Sign in to follow this  
Ismahaan

Maxaa kugu yaab badnaa intaa qof u turjumaysey??

Recommended Posts

Ismahaan   

Maxaa kugu yaab badnaa intaa qof u turjumaysey??

 

Aniga iska bilaabaya, waxaan iyaan u turjumayey hooyo somali eh oo weeyn da,deeda ilaa 50 tahay. Luqada aan ugu turjumayey waxaay aheeyd swedish. marka dr kii waxuu dhahay maxaan kaa cawiyaa manta. Waxaay dhahday mandheey wayahaan ba waan jirinaa waliba jiradaan waa mid wax badan i haaysey ilaa hadana aan wax laga qaban. Ani intii baan dr kii af swedish ugu sheegay.

 

Then dr kii waxuu dhahay maxaa ku haya waaydii, see laguu hayaa?, intee lagaa hayaa? Markaan waaydiiyey waxaay igu jawaabtey hooyadaan somalida eh "hooyo waran baa halkaa dhabarkaa iga tagan". Aniga marka waxaan u qatey in waran dhabarka kaga jiro intaan naxay baan ku iri dr kii waran baa dhabarka kaga jira. :confused:

 

Ka bacdina dr kii baa intuu isku naxay wuxuu dhahay bal dharka iska bixi i tus meesha uu waranku kaga jiro isagooba argagaxsan :eek: . Hooyada somalida sidii baan ugu sheegay ka bacdina markuu egay waxba wuu ka waayey. markaas buu yiri" ma u jeedo waran dhabarka kaga tagan, teeda kale qof waran ku tagan yahay maba noolaadeen ilaa hada. Nabar xataa uma jeedo ee ma dagaladii somalia buu kugu dhacay" buu yiri dr kii isagoo hadalkiisa sii wato?? Anina intii lee sheegayu islaantii. :rolleyes:

Intaay xanaaqdey islaantii oo indho kulkulul igu soo eegtey beey tiri "heedhe edo ma caaq baa tahay"? xanuun baa i hayee baan ku iri ma waran baa igu jira baan ku iri"?. "Caku ciyaalkaan qurbaha ku soo koray naa iga tag wax ma taqaanide" :mad: Ani yaab waba yabey islaantaan maxaay rabtaa is dhahay waxaay kuu sheegtay lee sheegtaye. :D Markaan u sheegay reerkeena and friends kayga waba igu wada qosleeyn adi turjumaan somali nimo ka quuso i dhaheen. :confused:

 

Marka adi hadii saas qof aa u turjumaysi ku dhaho see u fahmi laheeyd??? maxaay aheeyd qisada ugu yaabka badan oo kaa soo marta turjumaan nimo??

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D

 

 

waxaan xasuustaa tii dhakhtarka u tagtay ee ku tidhi "Doctor, this is my hand" ,,, markaasuu yiidhi "Yes i can see that" ,, markaasay ku celisay "this is my hand",,,, markuu fahmi waayay buu yidhi "So this is my leg" :D

 

waxay u jeeday gacantaa i xanuunaysa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

waxaan xasuustaa tii dhakhtarka u tagtay ee ku tidhi "Doctor, this is my hand" ,,, markaasuu yiidhi "Yes i can see that" ,, markaasay ku celisay "this is my hand",,,, markuu fahmi waayay buu yidhi "So this is my leg"

 

waxay u jeeday gacantaa i xanuunaysa :D

 

kkkkkkkkkkk this is my hand that is funny walahi

oo maxuu sameeyay this is my leg markuu dhahay i wonder smile.gif maybe i should rest my case :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...Ismahaan and JB...tanna bal ku dara ruux qaxootinnimo dalbanaya oo dhahay inta su'aal ma qabtaa la yiri "Ayaantaan sharci lama dhiibo oo waan ogahay ee kolleey halla iila soo dhakhsado jawaabta un"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^ma fahmin.

 

L0L@Ismahan's waran.

 

Islaan baa waxay tiri: casarkii markii la gaaro baa madaxa durbaan laygaga qaraacaa GAW GAW GAW, oo labada indhood falaar laygaga taagaa JUB, markaasaa dhagaha qiiqu iga yiraan TUL TUL TUL, oo jir-koo dhan baa laygaga dhex socdaa FUUF.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Immigration Officer: Full name please

Interpreter : Magacaa?

Sujui Man: Abdi Farah

Immigration Officer: Where did he travel from?

Interpreter: Xagee baad ka..

Sujui Man: Ma-ga-ra-na-yo af soomaali

Interpreter: From Somalia

Immigration Officer: How did he get here?

Interpreter: Suurad Faataxa akhri

Sujui Man: Alxamdu lillaahi rabii.....wala daalin aamin.

Interpreter: He praised God for making it here. He says he travelled from...

Immigration officer: What about his family?

Interpreter: Suurad kale akhi..

Sujui Man: Qul accuudu bi rabbi nnaas...

Interpreter: He says he lost contact with them when they got displaced ...

 

Inuu Quraanku mucjiso yahay cid diidaysaa jirin. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

L0L@Ismahan's waran.

 

Islaan baa waxay tiri: casarkii markii la gaaro baa madaxa durbaan laygaga qaraacaa GAW GAW GAW, oo labada indhood falaar laygaga taagaa JUB, markaasaa dhagaha qiiqu iga yiraan TUL TUL TUL, oo jir-koo dhan baa laygaga dhex socdaa FUUF.

Neph kkkkkkkk ku soo dhawoow maha:)

kkkkkkkk Gaw gaw gaw and falaar baan ku qoslayaa walahi i need to ask some one what fallar means sounds........ funny:cool:

 

Mid khatar idiin hayaa laakiin i will back to ya tonight folks insha allah

have to collect my lab results

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AYOUB:

Immigration Officer: Full name please

Interpreter : Magacaa?

Sujui Man: Abdi Farah

Immigration Officer: Where did he travel from?

Interpreter: Xagee baad ka..

Sujui Man: Ma-ga-ra-na-yo af soomaali

Interpreter: From Somalia

Immigration Officer: How did he get here?

Interpreter: Suurad Faataxa akhri

Sujui Man: Alxamdu lillaahi rabii.....wala daalin aamin.

Interpreter: He praised God for making it here. He says he travelled from...

Immigration officer: What about his family?

Interpreter: Suurad kale akhi..

Sujui Man: Qul accuudu bi rabbi nnaas...

Interpreter: He says he lost contact with them when they got displaced ...

 

Inuu Quraanku mucjiso yahay cid diidaysaa jirin.
:D

I know where this story happened ,,,, and i know someone who was involved in it :D

 

 

It is a true story but lil bit different from this you posted ,,,,,

 

 

very funny indeed ,,,,,,,, quraan baaba la isu akhriyay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
hodman   

lool the Quran one is so so funny....thanx

A sijui doctor friend of mine ayaa ka caban jiray Somali patients. Wuxuu yidhi markay ii yimaadaan oon dhaho xagee lagaa hayaa waxay ku jawaabaan "Maandhow waa la'i dhameeyay". Go figure!

Waxaa aniga iigu yaab badnaa markay igu dhahday maamo Somaali ah "waxaa i haysa doog!" Maalintii oo dhan ayaan fahmi waayay waxay ka wado. Jb malaha adaa fasiri kara taas!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inta aqri.

 

Aah, iska dhaaf, aan soo guuriyo iyada dhan shactiradaas.

----------

 

Xariifkoo kalaa turjumaan ahaa. Dhaqtar uu u turjumi jirey. Maalintoo aa habar xanuunsan u imaatay. Saan ay ku dhahday kii turjumaayi, "Maandoow, u sheeg in waraaboow igu dhacayee."

 

Xariifkii aa soo booday, translating for the doctor, "She said she was bitten by a hyena." That can roughly translated back in Afsoomaali as "Waxee i leedahay waxaa i qaniiney dhurwaa." :eek:

 

Duqdii 21 cirbadood oo loogu tala galay dadka qaniino eyga qabo cudurka raabiyada aa jirkeeda eber loogu dhigay. Maskiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

I know where this story happened ,,,, and i know someone who was involved in it

 

 

It is a true story but lil bit different from this you posted ,,,,, ??

lols was that true oy how different was that?/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

I was about to tell ya this guy somali guy ooo english aqoon gurigiisa baran bar ka gashey so i decided in aan qeeybta joke ku qoro instead

It it really funny so check that post hadaa rabti manta in qax qax dhahdi smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Ismahaan,waa waxa ay u haboon tahay in aadan turjubaan cid u qaban, adigoon u haysan tababarkeeda iyo khibradeeda, arinkan iyo kuwa ka daraniba waa dhacaan marka uu turjubaan noqonayo qof aan aqoon qaabki wax loogu turjimi lahaa, ama aan haysan luuqad ku filan. :D

 

Islaantu waa saxsaneeyd, soomaaligeedina waa Soomaaligii islaamaha, markaa dhibku adiga buu ahaa! smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this