Sign in to follow this  
NASSIR

Allaha u naxariisto Abw. Maxamed Yuusuf Af-Dukaanle

Recommended Posts

NASSIR   

Great national poet. Alle ha naxariisto. Amiin.

 

Some of his verses & wisdom.

 

"Muddo toban sanaan qiiro iyo orod u taagnaaye

Tiraab kaas kabadan xaajadaan toosiyaay idhiye

Meel ima tagin oo dadkaan lahadlyaa tuurye

Maantana tilmaan baan hayaa taabsin qaaliya e

Taariikhdu waa mahadhiyo tiimbar aan go'ine

Ninba tacabaduu soo qabtaa teebku qorayaaye

Todobaatan Oday bay sugtaa kaydna way tahaye

Aduunaydu tareen weeye iyo taayir galabeed e

Waxaa loo tartamayaana waa yaan lagaa tagine

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

"Tolow waxaan codsaday ciiradiyo tira waxaan muuqan

Tirtirsiga abaaloobay iyo taaha iga daaya

Kala tabashadeena in yar u turxaan saara

Nin walbaw wixii aad taqaan bixi tilmaanteeda

Wixii takhasuskaga talo kasoo jeedi

Wixii kaa tan waynaada iyo moshinka hatiigsan

U tanaasul kii kaaga togan hawsha tamarteed leh...

 

 

Katashada ilaad muuqatiyo saaka waxa taagan

La tartama asaagiina iyo goboladaa teedsan

Tilmaansada nidaamyada badalan toosa kala guurka

Afartaa tixdaan oran jiriyo tababarkaygii dheh.

Afar kale tusaaliyo waxqabad taan lahaan jiray dheh

Dadkanaan tilmaan siinayaa yool latiigasado e

Isku timi hakala maaginina dhaabe adag taaga

Hala istiilo hawala aduun waa taf dheeryahaye

Wafdi timi wasiirada Puntland maamulka u taagan

Tayayn iyo midayn bay rabaan taxadar miisaana

 

Tayayn iyo midayn bay rabaan taxadar miisaana

Waa tabar inoo muuqatee yaan lakala tuurin

Tabtaa Jananku hawsha u wado wadar ku taageera

Waa liidar toos noo wadee taaba midhihiisa

Waa taawil noosoo maartee aan tahniyadeyno

Tiriigaa iftiimaayaa iyo taarikada raaca

Adna mudane taageero Qaran taawirka u qaado

Yay tiicin wuxu masiir loo tartamayaaye

Aqoonyahan tartiibteedle iyo kii tamina raadi

Haka tagin abwaan iyo waxgarad kii wax tara qaado

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Nassir, fadlan avatar'ka ii daa anigaa kaaga horeeeyee. Sidii Sh. Atam hadii mintid aad wada noqotaan aniga ima quseeyso, laakin magaca lagaaga horeeyey ha ku mintidin. kkkkkkk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

halkana ma avatar la isku haysta lool Sol in ay badasho pagekooda dhib iyo qaxar bay keentay anba mar dhoweed baa niqaabi avatar iska badalay blessed ba igu qabsatay hahaha.(joking w/ blessed)..

 

Nassir likewise walaal...

 

salaam

 

 

---------------------------------------------------------------

Dalkii u kac baan lahaa

Laascaanood dag baan lahaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this