Sign in to follow this  
nuune

Camel names in Af Somali

Recommended Posts

nuune   

Maxaad ka taqaanaa boqolaalka magac ee Soomaalida u taqaano geela, ama hadaad u maleesay inuu listiga khalad ku jiro, fadlan sax!

 

 

abeer= hasha geela aan wali dhalin

awr= waa geela la rarto, awrta yaa la jooga maanta

baarfuran= hasha geela ee aan waligeed la rarin

daandheer = waa geela ugu xoog badan ee awrta ku jiro

dhaan= waa geela biyaha qaado inta badan

luqmalliigle= geela yarka ah ee dhallinyarada ah

nirig= waa geelka ugu yar ee naagta ah

garruud= geelka duqoobey

rati = geela labka ah

qurbac= geela ugu yar ee ninka ah

ramag = waa hasha geela ee markaas dhashey

tulud= waa qofka geeloo dhan hal xabbo kaliya ka leh, tulud buu leeyahay qofkaasi, micnaha hal xabbo bas

qoorqab = waa geelka aan wali xiniinyaha laga bixin

hal= waa hasha geela ee naagta ah

guubis= waa geela ninka ah ee loogu hor dhaley isaga

farruud= waa geela qaan gaarey ee da'da dhexe maraya

cashatab= waa hasha geela ee dhalmo diidey caano ka maalidna joojisey

baatir= waa hasha geela ee dhalinyarada ah ee aan waligeed waxba dhalin

qawaar= hasha geela ee duqda ah

gool= waa geela buuran ee jirkiisu idilyahay, hashan waa gool

baarqab= waa geela ninka ah ee doobka ah qooqan ee guuxa iyo gurxanka badan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

War nuunnoow raga geela dhaqda ha ka hadleene maad iska dhaaftid,lol smile.gif

 

tulud= waa qofka geeloo dhan hal xabbo kaliya ka leh, tulud buu leeyahay qofkaasi, micnaha hal xabbo bas

Tulud= Hal, side tulud qaalina, tulud baa naga luntay?

 

Qaalin = Hal aan weli curan ama rati yar

 

nirig= waa geelka ugu yar ee naagta ah

Ni'rig, waa dhawaaq kale, waa geela ninka ah ee yar, sida nirig.

 

Koran = waa Awrka xiniiyaha laga saaray, loona isticmaalo in la rarto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Dabshid, lol, maadaama aad geel dhaqata tahay, waxaan kaa sugayey listi aad u dheer, balse waxa ii cadaatey inaad lo'leey tahay, ilaa aan arko listi 20 magac kor u dhaafayo, agteyda lo'leey baad ka tahay smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ MMA, dhankiis widaaw, maba akrin topikaas oo waliba sectionkan ah, dadka qaarkood ayey fudeed uga dhigee in magacyadaas loo badalay ingiriis, asante sana rafiki yangu smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Wad adeer hadaad heeso wax intaas dheer, aad baan u jeclahay alaabahan smile.gif

 

 

Waan kuu jeedaa inaad tahay Geeljire

Share this post


Link to post
Share on other sites
guureeye   

abdiladiifoow - hadii aan isku dayo waa sidaan:-

 

IRMAAN= waa hasha dhashay oo la maaalo ama ,dhirigtu nuugto.

HORWAYN=waa hasha gursan ee aan la maalin.

DHAQAYO=waa hasha caanaha yar leh ee sii guri rabta.

ERI-dhaban=waa geela oo la arooriyo iyadoo aan ubadkiisii la socon.

MAR_CURAD=haa hasha hal mar dhasay

CADAYSIN=waa ratiga aaan heeryadu saarnayn.

'''''''''''''''''

intaas baan kusoo gabagabanayaa sxb.

thanks

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sxb Nuune sheekadaan waa sheeko weyn wax ka bixi kara o kaliya ninkii ka soo jeeda ama ku soo dhaqmay galbeedka. Galbeedka markaan kuleeyahay waa marka laga soo bilaabo Dirirdhabe, Jigjiga ilaa Hawdka deedna hoos usoo deg illaa Feerfeer, Doolow ilaa iyo Nageele wixii intaas ahayn oo kale waa iska 'ciyaalka xaafadda' ama waa iska iskaashato (beerelay/kallumeysa to) ama lo'leey ama kuwo idaha maala (dhaqda).

 

Aniguse unfortunately waxaan hoos imanaya category-ga 'ciyaalka xaafada' sheekada waxaan ku kordhin karo aba iska yar balse waxaan kaa saxayaa luuqad ahaan khalad yar oo malaha iska technical ah waxaad tiri:

nirig=
waa geelka ugu yar ee
naagta
ah

Loool @ geelka!! teeda kale geelka naagta ah maxaa waaye? miyaanan la dhihin geela midiisa dhediga ah! icon_razz.gif waxaan so xasuustay waa anno yar hooyaday ku iri: "hooyo, waxaa halkaa marayey laxyuuyin, annoo markaa ula jeeday ido"

 

 

qurbac=
geela ugu yar ee ninka ah

you see hadda geelka maadan dhihin hadda, balse waxaa saxsan sidan: geela ugu yar ee labka ah ;)

 

Af-somaliga aad ku qortay & topican laga hadlayo is-maba soo geli karaan marbaan is iri armuu Nuune buug inooga soo guurinayaa! :D

cashatab=
waa hasha geela ee dhalmo diidey caano ka maalidna joojisey

sxb ii jilci halkan, haddiiba hashu marnaba aysan wax dhalin koleey sidan annigu u fahmay hashu waa mid ma-dhaleys ah markaa sidee baa caano looga maali karaa illeen maba dhasho'e! am bit confused here Nuunow!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ :D:D Cayaalka xaafadaa la iska yahay abaa, mararka qaarkood yaa kuu xasuusanaayo lab iyo dhaddig, nin iyo naag aa ka fudud :D

 

 

Tan danbe cashatab ee dhalma diidey, horey ayey u dhali jirtey sxb, kadibna waa laga quustey, jumladaa si u yara cakiran malaha, dhalma diidmada iyo caana joojiska isku waqti ayey dhaceen weeyaan micnaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this