Sign in to follow this  
RedSea

Af soomaali kaliya...

Recommended Posts

RedSea   

waxan idinku salamay salanta Islamka ah, iyo mid kasoo go'day kashka iyo laabta dhamaantiin walalayal.

 

Runtii, waxaa laga yaabaa qaarkiin in ay iswaydiiyaan, sababta aan usoo dhajiyey cinwankan isaga ah?

 

Su'aasha jawaabteedu kaama foga oo waxaan maanta go'aansaday oo aan gaaray fikrad ah in aan af Soomaali waxkasta ku qoro, maanta iyo wixii ka danbays hadii Eebe ka raali ahaado.

 

Waxkasta oo aan soo qoro ama se yidhaahdo waxay noqodonaan kuwo ku qoran Af Soomaali kaliya, intiina fahmaysa wax isbedel ah kuma aha laakin intii anan fahmayna cirka ii fiiriya hada. :D

 

waad mahadsantiin akhriyaasha sharafta leh iyo dhamaan reer SOL.

 

Subax wanagsan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
hodman   

RED waa sidee maxaad dadka aan soomaaliga garanayn ugu jidhxumaynaysaa?

Hadde goor dhow baad is iloobi doontaa ood ku qori doonta afgaale maad ka joogtid? mise balantaasi waxay ku kooban tahay boggan oo qudha?

Ka waran afsoomaaligaas?

Mise waxaad is tidhi dadka intii sijuu iyo qurbo ku dhaqan ah laydhka ku shid? Anoo kalaa ku jiree is jir!!!! :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^Ala hayaay inabti waad ka baxsatay. Adigu intiiba waad iiga horaysaa kawaran cajiib.

 

Kizawihil wataqaan, Somaligaagu waa cajiib, Af ingriiskana hadalkiis daaba. Adigu kuma jirtid dadkaas.

 

Bal Afsawahili haku hadlin, bahalkaas xabad ka garan maayo aan ka ahayn 'leeta kitaa buluusha'...kkk

 

^xataa sida soomalida ayaa loo qosloyaa kawran.kkkkk

 

Mida kale, magacayga 'Red' maahan, waa Badda Cas.

 

Mahadsanid Marwo (Hodman)..kkk

Share this post


Link to post
Share on other sites
hodman   

leta kitambulisho ayaa Somaaliyoo dhan wadnaha ka dagtay :D

lol at Sida soomaalidaan u qoslayaa.

Magacaaga dee Red Sea ayaan la qabsaday ee ka qalee bada cas ma odhan karee :D

waa maxay ololahan af soomaaliga eed wadaa?

Shalay waxaan ka yaabay iskuulka aan dhigto libraryga ayaan ku arkay buugaag gabayo ah oonan ka filayn waanse ku farxay...maryooley walee MN way dageen

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Ma Soomaaliga baa ka aradantahay oo raabtaa in aad ku barato meeshan? Dadka meesha soo gaala inta Soomaaliga fahanta waa yartahay, ee la soco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
JJ_MAHAD   

Qolyaha maamula dood is dhaafsiga aan ka codsano inay abuuran qol soomaali kaliya looga hadlo.

 

Ma is weydiiseen inta aan afgaalaadka aqoon ee fikradahooda aan soo bandhigin?

 

Qol Afsoomaali hala furo

waan u cudeeyey

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Ms. Hodman..kkkkk

 

maalin walba waxay naga qaadi jireen lacag markaan Nairobi joognay. Ala Nairobi iyo Kiniyaba necbiyaa, dadkeeda laakin waa dad gobah.

 

Farax Nuur, miyaanad xasuusan, wuxuu Somali TV ka akhriyi jiray buugaag somali ah, markaa Minnesota waxay noqotay qaxootiland....kkkk

 

Dabshid, maandhow, miyaan kuula hadal eekay nin Afkiisii hooyo ka aradan yahay? adigu bal is waydii, sida aan udaadinayo miyaanad arkeen, kabax hada, shuba hada. kkkk

 

JJ Mahad, waa fikrad aad u wanaagsan, waana kugu raacsanahay.

 

halkaa ka siiwada, bisiadihii baan caana sinayaa.kkkkk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Poster, waad qafiiftay ayaan umaleynaa. Who cares what language aad wax ku qoreysid hadda kadib?

I don't want to have to find lame threads such as this anymore, so don't let it happen again.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^Poster? kaalay xataa magacaygii yaraa ee aan soo samaystay oo aan islahaa halagugu garto waxaad ka dooratay in aad iigu wacdo 'poster' oo macnaheede yahay, isla markaana adoo iska diidan in aad iigu yeedho magacayga.

 

Dumaashi mahalkaasay kaa gaadhay nacaybka aad ii qabtaa. Miyaanad ogayn in aad dumaashi kuu ahay? hadaanad hore u ogayn hada baro. Markan waa lagu cafinayaa laakin marka danbi waa inaad itidhahdo mudane bada cas. smile.gif

 

 

hadii aan hoos udhaadhaco, waxaan ku odhan lahaa lugaha yar kala bixiso, kabaha dacaskaana iska bixi amaba se jacuuzi da yar dhex seexo, shamac shido, laydhakana iska dami, koob sharaba oo nooca aad ka heshona agtaada dhigo, quraan ku tuuro amaba se Music noocaad jeceshay hadii uu yahay R & B/ POP, Somali, kabacdi nabiga kusali. markaad intaa sameeyso igu soo laaba, hadal macana idheh dumaashi. smile.gif

 

Waad mahadsantay. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar niyow horta waa fikrad fiican kow dheh ,,, dad badan waxay ku dhiiri gelinaysaa inay afsoomaaliga bartaan, akhriyaan amaba qoraanba laakiin waxaad ogaataa inta qoraaladaada akhriyaysaa inay aad u yaraanayso oo marka magacaaga la arko dhanka kele la isaga jeesanayo :D

 

 

meel afsoomaali keliya lagaga hadlaa way jirtaa SOL waana meesha loo yaqaan DOOD WADAAG ,,,, halkaasaad ku jimicsan kartaa hadaad u baahan tahay ,,,

 

 

Waxaan kugula talin lahaa inaad magacana bedesho oo aad BADDA CAS la baxdo ,,,, :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Jacaylbaro:

Waxaan kugula talin lahaa inaad magacana bedesho oo aad BADDA CAS la baxdo

Muj. Red Sea, I would advise you to stick to whatever nickname you like to call yourself. Nothing is wrong with the one you got now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
EboniQue   

Yarka bada casi wuxuu kala saarayaa somaalida saxda ah iyo Somaali iku sheega ayaan umaleynayaa :D

 

Wuu saxan yahay. La iskuma jiree Juun baanu nahey smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Badda Cass, iska waran ninyow? Wadanki wali miyaad tageysa bisha July saxib? Igu so war celi bal.

 

Ha socoto!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this