac weydiiso haybtiisa qabiil oo faahfaahsan, waxaase u muuqan kari weydey sabab ku kallifi karta in ay su’aashaas weydiiso. Hor iyo horraanba waxaa iyada ka go’nayd in ay Shirwac ku raacdo wax kastoo uu yahayba.

 

“Oo sow in aabbo loo cid diro maaha?.”

 

“Maya…Markuu Shirwac yimaado ayaa loo cid diraynaa.”

 

“Oo waa maxay…Maxaynu qarsanaynaa?.”

 

“Waxba qarsanmayno, laakiin, hooyo, ma doonayo in uu cadawgaygu iga faa’iideysto. Ma doonayo in mustaqbalkayga jidgooyo loo dhigto. Waxaan rabaa in wax kasta ay ku dhacaan si lama-filaan ah.”

 

“Waa hagaag…Hooyo…Sidaad jeceshahayba waan kula jeclahay.”

 

Con'td...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qaybtii 4aad

Taleefanka gurigiisu waa uu iska dhacayaa sidii tiiyoo cidla’ looga guurey. Dhambaalladii tirada badnaa ee ay u dirtay wax jawaab ah kama hayso. Maxaa wiilkii qabsaday, ma ku nacay, ma la isku kiin diray, ballantii miyuu kaaga baxay, ma nool yahay, ma dhintay, ma xanuunsaday, mise si kalaa wax u jiraan bay iskula hadashay. Idman seddexdii maalmood ee ugu dambeysey wax war ah kama aysan helin gacaliyaheed Shirwac. Waxay xitaa ka weydey khadkii MSN-ka ee Internetka iyo dhambaalladii qoraalka ahaa ee ay is dhaafsan jireen, taleefanna warkiisba daa.

 

Sida ay ku ballameen, laba cisho ayaa ka harsanayd maalintii uu iman lahaa magaalada Gaalkacyo. Waqtigu waa is gurayaa. Sida uu u sheegay jadwalkiisu wuxuu ahaa in uu berrito kasoo dhoofo dalka Mareykanka, maalinta xigtana uu kasoo dego garoonka diyaaradaha Gaalkacyo isagoo soo maraya magaalada Dubai. Idman waxay la noqotay sidii tiiyoo uu cirku kusoo dumay, dhulkuna la go’ay. Meel ay joogto bay kala garan weydey, ma dhulkii baa, ma cirkii baa, mise waa meel dhexe. Jiif iyo joogba waa diiddey.

 

Doqoneey dabkaa ba’, waaya’aragnimo la’aaneey ba’, hadduu i bari lahaa mid ka mid ah saaxiibadiis, haddii aan maanta garanayo qof aan xaaladdiisa ka waraysto, sow arrintaydu dhinac uma dhacdeen? Sow walaacaygu meel ma yeesheen? Sow farxad ama naxdin mid uun wehel uma ahaadeen, doqoneey dabkaa ba’, bay Idman isku canaanatay iyadoo ay taladu ku ciirsan tahay. Markey cabbaar joogtaba intey barkinta hoosteeda kala soo baxdo sawirradii Shirwac bay ku dhaygagtaa sidii tiiyoo aysan horay u arkin. Marmarka qaarkoodna, dhambaalladii ugu dambeeyey ee baafinta ahaa ee ay u dirtay bay dib u aqrineysey iyadoo niyadda iska leh ‘Armaad u qortay hadallo qaldan oo ka careysiiyey’. Ugu dambeyn, intey dhambaalkii ugu dambeeyey ee ay u dirtay lasoo baxday bay aqris ku billowday.

 

Gacaliye,

 

Gacaliye, ku aaway? Intee kugu xisaabiyaa? Ma i nacday? Mise waad ii xanaaqsan tahay? Waan yaabbanahay!!

 

Gacaliye, warkaaga waan waayey. Ma caafimaad qabtaa? Ma nooshahay?. Fadlan waan ku baryayaa ee aan war kaa helo. Gacaliye, aad ayaan u welwelsanahay. Fadlannnnnnnnnnnnn…Gacaliye, aan war kaa helo…

 

Anigu weli sidii ayaan kuu jeclahay…Jacayl aan salguureyn adduun iyo aakhiraba…Xusuustaydu waa adiga…Rajadaydu waa adiga…Weligeey kuma halmaami doono…waqti kasta iyo goob kasta…

 

Gacaladaa Idman

Gaalkacyo.

 

Markey dhammaysay aqrinta dhambaalkaas, islamarkaana ku qanacday qaabkii ay u qortay, intey sariirta cabbaar kolba dhinac isugu rogrogtey bay misana is-tustay in ay ka wardoonto golihii internetka bal inuu Shirwac wax uun jawaab ah usoo diray iyo in kale. Waxay nafteeda ku dhiirrigelisey in aysan marna calaamadaha quusta isu sawirin tan iyo inta ay kasoo taabanayso xeerada salkeeda. Intey labisatey bay albaabka guriga ka baxday. Cabbaar markey socotey bay lugaha qaadi kari weydey. Waxay dareentay tabardarro iyo madax wareer. Intey gawsaha qaniintey, labada lugoodna dhulka ku adkaysatay bay si tartiib ah u luudday.

 

Markey gaartey golihii internetka intey kursi bannaanaa cabbaar ku nasatay bay dul fariisatey mid ka mid ah kombuyuutarradii golaha yiil. Ugu horreyn, waxay gashay khadkii MSN-ka ee Internetka. Nasiibdarro, Shirwac kuma uusan jirin. Dabadeed, waxay furtay sanduuqeedii dhambaallada. Waxay indhaheedu qabteen dhambaal cusub oo isla galabta kusoo dhacay. Indhaheedii bay rumaysan kari weydey. Ma dhab baa, ma dhalanteed baa, mise iyadaa is moodsiisey. Illeyn farxadi waa naxdin. Waxaa dhambaalka soo diray gacaliyeed Shirwac. Waa dhambaal ku taariikhaysan in isla galabta lasoo diray. Intey dhambaalkii si halhaleel ah ku furtay bay aqris ku boobtay iyadoo aad mooddo in jannadii loogu bishaareeyey. Wax kastaba ha dheceene, mar haddii uu soo jawaabay waa Ilaah mahaddiis,” bay niyaddeedii kacsanayd ku qaboojisey.

 

Gacaliso,

 

Salaan dabadeed, waan caafimaad qabaa. Waan ka xumahay in aad igu jahawareertay. Waan dareemi karaa welwelka iyo walaaca ay kugu beertay war la’aantaydu. Galabta ayaan helay dhammaan dhambaalladii aad ii soo dirtay.

 

Gacaliso, seddexdii cisho ee aan kala war la’ayn waxaan ku xirnaa saldhigga booliiska ee magaaladan aan degganahay. Habeenkii isugu keen dambeysey ayaa askar booliis ahi gurigayga iga kaxaysteen. Waxay igu qaldeen nin dambiile ah oo ay ku raadjoogeen. Hase yeeshee, baaritaan dheer kaddib, waxaa u caddaatay in aanan ahayn ninka ay doonayeen. Gacaliso, muddadii aan xirnaa, xitaa waxaa la ii diiday in aan taleefan dirsado.

 

Gacaliso, waan ka xumahay dhibaatadii ku gaartey maalmihii aan xirnaa. Waan hubaa in aad dareemi karto in aniguba dhibaato taas la mid ah aan la ildarnaa.

 

Gacaliso, waxaan ku tasbiixsadaa magacaaga shanta xaraf ka kooban…Waxaad tahay iftiinkii naftayda…Aayihii noloshayda…Ilbiriqsi kasta waxaa i hor imaanaya muqaalkaaga…Codkaagu waa sahayda safarka dheer ee aan ugu jiro hanashadaada…Sideen kuu halmaamaa!!!

 

Gacaliso, waxaad tahay hoggaankii noloshayda…Farxaddii naftayda…Waxaan kuu hayaa jacayl aan

dhammaanayn…Mid aan gaagaxayn…Mid ila noolaan doona inta aan dunida joogo…Mid ila geli doona iilka…Gacaliso sideen kuu halmaamaa!!!

 

Gacaliso, caawa xilligeennii ayaan kula soo hadli doonaa, waxaanse kuugu sii bishaareynayaa in berrito aan kasoo dhoofi doono Mareykanka, Dubai ayaan habeennimadii seexan doonaa, maalinta xigtana waan kula joogaa.

 

Gacaliyahaa Shirwac

Minneapolis, USA

 

Tiro ka toban jeer bay Idman dhambaalkii aqrisay. Illeyn farxadi waa naxdin. Intey compuyuutarkii iska xirtay bay gurigoodii abbaartay. Markan socodku dhib kuma hayo. Tallaabadii ay la kufaa-kacaysey haatan waxay isu beddeshey rucle-orod. Lugihii ay qaadi kari la’ayd haatan iyagaaba tallaabada hoosta ka boobaya. Sidii baabuur xakamaha goostay bay is-qaban kari weydey. Markey gashay albaabkii gurigooda iyadoo aan meel kale ku leexan intey taleefanka ku boodday bay wacday saaxiibteed Hodon. Warkii farxadda lahaa ee kusoo kordhay bay duuduub ugu dhiibtey. Wixii caawa soo kordhana waaba loo wada joogaa, bay intaas ugu dartay. Waa innoo berrito iyo is-arag xiiso leh baa lagu ballamay.

 

Markey taleefanka dhigtay intey cashaysay bay qolkeedii gashay. Waxay ahayd goor fiid ah. walaalaheed qolka

fadhiga bay filim ku daawanayeen. Caawa waa habeenkii ugu dambeeyey oo iyada iyo Shirwac ay wada hadlaan. Waxaa xigi doona kulan fool-ka-fool ah oo ay berri dambe ku kulmi doonaan garoonka diyaarada Gaalkacyo. Qiyaastii laba ama seddex maalmood kaddibna, waxay marwo u noqon doontaa Gacaliyeed Shirwac. Ilaahow, riyadaas ii rumee, intey niyadda iska tiri bay sariirta kortay. Sawirradii Shirwac intey barkinta hoosteeda kala soo baxday bay daawasho kula dhaqaaqday…

 

Iyadoo weli dhex dabbaalanaysa bedweynta fekerka iyo isla-hadalka, marmarna ku hafanaysa mawjadaheeda waaweyn ee ka kooban farxadda iyo naxdinta, bay maqashay dhawaaqa taleefanka. Intey sariirtii si halhaleel ah uga soo boodday bay daaraddii guriga usoo baxday. Waxay eegtay saacaddeedii, mise waaba saqdii dhexe. Waxay ku boodday taleefankii.

 

“Hallow…xabiibi…iska warran? Sidee tahay?.”“Nabad…Qalbi…I am fine…I really missed you so much…Caafimaadka ka warran?.”

 

“Adiga uun baa iga maqan.”

 

“Anigu berri dambe waan kula joogaa haddii Alle idmo,” intuu yiri isagoo qoslaya qosol farxadeed buu yiri “Ma heshay dhambaalkaygii?”

 

“Haa…xabiibi…Isla galabta ayaan helay…Waan ka xumahay xarigga laguu geystay.”

 

“Micno malaha…xabiibi,” intuu yiri buu inteysan hadlin u daba dhigay “Xabiibi, waan ka xumay, kulama sii hadli karo, laba saac kaddib waxaan aadayaa garoonka diyaaradaha. Haddii ay suurtagal ii noqoto waxaan kaasoo wici doonaa garoonka diyaaradaha Dubai, otherwise waa innoo berri dambe duhurradii iyo garoonka diyaaradaha Gaalkacyo…”

 

“Haye, habiibi…Eebbe haku nabad keeno…Nabadeey…I love you.”“I love you too…bye.”

 

Cont'd

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qaybtii 5aad

Idman intey goor hore toostay bay is-diyaarin iyo is-qurxin iskula dhaqaaqday. Waa maalintii uu gacaliyaheed Shirwac iman lahaa Gaalkacyo. Kala doorashada dharkii ay xiran lahayd ayaa waqti dheer ku qaadatay, ugu dambeyntiise intey mid uun isaga nasiibsatay bay daaradda guriga usoo baxday. Waxay ahayd goor barqo ah oo ku beegan qiyaastii 9:00 aroornimo. Islamarkiiba, waxaa albaabka kasoo gashay saaxiibteed Hodon oo ay xilligaas ballansanaayeen.

 

Ugu horreyn, waxay taleefan u direen xafiiska Daalo-airline ee Gaalkacyo si ay u hubiyaan waqtiga ay diyaaraddu imanayso, waxaana loo sheegay in 12:00 duhurnimo ay soo cagadhigan doonto garoonka Gaalkacyo. Dabadeed, intey dibedda usoo baxeen bay raaceen taksi ay Hodon horay usoo kireysey oo guriga hortiisa ku sugayey.

 

Idman iyo Hodon inteysan ku leexan waddada tagta garoonka diyaaradaha, waxay sii mareen hoteel Maanyafuulka oo ay qol ugasii qabteen Shirwac. Hoteello fara badan oo ka tayo fiican hoteelkaas ayaa magaalada ku yiil. Weliba ayaamahaas hoteello qurux badan oo casri ah ayaa magaalada si xad-dhaaf ah ugu soo kordhayey. Idman inkastoo ay niyadda ka jecleyd in ay gacaliyaheed dejiso mid ka mid ah hoteelladaas casriga ah, misana waxay dhinacna u dhaafi kari weydey taladii hooyadeed Nuuro oo aaminsanayd in xulashada hoteelka uu qofku degayo ay ku xiran tahay haybtiisa qabiil ama tan qofka uu martida u yahay, iyadoo taasna sabab uga dhigaysa in xeer-hoosaadka magaalada ee aan la shaacin uu dhigayey in reer kasta ay iyagu mas’uul ka yihiin ammaankooda iyo kan martidoodaba. Sidaas darteed, reerkii aan hoteel ku lahayn magaalada waxay ka dhignaayeen reer hoogay oo ba’ay.

 

Garoonka diyaaraduhu in cabbaar ah ayuu u jirey bartamaha magaalada. Waxay mareen waddada tooska ah ee tagta garoonka. Markey dhaafeen qabuuraha Cirjiife bay kusoo bexeen niman hubeysan oo taagtaagan meel aan sidaas uga sii fogeyn. Intey qoryihii ay wateen kusoo fiiqeen bay ku amreen in ay istaagaan. Darawalkii taksiga intuu baabuurkii joojiyey buu nimankii gacanta u haadiyey. Markey hubsadeen qofka uu yahay bay ugu baaqeen dhoollacaddeyn u dhiganta ‘Waa lagu aqoonsaday ee soo dhaaf’. Darawalkii intuu baabuurkiisii mootaystay buu socodkiisii sii watay.

 

Wax yar kaddib bay yimaadeen garoonkii diyaaradaha. Waxaa fadhiyey seddex diyaaradood oo kuwa Qaadka keena ah. Waxaa kaloo fadhidey diyaarad kale oo shixnad hilib Ari ah u qaadeysey magaalada Dubai. Dad fara badan ayaa garoonka dhex hoganayey. Garoonku ma lahayn meel loogu talagalay in ay sii fariistaan rakaabka diyaaradaha raacayey, kuwa kasoo degayey, iyo asaxaabtoodaba. Fallaaraha cadceedda ayaa sidii roobkii ugu soo da’ayey. Geedaha hoostooda ayaa naf la bidayey.

 

Idman iyo Hodon markey cabbaar meelaha marmareen intey daaleen bay geed weyn hoostiisa iska fariisteen. Daqiiqado yar ayaaba ka harsanaa waqtigii ay iman lahayd diyaaraddii siddey gacaliyaheed. Wax yar markey fadhiyeenba waxay maqleen guux diyaaradeed. Dadweynihii goobta joogey ee iyaguna diyaaraddaas sugayey ayaa durba billaabay in ay u dareeraan goobtii ay diyaaraddu ku soo degi lahayn. Idman farxad iyo naxdin wada socda ayaa mar qura wada saaqay xubnaha jirkeeda. Jirkaa dubaaxiyey, markaasaa xaadduna istaagtey. Farxad darteed ilmo ayaa indhaheeda kasoo daadatay.

 

Diyaaraddii intey laba jeer garoonka ku dul wareegtey bay si tartiib ah u soo cagadhigatay. Dadkiiyoo dhan waxay is hordhoobeen diyaaradda albaabkeeda. Idman iyo Hodon waxay ka mid ahaayeen dadkaas albaabka hor dhooban. Wax yar kaddib ayaa albaabkii la furay. Rakaabkii ayaa billaabay in ay diyaaradda mid mid uga soo degtaan. Waxaa billaabatay soo dhoweyn, isku soo boodid, iyo is-dhunkasho.

 

Idman iyadoo sugi kari la’ goorta uu Shirwac dibedda usoo bixi doono bay albaabka diyaaradda heegan ku ahayd. Intii aysan rakaabku billaabin in ay dibedda usoo baxaan, waxaa iyada u qorsheysnayd in ay si caadi ah Shirwac u gacanqaaddo, dhunkashadeedana gadaal u dhigato. Hase yeeshee, markey aragtay dadkiiyoo laabta intey isku wada qaadeen is wada dhunkanaya bay iyaduna go’aansatay in ay sidaas oo kale yeesho.

 

Idman iyo hodon iyagoo weli hoos taagan albaabkii diyaaradda ayaa waxaa soo baxay duuliyihii iyo ku-xigeenkiisii, waxayna xireen albaabkii diyaaradda. Naxdin tii ugu weyneyd ayaa Idman isugu timid. Iyadoo dhan baa gariirtey. Intey cagaha ku taagnaan kari weydey bay saaxiibteed Hodon cuskatay. Waxaa ku dhashay shaki ballaaran. Daqiiqado kahor, indhaheedii farxadda la ilmaynayey ayaa markanna billaabay in ay naxdin la ooyaan.

 

Intey is-hayn kari weydey bay iyadoo aan is ogeyn duuliyihii weydiisey inuu rakaabku intaas ku egyahay iyo in kale, wuxuuna u sheegay in uu rakaabku intaas ku egyahay. Waxay misana weydiisey in uu diyaaradda la socdey qof magaciisu yahay ‘Shirwac’ oo kasoo raacay magaalada Dubai. Duuliyihii intuu isha mariyey warqado uu gacanta ku hayey buu u sheegay in qof magacaas leh uusan diyaaraddaba soo raacin. Idman dhulka iyo cirkaa la wareegay, iyadoo aan kala ogeyn meel ay joogto intey saaxiibteed cuskatay bay dhulka fariisatay. Hodon intey saaxiibteed garabka qabatay bay u dhaqaaqeen xaggaa iyo goobtii uu taksigu ku sugayey. Dabadeedna, iyagoo luudaya oo cagaha jiidaya bay taksigii galeen. Talaa ku ciirtay. Meel ay xaajada u dhaqaajiyaan bay kala garan waayeen.

 

Idman iyo Hodon iyagoo cagajiid ah oo niyadjabsan bay garoonkii kasoo dhaqaaqeen. Intii ay dhexda kusoo jireen hal mar xitaa islama aysan hadlin. Waxaa dhuntay farxaddii ay saakayto kusoo bexeen. Cabbaar kaddib bay yimaadeen gurigii Idman. Hodon intey saaxiibteed garabka qabatay bay tagsigii ka dejisey sidii qof xanuunsan oo isbitaal laga keenay. Mar uun yaa qolkaygii i geeya bay Idman ka joogtey. Iyadoo dharkeedii qabta bay sariirteedii isku tuurtay. Hooyadeed oo daaradda fadhidey ayaa qolkii kasoo daba gashay kaddib markey dareentay in xaaladda gabdhuhu aysan caadi ahayn. Balse Hodon ayaa si tartiib ah ugu sheegtay in wax dhib ah uusan jirin oo aan ka ahayn in ay Shirwac soo waayeen oo loo sheegay in uusan diyaaraddaba la socon. Saaxiibtey waa ay yara niyad xumaatay, bay intaas u raacisay.

 

“Idman, abbaayo, is deji, wax weyn ha u qaadan, qofku waa bani’aadam, wax kastaa ku dhici kara, isagana xaggiisa wax kastaa ka iman kara…Dad iyo duurba wax aadan ka filanayn baa kaaga soo baxa…Wixii soo kordha taleefanka ayaan ku wada xiriiri doonna…” bay Hodon saaxiibteed ku tiri iyadoo albaabka kasii baxaysa.

 

Idman markey saaxiibteed ka tagtay waxaa kusii kordhay welwelka iyo walbahaarkii ay kasoo qaadday garoonka diyaaradaha. Dareen hor leh oo baqdin badan ayaa ku dhashay. Erayadii ugu dambeeyey ee Hodon ee ahaa ‘Dad iyo duurba wax aadan ka filanayn ayaa kaagasoo baxa’ ayaa uurkutaallo cusub ku beeray. Waxay ku noqdeen sidii dhimbil dab ah oo gacanta loo geliyey. ‘Ma hubtaa in uu ku jecel yahay…Waxaan ka baqayaa inuu meel cidla’ ah kaaga dhaqaaqo oo hadhowna aan weyno meel aan u raadinno…Naa wax iskula har, waxaanse ka baqayaa in mar kale jacayl aan jirin laguugu luggooyo oo aad dabin kale lugaha la gasho’ erayadaas iyo kuwo kaloo u dhigma oo ay horay ugu yiraahdeen saaxiibteed iyo hooyadeed ayaa xusuusteeda dib ugu soo maaxday.

 

Oo haddiise uu baaqday muxuu iigu soo sheegi waayey? Xitaa haddii uu ballantii ka baxay muxuu iiga qariyey?. Abbaayo raalli ahaw oo keliya ayaa igu filnaan lahayd inkastoo dhaawaca i gaari lahaa aanan marna ka bogsoodeen, malaha waa uu i sirayey ee jacaylku dhab kama ahayn, bay iskula hadashay. Tolow taleefan ma u dirtaa, bay niyadda iska tiri, haddana waxay isku canaanatay in aysan guuxeeda ka dheereyn oo illaa iyo caawa ay bal isaga ka war sugto. Fiicnaan lahaydaa in aadamigu ay is-uurdaalacan karaan, ma qof baa qof kale siri lahaa oo been ku maaweelin lahaa, bay nafteeda ku samirsiisay. Wadnahoo la kala waaxo, wixii ku jirana la wadaago, Alla wanaagsanaan lahaydaa…

 

Iyadoo weli nafteeda la doodeysa bay maqashay dhawaaqa taleefanka. Wuxuu ahaa taleefan dibadeed. Intey sariirtii ka boodday bay u orodday daaradda guriga oo uu taleefanku yiil.

 

 

Cont'd

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

“Halow,”bay ku tiri intey taleefankii dhegta saartay.

 

“Abbaayo, adiga Idman miyaa?” buu ku yiri qofkii taleefanka soo diray.

 

“Haa, waa Idman ee adiga kee ahayd,” bay ugu jawaabtey. Wuxuu ula muuqdey qof aysan is aqoon ama qof is qarinaya oo codka bedeshey. Codka ay maqashay iska daa kii gacaliyaheed Shirwac ee xitaa ma ahayn qof kaloo ay codkiisa garanaysey. Malaha waa kuwii shukaansi-doonka ahaa oo is qarin jirey ama waa kuwii intey marqaanka iga dhex arkaan taleefannada igu soo waali jirey bay hoosta iska tiri.

 

“Abbaayo, ma hubtaa in aad Idman tahay?” intuu qofkii kusoo celiyey buu u raaciyey “I’m…Aniga magacayga waxaa la i dhahaa…sorry yaah for my broken Somali…yaah…Andrew Warsame…Waxaan kaasoo wacayaa Mareykanka. Waxaan ahay Shirwac saaxiibkii…Adiga horta Shirwac ma taqaantaa? farriin degdeg ah ayaan kaaga hayaa…Please are you sure you are Idman?”

 

“Haa…Abboowe…Waa Idman…Shirwac is my love…Waa gacaliyahayga…,” bay mar kale ugu celisey iyadoo la yaabban farriintaasi waxa ay noqon doonto, waxaase u caddaatay in farriinta soo socota ay ka timid Shirwac. Tolow Shirwac mar kale ayaa la xiray oo sidaas buu ku baaqday miyuu soo wadaa, mise Shirwac ballantii wuu kaaga baxay ee gabaryahay tasho buu ku dhihi doonaa, bay hoosta iska tiri. Haddii wiilka la xiray waaba wax la garan karo, balse haddii uu ballantii iiga baxay muxuu la baqayaa, muuse isagu afkiisa iga dhaho, bay iskula doodday.

 

“Sister…I am so sorry, Shirwac could not make it…I mean…Shirwac ma u noqon suurtagal inuu soo dhoofo…” buu ninkii yiri.

 

“Oo Mareykankaba kama soo dhoofin miyaa?” bay ninkii ka horgeysey isagoo aan hadalkiiba dhammayn.

 

“Maya…Abbaayo…Ani waxaan ka mid ahaa saaxiibadii garoonka diyaaradaha u sagootiyey…Nasiibdarro, shil baabuur ayaa dhacay…Ani iyo wiil kale dhaawac fudud ayaa nasoo gaarey, isagana dhaawac culus ayaa madaxa ka gaarey” buu ku yiri isagoo hadalka shigshigaya.

 

“Dhaawac aa…Shil baabuur aa…,” intey tiri bay iyadoo ooyeysa u raacisay “Hadda, sidee buu yahay? Ma la hadli karaa? Fadlan waan ku baryayaa ee ila hadalsii…Fadlan waan ku baryayaa ee aan hal mar codkiisa maqlo.”

 

“Abbaayo, farriinta aan kaaga hayo aan kuu sheego. Waa ballan aan isaga kasoo qaaday. Wuxuu iga codsaday inaan kuu sheego ‘inuu ku jecel yahay, weligiisna ku jeclaan doono’. Erayadii ugu dambeeyey ee uu ku dhawaaqo waxay ahaayeen ‘Idman, I love you…Waan ku jeclahay’,” intuu ninkii intaas ku yiri buu haddana u raaciyey “Abbaayo, ma kula hadalsiin karo. Ani xitaa lama hadli karo, sababtoo ah…”

 

“Fadlan waan ku baryayaa ee ila hadalsii…Hal mar aan codkiisa maqlo” bay mar kale ninkii hadalka kaga dhexgashay iyadoo ooyeysa oo aad mooddo in aysan dhegaheeduba maqlayn warka uu ninku u sheegayey.

 

“Abbaayo. I am so sorry. Waan ka xumay, ma kula hadalsiin karo. Allaha u naxariisto. Saacad kahor buu geeriyooday…” buu si murugo leh ugu yiri.

 

Idman markey dhegaheedu ku dheceen eraygii ahaa ‘Wuu geeriyooday’ bay af labadii dhawaaqday. Intey taleefankii iska tuurtay bay dhulka isku dhufatay. Intey maryaha tuurtay bay billowday in ay timaha iska rifto. Hooyadeed iyo walaalaheed ayaa durba qolkeedii kusoo orday. ‘Alla hoogey oo ba’ayeey’ waxaan ahayn ayaa afkeeda laga waayey. Waxay la collowday noloshii adduunka. Waxay niyadda ka jecleysatay in ay iska dhimato. Waxaa ka dhumay hankii iyo qabkii gabarnimo ee ay gabdhaha kale kaga soocnayd.

 

Hooyadeed iyo walaalaheed markey ku noogeen celcelinteeda bay taleefan u direen saaxiibteed Hodon. Deriskii xaafadda oo dhan ayaa baroorteeda ku soo baxay, daaraddii guriga bay durba soo buuxiyeen iyagoo la yaaban belaayada kusoo boodday Idman oo ay ku yiqiineen degganaan iyo dhib yaraan. Malaha Jin baa asiibay, bay qaarkood hoosta ka lahaayeen, halka qaar kalena ay la ahayd in laga raacay oo ay isha geliyeen nimanka tirada badan ee had iyo goor ku gaafwareegi jirey.

 

Wax yar kaddib Hodon oo uu la socdo walaalkeed oo takhtar ah ayaa gurigii soo galay. Hodon intey saaxiibteed garabka qabatay oo maryaheedii ku celisay bay sariirteedii ku seexisay. Dabadeed, takhtarkii ayaa ku muday cirbad hurdo degdeg ah u keeneysa. Hodon intey saaxiibteed dhinac seexatay bay weydiisey sida ay wax u dheceen, kaddibna waxay warkii si tartiib ah ugu gudbisey hooyadeed. Markey xaaladdu degtey bay deriskii xaafaddu guryahoodii isaga laabteen iyagoo weli yaabban. Xaaladda cusub ee kusoo korortay Idman waxaa la socdey Hodon iyo hooyadeed oo keliya, waxayna labadooduba ku heshiiyeen in aysan cid kale u sheegin.

 

Qaybtii 6aad

 

Muddo laba bilood ah bay ku jirtey xaalad u dhaxaysa nolol iyo dhimasho. Caafimaadkeedii ayaa xumaaday. Waxaa la huwiyey bustaha dhaxanta laga galo. Aabaheed iyo walaasheed oo Dubai iyo Nayroobi kala joogey xitaa waa loo yeeray si ay gunaanadkeeda goobjoog uga noqdaan. Saaxiibteed Hodon iyo hooyadeed ayaa daqiiqad kasta dultaagnaa. Maalin kasta waxaa la geynayey takhtar cusub oo daawooyin hor leh usoo qorayey. Nasiibdarro, dawooyinkii sida cuntada loogu dirqinayey waxba kama aysan beddelin xaaladdeeda caafimaad.

 

Waxay ka go’day cuntadii. Muuqaalkeedii quruxda badnaa wuxuu u ekaaday sidii geed dherey oo ay caleemuhu ka daateen. Midabkeedii ayaa doorsoomay. Waxay u ekaatay sidii qof uu xagaagii Boosaaso dillooday, wax uga miciinana weydey. Qofkii laba bilood kahor aqoon jirey wuxuu haatan ka shakinayaa in ay iyadii tahay iyo in kale.

 

Waxay ka samirtay noloshii, waxayna niyadda ka jecleysatay in ay iska dhimato. Daqiiqad kasta waxaa hor imaanayey gacaliyaheed Shirwac oo ku leh ‘Adigaan ifka kuugu jeclahay’. Inkastoo sawirradiisii iyo dhambaalladii ay is dhaafsan jireen ay Hooyadeed iyo Hodon ka jeexjeexeen, misana waxaa keydka xusuus-dhawrka maskaxdeeda ku duubnaa eray kasta oo ay is yiraahdeen, waxaa ku keydsanaa sawirradiisii, iyo dhambaalladii qoraalka ahaa ee ay is dhaafsan jireen. Isagoo qoslaya oo ku leh ‘Idman, waan ku jeclahay’ ayuu mar kasta horteeda kasoo muuqanayey.

 

Idman hooyadeed iyo saaxiibteed Hodonba waxay Idman ku tijaabiyeen waddo kasta oo ay ku samirsiin karayeen. Kor iyo hoos bay wax ugu sheegeen. Waxay xusuusiyeen in nolosha adduunyadu tahay mid kooban, qof kastana uu dhimanayo. Waxay uga sheekeeyeen sheekooyin la mid ah tan iyada ku dhacday. Waxay kula taliyeen in ay iska illowdo wixii dhacay, nolol cusubna billowdo. Nasiibdarro, wax guul ah kama aysan gaarin. Idman weli sideedii bay u tahay maqane-jooge, weli sideedii bay iskula hadleysaa, weli sideedii bay hurdada uga caagan tahay, weli sideedii bay cuntadu ugu dhadhami la’dahay, weli sideedii bay hadalka uga maagan tahay, weli sideedii bay sariirta ugu urursan tahay.

 

Idman cudurka hayey ma ahayn mid muuqda, wuxuuse ahaa mid ka xanuun badan cudurrada muuqda. Waxay ka jirranayd niyadda. Muraayaddii qalbiga ayaa jabtay, firirkeedii ayaa ku faafayey xubnaha jirkeeda iyagoo sii dhex marayey halbowleyaasha iyo xididdada yar yar ee dhiigga qaada. Nabar aan dawoobeyn ayaa wadnaha kaga yiil. Dhaawac aan la dhayi karin ayaa gaarey. Waxaa dhumay hankii iyo qabkeedii qofnimo. Waxay aamintay in daaqadihii mustaqbalkeedu ay soo xirmeen. Waxay rumaysatay in ay nasiibdaran tahay. Waxay iska dhaadhicisay in aysan weligeed heli doonin qof Shirwac oo kale ah, ama qof Shirwac booskiisii u buuxin kara. Waxay isku qancisay in fursad kale aysan u harin. Waxay is-moodsiisey in aysan mar kale wax jeclaan karin.

 

Hooyadeed iyo saaxiibteed Hodon, markey talo iyo waano kala quusteen Idman, waxay is-tuseen bal in ay dhinaca diinta markan xal ka raadiyaan. Waxay u tageen mid ka mid ah culimada ugu caansan Gaalkacyo, waxayna si faahfaahsan ugaga warrameen saldhigga cudurka Idman asiibay iyo xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay. Dabadeed, wuxuu wadaadkii u sheegay inuu Qur’aan ku aqrin doono islamarkaana uu u jeedin doono waanooyin kala duwan isagoo isticmaalaya Qur’aanka.

 

Muddo laba toddobaad ah ayaa Idman Qur’aan lagu aqrinayey. Waxaa intaas u dheeraa, waanooyin diini ah oo Qur’aanka barbar socdey, kuwaasoo mararka qaarkood Idman kaga ilmaysiinayey. Ugu dambeyn, Idman waxaa ku beermay baqdin iyo cabsi Eebbe, waxayna go’aansatay intey samir Eebbe kaashato in ay is illowsiiso dhibkii ku dhacay.

 

Muddo gaaban kaddib, Idman waxay billowday nolosheedii caadiga ahayd. Inkastoo xusuusteeda aysan marna ka saari karin Shirwac, misana mar kastoo ay soo xusuusataba waxay hoosta ka aqrisan jirtey aayado qur’aan ah oo uu wadaadkii xafidsiiyey. Muuqaalkeedu si tartiib tartiib ah buu usoo laabanayey. Farxaddeedii dhuntay bay baadigoob u gashay. Waxay billowday in ay magaalada u baxdo oo ay asaxaabteedii soo booqato.

 

Si kastabase arrintu ha ahaatee, Idman waxaa gaarey jug weyn. Waxaa ku dhacay dhaawac aan bogsooneyn. Waxaa wadnaha kaga yiil nabar aan marna dawoobeyn.

 

Dhammaad

 

Cabdulqaadir Maxamed Wacays: Waa qoraa/suxufi madax bannaan. Wuxuu horay u qoray buugaag sheekooyin ah, iyo maqaallo kala duwan. Wuxuu xubin ka yahay naadiga SOMALI PEN ee hal-abuurka iyo qorayaasha af-Soomaaliga ku hadla ee naadi-weynaha PEN INTERNATIONAL.

 

 

WQ: Cabdulqaadir M. Wacays

Email: cmwacays@yahoo.com

--------------

 

This is by far the best Somali story I've read in awhile. Sad ending iga dheh...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this