Sign in to follow this  
nuune

Micnaha GUUR meesha uu ka yimid

Recommended Posts

nuune   

Guur

 

Ma garanayo sida afka soomaaliga kusoo galay ereygani guur, laakiin waxaan marqaati ka ahay inuu yahay erey hodan ka ah murti , xaambaarsana sifo kasta oo wanaagsan oo ka turjumeysa waxa loola jeedo, aan kala qaadno, ugu horeyn ka fikir in ereyga Guur aad ku aragtey isagoo darbi ku qoran, maxaa niyadaada kusoo dhacaya?, waxaa kugu soo dhacaya micnaha koowaad ee ereyga uu leeyahay ee ah in meel laga guuro meel kalana loo guuro,

 

maadaamaa aan reer guuraa nahay, sidaasi darteed marka ereyga loola jeedo labbo qof oo is aroostey micnaha dhabta ah wuxuu noqonayaa in noloshii hore laga guurey oo nolol cusub la galay. bal eeg baaxada micnaha uu ereygu xambaarsanyahay marka sidaasi loo fasiro.

 

 

Marka xiga kala qaad ereyga, shibbanaha iyo shaqalka ugu horeeya kasoo qaad oo ah (Gu’), micnuhu waa xili roobaad la fisho barwaaqo iyo baraaro, guurkuna waa sidaasi oo kale, marka xiga soo qaado labbada shaqal iyo shibanaha ugu dambeeya (UUR), waa natiijada ka dhalata guurka oo ah in ilmuhu calool galaan oo ubad la helo.

 

 

Waxaan filayaa in aysan cidna dood ka qabin micnaha dhabta ee uu guurku leeyahay marka laga hadlayo dhadhanka nolosha dhabta ah, laakiin dad badani aysan fahamsanayn muhiimadiisa iyo sidii loo xajin lahaa xariirkaasi, taasi darteed ayay qoysas badan maanta u burburaan in ka baddan xili kasta oo lasoo noolaa.

 

 

Anqaastii Abdinaasir Saxansaxo

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

anu maan qorin, nuxur baan u yeeli lahaa, ee waa anqaastii Abdinaasir Saxansaxo waa ree sud africa :D

 

Laakin waxba aka jira ee qumaati bal dhuux

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Maxaanu sameenaa dee hadaba :D , adigii wadankii joogeyna wakaa waxba waa lagaa la'yahay

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D:D

 

Jacburis intuu ku dhamaaday.

 

Haye, Nuunka, noo sii wad hee micneyska ereyada guurka ku saabsan. Ka waran micnaha labada erey la isku geeye meeshee kasoo jeedaan. Haa, aqalgal ka hadlooyaa nooh.

 

Maxaa, laba isguursato bas maa 'aqalgasho.' :D Dadka kale intee galaan? Hoy? Guri? Mundul? Cariish? Sar? :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ :D lool@Maxaa, laba isguursato bas maa 'aqalgasho

 

Cariish iyo Mundul lee iga dheh, khaasatan Mundulka is romantic than normal houses as it is cold in the night :D

 

 

waa runtaa, waa in ayagana magac loo raadshaa,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

:Maxaa, laba isguursato bas maa 'aqalgasho.'
:D
Dadka kale intee galaan? Hoy? Guri? Mundul? Cariish? Sar?
:D:D

Anaa kuu sheegaayo:

Minyaro iyo Mataankeed waxeey galaan Mudul

Carmal iyo Caruurteedana waxeey galaan Cariish

Baagomuudo beeso la'aan heesona waxeey galaan Baraako

Odeyaasha gurguurtana waxeey galaan Guri,,,, :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aqal gal waxa looga jeedaa arimihii is taataabashada ayaa aqal lala gelayaa ,,,, markii hore banaanka ayaa la isku shukaansan jiray, geedaha dhexdooda, adhiga marka la raacyo iyo habeenkii oo meelahaa la is taago ,,,,

 

hadda arooska markuu yimid ,, aqal baaba la isla galay weeyaan ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Waxaas baad leedahay waa sharraxaad imika, war na dhaaf niyahow, meelahas baa la isla istaagi kuye :D maxaa loo istaagi hadiiba la fadhiisan karo,,, :D

 

 

Igaarkaan Kanada ila joogana shimuu soo dhacay. Tuujka mataankiis miyaana?

Caadi ma ahan Showqi, waa Tuujiska shoodhihiisa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Baagomuudo beeso la'aan heesona waxeey galaan Baraako

loooool Classic!! anoo baagamuundo tacbaan eh, waa tuu nuune edmonton iigu imaaday oo aan siiye baasto iyo miyonees lool

 

MMA iyo nuune, showqi script idinka idinka socdo waaye qasab! ninkaan magaciisa maba dhihi kari aniga laakiin caadi ma aha..ciyaalka xaafada ninka hada noovaha u wato waaye...

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^ :D

 

Nuune, what if you use it in the following context : " Casharka maanta aan kaa guursado ama ii guuri casharka " . Seebeey asal ahaan Gu' iyo uur uga fircanta?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Casharka maanta aan kaa guursado ama ii guuri casharka

:D Buuxdo, gu' iyo uur halkaa iska dhig, but casharka ii guuri, micnaheedu soo ma ahan aan buugaaga ka(from) qorto oon keyga ku(to) qorto, yacni marxalad ka guur oo tu kale u guur, yacni shey meel laga rarey oo meel kale loo rarey, in the case of Guur, waa laba qof oo is guursatey oo marxalad cusub u guurey ama galey.

 

 

Shey baad ka hadashey, ibnu aadam marka laga hadlayana waa gooni oo micna kale weeye, laakin the original meaning oo ah from & to is maintained in all cases,

 

hana hilmaamin Af Soomaalku waa luqad shiddo socota ah, sidii seedahana iyo margiyada u kala siibanto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this