Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Erayadii dhumay

Recommended Posts

Salaan...

 

Buug waxaan in dhawaan hayaa sheekooyinkii hore ku qoran, oo dib loo daabacay sanadkii hore.

 

Buugga waxaa la yiraahdaa Murti iyo Sheeko oo ka buuxo ereyadii la isticmaali jiray qarniyadii hore oo Soomaaliga ka suullay.

 

Marka cashar ahaan ayaan inta iskugu soo guurinaa, ee isku dey inaad fasirtid intaan aniga fasirin.

 

Ganan

Farma'

Ceesaan

Faranfar

Aleel

 

Casharka intaas uu joogaa caawa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ceesaan: Ri ugub oo aan weli curan

 

Faranfar: Bahal yar oo caanaleyda ka mid ah oo godadka ku nool; wuxuu lee yahay indho iyo dhego aad u yaryar oo aan ishu fudayd u qaban karin; labo cagood oo hore oo serfo la moodo, gafuur yuuban iyo dhogor jilicsan; wuxuu ku nol yahay oo cunaa cayayaanka; kol kuu god qodanayo, dibaddaa lagu arkaa ciidda uu kor u soo tuur tuura hayo.

 

 

Aleel: Bocoosha iyo tammaanka jaad ka mid ah oo aan waaweyneyn; bacool; tammaan; laji; cangaleel.

 

 

sxb intaan lee kasaa, let's have more....

 

 

Go figure:.........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Babababa...Wiilo ileen waaba qatar iyo nus. Noo sheeg walaashiis, meel aa kasoo dhiitisay. Xataa ereyada waa isku dhaw yihiin buuggaan ku qoran iyo kuwaaga, LoL.

 

Ceesaan = Riyaha aan wali curan [saa sheegtay waaye]

 

Faranfar = Bahal wax qaniina oo aan weyneyn oo dub dadle ah, oo foolal kore u dhaadheer oo soo godan leh, dhulkana godad ka qota [saa sheegtay waaye hadana, qatari cadiim]

 

Aleel = Bacoosha yaryar oo cadcad oo haweenku dhiilaha suumankooda ku qurxiyaan [laakiin bacooshana maxee ahayd? suumanna maxaa la dhahaa?]

 

Ganan = Qof aad u ordaayo, aad u cararaayo, aad u rooraayo

 

Farma = Boodid dhiillo keentay iyo orod

_______________

 

Casharka maanta.

 

Rimmey

Qurbac

Faqa

Fiidda

_______________

 

Abaadir, abaaba, wax baro ama wax na bar. Hadii kale leerta nasii waraa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

^^^marka hore..micneheed BACOOSHA????

ceesan waan garan iyo farnfar. inta kale allaha og'

 

Qurbac (excuse my slang somali: waa wiil hada soo kace'oo weli guursan) smile.gif shabaab camal.

 

QASAB -Sugarcane.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^ :D Duufaantii Katrina see kuu kala xoortay beri samaadkii, ma hadaa soo noolaatay?

 

Maandheey: Qurbac, waa Lo'da wiilka ah.

 

Fiidda = caarad-da? (like the peak of something?)

 

Rimmey = waa/wuu uur-eystay/satay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

^lol. Ma ila aragtey gabadh, ishii aragtaba Raula. Xitaa dadka salaami meyso oo ma oraneyso waan noolahey... ;) @both of you and big salaams!

 

:D @wuu uureystey, inaba caadi maha. In what planet do male species get impregnated toloow, LOL.

 

MMA, xaajiyoow waxaa ii sawiran adoo kaligaa meel fadhiya oo gacmaha dhabanada ku haya oo guraya: tol-la'ayeey, tol-la'ayeey, afkeenii hooyo lun, Eebow sabr iyo imaan naga sii :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^ Ma adigii baa qoftan dariiqyada iska ag mar-mari jiray? Gabdhahan & magac bad badal baan isku nacay :D ! Haneefaay, eedooyinkaa hablihii xaggaa iyo dhulkii fadhiyay, baan tahniyad & taar kaaga wadaa e' ila soo xiriir asap. Waad garan meel la iga helo, sooma'aha? ;)

 

The word Rimmey is a masculine itself. Lama oran karo " Way Rimmey" Laakini "Wuu Rimmey" sounds just about right! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

W/salaam wr wb. Horta raali ahaada TYJ and Haneefa. wale inaan idin garaneynin yac! bal horta kuweed ahaydeen(pardon me, w/all the name changes..i dont know who is who..hence the confusion).

 

oh by the way i remembered:

 

Qurbac-geelka wiilka ah icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

I just happened to remember Abraar(haneefah)..mandhay salaan hal iyo nus iga gudoon noh icon_razz.gif caku iyo menopause :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa salaamantihiin aqiyaartiin.

 

Xaniifa adiga mar walba noo ganbo. [Waa ku ogaa, laakiin inaa ku qarxiyo ma rabin nooh. :D ]

 

Bishaarana waxee tiri 'rimmey' micnaheeda waxaa waaye wax uureystay.

 

Rawlana 'qurbac' waxee ku sheegtay geelka wiilkiisa.

 

Sharaxdiina saas uguma dheeraa fasiraada buugga ku qoran, oo qatar aaba tihiin. Rawla gaal ee raaci jirtay laakiin Bishaaro aa iga yaabisay oo mooday iska ciyaal magaal.

 

Jawaabta:

 

Rimmey = Neef dhalaya oo aan soo sed dhaweyn[Koleey see u sharaxday walaasheen ayee u eg tahay, oo neef markaas uur qaaday.]

Qurbac = Rati habartii ku irmaan [saa u qaatay waxaan u maleyaa in laga wado geelka wiilka aan wali qaangaarin, waana see walaasheen kale sheegtay.]

Faqa = Hadalka hoos la iskugu sheego; hadal af dhag u saarida

Fiidda = Fiinta [Waa see sheegtay walaasheen.]

 

Casharka maanta:

 

Heyjad

Sibraar

Nayaayiro

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

L0L @ iska cayaal magaal. Haddii ayada geel baadiye ku raaci jirtay, anna magaaladaan dooro ku raaci jiray. Waa isla meeshii jin jin waaye, noh? :D

 

 

PS: Casharka caawa looma gali karo. Geel & Dooro waa dhaafsiisan yahay, kuwii maska gacanta ku qaban jiray aa fasiri karaan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bishaaro, ereyadii Soomaalida hore yaab waaye runtii, laakiin jiilka anaga jiro qarnigaan ayaa ku dheelnay, xataa anagoo heysano fursada ugu qaalisan ee qorida. Awooweyaasheen iyagoo af Soomaaliga qorin ayee wali hayeen, oo xafideen.

 

Aan usoo jeesto micneynta casharkii hore.

 

Heyjad = Meel; dhinac dad iyo duunyo lagu hubin

Sibraar = Xab yar oo aalaa caanaha lagu qaato

Nayaayiro = Yididdiilo, rajo

______________

 

Casharkeena maanta:

 

Macaluul

Ebidey

Xeesha

Tabta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

^khatar cadeem baad tahay ma istidhi :D

 

Anu koleey iskumaba dayayo erayadaas saa maskaxdeyda, maskiin, uma baahna anymore exercise maalmahan. But it's interesting too see how the words revolve around the nomadic ways of life.

 

Originally posted by Tyjwania:

^ Ma adigii baa qoftan dariiqyada iska ag mar-mari jiray? Gabdhahan & magac bad badal baan isku nacay
:D
! Haneefaay, eedooyinkaa hablihii xaggaa iyo dhulkii fadhiyay, baan tahniyad & taar kaaga wadaa e' ila soo xiriir asap. Waad garan meel la iga helo, sooma'aha?
;)

Adaaba war haya, eedoynkey i jecelaa, igu taabaan ku idhi tahniyada iyo taarka :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Casharkeena maanta:

 

Macaluul

Ebidey

Xeesha

Tabta

 

 

Macaluul = Gaajo, hunger, starvation

Ebidey = inflicted - i gaarsiiyay

Tabta = xeelad ama trick,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this