Sign in to follow this  
Wiilo

Kaalay Ila Dood

Recommended Posts

Wiilo   

Wiilo oo leh kaalay ila dood, waxaan filayaa inaanay la arag wali. Balse sabab ayaa jirta

 

Marka hore waad mahadsantihiin, intii ka qeyb qaadata. Marka xiga wax layiraahdo aflagaado fadlan haku soo qorin, qof gooni ahna ha magacaabin balse waxii aad jeceshahay ee aad isleedahay way mudantahay in laga doodo soo siidaa. I'm sick to my stomach, and fed up with what is going on around the world, particularly Somalia, Muqdisho.....

 

 

Topic-yada aan rabo inaan ka doodo ama aan helo qof aragtidayda igu qilaafsan ee doonayana inuu ka doodo si nidaamsan isla markaana dooda dhiraandhirinaya ilaa aan meel ka saarno fadlan soo dhawow.

 

A) Topic:

 

Somalia:

 

Waxaa lagaga dhawaaqay urur la dagaalama argagixisada. Kow, waxaa is waydiin mudan yaa argagixiso ah, yaase la dagaalamaya. Aniga waxaan aaminsanahay inay argagixisodu ay yihiin ragga hubeysan ama loo yaqaan "Warlords" iyo dadka ugu hiiliyo isku reer ayaan nahay. Soo daa doodaada anigoo mahadsan.

 

B) Topic:

 

World:

 

Cartoon-nadii la soo daabacay, Waa ayaan darro ah inay dad ku dhitaan, ha loo dhinto diinta difaaceeda ma diidani. Maxaa kaga aadan Caalamul Islaam? Inay si nabadgalyo ay oga hortagaan arintan, isla markaana la soo saaro(wuu jiraan of course)sharci ilaayiya diinta isla markaan qofkii ku xadgudbo diinta abaalkiisa la mariyo. Waad ogtihiin ninkii inkiray xasuuqiddii yahuuda loo geystay in laku xukumay sadax sano oo xarig ah. Soo daa doodaada ama aragtidaada adigoo mahadsan.

 

Way sii soconaysaa doodan............

 

 

Go figure:.............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Somalia:

 

Waxaa lagaga dhawaaqay urur la dagaalama argagixisada. Kow, waxaa is waydiin mudan yaa argagixiso ah, yaase la dagaalamaya. Aniga waxaan aaminsanahay inay argagixisodu ay yihiin ragga hubeysan ama loo yaqaan "Warlords" iyo dadka ugu hiiliyo isku reer ayaan nahay. Soo daa doodaada anigoo mahadsan.

Walaal Wiilo horta yaa ku dhawaqay ururka, nimanka ku dhawayse miyay kugu socon waxa ay ku dhawaqeen, aniga "valid" iima aha wax kasta oo ay sheegan, caruurta iyo mataata bay haday doonan u iib gayn wadama shisheesheye, wax ay qadarinyaana majiraan, Waxa dhowaan imaraadka ka baxay sheek masajidada ka mid ah Imaam ka ah, laba cisho markuu joogay Mogadishu aya Ethiopia loo dhiibay, arinkani Somaalida halka jooga aad bay u dhibtay, ugana fajacisay.

 

Waxaas oo dhan ka dib, waxaa iyana la iska indha tiri karin, in wadanka joogan aragaxiso, naxariis daran, xasuuq sameeya, sida qarnixta shaneemooyinka, in ay yihiin Takfiirna waa suurta gal, Ku qaraabta magaca Islaamka, danyarta been u sheegta, iyaga oo ka faaidaysanaya sida dadkeena muslimiinta ah ugu fur furan yihiin difaaca diinta,Nimankani wax kastoo nimanku "WarLords" ku sameeyeena wax ka daran ka wada wadanka,

 

Markaa aniga waxa argagixiso ii ah, Warlordska, iyo iyo nimanka wadaadada isku sheega, iyana runtii ah another "WarLord".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiilo

Waxaa lagaga dhawaaqay urur la dagaalama argagixisada. Kow, waxaa is waydiin mudan yaa argagixiso ah, yaase la dagaalamaya. Aniga waxaan aaminsanahay inay argagixisodu ay yihiin ragga hubeysan ama loo yaqaan "Warlords" iyo dadka ugu hiiliyo isku reer ayaan nahay. Soo daa doodaada anigoo mahadsan

Urrur wax la yiraahdo meeshaan ma jiraan. Niman argagixiso (warlords) ah ayaaa damacsan in ay America iyo europe lacag kaga qaataan. Waxay lee yihiin (the warlords) alqaciida ayaa laga helay somalia, waxaan isku taxaluujineynaa in aanu xasuuqno dhamaantood.

 

Waddaada xamar jooga (iyagoo iidna shida dooda yareen) baa la damacsan yahay in la gabagabeeyo, si xaqdaro ah ayaa lagu maagay. Doqoniino hadey dheefi leedahay wallee anagaa boqolkiiba boqol wax waliba ku dheefi laheyn.

 

 

Cartoon-nadii la soo daabacay, Waa ayaan darro ah inay dad ku dhitaan, ha loo dhinto diinta difaaceeda ma diidani. Maxaa kaga aadan Caalamul Islaam? Inay si nabadgalyo ay oga hortagaan arintan, isla markaana la soo saaro(wuu jiraan of course)sharci ilaayiya diinta isla markaan qofkii ku xadgudbo diinta abaalkiisa la mariyo. Waad ogtihiin ninkii inkiray xasuuqiddii yahuuda loo geystay in laku xukumay sadax sano oo xarig ah. Soo daa doodaada ama aragtidaada adigoo mahadsan.

 

In kastoo arinkaan sinaba u sahlaneyn, waxay aheyd in islam nations ay midoobaan.Kuna kacaan midnimo ka hortagta soo labo kacleenta arinkaan oo kale, arinkaan ma aysan aheyn in kacdooyinka dhiig keenaan, dad blameless innocent ah ku geeryoodaan.

 

Aduunka xasalooni iyo xisaabtan baa heer lagu gaaraa, labadoba midna maanan muujin hadaanu nahay dad islam ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Ilaah aan idinku dhaarshe...SAAN MAA DAACAD IDINKA AH!!!..

 

waraa Quuq mataqaantiid mise saqiirteeda!!!

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Dabshid.

 

Waxaas oo dhan ka dib, waxaa iyana la iska indha tiri karin, in wadanka joogan aragaxiso, naxariis daran, xasuuq sameeya, sida qarnixta shaneemooyinka,

Walaalkiis aad ayaad ugu mahadsantahay qoraalkiigii, kuna soo dhawow doodan wanaagsan.

 

Haddii aan war yar kaa iraahdo qoraalkaadan kor ku qoran. Runtii ilaa iyo hadda lamahayo xaqiiqatan inay wadankii ay joogaan rag argagixiso ah, lamana oran karo ragga wadaada inay yihiin argagaxiso, haddaba, raggaan leh argagixiso ayaa joogta wadanka waxay leeyihiin ujeedo gaar ayaga u ah isla markaana damacsan inay sidaa ku qaraabtaan. Walaalkiis adigu haddii aad inoo heyso arinkan xaqiiqadeeda waad inoo sheegi kartaa. Mahad sanid.

 

Checkmate.

 

Aduunka xasalooni iyo xisaabtan baa heer lagu gaaraa, labadoba midna maanan muujin hadaanu nahay dad islam ah.

Walaalkiis waan kuugu raacsanahay arintan ayada ah, balse runtu waxay tahay in Caalamul Islaam uusan si xasiloon oga jawaabin arintan, balse, ay oga jawaabayn si aan xasiloonayn, taa oo sababtay dhimasho iyo dhaawacyo.

 

Waxaa nasiib darro noqotay in arintan ay Caalamul Islaam aysan isu keenin oo ay midaynin, waxay ahayd in Islaamka oo idil isu yimaadaan oo ay ka midoobaan arintan iyagoo midaysanna ay jawaab ka bixiyaan.

 

 

Tuujiye, for a second, waxaan damcay inaan tirtiro qoraalkaanga maxaa yeelay ra'yina ka maadan baxsan wax quseeya arintanna maadan oran, marka sxb wax ra'yi ah ku darso ama ha inaga qasin doodan wanaagsan. Mahadsanid.....

 

 

Go figure:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Dood kale:

 

TOPIC:

Somalia:

 

Warar badan ayaa sheegaya in Dowladda Somalia ay heshiis la gashay dowladda Ethopia, heshiiskani oo u ogolaanayo dowladda Ethopia in ay isticmaasho dekedaha Soomaalia:

 

Aragtidayda:

 

Runtii markii aan aqriyay qoraallo fara badan oo sheegaya arintan, aad iyo aad ayaan oga xumaaday. Waxaan dareemay that my government let me down. I was crashed, anyhow, that is just me and my feelings. Ok, haddii ay tahay aniga taladayda ama aan ahaanlahaa member of the this administration waan ka soo hor jeesanlahaa for two reasons for now:

1. Colaada ina dhexmartay Ethopia.

2. Gumaadka ay ku hayaan Dadka Soomaaliyeed.

 

inay lala sameeyo deal of any kind.

 

I can give you planty of reasons to why Ethopia don't deserve any deal.

 

Soo daa doodaada.

 

 

I'm sick of some of our so called Leaders. :mad:

Gooosh............

 

 

Go figure:..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^In abti Salaama ayaan kaa iri marka hore.

 

Teeda xigta laba Mawduuc oo Muhiim ah ayaad soo bandhigtay, Somali iyo Kartoonadii kusoo baxay Jaraa'idada Caalamka.

 

Anoon hadalka badin dood dheerna galin, labada Mawduucba inta yar ee fikirkaaga aad kadhiibatay markii aan arkay waan kugu raacay.

 

Marka hadaan ku iraahdo Mawduucyada iyo fikradahaagaba waxba kama qabo maxaa dood ah oo ina dhexmari kara, wax aan kadoodno majiraan ayay ila tahay!

 

Hadiise aad isiinaysid Jiho, "role" ama "Position" waxa afka qalaad ee Ingiriska ay kudhahaan oo ah in aan noqdo nin lajira ama kajira Mawduuca nahoryaal, Hadaba markaa ayay dood wacan furmi kartaa, Kadibna Cod loo qaadi karaa qofki point fiicnaa ama Aarbitaro haduu jiro siin karaa qofka kuguulaysta dooda in si kamadanbays ah looqaato Fikradiisii.

 

Sidaa ayay doodu kumacaanaan kartaa Xiiso badana kuyeelan kartaa, Cilmi iyo waaya-aragnimana aan kaga heli karnaa, waa hadii is xushmayn iyo kala danbayn jirtaa.

 

Laakiin hadii ay noqoto Sheekho cantarabaqash sida inta badan kasocota Forumkan qaybihiisa kala duwan, wax gunaanad ah ama "Colclusion" la isku waafaqay majiri doonto.

 

 

Tukaale-Taraafiko

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Tukaale sxb way jiraan arimo badan oo laga doodo balse adigu waxaad u egtahay inaadan doodayn in aad ka qaybqaadato arimahan halkan yaala.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

waan wada salaamay dhamaan akhyaarta meesha isugu timid,waxaan jeclaystay inaan kaqaybqaato doodaan muhiimka ah ee ay inoo furtay walaasheen Wiilo.

 

Aniga oo aan meelo kale abaarin hadii aan figradayda kadhiibto mawduucaan ee ah DOWLADDA sOMALIA OO U OGOLAATAY DOWLADDA ETHIOPIA INAY ISTICMAASHO DEKEDAHA SOMALIA?

 

Qofkasta oo Somali ah maanta wuu Kudharagsanyahay Xaalada Somalia kajirta ee kala guurka ah anigu waxaan dhihi lahaa Dowladda Somalia wey kusaxantahay in Dekedeheeda ay u ogolaato dal ajnabi ah ama dalka aad hada adiguba kadhawaajisay,marka aan hadalkaan iraahdo dad badan ayaa wexey isla markaasba lasoo boodayaan ninkani wuu waalanyahay ama Ethiopia ayuu daba udhaqaa iyo waxyaalo noocaas ah ah balse anigu waxaan aaminsanahay in la isticmaalo Siyaasad.

 

Somalia maanta iyada ayaa ubaahan cid taakulaysa oo waxtarta marka waxaan aaminsanahay hadii ay dalalka lajaarka ah kala soocsoocdo oo tiraahdo sidaas marabno ee sidaan ayaan rabnaa dalkaan Ethiopialayiraahdo dalkeena kama ganacsankaraan hadii sidaas lasameeyo dowladeenu mashaqaynayso ayaan aaminsanahay.

 

waa in lasoo dhaweeyaa cid alaale cidii ganacsi karabta Somalia specially inta ay Dowladdeenu awood yeelanayso waxaan aaminsanahay hadii ay Dowladdeenu awood yeelato oo ay markaas Ethiopia udiido inay Dekedaheeda kaganacsato markaas awood ayeeynu leenahay oo dowlad wanaagsan ayaan haysanaa marka waxaan dhihi lahaa hada aynaan wax isku faarfaarin ee si siyaasad ah aan ushaqayno inaga ayaana dalkeena meel gaarsiin karna marka yaan la isku mashquulin Ethiopia ayaa sidaan samaysay ama sidaan tiri war maxaa kaagalay Ethiopia si siyaasad ah uladhaqan kana faa idayso oo caawimo karaadso iyadana ganacsi lasameey dowladda kudhiso.

 

Somalida dhan siyaasad malahan adduunka siyaasad ayaa la isku dhaafay ninkasta wuu ogyahay in ay Ethiopia tahay Cadawgeena laakiin inaan maalinkasta kuhayno Ethiopia waa cadawgeena yaysan Somalia Xiriir lasamayn waqtigeenii sidaas ayuu kudhamaaday ee qofka ama dalka aad u argto cadowgaaga adigoon waxba usheegin ayaa hawshaada lawataa usagana waxaa la iskaga dhigaa inaad xiriir wanaagsan lasamaynaysid marka aad guur gaartitna iyagaanba kugu dhacayn oo aad dowladda xoog leh noqotit.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

Asalaamu calaykum

 

Salaan dabadeed.

 

Arimo badan aa laga hadlay mida aan ra'yi ka dhiiban karo waa tan ku saabsan Dekadaha ay Itoobiya isticmaalayso. Ra'yigeygana waa kan

 

Horta maan maqal mana arag wax cad oo ah in heshiiskaa laga galay dowlada Itoobiya ay dekdaha Soomalia isticmaasho. Taa runteeda iyo beenteeda Alaahu aclam. Haddii ay dhacday oo dadka dhulkaa degan ay raali ka yihiina aniga dhibaato uma arko.

 

Waa run inuu Soomaliya iyo Itoobiya dagaal dhexmaray, maxaa inaan heshiino inoo diiday?

 

Haddii ay dekadaheena isticmaalayaan, inaan canshuur ka qaadano maxaa inoo diiday?

 

Markuu dhaqaalahooda dekadaheena kus xirmo maan intaan Jibuuti iyo Eritrea kaashaneyna kula gor gortano in ay dhulka ay naga heestaan noo soo celiyaan haddii kahalan aan dekada ku cuno qabateeno.

 

Aan ku soo gaba geeyo -- Colaada iyo dirika waxaa ka fiican niyad samida, nabada iyo isla noolaanshaha!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Daandaansi iyo biixi labadiinuba waad mahadsantihiin. Daandaansi runtii ra'yigaada aad soo jeedisay maxuma wayna tahay in dowladda ay ganacsi lasamayso cid al'laale iyo cidii aan ka helayno qarash, maxaa yeelay waxay dowladdu u baahan tahay inay cagaheeda ku istaagto. Taasi waa mid.

 

Biixi adigana sidoo kale ra'yigaada ama aan iraahdee su'aalahaaga ah maxaa inoo diiday inaan lahishiino Ethopia isla markaana aan ganacsi lasamaysanno maxaa inoo diiday ah. Runtii wax ka qaldan arintan ah inaan ganacsi lasamaysanno Ethopia ma jiraan, laakiin hal mid oo muhiim ah ayaa jirta taa oo ah, markii aan adigu tahay nin mas'uul ah oo matalaya ummadda Soomaaliyeed waxaa jira xaq iyo awood marna laguugu leehay marna aad leedahay adiga mas'uulka ah.

 

Mid waa inaad maadaama aad mas'uul tahay waxaad xaq u leedahay in lagu siiyo xuriyad aad howshii laguu doortay aad u qabato adigoo jabinaynin sharciga, midna waa xaqa ay kuugu leeyihiim dadka aad ushaqaysid ama ku doortay ee kuugu aaminay howl qaran. Haddaba, haddii shaqabkii aad mas'uulka u ahayd aysan rabin inay ay wax ku darsadaan Ethopia maxay tahay waxa kale aad adigu raadinaysid. Waa inaad fiirisaa waxa ay shacabka Soomaaliyeed doonayaan iyo waxa ay diidayaan maxaa yeelay taa ayaa ka muhiim san waxa kale oo dhan.

 

Waxaa jooga dadkii ay wiilashoodii oga dhinteyn dagaaladii aan la galnay Ethopia oo xusuusto sidii ay ugu wiil waayeeyn dagaaladaas isla markaana ay rabin in ay wax ku darsadaan dowlad Ethopian ah, ogna cadowtinimada inagala dhexaysa.

Marka waa in dadkaa hadalkoodu laqiimeeyaa lana dhagaystaan iyo waliba inta aan qofna oga dhiman dagaaladaas balse u arka in Ethopia lala heshiiyo ay qaran ahaan dan inoogu jirin.

 

Runtii waan sii wadi karnaa arintan ku saabsan laheshiinta Ethopia iyo faa'iidada ama qasaaraha inooga imaankarto.

 

Waxaan idinka codsanaa inaad soo qortaan waxii aad isleedihiin waan ka doodi karnaa ee quseeya dalkeeda.

 

Runtii aniga markii aan ka fakaro arimaha Soomaaliya iyo dhibaatooyinka ka jiraan runtii meel baa i xanuunta, i guess waa lay oran karaa inaan ahay wadani.

 

Waa inaad abuuraan urur wadani ah here on SOL.

 

Haye yaa igula jira arinkan, ururka magaciisa waxaa layiraahdaa URURKA WADANIYIINTA SOOMAALIYEED . Somali Nationalists.

 

 

Somali Nationalists

 

Who will sign up fo this?

 

 

Go figure:..................

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

Asalaamu 3alaykum

 

Wiilo, waan ku faraxsanahay in aan wax isku raacnay. Taas oo ah in ay dawladu ganacsi la sameyso cid alle iyo cidii ay doonto.

 

 

Mid waa inaad maadaama aad mas'uul tahay waxaad xaq u leedahay in lagu siiyo xuriyad aad howshii laguu doortay aad u qabato adigoo jabinaynin sharciga, midna waa xaqa ay kuugu leeyihiim dadka aad ushaqaysid ama ku doortay ee kuugu aaminay howl qaran.

 

waxa kalana aan isku raacsaneen

 

 

Haddaba, haddii shaqabkii aad mas'uulka u ahayd aysan rabin inay ay wax ku darsadaan Ethopia maxay tahay waxa kale aad adigu raadinaysid.

 

Yaa yiri Soomali Itoobiya wax kuma darsato?

Soomaali iyo Itoobiya waligeed xiriir dhaqaale baa ka dhexeeyay, xitaa markii ay labada dowladood is dirirayeen. Dal aan ganacsi la galno, waxna yaan ku darsanina labo wax oo isla socon kara ma aha.

 

 

Waa inaad fiirisaa waxa ay shacabka Soomaaliyeed doonayaan iyo waxa ay diidayaan maxaa yeelay taa ayaa ka muhiim san waxa kale oo dhan.

 

Soomali maanta maalin ah waxa ugu ween oo ay dooneyso maxeey tahay?

Dawlad ay yeelato maxaa ka ween?

Nabad ay dadkeeda meel alle iyo meesheey Soomaliya ka joogaan helaan maxaa ka ween?

Wax barasho ay dadku helaan maxaa ka ween?

Inta Soomali ka maqan oo uu dad wadan lihi haysto ineey helaan maxaa ka ween?

 

 

Waxaa jooga dadkii ay wiilashoodii oga dhinteyn dagaaladii aan la galnay Ethopia oo xusuusto sidii ay ugu wiil waayeeyn dagaaladaas isla markaana ay rabin in ay wax ku darsadaan dowlad Ethopian ah, ogna cadowtinimada inagala dhexaysa.

 

geeridu waa wax xaq ah, intii dhimatay Allaha u naxariisto, eheladoodadna samar iyo iimaan Allaha ka siiyo. Dawlad Soomaali ah iyo dawlad Itoobiyaan dagaal dhex mara mudo aad iyo aad u fog ayaa laga joogaa. Ilaah waxaan ka baryayaa in xumaanta na dhex taalana uu naga saaro wixii dhacayna inaan isa saamaxno iyo samar ii naga siiyo. Dagaalkaa waxaa ka dambeeyay xad gudub ay dawladii waagaa jirtay ay dad faro badan u geysatay, waxaa ku xigay dagaal ay soomali dhexdeedii isku leysay walina socda. Goormaan ka baxaynaa dagaal iyo ibtiladiisa? Haddaan had iyo goor aar goosasho ku jirno nadab waligeed dhalan meyso, kuwii samarkaa hela Allaha inaka dhigo.

 

 

Marka waa in dadkaa hadalkoodu laqiimeeyaa lana dhagaystaan iyo waliba inta aan qofna oga dhiman dagaaladaas balse u arka in Ethopia lala heshiiyo ay qaran ahaan dan inoogu jirin.

 

Waliigeey ma maqal qof yiraahda waxaan oo kale.

Haddaan heshiis diidno soo dhibaato kale iman mayso? Soo dad kale kuma dhimanayaan? Inta la heshiiyo oo la is raali galiyo maxaa inoo diidan?

 

Runtii waan sii wadi karnaa arintan ku saabsan laheshiinta Ethopia iyo faa'iidada ama qasaaraha inooga imaankarto. Waxaan idinka codsanaa inaad soo qortaan waxii aad isleedihiin waan ka doodi karnaa ee quseeya dalkeeda. Runtii aniga markii aan ka fakaro arimaha Soomaaliya iyo dhibaatooyinka ka jiraan runtii meel baa i xanuunta, i guess waa lay oran karaa inaan ahay wadani. Waa inaad abuuraan urur wadani ah here on SOL. Haye yaa igula jira arinkan, ururka magaciisa waxaa layiraahdaa URURKA WADANIYIINTA SOOMAALIYEED . Somali Nationalists.

 

Urur aad ku jirtid oo dad kula fikir ah ay ku jiraan ilaah ma dhaliyo, haddii uu dhashana Allaha saqiiriyo :D

 

Ps -- Isku day inaad abuurto urur ka dhex dhaliya dadka niyad sami, is faham iyo isla noolaansho. Waa haddaad wadaniyad tahay, haddii kalana macawiis intaad soo xirato STURBUCKS qab qablayaasha jooga ku biir --- Waa kaftan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Urur aad ku jirtid oo dad kula fikir ah ay ku jiraan ilaah ma dhaliyo, haddii uu dhashana Allaha saqiiriyo .

 

 

Sxiib, don't judge the book under it's cover, sxiib ma'ahan inaan intaa kaliya aan aaminsanahay balse, wax yaaba badan oo shacabka Soomaaliyeed ay dani ugu jirto ayaan aaminsanahay, anyways, see waaye, adigaaban rabay inaan kuugu soo daro urur kee :D

 

Go figure:..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiilo....Heshiis Dowlad isku sheegaan(TFG/TNG) or qabqablayaasha lagalaan Itoobiya ama aduunka kale wax dhibaato ah mooyaanee wax khayr kama imaanayo. Dantooda mooyaane mida dadka iyo dalka wax fiiranaya ma jiro. All such deals should be considered viod once a true united Somali goverment takes da reign.

 

N about the urur...count me in...Laakin exactly xuu utaagan yahay....nationalism is such broad term.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

I agree with you on all things that you said sxiib. ururka waa urur wadani ah ee u shaqaynaya dhammaan danaha dalka iyo dadka, base-kiisana waa intaa oo kaliya, it is not base on qabiil ama qolo gaar ah, maa garatay sow maahan... kolka soo dhawaw gacma furan iyo waji farxadi ku dheehantahay smile.gif

 

 

Go figure:...............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this