Sign in to follow this  
Paragon

Cirroolleyda Qurbeysan (warning: for elders only)

Recommended Posts

Waxaanu ahayn tiro odayaal ah oo dooyaysan guriga hortiisa oo ay goglan tahay dermo markaas loogu talagalay odayaasha xaafadu inay ku afuraan. Tusbaxaa qacdaa hayay oo dhegta waxa markaasuun lagu hayay eedaanka oo markaasuun la filayay. Halkan waxa ka muuqda ugu yaraan 3 falaash oo shaah caano geel lagu cadeeyay iyo falaas kele oo wayn oo qashar ah.

 

Intaa waxa dheer urta saambuusaha oo ahaa mid aan loo adkaysan karin calooshana ka dhigayay mid cod kala duduwani ka yeedhayo oo aad marmarka qaar moodaba inay leedahay "saambuuse i siiya".

 

Cirku wuu madoobaa oo daruur baa gees ka gees qarisay waxaana la filayay roob inuu da'o waxaanse la hubin goorma.

 

 

.................. La soco

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Sambuuska uraayo iyo cirka roobka soo wado odayaasha sugaayo maxaa waaye xaaji?

 

Cirroolleydaaba ka dhabeyseen miyaa sheekada, maskax ma jirto oolyada iyo biyahaa leesku daray camal.

 

....soo wad sheekada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Haddii la yaabo Paragon ha loo yeero. Salbalaarta yeyan idin qabsan, raggoow.

 

Horta raggow, silsiladani waxa aan jeclaystey in ay noqoto goob ragga inta madaxa booseystey ee da'da ah isku nabdaadiyaan, oo ay, wixii wariyo wacaale ah isaga wareystaan. Damacna igama hayo inaan xaajo-odayeed dumari u xambaarshoo, waayo in dhoweydba, ma aanan macaansan gunuunacca, guraabaaska iyo far-fiiqoodan siyaadey.

 

Marka, akhyaareey, illeen in la is wareysto ma xumee, sideey xaajadu idiin la muuqataa? Sideydaa oo kale - dhakafaar ma idinka heley nolol-maalmeedkan xaadirka ah? Maxaase tallood usoo jeedin lahaydeen Somalinimadan aafeysan?

 

Wallee anigu yaabbane ayaan ahay

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

war heedhahaya..haye..yaa kusoo hare beesha. MMA iyo qaarumahiisina marbeey ka dhaceen Africa iyo geeska..Paragon..tolow ma hawo qaboow baa soo marte? mandhow bal xamurka nasoo gaarsii..(xammur/xamur..miro dhanaan beey ahayeen..koleytaba anigu hadaan reer gedood ahay, not sure what they resemble in other parts of somalia).

 

I was just listening to Maryan Mursal's heesaheedi qaaliga aha...taanu an ka helo..badan waa sida la'iskugu daadinaayo..heesta "ha i deyrin caawa" (not sure who the guy is..maybe salaad derbi?..). as the he says

 

 

Dumar amiinkoodaba lai’gala dardarmoo

Dibindabyadooda lox laigu duugee

Taariq digeeysan kuhayaa dugaage

Nin dartiin uu hoydaba cilmi baa uu dambeyee

Dan kalaad uu jedaaye, daydayoo asagaa (asagee)

 

ayadaana (maskiinta) ayaa kuhayso..."ha i deyrin caawe/caawa, dani igu sheekee" (caku..rag iyo rogrogashadoodu...badanaa!)

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Heestaad qortay waa heesta oromo qaado tan ugu fiican,,, kiding

maryan mursal ma'ahayn baan filayaa waa cawrala iyo cigaal shiidaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

i was saying the song is very beautiful and when i hear my heart shake tender of the love and the singer was cawrala and cigaal shidaad.

nice song thanks for shering

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this