Sign in to follow this  
Samafal

Aqoon kororsi !!! Ama kadis

Recommended Posts

Samafal   

salaam ,

 

''waa kadise kaalaya

aqoontiina korosada

kadis waa waxbarashee kaalaya....

......''

 

eryadaas iyo eroyo badan oo kale waxay kamid ahaayeen kuwa ku caanbaxey barnaamijkii sanadla ahaa hadii aanan khaldaneyn ee looga bartay televisionkii soomaliya intiina xassuusata , wixii ka horeeyey dagaalkii sokeeye ee dalkeena.

 

gaaar ahaan anigu waxaan ahaa nin aad u xiiseeya barmijkaas inkastoo aan ahaa nin aad u da,yar dhigtana iskuulka dhexe ee Janaraal Daud. marar badan ayaa uu ku guleystey jeneral Daud hoose dhexe iyo saraba kadiska waxbashada dugsiyada soomaliyeed.

 

markii ugu danbeysey dhamaadkii 1990 ayaa nasiib u yeeshay inaan ka midnoqdo dadweynihii faraha badnaa ee istuudyaha koobjooga ka ahaa anigoo lasocda adeerkey. waxaana aad ugu hanweynaa inaan maalin maalmaha kamid ah noqdo ardeyda utartanta kadiska, laakiin nasiib xumo kuma aanan guuleysan riyadeydaas. islamrakina waxaa dhacey dagaalkii sokeey ee soomaliya.

 

hadal badani haan ma buuxshee waxaan jeclaan lahaa anigoo ka ambaqaadeyna kadikaas dugsiyada somaliyeed inaan halkaan aan isweydaarsano aqoon guud iyo midd gaar ahaanba, aana si xujo ahhaan ah isku weydiino su, aalo dabadeedna qofkii yaqaan uu kajawaabo islamrkaana isna uu su,aalaha dadka weydiiyo Aqoon kororsi !!! Ama kadis .

 

waxaan filayaa inaad arintan wada jeclaan doontaa!!!!!

 

bal anigu aan bilaabo:

 

1. Ma sheegi kartaa buurta afrika ugu dheer?

2. masheegi kartaa iyana buurta adunnka ugu dheer?

3. goorma ayeey soomaliya xoriyada qaadatey (south iyo north)

4. Ma sheegi kartaa naynaastii ama kunyadii nabi mohamed (SAW)

 

intaas ha noqoto biloow waxaan filayaa inaad su,aalahaas iyo kuwa ka ad-adag heysaan akhyaareey ee aan kala faaiideysano.

 

N.B waaa ku qori kartaa ingiriis hadii aadan qori karin soomali, laakiin waxaan jeclaan lahaa inuu barnaamijkani noqdo guud ahaanba soomali maa-daama aan inta badan forumka iskula hadalno ingiriis.

 

waa idinkaas

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

guys maxaa idinku dhacey qofwalba waxbuu hayaaye aan kala faaideysano, oo su,aalo iyo jawaababa halasoo qoro.

 

nabadeey

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

salaam

aan isku dayo horta icon_razz.gif ,

buurta ugu dheer africa waxaan u malaynayaa inay tahay kalimanjaro.

buurta ugu dheer aduunkana waxa weeye Mt. Everest, waxayna ku taalaa xuduudka u dhexeeya Nepal iyo Tibet, China.

naynaastii nabi muxamad(SCW) waxay ahayd al_amiin.

waqooyi wuxuu xoriyada qaatay 26/jun/1960, koonfurna 1/julay/1960.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thunder   

Kadisku macnihiisu waxaa xiiso galin jiray habka su'aalaha loo soo bandhigo, iyadoon waqti badan uun ka soo wareegsana jawaab la keeni jiray. Iminka kadis internetka xiiso kuma laha, sababtoo ah intaad Google tagtaad jawaabah soo heli kartaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this