Sign in to follow this  
Paragon

Yuusan Afka Ku Ciilin!

Recommended Posts

anigoo daalayoo lugaynaaya

dayr aan hoos maraaayay

dunuunuc ka baxaayay

dhugo baan isku dirqiyay

saa waa dalkaygii

waa kii aynu daaqaynay

kii aynu dul joognay

oohin buu dunuunucay

 

Waxaan idhi maxaa ku daaray

wuxuu yiri iga dul dhaqaaq

waxaaan u sheegay diiday

wuxuu yiri maad i dayn

waxaan iri warka i deeqsii

wuxuu yiri ku diidaye

kuwii horaan ku daaalaye

maandhow ha i derderine

iska kay yara daa

 

Waxaan iri ku diidaye

waxan illinta kaa daadshay

dabkan kaa baxaayee

indhihii la duugmeen

ilaa aad i deeqsiiso

diiday oo walee kaama tago

 

Wuxuu yiri dareenkayga

aan kuu dacala saareee

dadkanow i dhegeyso

 

dal baa la igu sheegaa

dad baa igu dul nool

duniyi intay jirtay

waxaan ahaa mid dulman

daarihii waa burbureen

dadkii boggaygay ku urureen

dad way i dafireen

qaar way igu dakeeyaan

dhirtii waa la diirtay

macdantii waa la daadshay

karbaash baa i dulyaal

wax dareenkayga jebiyoo

i dilaaya mooyee

dadkii waan ka quustay ,,,

 

 

. . . . . . . . LA SOCO . . . . . . . . . .

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Although somali is my mothertongue-I didn't start utilizing it till ~8yrs ago. Alxamdulilah now Iam able to communicate better. Here is piece I just wrote while exchanging words [with a friend here in SOL]regarding Somali politics. Enjoy.

 

 

Originally posted by raula:

hooy maxaad halagamte

haraad iyo habarnimaadii

hurdo isku diidee

adoo sidii harag harmcad

hagoogsan

hirig hirig iyo habeen madow

hadba hallaag uu hagarbaxdee

halaanhaal iyo heelo

uu heeste

uu hiiliise hoog ogaayaashii

hadhowto baad hogii

hanaadey haa hilmaamin

hoyaanimo iyo haweenimo

uu horseed

uu horkac

hunguriga yuuna kuso hoorin
;)

qabqabla yashaan halaagsan

horyaalnimo iyo horsocosho

midna hubiin

ha isku haraadin huuno
:D

 

 

lights out
**wears her SIJUI jacket and exits Broadway**
:D
distant staccato SOOKAL(r'member this shoes back in somalia)footsteps heard-qac qac dac dac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

War waxaani xaggee ku jireen 2 sano iyo bar ka hor ayaad soo qufteen, berigaasaanba af-soomaaliga ku fiicna ma is tiraahdeen? CARTAN saaxiibkay sannadahaan lama arkin, beribaan LAMMAANAYAASHA af-soomaaliga isu talanteelin jirnay, KAMILA sidoo kale, laftigeygu beryahaan hawlgab baan ahaa, bal qolyaha cusub aan eegno bal waxay keenaan, Jamal 11 iyo aniguba Vietnam War Veterans baan nahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Qaran Dumay iyo Qooymiyadii Soomaaliyeed!

 

 

Qoray baan isla dhacnay oo

Qabiil baan isku laynay

Qarni ina dhaaf Qaarkeenna

Qaxooti ku Qahaaray

Qaran dumay iyo Qaxooti

ku dhammaanay Qaarna

Qaadan waayay Qaran

la’aantu Qorsheeyay

Inay Qaran dhisaan balse

Qahar iyo Qoomamo ka Qaatay

Anigu Quustaye xagee buu

Qabtay Qarangaygii iyo

Qooymiyadii Soomaaliyeed?

Ma Qaxootaan ku Qayaamaysannahay

mise Qoombaa inoo maqan oo

Qaran baynu sugnaa?

 

 

Maxaan Qaran aan aqoon iyo

Qaarado aan u dhalan

Qaxooti ku ahaa maxayse

Qaarado kala duran

Quud iigu deeqeen

Qahar baan soomaroo

Qarannimo macaankeyd

Qadariyay oo Qiimeeyay

Anigu Quustaye xagee buu

Qabtay Qarangaygii iyo

Qooymiyadii Soomaaliyeed?

 

 

Waan isku dayay uun :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

J'baro u thinks so?,,,,,Ma fahantahay macnaha ama macne makuu samaysay sxb,,,,,,,I was just trying to be creative,,of course waxa hadda dalka ka dhacaya way idhibaan marka i was trying to express my feelings na'mean :D

 

Go figure:.....................

Share this post


Link to post
Share on other sites

Of course ,,,,, haa waa la fahmayaa waana ku fiican yahay qof bilow ah ,,,

 

ha wer werin just keep tryin' ,,, gabar gabayaa ah baad noqon doontaa ,,,, :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

No encouragement at all huh :confused: idhaaf yaaqee Soomaaliyoo dhan waa isku wada mid haddii aad dadaasho oo aad wax fiican samayso maku dhahayaan "Good job" wax fiican baad samaysay :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maya maya at all ,,, ha deg degin ,, i'm sure you'll be fine ,,,, just keep tryin' ,, u can't be on the star in one day or so ,,,,

 

Adiga dadaal uun baan kugu ogahaye iska dadaal hubaashii mar aan fogayn baad 100% noqonaysaa ,,, xoogaa samir ah uun baa loo baahan yahay ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this