Sign in to follow this  
Suldaanka

Mistreated deportees welcomed to Somaliland

Recommended Posts

Arbaco, 04 April 2007(HOL): Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa looga mahadceliyay martigelin ay u sameysay dad Sacuudiga laga soo tarxiilay oo diyaaradda Jubba Airways ay u suutageli weysay in ay Magaalada Muqdisho ku dejiso.

 

Muuse Culusow oo ka mid ahaa Rakaabkii diyaaraddaas saarnaa oo la soo xiriiray HOL ayaa sheegay in ay Xukuumadda Somaliland wax weyn u qabatay Rakaab uu ka mid ahaa oo saarnaa Diyaaradda Jubba Airways, kuwaasi oo loo diiday sida uu yiri in ay ku degaan Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Muuse waxaa uu sheegay in markii ay Diyaaradda Jubba Airways ay ku degtay Magaalada Gaalkacyo shalay subaxnimadii la kala saaray rakaabkii diyaaradda saarnaa, kadibna loo ogolaaday intii ku abtirsaneyday deegaanada Puntland in ay degaan, intii kale ee ku abtirsaneysay beelaha kale ee Soomaaliyeedna loo diiday in aysan diyaaradda ka soo degin.

 

Kadib waxaa uu sheegay Muuse in diyaaraddii ay la aaday dhinaca Magaalada Hargeysa bacdamaa aysan ku degi karin Magaalada Muqdisho sabab la xiriirta dagaallada ka jira. Muddo markii ay diyaaraddii dul meereysaneysay hawada Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ugu dambeyntii suurtagashay in diyaaraddii loo ogolaado in ay ku degto garoonka diyaaradaha Hargeysa.

 

 

“Haddii aysan Mas’uuliyiintii Somaliland noo ogolaan lahayn in ay diyaaradda ku degto Hargeysa nafteena halis ayay ku jirtay, waayo diyaaradda shidaalka ayaa ka dhamaan rabay”ayuu yiri Muuse Culusow oo intaas ku daray in ay si weyn ugu mahadcelinayaan Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo isagu lahaa amarka in ay diyaaraddaas ku degto magaalada Hargeysa iyo weliba shacabka Somaliland oo si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa.

 

Rakaabkan oo tiradoodu dhameyd 120 ruux ayaa dhamaantood laga soo tarxiilay Dalka Boqortooyada Sacuudiga, wuxuuna qorshuhu ahaa in lagu dejiyo magaalada Muqdisho, hayaeeshee taasi ma aysan suurtagelin sabab la xiriirta in aysan hagaagsaneyn xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^I guess they were a threat to the peace of Ethiopian base in Gaalkacyo as potato captain & nuxurlaawe would put it.

 

Seriously, what's going on with PL? Are they not even in control of the city itself?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Odayaasha Beesha ****** qoraal ka soo saaray dhalinyaro laga kala heyb soocay Puntland.

Click here to find shabelle news in english

 

Mogadishu 04, April.07 ( Sh.M.Network) Odayaasha beelaha ****** ayaa qoraal cambaareyn ah ka soo saaray maanta dhalinyaro laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga oo sida ay sheegeen lagu kala heyb soocay garoon ku yaala magaalada Galkacyo oo shalay halkaasi ay ku dajisay Diyaarad ka keentay dalka Sacuudiga.

 

Baaqa Odayaasha Beesha ******.

 

Ka dib shir ay yeesheen maanta oo taariikhdu tahay 4-4-07 da odayaasha beesha ****** ayaa waxa ay soo saareen baaq ka kooban 6 qodob.

 

Odayaasha Beesha ****** waxa ay si cad u cambaareynayaan falkii foosha xumaa ee jinsi kala sooca ahaa laguna sameeyay dadkii Somalida ahaa ee laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga, kuwaasi oo saarnaa diyaarad ku dagatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo shalay oo taariikhu aheyd 3-4-07. Dadkii diyaaraddaasi saarnaa ayaa loo diiday in ay ka soo dagaan diyaaradda marka laga reebo dadka u dhashay gobolada W/bari, ka dibna u duulay gobolada waqooyi bari Somalia (Somaliland).

 

 

Odayaasha dhaqanka ee beelaha W/bari waxaan u soo jeedineynaa in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan falkaasi foosha xun ee uu ku kacay maamulka deegaankooda, kaas oo horseedi kara dhaqan xumo cusub oo dhex marta dadka iyo shacabka walaalaha ah ee Somaliyeed, dhibna u keenaya isku socodka dadweynaha.

 

 

Waxay aaminsan yihiin odayaasha Beesha ****** in Jinsi kala soocaan uu ka dambeeyo C/laahi Yuusuf, lana xiriiro dhacdooyinka ka socda magaalada Muqdisho, maadaama uusan waxba ka qaban falkaasi foosha xun, kana hadlin ilaa iyo haatan isagoo sheeganaya Madaxweynaha Somalia.

 

 

Odayaasha Beesha ****** waxa ay mahad balaaran u jeedinayaan maamulka iyo shacabka Somaliland sida qadarinta leh ee ay u soo dhaweeyeen walaalahooda Somaliyeed.

 

 

Waxaan ka soo horjeednaa xiritaanka ula kaca ah ee aan geed loogu soo gamban Ilaha dhaqalaha gobolada koonfureed sida dekedda iyo garoonka Muqdisho oo lagu soo rogay canshuuro xad dhaaf ah oo aan laga qaadin dalka intiisa kale, taasoo sababtay sicir barar daran.

 

 

Odayaasha Beesha ****** waxa ay ugu baaqayaan beesha caalamka in ay fiiro gooni ah u yeesheen heshiiska xabad joojinta ah ee dhex maray odayaasha Beesha ****** oo ciidamada dowladda Ethiopia, heshiiskaasi oo ay inkirtay dowladda KMG ah kuna heyso qulqulatooyin si ay u burburto xabadjoojinta.

Baaqa odayaasha Beelaha ****** ayaa ka dambeeyay ka dib markii shalay maamulka Puntland uu dib ugu celiyay shalay ilaa 120 dhalinyaro ah, iyadoo diyaaradii siday ay ka dajisay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Somaliland.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Puntland does not want terrorist coming to their land.

So collectively a certain clan=terorists? Sad indeed, when clique of people in that unfortunate part of the world, stops at nothing in order to exploit on situations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

how can they be in Somaliland when they are in detention in puntland? Also, Somaliland starter deporting southerners long ago when those teachers were killed, doubt they would welcome them now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ebyan   

This isn't the first time this has happened. Correct me if I'm wrong, but the U.S. tried to deport a native of Puntland to Bosaso and the authorities refused to allow them in.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland caring for the south, raising money for Mogadishu civilians, hating their Ethiopian allies.

 

Amazing development and one that points to the success of the TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

This isn't the first time this has happened. Correct me if I'm wrong, but the U.S. tried to deport a native of Puntland to Bosaso and the authorities refused to allow them in.

 

I'll suggest that you read the news article carefully. those believed to be of puntland decent were allowed inn, while those of non puntland decent somalis were prohibited entry.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Somaliland caring for the south, raising money for Mogadishu civilians, hating their Ethiopian allies.

 

Amazing development and one that points to the success of the TFG.

 

:D:D so GD thats one of your toolkits to measure TFG success . Must be a desparte one.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ebyan   

Undocumented people can not be allowed entry into Puntland. It doesn't matter if they are ethnically Puntlanders or not. Puntland isn't a dumping ground.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this