Sign in to follow this  
Sophist

Qallac Saxaafadeed, Mise Dan Bulsho: Bal Adba?

Recommended Posts

Sophist   

Qallac Saxaafadeed, Mise Dan Bulsho: Bal Adba?

 

Maxamed A Cali

June 24,2005

 

Arar

 

Astaamaha lagu garto dhumucda fikir siyaasadeed ee hogaan ummadeed waxaa ka mid ah garawsi, aqbalaad, iyo u dhega-nuglaan dhalliilaha iyo galdaloolooyinka maamul ee banyaalka ah. Waa beege lagu dhereriyo heerka gahayrnimo, bisayl iyo u debecsanaan ee falceliska bulsho ee ku aadan iimaha madaxda caynaanka u haysa ummadda.

 

Haddii taa la waayo, maamulkaa laguma tilmaami karo mid hayin ah, oo leh moqor hamuun tira bulshada. Waa baaqimo in ay hamuuntirto sidig tu kale ka joogtee aan wabxin ubadkeed

 

Milicsi

 

Maamulka DG Puntland ee ay madaxda ka yihiin M/Weyne Cadde, M/Weyne ku Xigeen Afqudhac iyo Guddoomiye Dalmar waxaa ay u muuqdaan biciid boqnaha laga wareemay, ee inta bangeeriyaad dan biday, oo cidla ciirsila aruntay, maqashii ay ahayd in uu bilo, saq dhexe miray.

 

Wara'ada ugu weyn ee iminka muuqdaa waa dhawris la'aanta sharciga ee hawl-wadeenada dawladda, iyo ixtiraam la'aanta xuquuqda madaniga ah ee danyarta rayadka ah.

 

Amakaag ayaa fajac kaaga daran e, maxaa maamulka ku khasbay in ay qalinlaha maskaxda miciinsaday ee daalacasho-bulsheedka u go'doomay katiinad lala daba joogo, halka baarqabada habeeddu qarisay ee lixlayaasha garbaha ku sitaa ay maalin kasta ku dhebi-dhastaan suuq-magaaleedyada ganacsi ee Puntland, una galaaftaan rayad aad waxba galabsan.

 

Tusaale ahaan, qunbulado gacmeed ayaa lagu warfiyey Bangiga Bosaso. Raxan muqlaysan ayaa dharaar cad u dhacday xabsiga dhexe ee Garowe, iilkana u hoyay maxaabiis maxkamad sug ah bartamaha Garowe. Dhagar qabayaal baarqabo ismood ah ayaa iyana dharaar cad maati ka adeeganaysa suuq ka mid ah Galkacyo saanad oodda uga qaaday. Illaa xilligan la joogo cid loo xiro, maxkamad la soo taago, ama la qisaasaa ha joogtee, cid warkeed haysaa ma jirto.

 

Qalinle ayaa curiyey jil-siyaasadeed oo uu ku cabiray sida uu uga biyadiidsan yahay caynaanka maamul ee xukuumadda M/Weyne Cadde. Si kaftan ah ayaa uu u tibaaxay halka ay isaga la ahayd in ay ka qaloocatay. Cagajuglayn iyo handadaad kadib, xabsiga ayaa loo taxaabay. Madbacaddii iyo tijaaradii ganacsi albaabada ayaa loo laabay, shaqaalihii ka shaqaynayeyna duurka ayay xuleen. Qalinlayaal kale ayaa dhalliilay tayo darida hoggaan ee degmo ka mid ah kuwa maamulka Puntland hoos yimaada. Waa la xiray. Qoraagu dareenka dadweynaha ayaa uu cabiray e, muxuu ku galabsaday in la dulleeyo.

 

Sawirkaa sare maxaa ka qaldan?

 

Waxaa xus mudan in hoggaanka maamul ee DG Puntland ee xilligan ay ku joogaan rag qurbajoog ah oo la filayey in ay qaayibeen milgaha xoriyatul-qawlka (freedom of speech) iyo dawrka saxaafadda (role of media). Tusaale ahaan, M/Weyne Cadde, ku Xigihiisa Afqudhac iyo tiro badan oo ka mid ah Golaha Wasiiradu waa qurbaawiyiin la quud daraynayey in ay magawsadeen dheecaanka xoriyatul-qawl ee wadamada haga afkaarta maamul wadaagga sida Waqooyiga Maraykanka, iyo Europe ee lagu soo laylyey. Nasiib darose waxaa ka muuqata madaxda maamulka damiinimo curyaamin doonta qorshe-hawleedka u deggan afarta sanno ee soo socota.

 

Hindise ahaa in gafafka xukuumadda ay turxaan bixin doonaan Golaha Wakiillada ee sharci dejinta qaabilsan ayaan han laga qabin, sababta oo ah sidii loo unkay Golaha Wakiiladu ma dejin, mana hirgelin hal xeer oo qudha, aan ka ahayn ansixin qorsheyaasha xukuumadda sida golaha wasiirada, miisaaniyad sannadeedka iwm. Golaha Wakiilada ayaa ay ahayd in uu u saaro guddi ka baaraandega, ka doodo, deetana dejiya shuruucda, xudduudda, xeer hooseedyada, qaab-hawleedka, iyo awaamiirta haga hay'adaha warbaahinta.

 

Aan u dego dulucda qormada e, saxaafaddu waa unug ka mid ah hay'adaha madaniga ah ee ummadeed. Ka sokow baahinta warar maalmeedka, dawrka saxaafadda ayaa ah bidhaamin qalooc ka muuqda maarayn hawleed oo la soo darista hay'ad dawli ah, madani ah, ama rayad ah. Waa dhuun qubanuhu ka dhaato, kana daalacdo sida hawl-wadeenada iyo hay'adaha dawliga ahi ay wax u beekhaamiyaan, una maareeyaan.

 

Suxufiga oo u hogaansama anshaxa iyo maamuuska haga saxaafadda, iyo madaxda maamulka oo dhawra dawrka, shuruucda iyo xudduudda hay'adaha warbaahinta ayaa lagu kala badbaadi karaa. Suxufiga dhabta ah mas'uul ayaa ka saaran u dhabbagalka iyo dhab ka sheegidda dhacdo. Maamulka wadaaga ah oo hayin u noqda falaaraha toosinta ah ee saxaafadda, una dulqaata dhalliilaha loo soo jeediyo balse aan muquuno, qallac iyo caburin kula kicin saxaafadda ayaa lagu badbaadi karaa.

 

Dhacdada ugu layaabka lehi waa tasarufka maamulka ee wargayska Al Shacab ee Garowe. Waxaa xus mudan in ka hor intii aan dabrin in tifatiraha wargeysa oo lagu soo oogay af-lagaado M/Weyne dambi lagu waayay, (waa cajiib e - ma Julius Cesar-kii imbiradooriyadii Rome baa), deetana xaakimkii dacwada qaaday uu dacwaddii laalay, daaqaddana ka tuuray - ilayn sharci ma ahayn e. Haddii ay hawlwadeenada M/Weyne Cadde ay ula muuqatay in dambi madani (civil felony) ah oo aflagaado iyo sumcad xumo ay ku soo oogaan tifatiraha (libel and defamation), waa su'aale, maxaa diidaya in iyada oo aan la xirin muwaadinka rayadka ah, xoriyadana aan laga qaadin tifatiraha in qareenka dawladdu, ama Xeer Ilaaliyaha Guud uu dacwad ku soo oogo, deetana xukunka maxkamadeed kadib wixii ciqaab ah ee uu mutayso la mariyo. Maxaa xorriyadda looga qaadayaa muwaadinka? Maxaa loo curyaaminayaa nolol-maalmeedkiisa iyo tan dadka kale ee isaga ku taxaluqa?

 

Miyaanay u kala soocnayn farqiga u dhexeeya dambiga mudan in qofka loo xiro (criminal) iyo kan aanay ahayn in qofka la xiro (civil)? Miyaanay u kala soocnayn dhagar-qabe, sida qof qof dilay, iyo gaf le, sida qof qof caayey?

 

Miyaanayse ogayn in markii dacwadda maxkamaddu laashay, dhibanuhu uu ku soo oogi karay M/Weynaha, xukuumadiisa iyo laanta amniga (police) 3 dacwadood oo kala ah: xarig aan sharci ahayn (unlawful

imprisonment), xorriyad ka qaad (loss of freedom of movement), iyo dakhli seeg (loss of imcome).

 

Waxaa kale oo muuqata in markii maxkamadu laashay dacwadii, in markaa xukuumaddu takoor iyo dabagal ku samayso sharcinimada iyo hawlaha shaqo ee wargayska, deetana lagu soo eedeeyo in aanu mulkiiluhu haysan ruqsad shaqo, canshuurna aanu bixin, sidaa darteed ay tahay in albaabada laysugu dhufto.

 

Maxaa diidaya ka hor inta aan la qallicin dibnaha tifatiraha, aanan la dabrin hawlaha wargeyska, in mulkiilaha lagu wargeliyo in uu dalbado ruqsad hawleed (shati), bixiyo wixii canshuur ah ee ku waajibay ama ku baaqday, sidaana uu wargaysku hawlihiisa ku sii wato, shaqaalihii ka shaqaynayeyna ay sidaa adeega bulsho ku wataan.

 

Haddii shaqaalaha iyo mulkiilaha laga xiray meheradoodii ay jirri u xuubsiibtaan, habeenkiina surimada dadka u fariistaan ilayn mehned kale ma hayaane, yaa taa ka mas'uul ah? Haddii xukuumaddu aanay awoodin in ay shaqooyin curiso, meheradii la furana ay dabarto, waa yaabe sidee horumar lagu gaarayaa?

 

Duluc

 

Damiinimada madaxda maamulka ayaa la oran karaa in ay tahay bu'da bugta ee u baahan in la baxnaaniyo; iyada ayaana ah waadiga ay ka soo fulaan awaamiirta guracan ee illaalada aminga iyo hawl-wadeenada dawladda ay kula kufaan awoodii dawliga ahayd canshuur bixiyayaasha rayadka ah. Halbawlahaan ku goynayaa, waayo waad iga cadhaysiisay waa caqli jahli ah, garowsiiyana ma leh.

 

Damiir xumida hawl-wadeenada maamulka iyo farsamo xumida hay'adaha dawliga ah ayaa horseed u ah dib u dhaca bulsheed. Bidhaamin galdaloolooyinka banyaalka ah ee maaamulku waa moqor mudan in la muudsado, ee ma aha in la gufeeyaa.

 

Karti daridda madaxda maamulka ayaa sabab u tahay ammaanka iyo amniga oo wiiqma. Cabir fikir qofeed ama mid ka tarjumaya dareenka guud ee bulsho khalkhal iyo burbur ma keeno e, horumar ayaa uu horseedaa, dheeftiisana kal kale ayaa laga garawsadaa, - doqonise moog.

 

Biyadhac

 

Sidaa darteed, waxaan soo jeedin lahaa in :

• Saxaafadda qallaca laga daayo,

 

• Hay'adaha warbaahinta la sharciyeeyo, loona dejiyo qawaaniin iyo xudduud hagta,

 

• La dhiirigeliyo saxaafadda xorta ah, lana kobciyo xiriirka u dhexeeya hay'adaha dawladda iyo hay'adaha warbaahinta,

 

• La curiyo fikir wadaag ah oo lammaaneeya unugyada bulshada, una hawlgala maslaxadda ummadda, o La joogteeyo fagaare doodeedyo lagu turxaanbixinayo is-af-garanwaaga, si is faham u yimaado,

 

• Madaxda dawladdu ay dhawraan shuruucda dalka u deggan,

 

• Loo carbiyo hawl-wadeenada dawladdu in ay dhawraan xorriyadda shakhsiga,

 

• La mamnuuco xarig qof aan amniga bulshada iyo ammaanka mandaqadda lid ku ahayn, taas oo maxkamadi xukunto.

 

• Laga dheeraado si xun u isticmaalka awoodda maamulka, silicdilyaynta rayadka, iyo dulmiga bulshada.

Mahadsanidin.

 

 

Maxamed A Cali

gorayocawl@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Qoraaga maqaalkani arrima badan oo muhiim ah ayuu gaashaanka ku dhuftey, inta badan qoraagu wuxuu ka hadley qalinlayaasha xabsiyada loo taxaabey iyagoon waxba galabsan, in bulshada mehradooda albaabada loo xiro iyadoon laga fiirsan khasaaraha ay keeni karto sida shaqaalayaasha oo dakhli la'aan ku dhaco taasoo sabab u noqoneyso in ay surimada dadka u fariistaan xag dhac iyo xag kaleba , wuxuu kaloo aad u taabtey qoraagu nidaam darrada ka jirta hawl-wadeenada maamulka iyo farsamo xumida hay'adaha dawliga ah

 

 

Haddii shaqaalaha iyo mulkiilaha laga xiray meheradoodii ay jirri u xuubsiibtaan,

habeenkiina surimada dadka u fariistaan ilayn mehned kale ma hayaane, yaa taa ka mas'uul ah? Haddii xukuumaddu aanay awoodin in ay shaqooyin curiso, meheradii la furana ay dabarto, waa yaabe sidee horumar lagu gaarayaa?

Dhibaatada weyn ee Soomaaliya heesata waa tan, mana ku koobna DG Puntland, meel kasta ayeyna ka jirtaa Hargeisa illaa Xamar, qalinlayaasha xabsiyada loo taxaabana waa caada soo jireen ah qaarkoodna waaba la dilayba sida aan ku aragney xamar wixii ka dhacey waqti aan fogeyn

 

Damiir xumida hawl-wadeenada maamulka iyo farsamo xumida hay'adaha dawliga ah ayaa horseed u ah dib u dhaca bulsheed. Bidhaamin galdaloolooyinka banyaalka ah ee maaamulku waa moqor mudan in la muudsado, ee ma aha in la gufeeyaa.

nimankan kor ku xussan waxey inta badan u badanyihiin dad qurba ku soo dhammeestey waqtigooda xag waxbarasheed ha noqoto ama xag maamulba, kuwaasoo laga dhigey hormuud aan aqoon u laheyn bulshada iyo maamulkeeda.

 

 

saxaafadoo qallac lagu sameeyey waa bulshadiiyoo la boqna gooyey, marka aragti ahaan aniga, labadaasi wey isla xiriiraan, illeen maamul xumida jirta awgeed ayaa keentey in saxaafada qallac lagu sameeyo oo handadaad iyo cagajugleyn loo geesto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Nuune, inaad Afmaal kutahay Soomaliga waa ey iga qarsoneyd. Halkaas kasii wad qoraalkaaga maadhoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ASalaama calaykum wa raxmah

 

Qallac Saxaafadeed, Mise Dan Bulsho: Bal Adba?

 

Dhibaatada haysata DG puntland iyo qaybaha kale ee deegaanada soomaalidu degto, ee uu tooshka Af-soomaliga falkasan uu ku iftiinshay qalinmaalkanu, dhamaan mayso ilaa dadweynuhu gaaro heer uu la xisaabtamo dadka ay u xilsaarteen maamulwadaaga, kana gudbaan HEBEL IYO REER HEBEL.

Garyaqaan Xabeeb , Dubai

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this